Sign in to follow this  
A_Khadar

Wufuud Sare Oo Saaka Booqday Furimaha Dagaalka ee Degaanka B

Recommended Posts

A_Khadar   

Waxaa maanta booqasho ugu tagay Ciidamada naftood horuyaasha Wufuud sare oo uu hogaaminayo C/kariin Xasan Jaamaca oo kamid Ahaaa ergooyinkii soo qaban qaabiyey shirwaynaha khaatumo 2 ee kasocda magaalda Taleex.

Ugu horayn waxay in dhadhayn ku sameeyeen Xoogaga Naftood horuyaasha ee shalay sida xooga ah uga soo saaray Ciidamada Maamulka hargeisa waxaana halkaasi kalmado kooban ka jeediyey Baliga Shangalle Qaar kamida qurbajoogta kasoo jeeda deegaanda Sool, Sanaag iyo Cayn iyagoo ku dheeradaay inay shacabka deegaanada Sool, Sanaag iyo cayn Ay xaq uleeyihiin inay is difaacaan cidii dhimata ay tahay Shadiid.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo culimada maamulka waqooyiga Soomaaliya Inay ku wacyi geliyaan horjoogaha maamulka hargeisa dhibaatada ay leedahay dulmiga lagu qaado cid aadan wax ku lahay iyo weliba inuusan marna guulaysanayn Dulmigu.

iyagoo dhanka kala xaqiijiyey in shacabka Deegaanada Ssc aysan Rajo danbe ka sugay maamulada Hareeraha. hadii waxkasta dhacaana aysan dib ugu laaban doonin.

Ugu danbayn ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Dawlada Federaalka Soomaaliya C.kariin Xasan Jaamac wuxuu ugu horayn utacsiyeeyay dadkii dhimashadu kasoo gaadhay dagaalka Ciidamada Milatariga Maamulka Waqooyiga Soomaaliya ay kusoo qaadeen shacabka magaalda Buuhoodle , kuna doonayeen inay ku qabsadaan magaalada Buuhooodle ee Xarunta gobolka Cayn.

waxa uu ugu baaqay hogaamiyaha maamulkaasi inuu faraha kala laabto tixgeliyana rabitaanka shacabka Deegaanada Ssc, waxa uuna xusay inaysan suurta gala ahayn in si khasab ah cidna loogu khasbi karo meel ay san doonayn.

Sidoo kale waxa uu xusay inay dhamaatay xiligii lakala jiidan jiray Shacabka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayna imika samaysteen maamul madaxbanaan kaas oo si rasmiya uhoostageya Dawlada Soomaaliya.

Ugu danbayna waxa uu ugu baaqay Madaxda dawlada sare ee soomaliya inaanu war saxaafeeed laga soo saaro meel dad lagu laayey aanu waxba tarayn hasa ahaatee ay wax qabadkeeda kaga aadan kaqayb qaadato.

Ugu danbayn ayaa waxaanu waraysiyo layeelanay qaarkamida saraakiisha hogaaminaya ciidamada waxayna kawarameen xaalada ciidamada Xoogaga maagaalada Buuhoodle.

Picture-704.jpg

Picture-701.jpg

Picture-702.jpg

Picture-708.jpg

Picture-710.jpg

Picture-698.jpg

 

Picture-716.jpg

Picture-717.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where are the buildings and houses of Buuhoodle in the pics? Looks like they're standing in the middle of the countryside with livestock grazing behind them. Since Buuhoodle as a town is divided right along the border (between a Somaliland side and an Ethiopian side of the town), couldn't they at least take pictures in the Ethiopian side?

 

It would make for better PR value to increase the diaspora donations...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this