Sign in to follow this  
Liibaan

Prof. Cali Khaliif Wafti Balaadhan oo ka Socda Maamulka Khaatumo State oo ku Sii Jeeda DalkaNorway

Recommended Posts

Liibaan   

Cali_Kh_Galeydh400.jpg

 

Wafti Balaadhan oo ka Socda Maamulka Khaatumo State oo ku Sii Jeeda Dalka Norway oo ay Casuumaad ka Heleen.

 

Wufuud Balaadhan oo uu Horkacayo Raysal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cali Khaliif Galaydh ayaa ku sii jeeda dalka Norway. Waftiga Khaatumo State waxaa ka mid ah Wasiirka Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha Pro: Xuseen Saleebaan X, Axmed iyo xubno kale. Wufuudan oo ka ambabaxday magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa casuumaad rasmi ah ka helay wasaarada arimaha debeda ee dalkaasi Norway.

 

Dawladda Norway iyo maamulka Soomaaliyeed ee Khaatumo State ayaa lagu wadaa inay isla lafa guraan arimo badan oo khuseeya labada dhinac, sida arimaha nabadgelyada , Xidhiidhka caalamiga ah iyo deeqaha ay xaqa u lee yihiin shacabka Khaatumo ee Soomaaliyeed.

 

Sida uu noo xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada xidhiidhka caalamiga ah ee maamulka Khaatumo State xubnahan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dawladda Norway oo ka mid ah dawladdaha deeqaha ugu badan siiya dalka Soomaaliya.

 

Dawladda Norway ayaa ka mid dawladaha ugu badan ee hada daneeya arimaha Soomaaliya ayadoo xubin ka ah kooxda xidhiidhka Soomaaliya ee loo yaqaano,{Contact Group}. Sidoo kale hay’ada keliya ee ka hawlga deeganada Khaatumo State Of Somalia ayaa ah hayda loo yaqaano Norwegian People’s Aid{NPA}. Taasoo si xawli ah uga shaqaysa deeganada Khaatumo kana hirgelisay ceelal biyoodyo fara badan iyo xarumo caafimaad oo dhamaadtood ku yaala deeganada maamulka Khaatumo ee Soomaaliyeed.

 

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee maamulka Khaatumo State si Rasmi ah ugu tago dalalka reer galbeedka, kuwaasoo hada daneynaya in ay iskaashi la yeeshaan maamulka cusub ee Khaatumo State Of Somalia.

 

Horufadhi News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wafuud Badan oo ka Socda Khaatumo State of Somalia oo Jabuuti iyo Norway Gaadhay, Wafdi Kalana Ku Sii Jeedo Caasimada Soomaaliya Muqdisho

 

Isimadda Khaatumo ayaa maanta gaadhay magaaladda Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyey madax sar sare oo ka tirsan Dawladda Jabuuti iyo waliba madax dhaqameedka wadankaas waxana Isimadda loo galbiyey dhinac magaaladda oo ay galabta iyo caawaba shirar kula lee yihiin Madaxdda Jabuuti

 

Isimadda ayaa markii hore ka soo kicitimay dalka Itoobiya oo ay kulamo kula yeeshay madaxdda dalkaas iyaga oo ay kulamadaas ku waheliyeen xubno ka tirsan Golaha9 waxana ugu danbayntii ay Isimadu ka qayb galeen Caleema saarkii Garaadka Guud ee Beelaha ****** iyo Adeerkood oo ka dhacay Dhagax buur

 

Golaha Sare ee Dhaqanka ( Isimadda) iyo Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) ayaa Khamiista isku tagaya magaaladda Muqdisho si ay ula soo kulmaan madaxdda DFKM ee Soomaaliya oo ay Casumaad rasmi ah ka heleen, waxaa la filayaa in Dawladda Shiikh Shariif ay ka wada hadlaan sidii Iskaashi uu u dhexmari laha Khaatumo iyo Xukuumadiisa

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Wafti culus oo uu horkacayo ayaa maanta u dhoofay dalka Norway ka dib casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Wasaaradda Arimaha dibadda ee Dalka Norway waxana waftidan ay kulamo la qaadanaysaa Wasiirka Arimaha dibadda ee Norway iyaga oo kala hadli doono deeqaha ay Dawladda Norway siiso deegaanadda Khaatumo State loona soo marsiiyo Haayadda NPA oo shaqaaleheedu wax badan uu lunsaday, waftidan Dr Cali Khaliif horkacayo ayaa dalka Norway uga sii gudbi doono dalka Uk kaas oo ay 12 bishan ka qayb galaya shir weyn oo loogu dabaal dagayo Khaatumo state

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheelle.T;786484 wrote:
Dee adna waad ku raacdoo tiri "free the professor". Miyay taa ahayn inaad rumaysatay warkii beenta ahaa ee aad madadaalada inii ahaa?

Dee wa hadu xiidhna laakin anigu waligay ma odhan profesoorku wu xiidhanyahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this