Sign in to follow this  
somalee

Xeerka Somaalida VS Dhibaatooyinka dalka

Recommended Posts

somalee   

Marka hore waan idin salaamay dhamaan. Marka xiga anigu waxaan ogahay inay Soomaalidu badankood leeyihiin xeer ay ku laabtaan markay qalaalasadu ka dhamaan weydo. Odayaal baa wax xalin jiray.

Tusaale, hadii gabadh la kufsado xeer loo noqdo ayaa jiray, hadii qof la dilo sidoo kale. Sideedaba odayaasha Soomaalida

badanaa iyagaa arimin jiray oo lama dhaafi jirin hadalkooda. Xeerkaas wali wuxuu ka jiraa gobolada waqooyi, gobolka Somalida ee Itoobiya iyo Puntland iyo meelo kale. Odayaal xaliya dhibaatooyinka bulshada ka dhax dhaca baa meelahan aan magaacabay ka jira.

Door intee la eg bay ka ciyaari kartaa baad is leedihiin nabadeynta koonfurta Soomaaliya haday jiraan odayaal laga dambeeyo iyo xeer lagu dhaqmo? Sidaan maqlay waxaa jira wax la yiraahdo ''Afar faatixo''. Tusaale gabadh baa lagaa kufsanayaa, kadib waxaa lagu leeyahay ''4 faatixo qaado''. Horay ma uga jirtay koonfurta xeer lagu dhaqmo? Haday jawaabtu tahay haa, sidee lagu soo celin karaa xeerarkii lagu dhaqmi jiray. Haday tahay maya, sidee lagu abuuri karaa xeerar lagu dhaqmo oo dadka ka dhaxeeya?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Salaanta waan kaa qaadnay awoowe, salaan ka dib arrimaha aad soo jeedisay waxan ka oran lahaa siyaabahan soo socda.

 

Marka ugu horaysa arrintu horumar bulsho ayey la xiriirtaa. Tuusale sida ay miraha masagadu dhulka marka lagu aaso ee waxyaabihii ay u baahnaayeen laga haqabtiro u baxaan, u koraan marka dambena ay miro u dhalaan sidaas oo kale bulshadu marka hore xoolo raacato ayey noqotaa, waxaa ay uga gudubtaa inay xoolaha ku lamaaniso beeraha; kadibna beeraley deggan ayey ku dambeeyaan. Heer kastaa qaabkiisa dhaqan-dhaqaale oo u gaar ah ayuu wataa!

 

Marka aad Beledweyn iyo wixii ka hooseeya eegto waxay muddo toddobaatan sano ka hor u gudbeen heerka dhaqan-dhaqaale ee bulsho ee xoolo-beeraleyda ah, qaar badan oo ka mid ahi markii dambe, beeraley rasmi ah ayey noqdeen halka kuwo kalena degeen magaalooyin waaweyn, sida Muqdisho, halkaas oo dawladnimo xoog lehi ka tisqaaday gaar ahaan intaan dawladdii dhexe burburin sannadkii 1991. Waxaa u sii dheer dadka goboladaas deggan oo qabaa'il ahaan aad u kala duwan marka la barbardhigo gobolada aad magcowday.

 

Arrimahaas is-barkan ee Koonfurta u gaarka ah ayaa keenaya inay dhaqan ahaan ka duwanaadaan Soomaalida kale ee degta, Puntland, Somaliland iyo Soomaali Galbeed waayo goboladan dambe dhaqanka xoola raacatada ayaa ku xoog badan; waxaanse anigu sugi karaa in waqti mustaqbal ah oo aan fogayn in iyaga laftoodu ay u gudbaan heer dhaqan-dhaqaale bulsho oo diciifiya kaalinta odayaasha dhaqanka.

 

Mar hadday sidaas tahay Koonfurtu hadda dib uguma noqon karaan hab-dhaqan ay ka soo gudbeen.

 

Waxaa habboon iyagoo kaashanaya odaaysha dhaqanka, wixii hadda la hayo, inay culayska saaraan inay abuuraan ururo bulsho oo ka koobaan, wax-garad, aqoon-yahanno, dhallinyaro iyo haween iwm. oo sidaas ay ugu hawl-galaan in dawladdii dhexe ee burburtay la soo celiyo.

 

Dawlad ayaa badbaadin karta ee odayaal dhaqan waxay bulshadaas u qaban karaan way kooban tahay

. Taasi waa ra'yigeyga!!

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Gacaliye samaalle odoyaasha waqooyigu la mid maahan kuwa koonfurta waayo aroortiibay khudaar cunaan xalkana uma daahaan

kuwa barigu kaluunbaa maskaxdoodooda koriyay xalna il uma marmartaan, kuwa soomaali galbeekana sayidkiibaa u duceeyay in ilaahay caqli badan iyo geelba siiyo ayaguna xalka uma luqludaan.

Koonfurtu ilaahaybay leedahay intaasu waa kaftan iyo xog waran

 

Gabar la kufsaday waa muraayad jabtay u malaynmayo in afar faataxo ka ansaxayso nin wax kufsaday, taasna soo hubi buugaad ka akhrisay

adiga see kuula muuqdaa in dawo loogu heli karo boogtaas dawadeeda lala'yahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

Positive;771634 wrote:
Salaanta waan kaa qaadnay awoowe, salaan ka dib arrimaha aad soo jeedisay waxan ka oran lahaa siyaabahan soo socda.

 

Marka ugu horaysa arrintu horumar bulsho ayey la xiriirtaa. Tuusale sida ay miraha masagadu dhulka marka lagu aaso ee waxyaabihii ay u baahnaayeen laga haqabtiro u baxaan, u koraan marka dambena ay miro u dhalaan sidaas oo kale bulshadu marka hore xoolo raacato ayey noqotaa, waxaa ay uga gudubtaa inay xoolaha ku lamaaniso beeraha; kadibna beeraley deggan ayey ku dambeeyaan. Heer kastaa qaabkiisa dhaqan-dhaqaale oo
u gaar ah
ayuu wataa!

 

Marka aad Beledweyn iyo wixii ka hooseeya eegto waxay muddo toddobaatan sano ka hor u gudbeen heerka dhaqan-dhaqaale ee bulsho ee
xoolo-beeraleyda
ah, qaar badan oo ka mid ahi markii dambe,
beeraley
rasmi ah ayey noqdeen halka kuwo kalena degeen magaalooyin waaweyn, sida Muqdisho, halkaas oo dawladnimo xoog lehi ka tisqaaday gaar ahaan intaan dawladdii dhexe burburin sannadkii 1991. Waxaa u sii dheer dadka goboladaas deggan oo qabaa'il ahaan aad u kala duwan marka la barbardhigo gobolada aad magcowday.

 

Arrimahaas is-barkan ee Koonfurta u gaarka ah ayaa keenaya inay dhaqan ahaan ka duwanaadaan Soomaalida kale ee degta, Puntland, Somaliland iyo Soomaali Galbeed waayo goboladan dambe dhaqanka xoola raacatada ayaa ku xoog badan;
waxaanse anigu sugi karaa in waqti mustaqbal ah oo aan fogayn in iyaga laftoodu ay u gudbaan heer dhaqan-dhaqaale bulsho oo diciifiya kaalinta odayaasha dhaqanka.

 

Mar hadday sidaas tahay Koonfurtu hadda dib uguma noqon karaan hab-dhaqan ay ka soo gudbeen.

 

Waxaa habboon iyagoo kaashanaya odaaysha dhaqanka, wixii hadda la hayo, inay culayska saaraan inay abuuraan
ururo bulsho
oo ka koobaan, wax-garad, aqoon-yahanno, dhallinyaro iyo haween iwm. oo sidaas ay ugu hawl-galaan in dawladdii dhexe ee burburtay la soo celiyo.

 

Dawlad ayaa badbaadin karta ee
odayaal dhaqan waxay bulshadaas u qaban karaan way kooban tahay

. Taasi waa ra'yigeyga!!

 

Toosiye2

Waad ku mahadsantahay faahfaahinta dheer. Hadaad leedahay waa dib u dhac in odayaasha dhaqanka wax la weydiiyo, anigu arintaas kuguma raacsani. Hadaan Soomaali nahay in odayaasheenu wax xalin karaan oo ay xal ka keeni karaan meelaha ay dawlad wax ka qaban weyday tusaalooyin badan baan kuu siin karaa.

Mudo dhowr sano laga joogo ayaa waxaa ku dagaalamay 2 qabiil gobolka Soomaalida ee Itoobiya, dawladii Itoobiya ayaa markay dhax gashay wax ka qaban weyday markii dambana odayaal baa loo diray. Odayaashii baa sidii kusoo xaliyay.

Ma waxaad leedahay dadka koonfur jooga hor mar bay gaadheen oo odayaal wax ugama baahna? Goboladan aad ku eedeysay inay dib u dhacsanyihiin maadaama ay odayaashoodu u arimiyaan waa gobolada ka amaanka badan kuwaas koonfureed. Waana gobolada dad badan oo reer koonfur ah intay guryahoodii kasoo qexeen ay nabad galyo ku heleen. Dawlada intaan la isla gaarin, soo kulama aha in loo baahanyahay odayaal laga dambeeyo oo wixii dil, kufsi iyo dhac la geysto wax ka yiraahda? Maadaama 20 sano dawlad la sugayay, Soomaalidii kalana dilkii ku yaraaday, koonfurna wali dhibkii sidii u haysto..

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

gooni;771735 wrote:
Gacaliye samaalle odoyaasha waqooyigu la mid maahan kuwa koonfurta waayo aroortiibay khudaar cunaan xalkana uma daahaan

kuwa barigu kaluunbaa maskaxdoodooda koriyay xalna il uma marmartaan, kuwa soomaali galbeekana sayidkiibaa u duceeyay in ilaahay caqli badan iyo geelba siiyo ayaguna xalka uma luqludaan.

Koonfurtu ilaahaybay leedahay intaasu waa kaftan iyo xog waran

 

Gabar la kufsaday waa muraayad jabtay u malaynmayo in afar faataxo ka ansaxayso nin wax kufsaday, taasna soo hubi buugaad ka akhrisay

adiga see kuula muuqdaa in dawo loogu heli karo boogtaas dawadeeda lala'yahay?

Lol, ninkii inantiisa laga kufsaday oo lagu yiri ''4 faatixo qaado'' anigaa la kulmay. Aniga waxay iila muuqataa in odayaal iyo salaadiin laga dambeeyo la sameysto, oo xeer la sameysto. Hadhoow markay dawlad burburto si loogu baxsado odayaasha. Dad aan odayaal iyo salaadiin lahayn, dawladu haday burburto sida xayawaankay iskula dhaqmayaan.

Waa ra'yigeyga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

somalee;771999 wrote:
.Waad ku mahadsantahay faahfaahinta dheer. Hadaad leedahay waa dib u dhac in odayaasha dhaqanka wax la weydiiyo, anigu arintaas kuguma raacsani. Hadaan Soomaali nahay in odayaasheenu wax xalin karaan oo ay xal ka keeni karaan meelaha ay dawlad wax ka qaban weyday tusaalooyin badan baan kuu siin karaa.

Mudo dhowr sano laga joogo ayaa waxaa ku dagaalamay 2 qabiil gobolka Soomaalida ee Itoobiya, dawladii Itoobiya ayaa markay dhax gashay wax ka qaban weyday markii dambana odayaal baa loo diray. Odayaashii baa sidii kusoo xaliyay.

Ma waxaad leedahay dadka koonfur jooga hor mar bay gaadheen oo odayaal wax ugama baahna? Goboladan aad ku eedeysay inay dib u dhacsanyihiin maadaama ay odayaashoodu u arimiyaan waa gobolada ka amaanka badan kuwaas koonfureed. Waana gobolada dad badan oo reer koonfur ah intay guryahoodii kasoo qexeen ay nabad galyo ku heleen. Dawlada intaan la isla gaarin, soo kulama aha in loo baahanyahay odayaal laga dambeeyo oo wixii dil, kufsi iyo dhac la geysto wax ka yiraahda? Maadaama 20 sano dawlad la sugayay, Soomaalidii kalana dilkii ku yaraaday, koonfurna wali dhibkii sidii u haysto.

Awoowe hadal tirada waan iska aqaan laakiin imaad fahmin.

 

La islama diidana kaalinta wax-ku-oolka ah ee odayaasha dhaqanka laakiin su'aasha aan isku deyey in aan ka jawaabo oo aadan fahmin waxa weeyaan: Xaggee ayey ka shaqayn karaan? waxay ka shaqayn karaan meel ay ka jiraan; 1) odayaal dhaqameed ab-ka-ab soo jireen ah oo si wanaagsan ugu carbisan kaalinta oday dhaqannimada. 2) Xeerar soo jireen ah oo dadku wada wadaago oo ku dhaqankooda iyo ku garrankooda la isla garanayo la islana ogol yahay. 3) Bulsho u hoggaansan odayaasha iyo ku dhaqanka xeerarka. Haddaba tusaalooyinka aad isticmaashay meelaha ay khuseeyaan shuruudahan ayey buuxinayaan.

 

Halka koonfurtu aysan buuxinayn!

 

Doodaydu waxaa weeyaan nidaam cusub oo ka baxsan odayaasha iyo xeerarka soomaalida ayey Koonfurtu ku dhaqmaysay marka laga soo bilaabo 1950kii, nidaamkaas oo diciifiyey kaalinta odayaasha iyo xeerarka soomaalida; nidaam dawladnimo ayey u gudbeen oo si wanaagsan u hirgalay; Dhibaatadu waxaa weeyaan dhaqankii faca weynaa ee soomaalidana koonfurtu way ka tagtay kii beddelay ee dawliga ahaana wuu diciifay ama burburay ayaad ku doodi kartaa.

 

Maxaa la sameeyaa hadda?

 

Sida saxda ahi waxaa weeyaan nidaamkii dawladnimo waa inaynu xoojinaa waayo odayaasha iyo xeerarka soomaalidu qabyaalad ayey dabada ku wataan; Qaranka aynu doonaynona qabyaaladdu waa u cadow. Inaad i fahamtay ayaan filayaa!

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Haday arintu saas tahay oo koonfurta oday iyo talo la'aan baahsan ka jirto aaway kuwaad lahayd waa dhaamaan maxay saminaar ugu qaban waayeen?

sow aqlibiyada ayagu malaha? buul qurxoon oo tadhase dhex jiifo oday hortaagan qudhiisa ma nuur badna samaalow.

 

Anigu waxaan qabaa inaysan soomaalidu waxba is dhaamin kuwii marshada ilaahay u galiyo oo istiqraar hela ma yaqaanaan sida loogu shukriyo iyo waxa la gudboon, macawistay ilkaha kuwada haystaan mid faani karaana kuma jiro inaba, intay hashoodu kici la'dahay.

 

Waan maqlay intii burburku dhacay kufsi iyo tacaddi dhacay balse ma maqlin in odoyaal quraan saareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

Positive;772104 wrote:
Awoowe hadal tirada waan iska aqaan laakiin imaad fahmin.

 

La islama diidana kaalinta wax-ku-oolka ah ee odayaasha dhaqanka laakiin su'aasha aan isku deyey in aan ka jawaabo oo aadan fahmin waxa weeyaan: Xaggee ayey ka shaqayn karaan? waxay ka shaqayn karaan meel ay ka jiraan;
1) odayaal dhaqameed ab-ka-ab soo jireen ah oo si wanaagsan ugu carbisan kaalinta oday dhaqannimada. 2) Xeerar soo jireen ah oo dadku wada wadaago oo ku dhaqankooda iyo ku garrankooda la isla garanayo la islana ogol yahay. 3) Bulsho u hoggaansan odayaasha iyo ku dhaqanka xeerarka.
Haddaba tusaalooyinka aad isticmaashay meelaha ay khuseeyaan shuruudahan ayey buuxinayaan.

 

Halka koonfurtu aysan buuxinayn!

 

Doodaydu waxaa weeyaan nidaam cusub oo ka baxsan odayaasha iyo xeerarka soomaalida ayey Koonfurtu ku dhaqmaysay marka laga soo bilaabo 1950kii, nidaamkaas oo diciifiyey kaalinta odayaasha iyo xeerarka soomaalida; nidaam dawladnimo ayey u gudbeen oo si wanaagsan u hirgalay; Dhibaatadu waxaa weeyaan dhaqankii faca weynaa ee soomaalidana koonfurtu way ka tagtay kii beddelay ee dawliga ahaana wuu diciifay ama burburay ayaad ku doodi kartaa.

 

Maxaa la sameeyaa hadda?

 

Sida saxda ahi waxaa weeyaan nidaamkii dawladnimo waa inaynu xoojinaa waayo odayaasha iyo xeerarka soomaalidu qabyaalad ayey dabada ku wataan;
Qaranka aynu doonaynona qabyaaladdu waa u cadow.
Inaad i fahamtay ayaan filayaa!

 

Toosiye2

Sxb si fiican baan kuu fahmay. Anigu ra'yigeyga ma ahayn in odayaasha si rasmi ah u xalin karaan dhibaatooyinka ka taagan koonfur, balse inay inta dowlad laga helayo bulshada dhaxdhaxaadin karaan si loo yareeyo dhibka.Waxaana ila qaldan in mudo 20 sano ka badan la sugo dowlad xalisa dhibaatooyinka iyagoo odayaal iyo xeerar sameysan kara si aan wax loo kala dilin oo hablaha loo kala kufsan, waxna loo kala dhicin. Haday odayaashu qabyaalad ku salaysanyihiin, dhibaatooyinka koonfur oo dhanba waa qabyaali. Laakiin odayaal qabyaalad iyagoo kuba dhisan hadana wax xaliya soo ma dhaamaan m.ooriyaan qabyaalad ku dhisan waxna burburiya?

Laakiin ra'yigaagu haduu yahay, intay doontaba ha qaadatee dowlad xoogan uun in la sugo inta ka horeysana dhibka si kale (odayaal/xeerar) aan la isku dayin in lagu yareeyo waan fahmay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

gooni;772269 wrote:
Haday arintu saas tahay oo koonfurta oday iyo talo la'aan baahsan ka jirto aaway kuwaad lahayd waa dhaamaan maxay saminaar ugu qaban waayeen?

sow aqlibiyada ayagu malaha? buul qurxoon oo tadhase dhex jiifo oday hortaagan qudhiisa ma nuur badna samaalow.

 

Anigu waxaan qabaa inaysan soomaalidu waxba is dhaamin kuwii marshada ilaahay u galiyo oo istiqraar hela ma yaqaanaan sida loogu shukriyo iyo waxa la gudboon, macawistay ilkaha kuwada haystaan mid faani karaana kuma jiro inaba, intay hashoodu kici la'dahay.

 

Waan maqlay intii burburku dhacay kufsi iyo tacaddi dhacay balse ma maqlin in odoyaal quraan saareen.

Waa dhaqan ka jira xagaas, macnaha 4 faatixo qaado kama dhigna qur'aan si saani ah la isku saarayo. Waa duco qaado uun.

Mida kale anigu waxaan is lahaa inta dowlad xoog leh laga helayo, odayaashu door muhim ah bay ka qaadan karaa yaraynta dhibaatooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

Somalee,

 

Wexee ila tahay inaadan Koonfurta Somalia arrimaheeda waxba kala socon. Sababtoo ah Xeerka waaba kan killi dadka reer miyiga ah kala badbaadsha. Tusaale ahaan, dadka Somaaliyeed oo reer miyiga ah meelwalbe ee joogaan ha ahaato Somailand, Puntland, Somali Galbeed, NFD markii colaad soo dhexgasho wexee badbaadin ka helaan Odeydhaqmeed is xilqaamey oo adeegsada Xeerka Somalida. Akhriso wargeysyada internetka laga helo ama radio, beriwalbe waxaad maqli reer hebel iyo reer hebel aa isku qabsadey geel, ceel ama dhul waxyar kaddibna waxaad maqlee reerihii oo heshiiyey. Maxee ku heshiiyeen? Xeerkii hore oo reer guuraaga adeegsan jireen. Yaa heshiisiiye? Cuquusha. Marka, dhibaatada Koonfurta Somalia haaysata ma aha mid ka timaada guuldarashada Cuquusha ama ka taga Xeerka. Dibka Koonfurta Somalia haaysata wuxuu ku seeran yahay Magaalooyinka waaweyn.

 

Lakiin ani waaba iska jecelahay in xoogaa laga fogaado habka Cuquusha u dhaqanto iyo sidee wax u xalliyaan. Waligaa goobjoog ma u eheed Odeyaal geed hoostii reero ku heshiisiinayey? Kow, odey aa khudbad dheer jeedinaya asagoo ka hadlaya kalgacalka iyo nabadda reerahaas ka dhex jirrijirtey. Hal saac kaddib markii dadkii nusna hurdaan nusna lulmood ku jiraan aa odey kale istaagi khudbadiisna ku billaabi "Hebaloo wax kastoo la oran karo adaa tiri, cidna waxba kuma dari karto hadalkaadi balse annigu waxaa leeyahay." Haddaaba waxwalbe oo la dhihi karo la yiri asaga maxaa istaajiyey oo u hadlayaa? Ma u moodi kartaa qof reer magaal ah oo sabar u lahaan kara khudbo 1 saac gaarta? Waa goor dhumis iyo nus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this