Sign in to follow this  
Saalax

Cali Khaliif Galaydh jailed in Addis Ababa?

Recommended Posts

Liibaan   

 

Prof. Cali Khaliif Glaydh iyo Wafti Ka Socday Ismamul-Goboleedka Khaatumo State of Somaliya oo Si Heer Sare ah Loogu Qaabilay Wasaarada Arimaha Dibada ee Dawlada Federaalka Itoobiya Maanta.

 

Bulaale.com/

 

February 5, 2012

 

Addis-ababa (Bulaale-News)wariyahayaga noo jooga Magaalada Addis-ababa ayaa noo soo gudbiyay Shir Heer sare ah oo manta ku Dhexmaray Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee Dawlada Federaalka Itoobiya Wafti Balaadhan oo ka socday Khaatumo State oo ka mida ismaamul-gobaleedada dhawaan laga sameeyay soomaaliya iyo Kuxigeenka Wasaarada Federalka Itoobiya iyo u qaabilsanaha Itoobiya Dhanka Arimaha Soomaaliya Colonel Gabre.

Warka ayaa intaa ku daraya in Waftigan ka socday Ismaamul-goboleedka Khaatumo State uuna hogaaminayay Mudane Cali Khaliif Galaydh ay si heer sare ah ugu qaabileen Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee dawlada federaalka itoobiya,Wasiir ku-xigeenka wasaarada Arimaha Dibada iyo wakiilka Deskiga u qaabilsan Itoobiya Arimaha Soomaaliya Colonel Gabre.

Dhanka Itoobiya ayaa uu Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya uu u muujiyay Waftiga Sare ee ka socday Khaatumo State(Somaliya) soo Dhawayn heer sare ah,isagoona Carabaabay in ay Dawlada Federaalka Itoobiya soo dhawaynayso Khaatumo State,islamarkaana Danaynayso in ay Xidhiidh Daris-wanaagnimo iyo Iskaashiba la yeelato khaatumo state.uu Dhex maro.

Dhanka kale ismaamul-goboleedka Khaatumo State ayaa ka soo Go’day Ismaamul-Goboleedka Somali-land ka Dib Markii ay Quud Daraysay Hanaanka Maamul ee Ay wax ku wado Dawlada ismagacaqwday ee Somali-land,taasoo ku dhisan Qabyaalad aan Shaadh Huwanayn,Khiyaamo umadeed,Musuq aan xadaysnayn,Danaysi iyo Jiho la’aan Siyaasadeed.

Dawlada Is magacawday ee Somali-lan ee uu Madaxa ka yahay Siilaanyo ayaa Aqbashay ka qayb-galka Shirka Dhawaan ka dhici doona Magaalada London ee Soomaaliya oo Dhami ka Soo qayb gali doonaan,Aqbalaada Somali Land ee Dhinaca Soomaali Weyn ayaa ku soo beegantay xili ay kala xadhig furatay Xayn daabkii yaraa ee Somali land,iyadoona ay dhinac isu taageen Gobolada Khaatumo State iyo Awdal State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Kuwan waa wareereen.. shalay waxay qorayeen Galaydh is arrested maantana he is going to meet with the old man Siiraanyo..Berina what?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this