Sign in to follow this  
Somalia

War Dag Dag ah: Dagaal Xoogan ayaa ka Socda Gaalkacyo

Recommended Posts

Somalia   

Iska hor’imaad u dhaxeeya ciidamo Ka Tirsan maamulka Puntland iyo Maleeshiyaad qas wadayaaal ah aya waxa uu hadda ka socdaa xaafada Horumar ee magaalada Gaalkaccyo Xarunta gobolka Mudug

 

Dagaalkaan oo bilawday saaka 10kii subaxnimo ayaa ilaa haatan ka socda xaafada Houmar dhanka agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada gaalkacyo waxaana jirta rasaas wiifto ah oo so gaaraysa xaafadaha ka agdhaw halka dagaalku uu ka socdo haatan

 

Dagaalkan ayaa lag soo waramayaa in u bilawday ka gadaal markii ay ciidamo ka tirsan kuwaa ilaalada xaduudaha ee puntland ay hawlgal ka wadeen xaafada horumar oo xigta dhanka maamulka Galmudug waxaana wararku ay intaas ku darayaan in meleeshiyaadku ay weerareen gaari tikniko ah oo ay lahaayeen ciidamada Puntland.

 

Khasaraha dagaalka ayaa ilaa iyo haatan aaan la sheegi karin waxaase wararku ay sheegayaan in ay jirto Dhaawacyo la geeyay isbitaalada ku yaala waqooyiga iyo kuunfurta magaalada gaalkacyo

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka mudug oo ku aadan dagaalkan ka socda xaafada horumar ee magaalada gaalkacyo mana jirto ilaa iyo haatan cid si rasmi ah faah faahin uga bixin karta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalk labada dhinacba .

 

Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay magaalada Gaalkacyoka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Gaalkacyo: (Allpuntland)is rasaasayn waqti kooban socotay ayaa Maanta ka qaraxday meelo kamid ah Duleedka bari ee Xaafada Hormar ee Magaalada Gaalkacyo taasoo dhexmartay Ciidamo kasoo jeeda dhanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo mudooyinkii u danbeeyey kusugnaa xaafado kuyaala Xaafada Hormar taasoo qayb ka ah Istaraatijayada cusub ee Amniga Magaalada Gaalkacyo lagu sugayo iyo malayshiyo beeleed ku abtirsata dhanka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo gaar ahaana dhanka fog ee xaafada Hormar iyadoo israsaasayntanina ay waqti kooban socotay.

 

Wararka ayaa sheegaya in Israsaasayntani ay ka dhalatay kadib markii la rasaaseeyey gaari nooca Iskarogada loo yaqaano ah sidoo kalena isla saaka malayshiyada kasoo jeeda dhanka Koonfurta Xaafada Hormar ay iyana Rasaaseeyeen gaari la sheegey inuu siday odayaal kasoo jeeda Puntland oo xal nabdeed u raadinayey xalinta rasaastii saaka dhacday, Israsaasaynta ayaa bilaabatay intaas kadib iyadoona ay ku dhaawacmeen inta la ogyahay labo ruux oo midkood uu ahaa Wiil Dhalinyaro ah oo halkaas marayey oo uu dhaawac fududi soo gaaray, iyadoona intaas kadib lakala dhexgalay malayshiyadii labada dhinac ayna xaaladu imika caadi kusoo laabtay, Horay ayaa ay halkaasi rasaasayni uga dhacday Dhamaadkii sanadkii hore taasoo dhimasho iyo dhaawacba keentay wallow markii danbena xal laga gaaray, Ciidamada deegaanka ee Puntland ayaa halkaas degey kadib markii la baneeyey xaafado ay dadka reer Puntland leeyihiin oo ay dad kale degenaayeen taasoo qayb weyn ka noqotay howlaha Amniga degmada Gaalkacyo lagu sugayo.

 

Dhanka kalena Wararka laga helayo Deegaano ku yaala Bariga gobolka mudug oo hoosyimaada Miyiga Jeexdin ilaa Xanab-gododeed ayaa sheegaya in ay israsaasayni saaka dhexmartay Xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug taasoo sida la sheegey ka dhalatay markii Xoolo dhaqato kasoo jeeda dhanka Galmudug ay isku dayday inay dhacdo geel ay lahaayeen dadka deegaankaas degen kuwaasoo ah geela inta badan Caanaha looga keeno magaalada Gaalkacyo, Israsaasayntaas ayaa la sheegey in aysan cidna ku dhiman sidoo kalena ay fashilisay weerarkii la rabay in Geela lagu dhoco, Saraakiisha Amaanka ee dhinacyada Gaalkacyo iyo Isimada labada dhinac oo ay APL la xiriirtay ayaa xaqiijiyey in xaaladu imika ay degentahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

FYI. this fighting is taking place in north Galkayo administred by Puntland , the truth is unless all clans in Mudug region are disarmed nothing can be done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is nothing but a simple clash that can be and will be solved overnight; things will cool down and business will be as usual tomorrow.

 

Galkacyo is not going to war, trust me, if they wish/want war they would have gone to war long time ago so stop the exaggerations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qandalawi;786759 wrote:
This is nothing but a simple clash that can be and will be solved overnight; things will cool down and business will be as usual tomorrow.

 

Galkacyo is not going to war, trust me, if they wish/want war they would have gone to war long time ago so stop the exaggerations.

Classic case of Galkacyo being Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this