Sign in to follow this  
Carafaat

SNM Mujaahid on Londen Conference: Its the best chance for our case, we had so far.

Recommended Posts

Carafaat   

Muj Cali Guray Oo Sheegay In Somaliland Fursad Weyni Ugu Jirto Ka Qaybgalka Shirka London, Gacan Ku Dhiigle Moorgan-na Ku Tilmaamay Fulay Dhagar Qabe Ah

 

“Ninka Nabada Geesi Ku Ah Ayaa Dagaalkana Geesi Ku Ah, Moorgan Cida Uu U Hiiliyana Waxba Tari Maayo Cida Uu Ka Hiiliyona Waxba Yeeli Maayo Waayo Waa Fule 1988-Kii Markii SNM Soo Gashay 20,000 Ciidan Ah Ayuu Xukumayey Waana Ninkii Airport-Ka Isku Qaaday Ee Naanaysta Kula Baxay”

 

Hargeysa, January 30, 2012 (Haatuf) – Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay shirka kooxaha Somalia uga furmaya magaalada London bisha February ee socota, kaas oo sheegay in Somaliland ay fursad weyni ugu jirto ka qaybgalka shirkaasi, ayaa sidoo kale eedayn culus dusha u saaray Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Moorgan, kaas oo uu ku sifeeyey dhagarqabe aan hadalkiisu wax micno ah u samaynayn shacbiga Somaliland.

 

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ku siiyey, isla markaana kaga hadlay arimo door ah oo ay ka mid tahay dagaalada ka socda Magaalada Buuhoodle iyo ujeedada shirkii Taleex ay ka lahaayeen Cali Khaliif Galaydh iyo koox uu ku tilmaamay qurbo joog.

 

Afhayeenka UDUB carabka ku dhuftay khilaafkii dhawaan soo kala dhexgalay musuuliyiinta xisbigaasi UDUB, isagoo Wasiiradii Rayaale ku eedeeyey inay qodobo ay hore ugu xidheen Musharaxa xisbiga UDUB inay markii danbe ka masuugeen, balse uu isagu markii hore-ba ka soo horjeeday in Musharaxa xisbigooda wakhtigan la doorto.

 

Ugu horayna isaga oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Taliyihii qaybta 26-aad ee dawladdii Macangaga ahayd ee Siyaad Barre waxa uu yidhi “Ninka nabada geesi ku ah ayaa dagaalkana geesi ku ah, Moorgan Cida uu u hiiliyana waxba tari maayo cida uu ka hiiliyona waxba yeeli maayo waayo waa Fule. 1988-kii markii SNM soo gashay 20,000 ciidan ah ayuu xukumayey oo taliyaha qaybta 26-aad ayuu ahaa waana ninkii isaga oo halkii uu dadka ku xidhxidhi jiray ku dhuumanaya loogu tagay subaxiina buurtaa Ina Naxar inta uu isku qaaday airport-ka naf xaraaradii tagay ee baxsaday ee Naanaysta kula baxay arintaas”.

 

Cali Guray oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Moorgan wakhti hore waxa uu ahaan jiray Booligaadh inkasta oo uu saraakiishii Ruushka ka yimid uu ka mid ahaa, hadana col uu hogaamiyey oo dagaal galay oo guulaysta waligii lama arag. Dagaalka uu imika ku baaqayaana waa mid aanu waxba ka taraynin, sarkaal milatari lama odhan karo runtii lamuu mid ahayn saraakiishii waawaynayd ee halgankii sida wayn uga soo qaybqaatay oo lamuu mid ahayn Cabdi Casiis Cali Barre, markuu Hargeysa joogay gurigiisu waxa uu ahaa Night Club habeenka Jimcaha lagu tunto, waxa kaliya ee uu ahaa nin ismaldhakhiye ah oo isdaawada uun, laakiin marka ay runtu timaado nin wax tari kara maaha. Inkasta oo aanu ahayn nin u qalma in loo jawaabo hadana, waxaan leeyahay dabkaas uu shidayaa hada isku dirkaa uu la soo banbaxay waa mid aanu isagu ku gubanayn. Moorgan isaga oo Kismaayo jooga oo kooxyar oo uu Qabyaalad meel ugu ururiyey u qudbadaynaya oo gadhkan Yuhuudiga ah ee uu leeyahay mid la mid ah leh Media-ha waynu ku aragnay isaga oo dadkaas colaad ku abaabulaya oo leh Tolaa’iyeey, imikana waxa uu doonayaa innuu dab kala dhexdhigo Somaliland, xiligan maamul hoosaadada badan la samaystay isagu waxa uu u arkayaa in Calankan buluuga ah ee ay wataan qoladan qurbo jooga u badan ee Somaliland dhexdeeda doonaya inay maamulka ka samaystaan, waxaanu doonayaa in arinku uu inta uu maanta marayo uu ka balaadho. Arintu imika waa khilaaf inaga dhexdeena ah oo beel ka mid ah beelaha reer Somaliland, runtii taasina hore ayey inoo soo martay inaguna Insha Allaah waynu xalin oo wuu iska dhamaan doonaa khilaafkaas yari, markaa ninkan Moorgan la leeyahayna waxa uu doonayaa inuu wax kale ku sifeeyo oo uu dadka saar qabiil iyo munaafaqad la soo dhexgalo”.

 

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Muj. Cali Guray mar uu ka hadlayey shirka Taleex iyo ujeedadii laga lahaa, waxa uu yidhi

 

“Shirkii Taleex ka dhacay horta ujeedadii ay ka lahaayeen qolada qurbo jooga ah ee uu Cali Khaliif Galaydh wataa kamay gaadhin oo intan shiraysaa waxay ahayd in aad u kooban oo 300 qof badhna ay qurbaha ka yimaadeen badhna ay yihiin intii ay masaariifta u soo diri jireen, isla markaana dadka kale rayigooda lama ogolayn xataa sida muuqata beesha *********** laftigeedu waa beel leh Somaliland oo jecelna inay nabad kula noolaato beelaha kale ee la daga dalka, xalkaasina waa mid u baahan in si wada jir ah loo raadiyo”.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya Cali Khaliif Galaydh iyo danta uu ka lahaa shirkii Taleex, waxa uu yidhi “Cali Khaliif Galaydh-na waxa uu is lahaa shirka London ayaad ku fadhiisan doontaa maamul goboleedkaas uu sheegtay, taasina inaanay suurta galaynin waa la ogyahay. Markaa anigu waxaan taageersanahay xaga nabada oo waxaan jeclahay waliba in la isku dulqaato oo wax walba wada hadal lagu dhameeyo, taas ayaanan mar walba taageerayaa. Hadalkii uu warbaahinta mariyeyna maaha mid macno badan samaynaya oo Cali Khaliif waa nin siyaasi ah oo guur-guurid badan siyaasaduna maaha sida uu moodayo oo siyaasi kuma sheegi karnaba maadaama oo uu colaad ku baaqayo, halkan uu leeyahay ha lagu dagaalamo-na waa halkii uu u dhashay ee uu dadkiisu ku noolaa. Waxa loo baahan yahay dhamaanteena inala gudboon in siyaasadahan bariga dib loo qiimeeyo oo dib wax badan looga badalo oo fiiro intii hore ka badan loo yeesho, isla markaana colaad iyo nabad labada-ba loo diyaargaroobo. Cali Khaliif Ethiopia-na wuu soo maraa, isla markaana Ethiopia-na cida ku macaaridka ah ee halkan jooga Hargeysa ayaa laga dhexqabtaa oo loo dhiibaa, waxaan fahmi kari laayahay waxa weeyi in iyada oo Madaxwaynaheenii uu Cali Khaliif dambiile ku sheegay, waxa uu imikana uu Jigjiga u joogo ee ay iyagu u galbinayaan ee ay u taageerayaan runtii taas ayaan fahmi kari laayahay”.

 

Cali Guray mar uu ka hadlayey Maamulka Puntland, waxa uu yidhi “Maamulka Garoowe abaabul dagaal iyo colaad-ba inay inagu soo afuufaan waa mid looga fadhiyo waayo qoladaa ********** waxa ay rabaa in beesha *********** u soo baahato oo ay soo ceshadaan Puntand-tii uu Dhulbahantuhu ka mid ahaa oo imika dhamaan beesha *********** way ka soo go’een maamulka Puntland, hadii ay ka soo go’eena waxay u soo noqdeen dalkoodii iyo dadkoodii reer Somaliland oo run ahaantii uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi. Arinta ay reer Puntland ka dagaalamayaan ee waxan oo xaasidnimo ah ugu wacani waxa weeyi marka uu *********** ka tashado waxa meesha ku soo hadhaya reer yar oo Marjeerteen la yidhaahdo oo kaliya, markaa waa taas ta ay ka dagaalamayaan”.

 

Mujaahid Cali Guray mar wax laga waydiiyey shirka kooxaha Soomaalida uga

 

Cali Guray mar wax laga waydiiyey halka uu ka taagan yahay Shirka London ee Somaliland lagu casuumay, balse shakiga badan laga muujiyey, waxa uu yidhi “Anigu waan taageersanahay marka horena waan taageersanaa shirka uu Ingiriisku ku baaqay, waana wax wanaagsan hadii magaca Somaliland la inagu casuumay oo aynu shirkaa kaga qaybgalayno, sababtu waxa weeyi in dadaaladii la sameynayey 20-ka sanadood ee xalka loogu raadinayey Somalia ay qireen inay wada fashilmeen, markaa Somaliland waxa ay indhaha ka lalin jireen oo aynu odhan jirnay Somaliland waa loo baahan yahay oo bulshada caalamka ayaa u baahan. Hadalkii uu ku hadaaqayey Ra’isal Wasaaraha Somalia-na waa beentii oo kooxaha ka qaybgalayaa waxay sitaan calamkii Somalia ee buluuga ahaa, kaas oo ah calanka Somalia, markaa Puntland, Galmudug, TFG iyo Ehlu-suna Waljameeca intaasi-ba waxay sitaan calankaas buluuga ah, halkaasna waxa ka muuqata inaanay dawladda TFG-gu aanay matali karaynin intii xataa Somalia la isku odhan jiray, markaa hadii aanay jirin Somaliland kala qaybsan oo saddex calan kala sidataa ma ma jirto. Ajandaha lagaga hadlayo shirka London waxyaabo badan oo Somaliland khuseeya ayaa ku jira oo ay mid yihiin xaga Kaalmada, Budhcad-badeeda iyo Argagixisada waa waxyaabo ina taabanaya oo mandaqada ka mid ayeynu nahay. Qodobka tooska ahi waxa weeyi waxa dhamaanaya mudadii dawladdaTFG-ga loo xilsaaray inay maamulaan halkaas oo waxa ay kaga eegtahay bisha August ee sanadkan, markaa hadii ay bulshada caalamku rabto inay dhibaatooyinkaas xalkooda ay Somaliland kala qaybgasho oo waayo aragnimada aynu arimahaas u leenahay wax la inaga waydiiyo ama runta la isku sheego oo la yidhaahdo dhibaatooyinkaas Somaliland wax wayn ayey ka tari lahayd hadii la aqoonsado, markaa maadaama oo aynu dan leenahay waa inay aad u danaynaa meelkasta oo ay imanayaan cid wax inoo ogol, markaa inaynu inaga iyo Soomaaliya noqono laba dal oo jaar ah oo is kaalmeeya, waxay noqonaysaa kaalin wixii hore oo dhan ka firfircoon”.

 

Afhayeenka UDUB mar uu ka hadlayey khilaafkii kala irdheeyey xisbigooda halka uu salka ku hayey, waxa uu yidhi “Khilaafkaas UDUB sidii aanan markii hore ugaga muuqan Media-ha ayaan hadana jecelahay inaanan ugaga muuqan, khilaafkanina waxa uu ka dhexbilaabmay kooxo gudida fulinta ah, labadoodu-na way isla ogolaayeen in Musharaxa la soo qadimo, aniguna waxaan ka mid ahaa ragii diidanaa Musharaxa imika ha la soo qadimo, markaa anigu waxaan gaar noqday markii labadoodaas dhinac ay isla qaateen in Musharaxa la soo qadimo oo lacag badan uu shubo cidii Musharaxa xisbiga danaynaysaa, arintaasina mid ay isla ogolaayeen ayey ahayd laakiin natiijadeedii kamay wada farxinin labadii dhinac. Mida kale anigu uma arko Jamaac Cali Xuseen uu khaldan yahay oo intuu qandaraaskii bixiyey ayuun buu dadkii tartamayey ka mid noqday, lacagta badan ee Musharaxa lagu xidhayna waxa dabada ka riixayey waxay ahaayeen Wasiiradii xukuumadii hore, khilaafka jirana hadii laga wada hadlo waa wax si dhakhso ah loo dhamaynkaro, laakiin hadii uu Cali Warancade damac ku jiro waxay ahayd in shuruudii uu sameeyey uu u maro Musharaxa xisbiga”.

 

 

http://www.haatuf.net/2009files/3069.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

This conference will not benefit Somaliland did carafaat even read the agenda of the conference Amisom mandate Somalia's future after the transition period the road map piracy non of that concerns Somaliland. The Brits are not clear about Somalilands role in this particular conference,so i think we should just pass.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This now seems like the Asad regime of Syria, most of Sland politicians can't wait to join the party in London, deserting the empty slogns one by one, until you see only Siilaanyo and his shibrayaal or shall we call his SOL شبيحه singing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Guru, all that depends on how SL is recieved and treated. These are things that (usually) get ironed out beforehand. Now, if I were a betting man I would wager that the SL government is (right at this moment) haggling with the Brits over the details of the reception. It's all about diplomacy and how the Brits arrange the decks. Furthermore, with the option of 'opting out', SL has plenty of wriggle room. I would not dismiss our attendance just yet. We could even attend and then stage a 'walk out' for maximum publicity. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jug dhaha saaxiibayaal, we have a new student in the class.

This is how London Conference will look like.

2.jpg

Of course with SL in the middle seat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne

^These are the yesterday's scrap merchants and their teeming looters, who today, decided to pull on, a borrow suit, and pretend, that they govern some god-forsaking barren entity call "state"; and he things, Somaliland, and here elected president will brake bread or even sit with these ever-chancing thieving miscreants of history, indeed...

Oodweyne sxb don't put all your eggs in one basket, as you did it on Buhodle gamble, otherwise you will be labeled the most id1otic GEEK SOL have seen, we will see your leaders rubbing shoulders with Caalin, Faroole, Gaandhi, Tiiceey and so on. SL will attend this meeting SANDULLE as we say in maay (fad ama ha fadin, wallee waa lagu fadsiin), I am sure if Italy, or even USA called for this conference you wouldn't attend it, but this ain't a normal conference, you have been told off to attend by your MASTERS the Brits, and you don't have the balls to say NAY to GB which contributes 60% to you GDP. Car bal diid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No Oody what amazes me is from ppl like you and similar shibirayaal were singing every day in SOL threads, Gooni baan isu taagnay, Annagu Somalia waxba iskama kaaya galin, Qaranimadeenu wa muqadas, Qaranimadeenii baan dib ula soo noqonay, waxba idinkuma darsaneyno, blah blah blah and we were sayin all the way Aakula tahay boowe

 

Fast farward. now you and your fake Mujahidiins are telling me if Somaliland's interest is in seating in a conference "being held for Somalia" you will attend. That is big progress or pragmatism, call it what ever you want dude. I don't think any recognized nation will seat on a conference damaging or questioning its Independency.

Share this post


Link to post
Share on other sites

After 20 years of dreams and after Kalshaale and Buhoodle, Somalilanders are confused. The reality is downing on many that the project of secession has failed and want to prepare their people for the inevitable. Rather than be bystanders, take your future in your hand and be part of the solution for Somalia as a whole which will bring dignity, honor and true independence for the all the Somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No is suggesting uniting with Somalia not a single person in Somaliland mentions that not even the one in the TFG the likes of Ina Omaar. But its just some Somalilanders think they can use this particular conference to spread their message and use it in their advantage and that's all. And than there are others who are against it and see it like nothing new. I mean there are 4 entities coming out of Somalia its obvious that Somalia has failed its people. and not Somaliland.Peace and action you don't need Somaliland ,Somalia needs you and only you can help Somalia Somaliland cannot help Somalia in the long term and they know that two good luck my friend.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No is suggesting uniting with Somalia not a single person in Somaliland mentions that not even the one in the TFG the likes of Ina Omaar.

politicians are good on preparing people on soft landing. they open debates first, then they make decisions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this