Sign in to follow this  
Saalax

Cali Khaliif Galaydh jailed in Addis Ababa?

Recommended Posts

Ma rumaysnayn markii hore, hadase waaaaaaan rumaystay. wixii cusub ee ay soo bandhigaan (marka la sii daayo) ma soconayso oo waxay noqonaysaa Saambuuse laga adimay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SNM/Somalidiid websites spread lies, hatred, and propaganda. As usual Snm/Somalidiid (Anti-Khaatumo/ anti-SSC) websites circulate false rumors about Khaatumo/SSC people and Khaatumo/SSC leaders. Some somalidiid websites are telling lies like Prof. Cali Khaliif is arrested in Addis Ababa, another big fat lie.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

TogaherNews Somalidiid website "Waa been in Cali Khaliif La Xidhay, Beenta iyo Khayaalka waa inaanu Joojinaa Hadaanu nahay Reer Somaliland"

 

 

Markii Xukumadan jirtaa Afaaraha Dawladahaa ka waawayn ay faragalisay, ee ay dhinac raacday ayay Itoobiyana si yar oo fudud uga shaqaysay inay Khaatumo land hir galiso, Argoosi Siyaasadeed weeye waana sax.

 

Been iyo Khayaal waxa ah in Cali Khaliif Galaydh la xidhay. Waar waa siyaasi wayn Idaacad aan sheegteeni ma jirto, waxa laga qaadi lahaa Waraysi, Warbaahinteena [snm/Somalidiidka ah ] mooyee meel laga maqlay ma jirto

 

Cali Khaliif Galaydh Hotelka Inter-continental ee Addis Ababa waaka ku Raaxaysanaya ee iska daaya dhalanteedka reer somalilandoow. Sababta loo yidhi waa laxidhayna waxay tahay:

 

iyadoo dhagta loogu ridayo shacbiga Somalilandinaanay jirin Khaatumo land, dalkuna sidiisii yahay si Dawladanuna uga qayb gasho Shirka London. Waxaan shaki ku jirin, in Somaliland lagu burburiyay hab diblomaasiyadeed xididadana loo saaray wax la yidhaa Gooni Isu-Taag dambe. Ama ku qanca ama iska daaya. s/calaykum.

 

 

SANWAA CUMAR YARE

 

http://www.togaherer.com/2012/02/05/dawladii-siilanyo-oo-noqotay-dacawadii-talaabadeedii-ka-tagay-tii-nabigana-gaadhi-wayday/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Dawladda Ethiopia Oo Ugu Yeedhay Axmed Siilaanyo Magaalada Addis Ababa Si Loo Kulansiiyo Wafdiga Khaatumo State ee uu Hogaaminayo Prof. Cali Khaliif Galaydh

 

Source: Halbeegnews.net ( snm/Somalidiid website)

 

http://halbeegnews.net

 

 

 

 

 

Hargeysa (Halbeegnews)– ilo lagu kalsoonyahay oo ay noo xaqiijiyeen xubno ku dhaw aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa Halbeegnews u xaqiijiyey in qoraal yeedhmo ah loo soo mariyey Axmed Siilaanyo xafiiska Dawladda Ethiopia ku leedahay magaalada Hargeysa, yeedhmadaasi oo uga timid Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi si loo kulansiiyo loona wada hadashisiiyo Cali Khaliif Galaydh oo maalmahaba ku sugna magaalada Addis Ababa.

 

Arrinta is araga iyo kulanka ayaa la sheegaya inuu markii hore dalbaday Madaxweyne Siilaanyo isla markaana Wasiiro dhawaan ku tagay Addis ababa kulan ay ka codsadeen dawladda Ethiopia in la sameeyo kulan dhex mara Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif oo mar ka wada tirsana golahii Wasiiradda ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in 72-ka saacadood ee soo socda uu ka dhoofo caasimadda Hargeysa isagoo tagi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia si uu ula kulmi Cali Khaliif Galaydh.

 

Halbeegnews, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo Wafdigii Khaatumo State ayaa La Kulmay Madaxda Sare ee Dowlada

 

Source: Somalidiasporanews.com (snm/Somalidiid Website)

 

 

Wefdi ka kooban ergedii dhawaanta maamulka Khaatumo uga dhawaaqday shirkii Taleex oo uu horkacayo Reysul wasaarihii dawladii Carta Md Cali Khaliif Galeydh ayaa kulamo ay la yeesheen madaxda dawlada Itoobiya la iskula soo qaaday waxa maamulka ay ku dhawaaqeen mandaqada ku soo kordhin karto.

 

 

 

 

Geesta kale waxa magaalada Hargeysa xarunta Madaxtooyada ka socda diyaargarow uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu jiro safar uu ku tegayo magaalada Adis Ababa si markaa loo anbaqaado wadahadalada.

 

 

Kala soco bogan waxa ka soo kordha wadahadalka labada dhan iyo waxa ay isla qaataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waagacusub.com oo Ururisay Beenaha Waa Weyn ee Shabakadaha SNM Ku Maaweeliyaan Somalidiidka

 

 

Beentii uu xariga ka jaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillahi Cukuse ayaa u muuqato mid ku faaftay siyaasiyiinta iyo Warbaahinta beesha ***** .

 

Afhayeen Cukuse wuxuu hore ugu sheegay bulshada reer Somaliland been qaawan oo ku dhisan marin habaabin iyo qiyaali kuwaas oo laga xusi karo.

1-Wafdiga Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Magaaladda Diridhabe ugu hoyday sababa la xiriira garoonka Pole International Addis Ababa oo la xiro 5-ta Galabnimo

2-Wafdigii Madaxweyne Siilaanyo waxay tageen China waxay la kulmeen madaxda dalkaas waxaana baahiyay Warbaahin badan oo ay ka mid tahay CNN China ( Taariikhda lama maqal CNN China,Siilaanyana ma tegin China)

3- Khilaaf kama jiro Madaxtooyadda Somaliland,mana jirto haba yaraatee khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdi Raxmaan Saylici iyo Wasiir Xersi Xaaji Cali ( Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland markii uu dib u heshiisiinta galay wuxuu Warbaahinta u xaqiijiyay inuu khilaafkaas xaliyay,tani waxay ahayd been laga daba tegay)

4- Ma jirto in la jabsaday Emailka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waana been waxyaabaha lagu qoray Website-ka qarannews.com (Tani waxay ahayd been Caalamka oo dhan la yaabay)

Bulshada beesha dhexe ee reer Somaliland oo qaati ka taagan beenta Afhayeen Cukuse ayuu masraxa been afuufida ku soo biiray Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Bajaaj,waxaana beentiisa laga xusi karaa.

 

 

1- Waxaan la socday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo jawaabtii xarakada laheyd ee Faarax Macalin ku yiri “ Islama socon ee diyaarada ayaan isku aragnay”

2- Walaacii aan ka qabnay shirka London wuxuu ka baxay meesha maxaa yeelay waxay Dowladda Ingiriiska noo sheegtay in shirku yahay mid aan quseeyn qadiyada gooni isu taaga Somaliland (tani waa been tii ugu weyneed ee bulshada Somaliland loo sheego)

Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia wuxuu soo celiyay jawaabo uu mudo la maqnaa oo nuxurkoodu ahaa su’aalo Madaxweyne Siilaanyo u dhiibay waxaana ugu weynaa

A- Shirka ma waxaan uga qeybgaleeynaa anagoo Dal madaxbanaan ah mise waxaan la mid nahay Puntland iyo Galmudug? ,tan waxay Dowlada Ingiriiska uga soo jawaabtay ( Waxaad shirka uga qeybgaleeysaan idinkoo Somalia ka mida)

B- Hadii Jawaabtiinu noqoto inaan shirka uga qeybgaleeyno anagoo maamul goboleeda meesha maku leeyahay khudbad aan ku sharaxo qadiyadeena gooni isu taaga ?,tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Shirka waxaad ku leedahay khudbad 7 daqiiqo ah hasse yeeshee ugama hadli kartid qadiyad gooni isu taag laakiin waxaad uga hadli kartaa sida Somalia lagu nabadeyn karo,loona ciribtiri karo argagixisada iyo burcad badeeda).

C- Shirka maka soo qeybgalayaan Khaatumo State iyo Awdal State oo maku casuunteen? Tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Waxaanu go’aansanay inaan casuuno dhamaan garabyada Somalia ,sida maamul iyo shaqsiyaad waaya araga,sidaas darteed siyaasadeena kuma jirto inaan ergada ka qeybgaleysa martiqaadkooda cid kale u sheegno)

Dhamaan seddexda Jawaab waxay u muuqdaan Negative wuxuuna Siilaanyo ka qeybgalayaa shirka laakiin qodobka ugu muhiimsan ee loo sheegay wuxuu yahay in Dowladda Ingiriiska ku tiri “Waxaan dooneynaa in Dowladda cusub ee Somalia caasimadeeda laga dhigo Hargeysa”

Website-yada Somaliland ee ku hadla afka beesha ***** ayaa ku soo biiray masraxa beenta iyo marya habaabinta bulshada waxyaabaha ay qoreena waxaa ka mida.

1- Cali Khaliif Galeydh ayaa lagu xiray Ethiopia (Cali Khaliif wuxuu maanta Addis Ababa kula kulmay Ra’isulwasaaraha Ethiopia Melles Zenawi wuxuuna ku sii jeedaa dalka Norway isaga iyo dhamaan wafdiga la socda)

2- Shakigii Somaliland ka qabtay shirka oo meesha ka baxay (Tani waa qiyaali iyo been suuqa laga saaray)

3- Kooxaha Nabadiidka reer Buhodle oo jab xoogan ku dhacay iyo waa laga sifeeynayaa degaanka ( Tani waa been iyo colaad hurin qabiil.

 

4- Ciidankii Liyuu booliska Kililka shanaad ayaa xaduuda laga qaaday oo Ciidan Federal ah ayaa lagu bedelay ( Waa riyo maalmeed iyo been maxaa yeelay Ciidanka Liyuu booliska ayaa ka masuula xaduudaha kililka shanaad)

Dhamaan Website-yadu waxyaabaha ay qorayaan waxay noqdeen been aan sal iyo raad laheyn,waana adag tahay sida qof waxgarto ku akhriyo qoraaladooda.

Hadii la qiimeeyo hab qoraalka wararkooda waxaa la dhihi karaa HABAR DHALI WEYSAY ALLEELA KU WAALATAY.

Taageerada ****** kuma heli kartid inaad WANLA WEYN tiraahdo

Taageerada ********** kuma heli kartid inaad LAANGAAB tiraahdo

Taageerada *********** kuma heli kartid inaad ****** tiraahdo

 

Waagacusub.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Saxaafaddii SNM OO Joog iyo Jiif Diidday, Runtii OO La Qarin Kari Waayey…

 

Awdalnation.com

 

Xukuumada federal-ka ee wadanka ETHIOPIA, ayaa martiqaad rasmi ah u fidisay maamulada Khaatumo State iyo Awdal State oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, waxaana ay madaxda maamuladaas la yeelanaysaa kulamo gooni-gooni ah oo taageero loogu muujinayo .

 

Dawlada dhexe ee Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay doonayso xidhiidh xagga amaanka iyo siyaasada ah oo ay layeelato kooxahan, oo ballan qaaday in ay daacad u ahaan doonaan ETHIOPIA, iyaga oo ka codsaday in ay damaanad qaado amaankooda, ilaa inta ay gacanta ku dhigayaan dhulka ay qorshaynayaan in ay maamulada ka hirgalinayaan.

 

ETHIOPIA waxa ay si cad u sheegtay in ay soo dhaweynayso maamulka kasta laga dhisayo dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid tahay, waa haddii maamulada cusubi ay taabacsan yihiin siyaasada xukuumada Meles Zenawi ee gobolka Geeska Afrika , laakiin waxa meesha ka baxay cilaaqaadkii ay la lahayd Somaliland oo jiray in ka badan 20 sanno.

 

Dhanka kale waxa Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka ETHIOPIA maalintii shalay gaadhay wefti uu hogaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee maamulka Khaatumo State, waxaana uu la kulmi doonaa madaxda sare ee federal-ka,kuwaasoo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare Meles Zenawi sida ay ilo xog-ogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakeda wararaka ee Ramaasnews.

 

Meles Zenawi, ayaa la sheegay in uu Cali Khaliif, ku dhiirigelon doono sidii uu maamulkiisa ugu baahin lahaa dhulka ay degta beesha uu ka soo jeeda ee Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle, iyada oo ETHIOPIA ay siin doonto gargaarka dhanka gaashaandhiga ah, isla markaana ay xukuumada Somaliland ku qanci doono in ay joojiso dagaalada ka dhanka ah kooxada falaagada ah.

 

Galaydh oo xilka wasiirka koowaad ka qabtay dawlada KMG ahayd ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Cabdiqaasim Sallaad Boy sannadkii 2000, ayaa gacan ka gaystay burburkii dawladaas, ka dib markii ETHIOPIA ay ku eedaysay in ay xidhiidh la lahayd argagixisada caalamiga ah, waxaana uu sida oo kale taageero dhanka siyaasada ah ka haystaa dalka Maraykana uu barre jaamacadeed ka yahay.

 

Xidhiidhka Somaliland iyo ETHIOPIA oo diciifay ilaa intii xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo xukunka wadanka la wareegtay, ayaa sabab u noqday in ay kooxaha gooni isu taaga ka soo horjeeda taageero waydiistaan dalka saaxiibka hore ahaa.S

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh & waftiga Khaatumo State of Somalia ee uu Hogaaminayo oo Soo Gaadhay Addis Ababa

 

Wabishabeele.com

 

 

Addis Ababa, 02-Feb-2012 - Waxaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa soo gaadhay wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo siyaasiga rug-caddaaga ah, Dr. Cali Khalif Galaydh, kaasoo ka soo kicitimay maamul gobolleedka Khaatumo ee dalka Soomaaliya.

 

Waftigan ayaa horrey u soo maray magaalo madaxda deegaanka Soomaalida, Jigjiga, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey, islamarkaana la dajiyey guriga martida ee xukumadda deegaanka.

 

Mudane Galaydh iyo waftigiisa ayaa inta ay joogaan dalkan Itoobiya waxey kulamo kala gadisan la yeelan doonaan masuuliyiin ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee dowladda dhexe Itoobiya.

 

Maamul gobolleedka Khaatumo oo dhawaan lagaga dhawaaqey magaalada taariikhiga ah ee Taleex, waxaa laga filayaa inuu sugu ammaanka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Siyaasadda dowladda dhexe Itoobiya ayaa ah in gacan la siiyo cid kasta oo door ka cayaari karta xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

 

Sidaas oo kale, dhawaan ayaa la filayaa inay Addis Ababa soo gaadhaan masuuliyiinta maamul gobolleedka Awdal, kaasoo dhawaan ay dhisteen shacabka gobolka Awdal. Masuuliyiinta maamul gobolleedka Awdal ayaa laga filiyaa inay sugaan ammaanka dekadahooda.

 

Wabishabeele.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this