Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Maakhir Community reject Khaatumo

Recommended Posts

Beesha Maakhir Oo Caddeysay In Khaatumo State Aysan Maamulin Gobolka Sanaag (BAYAAN)

Posted by Pi G 2 on March 13th, 2012

BAYAAN MUQADISHO

 

Shir ay si wada jir ah ugu yeesheen beesha Maakhir magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxay ka soo saareen.

 

Ka dib markaan aragnay tixgelinayna baahida loo qabo midnimada iyo isku duubnida Soomaaliya, Ka dib lafa gur dheer oo aan ku samaynay hubinta deegaanka ay khaatumo ka sheegato Sanaag isla markaana aan isla af garanay in aysan beeshaasu mug iyo deegaan ay ku sheegan karto gobolka ayan ku lahayn.

 

Ka dib markaan aragnay tixgelin la,aanta loo geysto dadka gobolkaas degan oo iyagu taageersan kana mid ah maamulka Puntland ee Soomaaliyeed.

 

ka dib aqoonsi si khaldan uga soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo ujeeddadisu ahayd taageero iyo ictiraaf la siiyo maamulka la magac baxay khaatumo iyo wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya lagu saxayo lagagana noqonayo kala goynta iyo iska horkeenida dadyowga wallaalaha ah.

 

haddaba Waxa ay beeshu isku raacday qodabadan.

 

1: In la taageero warqaddii ku taariikhaysnayd 09/03 kana soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ujeeddadeeduna ahayd in aan la ictiraafin maamulka la baxay khaatumo.

 

2:Iin laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa Soomaali wayn isla markaana laga hortago cid kasta oo u soo dhar dhigata kala jarjarka dalka.

 

3: In ay beeshu diyaar u tahay ka qayb qaadashada soo celinta Soomaaliya iyada oo ay beeshu ku caan tahay nabad ka shaqaynta iyo xeerinta deris wanaaga.

 

4: Waxay beeshu ku boorinaysaa Madaxwaynaha TFG in uu ka fiirsado wareegtooyinka sida indho la,aanta ah xafiiskiisa uga soo baxa.

 

5: waxa ay beeshu si gaar ah iyo si guudba u faraysa madaxda iyo masuuliyinta u metela dawlada dhexe in ka bixiyaan jawaabta ku aadan falalka noocan oo kale ah iyada oo hadda aan ku tuhunsanahay xil gudasha la’aan baahsan.

 

6: waxa aan si gaar ah wallaalahayaga deegaanka sool iyo cayn usoo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan isla markaana ka tanaasulaan sheegashada gobolka sanaag iyada oo aan tiro ka dhawr jeer si guud iyo si gaaraba ugu sheegnay hase ahaate ay wallalahaya noo muujiyeen dhego adayg ay ka muuqato dhul durugsi iyo duudsiin deegaan beeleed.

 

7: waxaan mar kale taageeraynaa bayaankii ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha somaliya sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in uu raali gelin buuxda ka bixiyo khaladaadkii ka dhaca xafiiska uu gar wadeenka ka yahay kana kaaftoomo u dhega nuglaanta shakhsiyaadka gaarka ah ee ka tirsan ururka aala sheikh kana soo jeeda gobolka Sool.

 

8:waxaan madaxwaynaha usoo jeedinaynaa in uu dhawro axdiga kumeel gaarka ah sidoo kalena ilaaliyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexaya dawlada dhexe iyo dawlada goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed.

MAHADSANIDIIN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Taleexi;803396 wrote:
Somalina; Bayaannada cidaha iyaga ma iska indho tirtaa
:)

Cidaha ma Khatumo ayey ku daba xirtaan? sheekada ayaad badaleysaa, laakiin waa kaa diidey.

 

Maxaad ka tiri topic-kan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Anigu qof ahaan sheekadan waa soo dhoweynayaa ... in laga wada hadlona wax xun ma aha... Anyways, my long term goal is the unification of Khaatumo and Maakhir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sheeko, so PL hogaamiyahooda markuu Khatumo ka hadlo waad xagxagataan laakiin odayaashooda markey isla sidiisa u hadlaan waad aamustaan miyaa, calaashaan waa jufo kale oo aadan rabin inaad wax ka sheegtaan? waan fahmey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

It is all munaafaqnimo yaa Somalina. Additionally, Farole has nothing to do with Khaatumo any more except KH and PL be a good, neighborly regional states.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Oodweyne;803412 wrote:
^^
:D
:D

 

You are learning fast in here; particularly, the contradictory stances of our teeming
"Khatumo-Seeg"
folks,..
:D

Oo adigu Khaatumo ma deyn baad ku leedahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Wixii munaafaqnimo ah tooshka ku ifi saaxiib... bal tiina ka waran aad labaatanka sano subkayseen, way duushay qabiilo kala duwan baa ka tirsan, waanu go'aynaa ... war bahasha wada sheeg ama naga daa selective justice .. don't cherry pick your stands ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi maskaxdisa hada waxa ka guuxaysa kooxdi yarayd eeh laasqoray degeneyd eeh budhlayn ku dhibtay galgala. Bal maxay nugu haystaan anaga ba la tol ah la degaan ah maxay wax noola khaatumeyn wayeen balaya kaluun la cunta duulka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Waryaa, oday Xaaji ... reer Maakhir waxba islama diidanin .... ha naga dhex shaqayn....

 

Oodweyne: Miyaad Somalina jeclaatay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Taleexi;803411 wrote:
It is all munaafaqnimo yaa Somalina. Additionally, Farole has nothing to do with Khaatumo any more except KH and PL be a good, neighborly regional states.

Farole keliya ma ahan, the members ku abtirsada Faroole ee halkan jooga ayaad weerartaan xataa.

 

Waryaa Ood, magacaas Ngonge keliya ayaa u fasaxan. :D

 

Taleexa, sheekadiisa waa iska cadahay, inaan u sheego ayaan doonaayey keliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this