Sign in to follow this  
Carafaat

Sultan of Somaliland: It's time to unite Somali's.

Recommended Posts

Carafaat   

Shirka [London] Arimaha ugu muhiimsani Waa in Soomaali dib Loo Mideeyo.."Suldaan Maxamed

 

Written by Qaran news

Feb 05, 2012 at 11:13 AM

"..Caalamku Ma Doonayo Dhawr Soomaaliyeed in ay Jiraan oo Soomali Dhawr u Kala Baxdo.."

 

Hargeysa(Qaran news)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Somaliland ayaa Shalay qayaxan u daaha uga qodobo ka mid ajendayaasha dahsoon ee gundhiga u ah Shirka Dawlada Ingiriisku Kooxaha Soomaaliya ugu qabanayso Xarunteeda London.

 

Suldaan Maxamed oo Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in aanay ku deg-degin ka qeyb-galka shirkaasi isla markaana waxa uu u soo jeediyey awoodo habka ugu haboon ee mawqof mideysan looga qaadan lahaa.

 

"..Shirka [London] Arimaha ugu muhiimsani waa laba qodob, in Soomaali dib Loo Mideeyo iyo in Hogaanka Doorkan loo dhiibo Somaliland..". Ayuu Suldaan Maxamed, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray -

 

"Caalamku ma doonayo dhawr Soomaaliyeed in ay jiraan oo Soomali dhawr u kala baxdo...".

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlayey mawqifkiisa ku aadan sifaha Xukuumadda Somaliland ee Shirkaasi, waxa uu yidhi; - "Waxaan farayaa Xukuumadu in ay go'aan midaysan ku tagaan shirka London"

 

Mar uu Suldaanku ka hadlayey Arrimaha Nabada, waxa uu yidhi;-"Arinta buuhoodle waxaan Madaxweyne Siiaanyo leeyahay Ciidamada dib uga soo qaado, Shirkii nabada ee aad ku baaqdayna gogoshiisii dhig..Ina Cigaal maalintu Gaaraad Jaamac ku lahaa soo sheeg Dhubahante xadka uu Somaliland la leeyahay aniga ayaa kuu goynayee ..Waxaan ahaa Ninkii ku yidhi Madaxweyne Xaq uma lihid ee ka daa".

 

Xildhibaan Waysa-Cadde oo Mucaaradnimo Maddi ah ku Daadefeeyay ka Qayb-galka Shirka LONDON

 

 

"..Ma ogoli Shirkaas.. Somalilandna wax dan ah oo ugu Jiraa ma Jirto oo Waa lagu Baabiniayaa.."

 

Hargeysa(Yool)-Xildhibaan Axmed Xasan (Waysa-cade) oo ka tirsan xildhibaanada aqalka Wakiilada Somaliland oo Shalay ka qaybgalay kulankii Madaxweyne Siilaanyo qado-sharafta ugu sameeyay Mudanayaasha labada gole, ayaa ganafka ku dhuftay qorshihii Madaxweynuhu ku doonayey in loogu xalaaleeyo damaciisa ku aadan ka qaybgalka shirka 24 Bishan kooxaha Soomaaliya loogu qabanayo Magaalada London dalka Ingiriiska.

 

Mudane Waysacadde waxa uu si qayaxan ugu dhawaaqay oo lid ku ah in Somaliland ku dhex milanto hoggaamiye kooxeedyada ku hirdamaya Koonfurta Soomaaliya, waxaana uu uu Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu gadhwadeen ka yahay qorshe lagu mija-xaabinayo Qarankii loo igmaday ka midho-dhalinta himiladiisa.

 

Mudanahan oo Kulankaa Goleyaasha Qaranka ka dib, Saxaafadda kula hadlay Barxada hore ee Hoteelka Maansoor, waxa shaki weyn ka muujiyey ka qayb-galka Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ee Shirka London, kaasoo ku timaamay mid cawaaaqib-xumo ku ah dalka oo lagu wiiqayo Qaranimada Somaliland waxana uu wacad ku maray ka midho-dhalinta mawqifka uu kaga soo horjeedo shirkaasi.

 

"..Ma ogoli shirkaas, waxa loo qabanayaa nimanka Soomaaliya isku haysta, ee budhcadbaa lagaga hadlayaa ma jirto, Somalilandna wax dan ah oo ugu jiraa ma jirto, waa la inagu baabiinayaa shirkaas sidaas ayaan qabaa..". Ayuu xildhibaan Axmed Waysa-cade.

 

Maalinta beri, ayaa la filayaa in xildhibaanada labada gole soo saaraan go'aan ay buriyaan sharcigii Goleyaasha Baarlamaanku hore ugu diideen ka qaybka Somaliland Shirarka Kooxaha Soomaaliya

 

 

Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Che -Guevara;785686 wrote:
Wasn't he calling for war few weeks back? Even many crying peace now wanted Buhoodle destroyed by 'ciidanka qaranka'.

No, he was misunderstood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

So now you're against your grand Suldan! Must be tough to undo the damage caused you by this project.. War meeye kuwii dadkan sidan u buux dhaafiyey.. Allow maxaa shaqo u taalo inay bal ka qufaan dadka wixii ay 20+ years ku gurayeen..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ its been 20+ years and you're still confused, and your country is still a mess, remember that whenever you bring up that" 20+ of not being recognized" talk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice move by the Sultan. We welcome it. Lets not look back and the only way forward is unity. Good to see people finally coming to their senses.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

AfricaOwn;785825 wrote:
^^ its been 20+ years and you're still confused, and your country is still a mess, remember that whenever you bring up that" 20+ of not being recognized" talk.

You still think you belong to a different country! Read what your Suldan finally told you after he so long entertain you.. I am sorry if it hurts but it was expected that it will comd on one day!..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this