Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Kenyan Deputy Speaker Arrives Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (GNS)- Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamank Dalka Kenya Mudane Faarax Macalin ayaa manta soo gaadhey Magaaladda Hargyesa, ka dib markii ay ka soo kicitimeen Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Wadanka Kenya.

 

Labaddan masuul ayaa wax madaarka ku soo dhoweeyay Xubno ka socdda Goloha Wasiiradda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaalle Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda Dr Maxamed Rashiid .

 

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo qolka nasashadda kula hadleyay warbaahinta ayaa sheegay in ay safarka Faarax Macalin uu ahaa mid ay isku og yihiin isla markaana ka soo tashadeen, iskana soo raaceen dalka Kenya , Laakiin hadalkan wax beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Gudoomiye ku xigeenka Kenya waxana uu sheegay in ay ku kulmeen diyaaradda, sidaas awgeedna aanuu la socon safarka uu Wasiirku ku joogo dalka Kenya.

 

Wasiir Maxamed C/laahi Cumar waxa uu ka warmay safar qaatay muddo saddex maalmood ah oo uu ku joogay wadanka Kenya waxana uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan marka ugu horeysa aan jecelahay inaan dalka ku soo dhoweyno walaalkey Faarax Macalin Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Dalka Kenya, ee aanu jaarka nahay, Faarax waa nin aad si fiican u wadda taqaanaan, kana mid ah Saaxiibadda Ay Somaliland ku lee dahay Wadanka Kenya, sharaf bay noo tahay in uu Faarax Macalin mar kowaad iyo mar labaadba dalka u yimaaddo booqasho, isagaana u dayn doonaa in uu ka waramo, balse waxa aan jecalahay inaan ka waramo safar shaqo oo aan ku maqnaa muddo Saddex maalmood ah, ku joogay Dalka Kenya”.

 

“Sidaad ka war qabtaan Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka aanu jaarka nahay ee xidhiidhka wanaagsani naga dhaxeeyo, waxa kale oo ay Kenya tahay, xarun ay fadhiyaan jumciyadda quruumaha ka dhaxeeysa iyo beesha caalamkuba safiiradda ay ku lee yihiin Kenya, Somaliland inta badan arimaheedda halkaas bay ka maamulaan, markaa muhiimad gaar ah ayay lee dahay, dalka Kenya magalaadiisa Nairiobi xaga siyaasadda iyo horumarka, iyo marka iskaashigaba laga hadlayo markaa waxa aan halkaas u tahey, in aan beesha caalamka ee halkaas fadhigeeddu yahay inaan warbixin iyo xogoba ka siiyo rimaha ka socdda Somaliland ee horumarka leh iyo arimo xaga nabadgelaydda xidhiidh la leh intaba, oo ay ka mid yihiin arimaha imika Somaliland meello ka mid ah ka taagan, wuxuuna ahaa is xogwaraysi iyo isku waran, ka xukuumad ahaan beesha caalamka aanu ka siinayayn warbixin xaqiiiqdda jirta eek u saabsan halka ay Somaliland marayso, oo ah runtii xidhiidh joogto ah oo aanu inta badan la lee nahay.

 

waxan halkan ka jecelahay inaan si khaas ah u xuso, shir aanu shalay wadda yeealanay ergiga guud ee u qaabilsan jumciyadda quruumaha ka dhaxeysa arimaha Soomaaliya iyo arimaha somalilandb ninka la yidhaado Amsaddor Mahiga, oo aanu ka wadda hadlaynay arimo dalka iminka ka socdda iyo mawaaqiifta ay ka qaadanayaan jamciyadda

 

Quruumaha ka dhaxeysa ama ay ka qaadan doonaan.

Weerarkii dhowaan ay maleeshiya hubaysani ku soo qaadeen meello ka mid ah Somaliland khaasatan degmadda Buuhoodlle iyo arimaha kale ee dhaqaaqaaqiga siyaasiga ah, ee ka socdda Somaliland, ee dadka qaar ku doonayaan in ay ku majara habaabiyaan wadda jirka iyo qaranimadda Somaliland”.

 

In jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa ay taageersan tahay in Somaliland lagu taageero nabadgelyadeedda, oo aanay jamciyadda quruumaha ka dhaxeysaa ogolayn cid wax yeelaysa midnimadda iyo wadda jirka Somaliland, arimahaasi waa mawqiif cad oo ay ka qaadatay jamciyudda quruumaha ka dhjaxeeysaa, waxana aanu ugu baaqaynaa kooxaha hubaysan ee nabadgleyo daradda ka wadda meello ka mid ah Somaliland in ay ka waantoobaan oo wixii mawqif ah ama farqi ah oo wixii ay qabaan ah si nabadgelyo ah oo degan lagu dhameeyo aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”. Ayuu ku soo gabo gabeeyay Wasiirku hadalkiisii.

 

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Baarlamnka Dalka Kenya Mr Faaraxc Macalin oo ka Hadley u jeedooyinka safarkiisan ayaa waxa uu hadaliisa ku bilaabay siddatan “Waan ku faraxsanahay inaan markalle imaado Somaliland, anigu safarkaygu waxay ahayd mid iikhaas ah, Wasiirka arimaha Dibaddana Diyaaradda uun ayaanu isku aragnay ee iskama aanu war hayan ee hadda halkan uun ayanu iskugu nimid ee iskama aanu war hayn.

 

Anigu waxaan u socddaa wixii guud ee Somali oo dhan nabadeedda iyo horumarkeedda sidii xal loogu heli lahaa oo aan ahayn gacan qaad, looguna gaadhi lahaa, waxyaabahaas oo dhan hab xasiloon.

 

Anigu ma aaminsani marnaba in ay somalil isku gacan qaado meel kasta oo ay joogto, taasina waxa weeyaan mid aan dawladdana u sheegayo shacabka soomaaliyeedna u sheegayo wax alaalle wixii dhibaato ah oo jirra wax weeyaan waxa la joogaa wakhtigii xal lagu dhamayn lahaa intaas waxa aan uga baxayaa dhibaatooyinka ka jirra Somaliland gudaheedda, iyo gobladda ay ka dhacdey gacan qaadku, dawladdu in ay isticmaasho wax la yidhaado degnaasho, xasilnooni iyo tartiib, ilayn dhaqan soomaali ayaynu iska lee nahay inagu e .

Dawladduna waa in ay ka waantyowdo kana talaabsato gacan qaadka, waayo dadku waa walaalo khaastan soomaalidu meel kasta oo ay joogtona manta dhulka ayay taalaa markaa haday dhulka taallo dan ayaa inoogu jirta inaga oo dhanba inaan walaalnimo kuwadda hadlno meel kasta oo aynu joognoba

 

Dhibaatooyinka soomaalidda haystaa waxa ay ka jiraan wax haytsa jaamhuuriyaddii soomaaliya waad aragtaan, idinka (Somaliland) Way idin haysataa taas waa dardaaran guud oo aan u gudbinayo shacbiga soomaaliyeed iyo madaxdda soomaaliyeed, xalka soomaali guud ahaana waxa inagu waajib ah in aynu ukuur galno dhamaanteen, aad baan ugu faraxsanahay runtii marka loo eego soomaalidda kale sidda ay u degan tahay Somaliland in badan ay usugan tahay nabadgelayadeedu.

 

Wax kale waxa weeyaan qiimayn yar oo ah inaan arko Somaliland sidii aanu u yeelan lahayn wadda hadal, taas oo aan doonayo inaan wadda hadal yeelano soomaali oo dhan, soomaaliya waanu tageynaa waanu wadda hadalaynaa, Somaliland waanu imanayaan waanu wadda hadalyanaa, soomaaliddu meel kasta oo ay joogtoba waanu wadda hadleynaa.

 

Waanu ka xunahay in ciidamo kiiniyaan ahi galaan soomaaliya balse duruuri ayay noqotay in ay galaan ciidaamaddu soomaaliya boqolaal qaxoonti ah ayaa soo galay wadanka Kenya macaluushii iyo raafaadkii iyo dhibaataddii iyo abaarihii ayaa batay ay nimankaasi (Alshabaab) ku hayeen dadka maatadda ah, dadka xagjirka ah runtii waxa aad moodaa in ay ku tala gallen in ay dadka baabiiyaan, waxaas oo dhan baa nagu khasabtay in la gallo loona gallo sidda ugu tartiibsan uguna xiisaabsan haddana lagaga soo baxo sidda ugu macquulsan, iintaas oo dhana la kiciyo soomaali oo dhan si looga wadda hadlo sidda ugu macquulsan ee aan shacabka wax u gaadhi karayn, soomaali waxbaa gaadhey, aad baanu uga xunahay waxaasina waxa weeye waxa aan doonayo inaan madaxdiina kala shakaysto, guud ahaan waayo hadaan ku jabno somaliya, Wax ay ka dhigan tahay Somaliland waanu ku jabaynaa, Kenya waanu ku jabaynaa meel kasta waanu ku jabaynaa dadku way wadda dhasheen waa isku dhiig markaa waa inaan nabad iyo xasilooni u raadinaa sidii aanu wax uga qaban lahayn.

 

Faarax macalin oo la weydiiyay su’aal ahayd in ay Kenya wax lug ah ku lee dahay shirka ka socdda degamadda Talleex ayaa waxa uu ku jawaabay inaanuu la socon shirkan Talleex, isla markaana Dawladda Kenya wax lug ah ku lahayn, sidaas awgeedna uu maqlay shirka Talleex, laakiin aanu la socon, gudoomiye ku xigeenku waxa uu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in soomaalidu ay ku dhamaysato khiaafkoodda wadda hadal, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “shir kasta oo ka dhaca Somaliya anagu waxa aanu iska jeclanahay dhibaatooyinka soomaaliyeed in cid kale loo raadin waxani waxa weeye wax gudaha ah wax aanu ka ognahay maaha, wax ay igu tahay Maqal sidda aad adigu hadda iigu sheegaysid, laakiin wax la jooga hadda wakhti loo baahan yahay culays in la isticmaallo waan ogahay inaad culays isticmaalaysaan oo madaxdda iyo dawladda dad aan ku kalsoonahay weeyaan dhiig soomaaliyeed oo danbe ayan la daadinin mid kastaba ha haado markaa aan sidda ku lee yahay waxa aan ahay nin soomaaliyeed oo qaran kale ka yimid oo soomaalidu dad yar ka yihiin”.

 

Isku soo wadda duuduub oo safarkan uu faarax Macalin ku yimid Somaliland ayan ahayn kii ugu horeeyay ee uu ku yimaaddo Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Laakiin hadalkan wax beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Gudoomiye ku xigeenka Kenya waxana uu sheegay in ay ku kulmeen diyaaradda, sidaas awgeedna aanuu la socon safarka uu Wasiirku ku joogo dalka Kenya.

:D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Baarlamnka Dalka Kenya Mr Faaraxc Macalin oo ka Hadley u jeedooyinka safarkiisan ayaa waxa uu hadaliisa ku bilaabay siddatan “Waan ku faraxsanahay inaan markalle imaado Somaliland, anigu safarkaygu waxay ahayd mid iikhaas ah, Wasiirka arimaha Dibaddana Diyaaradda uun ayaanu isku aragnay ee iskama aanu war hayan ee hadda halkan uun ayanu iskugu nimid ee iskama aanu war hayn.

What an embarresment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu waxaan u socddaa wixii guud ee Somali oo dhan nabadeedda iyo horumarkeedda sidii xal loogu heli lahaa oo aan ahayn gacan qaad, looguna gaadhi lahaa, waxyaabahaas oo dhan hab xasiloon.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo qolka nasashadda kula hadleyay warbaahinta ayaa sheegay in ay safarka Faarax Macalin uu ahaa mid ay isku og yihiin isla markaana ka soo tashadeen, iskana soo raaceen dalka Kenya , Laakiin hadalkan wax beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Gudoomiye ku xigeenka Kenya waxana uu sheegay in ay ku kulmeen diyaaradda, sidaas awgeedna aanuu la socon safarka uu Wasiirku ku joogo dalka Kenya.

 

Ileen Ceeb looma dhinto.. Warkan wasiir ku sheeg xaa ka siya oo ninka qofkii oo ag fadhiyoo been ka sheegayaaye..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Jiiroow Bakaal;775945 wrote:
Sijuwigaan siyaasada Somaliya wuu ku wareerey inuu iskaga baxo Sakiima wuki iyo Maharaagwadiisa iska cunaa loo qaataa

Do you think so? I would say that he is a smart man who knows in Hargeysa ay tahay wakhtigii ay Soomaaliya soo raaci lahayd marka wuxuu rabaa inuu taariikhda dhinacaas ka galo. Sida muuqata isaga iyo maamulka degaankani xiriir bay leeyihiin. Waxaa xitaa laga yaabaa inuu yahay ergay loo soo diray sidii dhabbaha loogu xaari lahaa in walaalaha Waqooyi Soomaaliya dhinac ka raacaan...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faarax Macalin: Warlord Siilaanyo Wuu Ogolaaday Inuu Dagaalka Joojiyo iyo in uu Maleeshiyadiisa Kala Laabto Buuhoodle

 

 

Faarax Macalin, Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya

Hargeysa (RBC) Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Maxamed oo maanta booqasho ku tegey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wada hadal uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu kala hadlay arinta degmada Buuhoodle.

 

Faarax Macalin oo galabta warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ogolaaday in ciidamadiisu ka soo celiyo Buuhoodle isagoo sheegay in dhiig dambe oo ku daata Buuhoodle aan la aqbali karin.

 

“Waxaan ka wada hadalnay in dagaalka la joojiyo oo wada hadal wax walba lagu xaliyo, dadku waa dad wada dhashay waa dad xidid iyo ehel ah waa dad ay taariikh dheer ka dhaxayso marka anaga waxaan qabnaa in wixii ka dhacay Buuhoodle aan loo baahneyn” ayuu yiri Faarax Macalin.

 

Faarax Macalin wuxuu sheegay in uu dhanka kalana la xiriiray hogaanka dhaqanka ee beelaha Sool iyo Sanaag uuna kala hadlay sidoo kale nabadeynta uu u yimid Hargeysa, wuxuuna sheegay inay si fiican ugu jawaabeen.

 

“Sidoo kale waxaan dadka iyo waxgaradka reer Buuhoodle ugu baaqayaa inay colaada qaboojiyaan, wax kastana laga hormariyo nabadda, wixii jira halaga wada hadlo” ayuu yiri Faarax.

 

Faarax oo la weydiiyey shirka Taleex ee looga dhawaaqay maamulka cusub ee KHAATUMO STATE ayaa wuxuu sheegay in wax kasta ay ku xiran yihiin sidii la isku afgarto, laakiin aan loo baahneyn in dad Soomaaliyeed la dilo.

 

Ma jirto wax hadal ah oo dhanka Somaliland ka soo baxay oo la xiriira hadalka Faarax Macalin ee ah in Somaliland ay joojineyso duulaanka Buuhoodle. Waxaase uu hadalka Faarax yimid iyadoo maanta dagaal kooban uu markale duleedka magaalada Buuhoodle ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka Buuhoodle.

 

Dagaal Axadii magaalada Buuhoodle ka dhacay ayaa waxaa uu geystay dhimashada ugu yaraan toban ruux iyo dhaawac fara badan oo qaarkood lagu daweynayo isbitaalka Gaalkacyo.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this