Sign in to follow this  
Dr_Osman

Karin-Bosaso Irrigation System Officially Opens. PICS. Is Bari In An Agriculture Boom?

Recommended Posts

Dr_Osman   

Hay’adda CEFA oo 2 Biyo-mareen u dhistay Beeraleyda Karin-Boosaaso [Codad+Sawiro]

Updated:- 1 min ago| 1 Commnets

 

Hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA ayaa maanta beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso ku wareejisey labo Kanaal oo loogu tala galay sidii loo tayeyn lahaa waraabka Beeraha.

 

Munaasabadii Kanaaladan lagula kala wareegayey oo ka dhacday xafiiska hay’adda Cefa ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka, madaxda ugu sareysa CEFA iyo mas’uuliyiin ka socda Iskaashatada beeraleyda ee gobolka Bari.

 

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay Eng. Axmed Cabdiraxmaan Nuur (Dabagaale) oo isagu ah Engneerka dhinaca dhismaha Kanaalada u qaabilsan hay’adda CEFA, wuxuuna ka warbixiyey qaabkii uu dhismaha 2-daas kanaal kusoo bilowday iyo mudadii uu qaatay, isagoo sheegay in dadka deegaanku ay gacanweyn ka geysteen sidii uu mashruucaasi si habasami leh ugu fuli lahaa.

 

Madaxa hay’adda CEFA Dr. Cabdilaahi Xuseen Samatar ayaa isna ku booriyey beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso inay ka faa’iideystaan Kanaalada loo dhisay, isagoo xusay in kormeer joogto ah lagu sameyn doono sida ay u adeegsadaan maadaama la geliyey dhaqaale xooggan ujeedada laga leeyahayna ay tahay sidii tayada beeraha iyo wax soo saarka dalka kor loogu qaadi lahaa.

 

Khaliif Maxamuud Xasan oo kamid ah guddiga beeraleyda deegaanka Karin oo isna munaasabadaas si kooban uga hadlay ayaa u mahad celiyey hay’adda CEFA, wuxuuna tilmaamay in CEFA aysan hay’adaha kale ula mid ahayn madaama ay horay mashaariic waxtar leh ugu sameysey hadana u dhistey labo Kanaal oo *****li doono baahiyo badan oo ay dhinaca waraabka beeraha ka qabeen.

 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland Maxamuud Maxamed Sheekh oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in waxsoosaarka dalka ee ku aadan dhinaca beeraha xoogga loo saaro, wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey hay’adda CEFA, beeraleydana wuxuu ku booriyey in dadaalkooda sii laban laabaan.

 

Labada Kanaal ee ay hay’adda CEFA u dhistay beeraleyda Karin-Boosaaso ayaa kala ah Kanaal dhererkiisu yahay 300m oo laga sameeyey beeraha (Cago) oo isla deegaankaas ka tirsan iyo beeraha Karin ee ku yaal dhianca laamiga xiga oo iyagana loo sameeyey biyo mareen dhererkiisu yahay 500m.

 

Horay hay’adda CEFA waxay dhamaadka sanadkii tegey mashaariic kan lamid ah uga soo fulisey degmada isku-shuban iyo deegaanka (Riyi-heshay) oo qiyaastii 10km dhinaca koonfur-bari magaalada Boosaaso kaga beegan.

 

Audio

http://horseedmedia.net/2012/03/14/hayadda-cefa-oo-2-biyo-mareen-u-dhistay-beeraleyda-karin-boosaaso-codadsawiro/

 

CEFA-Cago-Karin-1.jpg

CEFA-Cago-Karin-4.jpg

CEFA-Cago-Karin-7.jpg

CEFA-Cago-Karin-8.jpg

CEFA-Cago-Karin-11.jpg

CEFA-Cago-Karin-12.jpg

CEFA-Cago-Karin-15.jpg

CEFA-Cago-Karin-18.jpg

CEFA-Cago-Karin-26.jpg

CEFA-Cago-Karin-30.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

God is great!!!! Very good, you do not even need oil to upgrade your peoples standard of living to the first world level, I mean with jurisdiction of over 200 miles of economic exclusive zone of marine fishery resources you can institute a social welfare system to eliminate hunger and disease in your state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA ayaa maanta labo Kanaal oo loogu tala galay sidii loo tayeyn lahaa waraabka Beeraha. waxaa ay u dhistay amaba ku wareejisay beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka, iyo mas’uuliyiin ka socday Hay’ada CEFA ayaa ka qeybgalay munaasabadii Kanaaladan lagula kala wareegayey oo ka dhacday xafiiska hay’adda Cefa.

 

Munaasabadaasi waxaa ugu horeyn ka hadlayIng. Axmed C/raxmaan Nuur (Dabagaale) oo isagu ah injineerka dhinaca dhismaha Kanaalada u qaabilsan hay’adda CEFA, wuxuuna ka warbixiyey qaabkii uu dhismaha 2-daas kanaal kusoo bilowday iyo mudadii uu qaatay, isagoo sheegay in dadka deegaanku ay gacanweyn ka geysteen sidii uu mashruucaasi si habasami leh ugu fuli lahaa.

 

Madaxa hay’adda CEFA Dr. C/laahi Xuseen Samatar ayaa isna ku booriyey beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso inay ka faa’iideystaan Kanaalada loo dhisay, isagoo xusay in kormeer joogto ah lagu sameyn doono sida ay u adeegsadaan maadaama la geliyey dhaqaale xooggan ujeedada laga leeyahayna ay tahay sidii tayada beeraha iyo wax soo saarka dalka kor loogu qaadi lahaa.

 

Mid ka mid ah gudiga beeraleysa oo lagu magacaabo Khaliif Maxamuud Xasan oo isna munaasabadaas si kooban uga hadlay ayaa u mahad celiyey hay’adda CEFA, wuxuuna tilmaamay in CEFA aysan hay’adaha kale ula mid ahayn madaama ay horay mashaariic waxtar leh ugu sameysey hadana u dhistey labo Kanaal oo *****li doono baahiyo badan oo ay dhinaca waraabka beeraha ka qabeen.

 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland Maxamuud Maxamed Sheekh oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in waxsoosaarka dalka ee ku aadan dhinaca beeraha xoogga loo saaro, wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey hay’adda CEFA, beeraleydana wuxuu ku booriyey in dadaalkooda sii laban laabaan.

 

Kanaalada ay hay’adda CEFA u dhistay beeraleyda Karin-Boosaaso ayaa kala ah Kanaal dhererkiisu yahay 300m oo laga sameeyey beeraha (Cago) oo isla deegaankaas ka tirsan iyo beeraha Karin ee ku yaal dhianca laamiga xiga oo iyagana loo sameeyey biyo mareen dhererkiisu yahay 500m.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heerka Wax Soo Saarka Beeraha Degaanka Dhug ee Gobolka Bari ayaa Kor u Kacday,Iyadoo Dhawaan qaar ka mid ah dadka degaanka Dhug ee Gobolka Bari ay bilaabeen Tabcashada Beeraha ayaa Waxaa haatan Muuqata in Horumar laga Samaynayo Dhinaca wax soo saarha dalagyada.

 

Dalagyada la beeray ayaa waxaa ka mid ah Sida :Babayga ,Yaanyada, Qaraha, Barbarooniga, Masagada, Digirta, Timirta iyo kuwo kale waxaana beeraleydu ay Sheegeen in ay ku tala jiraan beerista dalagyo kale sida Mooska iyo Liinta, waxaana imminka deegaano hor leh loo diyaarinayaa in wax lagu beero ka dib tijaabooyinkii hore oo hididiilo wanaagsan muujiyay.

 

Inta badan waraabka Beerahan waxa uu yahay Roob ku bax inkastoo ay jiraan Siyaabo kale oo lagu waraabibay hase ahaatee ma badna.

 

Tani waxa ay dhiiri galinaysaa dad badan iyadoo cadeyneysa in dalagyo kala duwan ay ka baxayaan deegaanka Dhud ee Gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this