Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Laascaanood Buuhudle, SNM fight locals

Recommended Posts

Mudaharaadkii ugu balaadhnaa ayaa ka soconaya magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool

 

 

Mudaharaad lagaga soo horjeedo maamulka Somaliland oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba geystey ayaa ka soconaya Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

 

 

Mudaharaadkan oo ka bilaabmay kulan ay masuuliyiinta Maamulka Somaliland ugu qabteen Hotel xamdi oo ku yaala bariga magaalada Laascaanood ayaa noqday mid isu bedeley rabshado.

 

 

Ciidamada kala duwan ayaa iyagoo adeegsanaya rasaasta nool ayaa isku deyaya inay baneeyaan jidadka magaaladda waxaana inta haatan la ogyahay sida ay barkulan dad kala duwan u sheegeen dhintay 3 ruux oo laba dumar yihiin, isbitaaladda ayaa iyagana la geeye 7 ruux oo dhaawac ah oo dumar iyo dhalinyaro u badan.

 

 

Mudaharaadkan ayaa lid ku ahaa mid la sheegay inay qabanqaabinayeen qaar ka mid ah maamulka Somaliland oo maanta lagu balansanaa in laga dhigo dhamaan magaalagooyinka Somaliland.

 

 

Guud ahaan degmada Laascaanood ayaa u eg goob qas iyo qalaalse aafeeyey iyadoo ay jiraan dhagxaan waaweyn iyo waxyaabo kale oo lagu xidhay magaaladda Wadooyinkeeda.

 

 

Maaha markii ugu horaysey ee mudaharaad noocan ahi uu ka dhoco tan iyo intii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State ee dhowaanta lagaga dhawaaqay magaaladda Taleex ee Gobolka Sool

Share this post


Link to post
Share on other sites

iidanka Somaliland dad rayid ah ku laayey magaalada Laascaano

Updated About:3 mins ago0

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidanka Somaliland ay ku dileen halkaasi ilaa iyo lix ruux oo rayid ah.

 

Dhimashada dadkaa ayaa timid kadib marki ciidamada Somaliland ee joogay Laascaano ay rasaas ku fureen dad mudaaharaadayey oo kasoo horjeeday maamulka Somaliland ee halkaasi ka arrimiya.

 

Wararka ayaa sheegaya rasaasta kadib in uu bilowday dagaal dhex maray maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidanka Somaliland, waxaana wararku ay sheegayaan magaalada ay la wareegeen maleeshiyada deegaanka.

 

Xaalada ayaa wali kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in ciidanka Somaliland ay soo rogaal celiyaan.

 

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Ciidamada Somaliland oo dad mudaaharaad dhigayey rasaas ku furay

 

Updated:- 1 min ago| 1 Commnets

 

Ugu yaraan 3-qof oo rayid ah ayaa geeriyootey 4-kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay dad mudaaharaad dhigayey rasaas ku fureen ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Ilo wareedyo ku sugan degmada Laascaanood oo ay Horseed Media xiriir la samaysay ayaa sidoo kale sheegay in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay islamarkaana ay gaareyso ilaa 6-qof inkasta oo warkaasi uu yahay mid aan weli la xaqiijin.

 

Dhaawaca dhowr qof oo kale ayaa iyagana la geeyey xarumaha caafimaadka iyo Isbitaalka weyn ee Laascaanood waxaana dhamaan dadkaas ay waxyeeladu soo gaartey yihiin dad shacab ah oo samaynayey banaanbax lagu taageerayo maamul goboleedka dhowaan Taleex looga dhawaaqay ee Khaatumo.

 

Todobaad kahor ayey ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Somaliland u dhaawaceen 2-qof oo rayid ah oo kamid ahaa boqolaal qof oo dhigayey dibad bax ay ku taageerayeen shirka Khaatumo islamarkaana ku dhawaaqayey halkudhigyo ka dhan ah maamulka Somaliland.

 

Wixii warar ah oo arintan kasoo cusboonaada saacadaha soo fool leh ayaan idiin soo gudbin doonnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LAASCAANOOD : Mudaharaad ay dad ku dhinteen oo looga soo horjeedo Somaliland oo hareeyay magaalada Laascaanood

 

January 21, 2012

 

Laascaanood:-Mudaharaad xoogan ayaa iminka ka socda magaalada Laascaanood kaas oo looga soo horjeedo Somaliland, waxaana la sheegayaa in mudaharaadkan uu yahay mid rabshado wata oo khasaare dhimasho iyo burbur gaystay, goobojooge ku sugan magaalada ayaa noo xaqijiyay dhimashada 2 qof oo Wiil iyo Gabar ah iyo 9 qof oo dhaawac ah,dhammaantoodna dadkan waa mudaharaadayaasha.

 

Mudaharaadkan, oo aad u culus ayaa wali socda waxaana dadka dhintay kuwa dhaawacmayba ay waxyeeladu soo gaartay kadib markii Ciidanka Somaliland ay la dhaceen rasaas xoogan oo aan aabo-dayin.

 

Mudaharaadkan ayaa la sheegayaa in uu jawaab u yahay mudaharaadyo ka dhacaya magaalooyinka Hargaysa iyo Burco oo taagero u ah Ciidanka ku sugan gobolka Sool iyo wax ay ugu yeereen gooni isutaaga Somaliland oo ay ku sheegayaan muqadis.

 

Maamulka Khatumo State ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Taleex ayaa xaruntiisa lagu sheegay magaalada Laascaanood oo sida la wada ogsoon yahay ay gacanta ku hayaan maamulka Somaliland.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaaharaad ,,, eh ? ............. It is called Democracy and it happens all over the world.

 

It can be violent or peaceful ,, depends on the situation. It even happens here in Hargeisa sometimes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaaharaad ,,, eh ? ............. It is called Democracy and it happens all over the world.

 

It can be violent or peaceful ,, depends on the situation. It even happens here in Hargeisa sometimes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

aascaanood,(Lasanod Online)- Mudaharaado sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa hadda ka socda magaalada Laascaanood.

 

Waxaana la sheegayaa in mudahraadkan uu keenay dhimasho iyo dhawac soo gaadhay shacabka mudhaharaadayey. kuwaas oo maleeshiyada Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen.

 

Wararku waxay sheegayaan in tiroba saddex qof ku geeriyootay rabshadahan ka dhacay magaalada, dhaawucuna uu yahay in ka badan toban qof.

 

Wadooyinka magaalada ayaa lagu xidhay dhagxaan iyo taayiro lagu gubay wadooyinka magaalada.

 

Mudaharaadkan ayaa ka dhashay kadib markii maamulka Hargeysa haween kasoo guray magalooyinka Burco iyo Hargeysa, si ay mudahraad ka dhan ah maamulka Khaatumo ugu qabtaan magaalada Laascaanood.

 

Shacabka magaalada oo ka war helay qorshahan ayaa saaka billaabay banaanbax si looga hortago Haweenkan laga keenay Gobollada Waqooyi.

 

Kala socda Lasanod Online wixii war ah ee kasoo kordha mudaharaadkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this