Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Abdi Bile Abdi Arrives Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay bxafiiskiisa ku qaabilay Orod yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bille Cabdi oo booqasho ku jooga dalka Somaliland.

 

waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada orodyahankan oo taariikhda orodada caalamka baal dahab ah kaga jira waxaanu xusay in xukuumada uu hogaamiyaa ay mar walba dhiirigelinayso sidii ay ciyaaraha Somaliland u gaadhi lahaayeen maqaamka adduunka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka waramay inay mudadii koobnayd ee hogaaminta

qaranka ay hayeen ay u suuro gashay Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland isla markaana ay ka soo baxday dhalinyaro ku firfircoon dhinaca ciyaaraha.

 

Wasiirka wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa dhiniciisa Madaxweynaha uga waramay taariikhda orod yahankan oo sannadihii 1987kii ilaa 1989 kii ku guulaystay tartamo tiro badan .

 

Dhinaca kale, Orod yahankii hore ee Cabdi Bille Cabdi ayaa u mahadceliyay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland soo dhawaynta wanaagsan ee uu kala kulmay isagoo xukuumada ku amaanay tartankii xamaasada lahaa ee ciyaaraha gobolada dalka ee dabayaaqadii bishii December lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Burco kaas oo uu ku tilmaamay talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday isla markaana dhiirigelin u ah sidii da’a yarta Somaliland loogu jihayn lahaa ciyaaraha kala duwan.

 

Orod yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bille Cabdi ayaa noqonayaa orodyahankii Sadexaad ee booqasho ku yimaada Somaliland iyadoo uu dhawaan caasimada dalka ee Hargaysa uu yimid Orod yahanka caanka ah ee Jaamac Maxamud Aadan “Jaamac Karaaciin” iyo Orodyahanka Moa Faarax, oo sadexduba ka soo jeeda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ceeb badana!

 

SNMtu karbashed his family in Ceerigaabo few months ago. They karbashed his clan in Sanaag few years ago. They dragged his brothers in Adhicadeeye few years back and NOW...he's shaking the hands of the warlord, murderer who killed thousands of his family/clan from 1980's till Present day.

 

Ceeb badana! I am ashamed of this and I can't even look at a Somalidiidka Hergeisa in the eyes and talk about Cabdi Bile Cabdi anymore. He's dead to me from now one!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Just like the health program somaliland copied from puntland yet no one picture showing what their doing for their people WAR WA BEENTOODA no doctors came and there not doing anything for the people there

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this