Sign in to follow this  
Qandalawi

Recep Tayyip Erdoğan to arrive Garowe, Puntland

Recommended Posts

Ra’iisul wasaaraha Turkiga oo Puntland imaan doona

 

Updated:- 8 hours ago| 15 Commnets

 

Wefdi heer sare ah oo ka socda dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa inay bilaha soo fool leh yimaadaan magaala madaxda Puntland ee Garoowe.

 

Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkolo) oo kulan gaar ah dhowaan magaalada Muqdisho kula yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa arintaas Horseed Media u xaqiijiyey.

 

Wuxuuna sheegay in dowladda Turkigu ay aad u daneyneyso sidii ay mashaariic horumarineed oo badan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya uga hirgelin lahayd.

 

Mr Biriishkalo ayaa tilmaamay in kulankii uu la yeeshay safriirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho ay iskula soo qaadeen arimo badan oo ay kamid yihiin sidii Puntland looga taageeri lahaa dhinacyada waxbarasahda, caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

 

Wasiirka beeraha iyo waraabka ee Puntland wuxuu intaas ku daray in safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu dhowaan magaalada Garoowe soo gaari doono si uu ugu gol xaaro booqasho aan horay loo arag oo lagu wado in Rajep Tayyib Erdogan uu Puntland kusoo gaaro.

 

Doladda Turkiga oo mudooyinkan danbe u muuqatey mid si aad u daneyneysa arimaha dalka Soomaaliya waxay horay Puntland ugu soo dirtay wufuud tira badan oo dhakhaatiir iyo macalimiin isugu jirey.

 

Waxaana u danbeeyey wefdi ka socdey hay’adda horumarinta u qaabilsan dalka Turkiga oo labo beri kahor madaxweynaha Puntland kulan kula qaatay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu dhowaan magaalada Garoowe soo gaari doono si uu ugu gol xaaro booqasho aan horay loo arag oo lagu wado in Rajep Tayyib Erdogan uu Puntland kusoo gaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

This is from the ministry of propaganda in "PL", anyway the good Turk is in no condition to travel he's apparently unwell. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mario B;805937 wrote:
This is from the ministry of propaganda in "PL", anyway the good Turk is in no condition to travel he's apparently unwell.
:(

maria there a song waiting for you in the other thread. go there now. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe/Gaalkacyo(Pi) Wafti kasocda Dalka Turkiga ayaa sadex maalmood booqasho ku joogay Puntland, waftiga ayaa wadanka yimid 15 bishan, Wafdiga ayaa waxaa hogaaminay ergay gaara oo ka socday Raysal wasaaraha Turkiga, kasoo loo soo direy Puntland.

 

Ujeedada booqashada Waftiga ayaa hordhac u ah Mashaariic ay doonayaan Dowlada Turkigu inay ka bilaabaan Deegaanada Puntland, qorshahaan oo qayb ka ah Mashaariicda ay Dowlada Turkigu u qorshaysay inay ka fuliyaan dhamaan Gobolada Soomaaliya.

 

Waftiga Turkigu waxay soo indha indheeyeen Garoomada Diyaaradaha Gaa;lkacyo iyo Garowe, Dugsiga Farsamada Gacanta Garowe iyo Wadooyinka Puntlan qaarkood, Wasaarada Waxbarashada iyo goobo kale oo badan.

 

Mashaariicda ay fulinayaan Turkiga waxaa ugu horayn doona dib u habayn ay ku samaynayaan Garoomada Diyaaradaha iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Gaalkacyo ilaa Garowe, Waxay kaloo dib u habayn ku samaynayaan Dugsiyada iyo Isbitaalada.

 

Wafdiga waxaa Dalka kusoo dhaweeyey kunasoo wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Cabdulahi Warsame , Wasiirka dhalinyarada iyo shaqada Cabdiweli Xirsi Cabdule,Wasiirka waxbarasha Dr.Cabdi Faarax Juxa ,agaasimaha guud ee waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahab Axmed.

 

Waxay ka dib Magaalada Qardho kulan balaaran kula yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Waftiga ayaa salaan qaaliya oo ay ka sideen Raysal wasaaraha Turkiga waxay u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Faroole., Madaxweynuhuna wuu uga mahad celiyey.

 

Bilaha soo socda Waxaa Puntland soo gaaraya koox Ingineero iyo dhakhaatiir isugu jira oo Turki ah kuwasoo guda galaya Mashaariicda ay ugu tala galeen inay ka fuliyaan Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Good job, I don't even know why people would doubt it, when he comes I will make sure to rub in all of your faces, make a thread and bump it till the sun sets. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;806016 wrote:
Good job, I don't even know why people would doubt it, when he comes I will make sure to rub in all of your faces, make a thread and bump it till the sun sets.
:D

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this