Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sheikh Hassan daahir aweys on Somalilands recognition

Recommended Posts

Qabqablle Xasan Daahir Aweys Oo Hadallo Hanjaabad ah U Soo Diray Shacabka Somaliland Kana Hadlay Aqoonsiga Iyo Ictiiraafka Somaliland

 

“Somaliland Waxaa Wax lagu Fahan Siin karaa Qoriga Afkiisa” ayuu ku hanjabay Xasan Daahir Aweys.

 

Muqdisho (GNS)- Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Maleeshiayadda xag jirka ah ee AlShabaab ayaa waraysi uu siiyay Mid kamid ah Idaacadaha Duleedka Muqdisho kuyaal ayaa waxaa uu kaga hadlay Arimo badan oo la xidhiidha Somaliland, waxana uu shaaca ka qaaday in Dawladda Itoobiya ay dabadda ka riixayso in la aqoonsaddo Somaliland.

 

wadaadka maraykanka ugu jira liiska argagixisada caalamka ee Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in aqoonsiga iyo ictiirafka Somaliland ay dabadda ka riixayso dawladda itoobiya, waxana uu intaasi ku daray inaanay Somaliland marnaba ka go’ayn dalka somaliya, waxana uu si cad u sheegay in ay Somaliland ku soo qaadi doonaan dagaal “Somaliland Waxaa Wax lagu Fahan Siin karaa Qoriga Afkiisa” ayuu ku hanjabay Qabqaballe Xasan Daahir Aweys.

 

Xarkadda Alshabaab oo ah mid lagaga adkaaday dagaaladii dhowaanahanba ka socday dalka somaliya ayaa wakhtigan u eg in ay dagaal kula jirto dhanka afka ah Somaliland.

 

Xasan Daahir Aweys waxa uu Dawladda Itoobiya ku eedeeyay in ay wadato qorshaha Somaliland ay ku doonayso in ay kaga go’do Soomaaliya inteeda kalle Xasan Daahir ayaa sheegay in hadii Somaliland ay ku adkaysato in ay ka go’ayso Soomaaliya ay noqon doonto wadada kaliya ee furan in meesha laga saaro oo qasab lagu ogolaysiiyo midnimada Soomaaliya.

 

Xasan Daahir Aweys ayaa ah qabqaballe Dagaal, waxana uu shaadh diimeed u xidhay habkii uu mar uun u helli lahaa xil, balse nasiib daro waa uu ku guul daraystay in uu xil ka qabto somaliya, waxana uu door biday in uu xasuuqo qaar ka mid ah shacabkiisa ku naf waayay magaaladda Muqdisho iyo qaar kalle oo ka mid ah magaalooyinka somaliya.

 

Hadalka xasan daahir ayaa ku soo beegmaya wakhti alshabaab laga sifeeyay inta badan goboladda Somaliya, waxana uu hadalkiisani ku beegamaya wakhti Alshabaab firxadkeedii ay kala galleen Magaalooyinka waa weyn ee somaliya isla markaana dhuumaalaysi ku yihiin miyayadda badhtamaha somaliya.

 

wadaadka maraykanka ugu jira liiska argagixisada caalamka ee Xasan Daahir ayaa ah oday ku jaahwareeray siyaasadda, waxana uu kala garan waayay diinta iyo siyaasadda, arintan ayaa sababatay in uu si bilaa taxdir leh afka ula soo gallo Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Dahir Aweys...nin iska hadla maha like these pirates..walahi the man is a strategist and a half...He is currently leading the anti-foreign struggle against Ethiopia and Kenya, his views on somaliland are for him...But never the less I support the mans struggle against Ethiopia and Kenya...;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xasan Daahir ayaa sheegay in hadii Somaliland ay ku adkaysato in ay ka go’ayso Soomaaliya ay noqon doonto wadada kaliya ee furan in meesha laga saaro oo qasab lagu ogolaysiiyo midnimada Soomaaliya.

Sheikha interview-giisa waa kan,waxaasna kama hadlin,hadalkiisana maaha!.

 

Halkan ka dhegeyso:

Share this post


Link to post
Share on other sites
“Somaliland Waxaa Wax lagu Fahan Siin karaa Qoriga Afkiisa” ayuu ku hanjabay Xasan Daahir Aweys. Loooooooooooool, this man, although I have respect for him as an elder he cracks me up. His believe in solving everything through violence is astounding.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maddeey, Adeer warkiisa soo gaabiyo muxuu yiri?

 

Wax badan waan kutaageersanahay laakiin qaabka loo fulinaayo ayaan kaga soo horjeedaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this