Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Gaashaamo nomads clash with Ethiopian Liyo police in the Gaashaamo district with casuatlies

Recommended Posts

Dagaal Culus Oo Duleedka Gaashaamo Ku Dhex Maray Liyuu Booliska Itoobiya Iyo Dad Xoolo Dhaqato Ah, Dhaawacyo Hargeysa La Keenay Iyo San-saan Colaadeed Oo Taagan

 

Hargeysa (Ramaas) Mar 17,2012 – Dagaal dhimasho iyo dhaawac tiro badan sababay ayaa ka dhacay deegaanka Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee Itoobiya, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu booliska iyo dad xoolo dhaqato ah.

 

Dagaalkan oo shalay ka dhacay deegaano ku dhow Gaashaamo ayaa la sheegay inay ku dhinteen tiro dad ah, kuwaasi oo isugu jira xoolo dhaqata iyo ciidamada booliska ee dawlada ismaamulka Soomalida Itoobiya isla-markaana waxa jira dhaawacyo badan.

 

Dagaalkan oo aan ilaa hadda la garanayn waxa uu ka dhashay ayaa dadkii ku xoolo dhaqatada ahaa ee ku dhaawacmay qaarkood la soo gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa, si looga daaweeyo dhaawacyada dagaalkaasi ka soo gaadhay.

 

Dadkan dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaalkan ee la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo tiradoodu tahay laba nin, ayaa hadda lagu daaweynaynaa cisbitaalka guud ee Hargeysa.

 

Wariye ka tirsan Ramaas oo dhaawacyadaasi booqday ayaa sheegay in xaaladoodu tahay mid culus.

 

Dhanka kale, deegaanka Gaashaamo ayaa laga soo sheegayaa in xaaladiisu kacsan tahay isla-markaana uu ka jiro hub urursi baahsan, waxaana laga cabsi qabbaa in mar labaad dagaal halkaasi ka qarxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg Ah: Dagaal Saaka Dib uga Qarxay Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo ay Soo Weeraareen Ciidanka Liyuu Boolisku dadka Deeganka …

 

Written by: Oday Mo

Published: 17/03/2012 @08:57

War Deg Deg Ah: Dagaal Saaka Dib uga Qarxay Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo ay Soo Weeraareen Ciidanka Liyuu Boolisku dadka Deeganka …

 

Wararka Hordhaca ah ee naga Soo Gadhaya Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo Ka Tirsan Deegana Soomalida Ethiopia Gaar ahaan Degmada Gaashamo ayaa sheegaya in ay saaka waabarigii Soo weerareen Ciidanka loo Yaqaan liyuu Boolisku dadka Deeganka ee degan Degamadaas.

 

Dagaalkana ayaa la sheegaya inuu ka culus yahay Daagaal maalintii Shalay Dhex Maray Dadka Deeganka iyo Ciidankan Liyuu Booliska oo si Badhdeedh ah u dilay Markii Hore Ruux Deeganka ah ka dibna Dadka Deeganku iska Difaaceen dagaalkaas oo ay ku dhinteen 9 Nin oo Ciidanka Soo Duulay ah iyo Laba Ruux oo deegnka ahi.

 

Dagaalka Saaka ayaa ah mid Culus oo ay Ciidanka Liyuugu ku Soo qaadeen Dadka Deeganka iyaga oo isu habar Wacaday Ka dib Wadhidii iyo Jabkii ka raacay Dagaalkii Shalay Dadku Deegankuna ay Sutida u qabteen.

 

Dhaawacyada Dadka Deeganka ayaa Hadda lanoo Xaqiijiyey in Qaarkood Loo soo Qaaday Dhinaca waqooyi ee Deeganku Dagaalku ka socodo iyada oo lagu dabiibayo.

 

Ilaa iyo Hadda warar Intaa ka faahfaahsan oo ku saabsan Khasaaraha dagaalkan ma hayno se Sida ugu dhakhso badan ayaanu idiinku soo Tabin doona iyo sida kolba warka aanu u helno anaga oo isku dayi doona in aanu sida ugu dhakhsiyo badan idiinku soo gudbino….

 

Warqabadka ToggaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilahi Aw good on the latest wars between the Local Nomads and Ethiopian liyo boolis in the Gaashaamo district.

 

http://oodweynenews.com/news/153649-suldaan-craxmaan-claahi-awgood-oo-ka-waraysanay-wararkii-ugu-danbeeyey-ee-khasaaraha-dagaalkii-maanta-dhexmaray-ciidanka-liyoo-booliska-iyo-dadka-deegaanka-cadaada-iyo.html

 

Sudaal-Good-600x450.jpg

 

 

The sultan is currently in gaashaamo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalkii Liyuu Booliska Iyo Dadka Shacabka Ah Ku Dhex Maray Duleedka Gaashaamo, Tuulooyin La Gubay Iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Ka Hadlay

6eb58bcecce4b0c54d5e41d131e3dc02_M.jpg

Hargeysa (Ramaas) Mar 17,2012 – Deegaanada ay ku yaalaan Tuulooyinka Galka-boodo-libaax, Dhoobo-Guduud, Raqda iyo Cadaada oo ka mid ah deegaanada kililka shanaad ee dalka Itoobiya isla-markaana ay dagan yihiin dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo dagaal ba’an ku dhex maray ciidamada Liyuu booliska Itoobiya iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool ayaa la sheegay inay saaka weerar rogaal celin ah ku soo qaadeen ciidamada Liyuu booliska oo la sheegay in shalay dadka shacabka ahi ka dileen 8 askari.

 

Dagaalkan oo ka bilaabmay nin lagu magacaabi jiray Farxaan Cali Goohe oo ciidamada Liyuu boolisku ku toogteen badhtamaha tuulada Raqda, ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu booliska weerar ay ku qaadeen shacabka deegaankaasi oo is-abaabulay ka dileen 8 askari ayaa la sheegay inay saaka weerar ku qaadeen tuulooyinkaasi, isla-markaana gubeen mid ka mid ah afartan tuulo isla-markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dhaawaceen 15 qof oo shacab ah.

 

Colaadan oo aan ilaa hadda si rasmi ah u joogsan ayaa waxa ka hadlay isla-markaana khasaaraha ka dhashay faafhfaahiyey Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu Liyuu booliska ku eedeeyay inay yihiin askar ka kooban cid gaar ah oo aan u sinayn dadka kililka shanaad ee Itoobiya u sinayn.

 

Suldaanka oo ugu horeyn faahfaahinaya sida waxa u dhaceen waxa uu yidhi “Sida warku nagu soo gaadhay shalay ayaa tuulada la yidhaahdo Raqda ay ciidamada Liyuu Boolisku ku dileen nin la odhan jiray Farxaan Cali Goohe, dadka shacabka ahina dhibaato ayay ka tirsanayeen askarta Liyuu booliska, dilkaasina shalay mid fool xun ayuu ahaa oo nin ayay Magaaladda dhexdeeda isaga toogteen”

 

Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay “Markaas ka dib ayay dadkii shacabka ahaa is-abaabuleen, nimankii Liyuu booliska oo xagga bari u lugeeyay ayay ka daba tageen dadkii, waxayna ku gaadheen meel kayn ah oo la yidhaahdo Xabaale Case, halkaa waxa ku geeriyooday 8 nin oo liyuu booliska ah iyo nin shacabka ah, saddex shacabka ahina way ku dhaawacmeen, dhaawiciina halkan (Hargeysa) ayaa loo soo qaaday.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Saaka waxa la noo sheegay in Liyuu boolisku ay afar tuulo oo la kala yidhaahdo Galka-boodo-libaax, Dhoobo guduud, Raqda iyo Cadaada weerar ku soo qaadeen, wararkuna waxay sheegayaan in tuulada Cadaada la gubay oo Liyuu boolisku gubay, waxaana la sheegay in 15 nin oo dhaawac ah halkaasi laga soo qaaday shacabkuna ay aad isku abaabuleen.”

 

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxa uu eedaymo u jeediyay Liyuu booliska “Ciidamada liyuu boolisku maaha ciidan dadka kililka shanaad ka dhaxeeya ee waa dad gaar ah waana reer gaar ah, inay dad gaar ah yihiina waxa cadaynaysa sida ay u aar-goosanayaan ee ay u gubayaan tuulooyinka”ayuu yidhi isaga oo maanta la hadlay Warbaahinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Guul to the courageous people of gaashaamo. ha iska celiyaan tuugta.

Suldaanka waa runtii, Liyu policeku wa ciidaan cidwalba dila, laakin in this case hab qabiil ayey u dagaalamayan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's in the interest of the TPLF to create animosity between the various communities in Somali galbeed region and its true the Liyo Police commits crimes in all parts of Somali galbeed for instance yesterday they Killed a young man from Gaashaamo. Reer Gaashaamo retaliated and killed 9 of the Liyo Police today the Liyo police burned down some villages near gaashaamo and also arrested some nomads and killed others. But the addis ababa regime gave abdi Ileey and his administration in jigjiga free pass to do what ever he likes fight clan wars as long as he hunts down ONLF the anti Ethiopian rebel movement in the region,its a sad situation we live in may allah be with us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Faraha lagaga Gubtay oo Ka dhacay Caawaysinkii Tuulada Galka Gondo labaax Dhimasho badaniyo daawac uu dagaalkaasi sababay.

 

Published: 17/03/2012 @22:46

Ciidama LYU police ka ayaa markay Galabta cedceedu liiqa sii dhagaysay Weerar gaadmo ah ku soo qaaday Tuulada GalkagondoLibaax halkaas oo ay gacanta ku dhigeen lix nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka halka ay ku dileen ugu yaraan kow iyo toban ruux.

 

kadib markii uu dhacay weerarkaasi ayaa ciidamo gurmad ah oo u yimid ciidamada deegaankaasi ay ka daba tageen ciidamdii Soo weeraray ee LYU police ka halkaas oo dagaal aad u xoogan oo saff balaadhan ahi ka dhacay meel aan ka fogay Tuuladaasi.

 

Daryanka rasaasta ayaa la maqlaayey ilaa cawaysinkii taas oo ay labada dhinacba isku mari la yihiin dagaalka ka socda goobtaasi .

 

Ilaa iyo hada ayaan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dambe ee saffka balaadhan ah .

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Togaherer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Good job by the Liyuu police, push the aggressors back into their homeland.

 

This is the 1970s all over again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

^ Listen u pretentious and narcissistic pirate, this topic is for the big boys, so i suggest u leave it alone. Ur lot aren't experienced in the dynamics of the haud nor are they seasoned warriors like the people who reside there. Markaa carar, yaanad ku waalane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Wadani;805574 wrote:
^ Listen u pretentious and narcissistic pirate, this topic is for the big boys, so i suggest u leave it alone. Ur lot aren't experienced in the dynamics of the haud nor are they seasoned warriors like the people who reside there. Markaa carar, yaanad ku waalane.

"Dynamics of the haud" Hahahaha, I'm sorry if my comment rubbed a nerve.

 

I don't get how I am pretentious or narcissistic, I think this is an attempt to act smart by using big words isn't it? You won :( :( :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Lol, those words describe very well many who hail from ur regions. But not everyone, i dont want to generalize and plus i have immediate family who are puntlanders. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Wadani;805578 wrote:
Lol, those words describe very well many who hail from ur regions. But not everyone, i dont want to generalize and plus i have immediate family who are puntlanders.
:)

Brilliance may seem narcissistic to your kind, I don't blame them though, they probably don't know the difference.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this