Sign in to follow this  
Dr_Osman

Dr Farole: Government Term is 5 Years.

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxweynaha Puntland oo Qardho maanta gaarey

12 Mar 12, 2012 - 3:22:02 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxana si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi oo ay ka qayb-qaateen masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho.

 

Dhex-dhexaadinta laba beelood oo walaala ah ayuu ku sheegey madaxeynaha Puntland socdaalkiisan ujeedadiisa iyo u kuurgelida xaalada guud ee gobolka.

 

Socdaalka Qardho ayaa waxa ku weheliyey madaxweynaha wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose GEn.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,kuxigeenka Cali Yuusuf Cali Xoosh ,taliyaha ciidamada difaacada Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi ,taliyaha ciidamada booliska iyo asluubta Puntland Col. Maxamed Siciid Jaqanaf iyo kuxigeenka agaasimaha madaxtoyada Axmed Caydiid.

 

Waxa uu booqdey Dr.Cabdiraxman Maxamed goobo muhiim ah oo Qardho ku yaal sida Ceelasha biyaha ,Saldhiga Booliska , aqalka martida iyo xabsiga oo labaduba socoto hawsha dhimsamahooda iyo weliba kuleejka gabdhaha.

 

Madaxweynaha waxa uu intaasi ka dib hadal kooban saxaafada siiyey oo uu ku sheegey in laba boolood oo horey u wada-dagaalamay haddana hub isku aruursanaya ay dhexgali doonaan islamarkaasina doonayaan inay demiyaan dabka colaadeed.

 

Kulan ayuu sheegey galabta inuu dhexmari doonaan dowladda iyo madaxda dhaqanka gobolka Karkaar oo ay kaga hadlayaan qaabka fitnadan looga hortagi lahaa.

 

Dhamaadkii sanadkii 2011 ayay markii madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ugu danbeysey Qardho.oo uu xiligaasi uga sii gudbey dhanka Bossaso xarunta Bari.

 

Si rasmi ah looma shaacin mudda uu Dr.Farole ku sugnaan doono Qardho waxana wararkayaga danbey idiinkusoo gudbineysaa faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan kulamada uu Qardho la qaato maamulka iyo odayaasha.

 

Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland Qardho saaka ka hadlay

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_Qardho_maanta_gaarey.shtml

 

Boga_Hore_Farole_Qardho.jpg

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Madaxweyne_Faroole_oo_Qardho_soo_gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Somalina;802843 wrote:
Quick question Dr Osman, what's the title of Farole's doctoral thesis?

Did he write one?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Adiga dadka movie ga markey daawadaan kadibna dhaha 'atooraha muxuu u diley kaabo laadarka' aad ka mid tahay miyaa? :D

 

Cinwaanka aqri kadibna wax fahan yaah. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this