Sign in to follow this  
Dr_Osman

Prime Minister Comes Home After 11 Long Years. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Prof Cabdiweli oo 11-sano kadib Boosaaso soo gaarey [sawiro]

 

Updated:- 12 mins ago| 0 Commnets

 

Wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland Cadbiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ay qayb ka yihiin Ra’iisul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Prof Cabdweli Maxamed Cali (Gaas), ku-xigeenkiisa, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka FKMG, iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ee Puntland ayaa galabta soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Wefdigan oo saaka kasoo ambabaxay magaala-madaxda Puntland ee Garoowe ayaa ku hakaday kulammana lasoo qaatay maamulada iyo dadweynaha ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka laamiga ku yaala ee ka tirsan gobolada Karkaar sida degmada Qardho ee gobolkaas xarunta u ah, iyo degmada Carmo oo iyaduna raacsan gobolka Bari.

 

Bulsho weynta degmada Qardho oo ugu horeyn ay wefdiga uu madaxweynuhu horkacayaa soo mareen ayaa si diiran u soo dhoweeyey waxayna mudadii ay halkaas ku sugnaayeen warbixino koo kooban ka dhegeysteen Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.

 

Intaas kadib waxa ay wefdigu usoo gudbeen dhinaca gobolka Bari waxayna in mudo ah joogeen degmada Carmo iyagoo khudbado koo kooban ka jeediyey kulliyadda tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Carmo halkaas oo munaasabad soo dhoweyn ah oo aad u balaarani ay ka dhacday.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo intii uu degmada Carmo ku sugnaa dadweynihii soo dhoweeyey si kooban ula hadlay ayaa uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen, wuxuuna ku booriyey inay sii balaariyaan horumarka ay gaareen oo uu Ra’iisul wasaaruhu tilmaamay inuu yahay mid aad u balaaran.

 

Kolonyadii gaadiidka ahayd ee gelbinayey wefdiga uu horkacayo madaxweynaha Puntland waxay intaas kadib usoo ruuqaan sadeen dhinaca degmada Boosaaso ee ah xarunta dhaqaalah iyo ganacsiga ee Puntland.

 

Waxaana meel magaalada aad uga durugsan kaga hor yimi boqolaal dadweyne ah oo ruxayey Caleemo qoyan , Calammo, iyo boorar ay ku qoran yihiin hal-kudhigyo soo dhoweyn ah oo ka turjumaya sida ay bulshada magaalada Boosaaso ku dhaqani ugu faraxsan yihiin booqashada ay wefdiga uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qaybta ka yahay magaaladooda kusoo gaareen.

 

Kumanaan dadweyne ah ayaa sidoo kale isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada dhex mara iyadoo ammaankuna uu ahaa mid aad loo adkeeyey,waxayna ku dhawaaqayeen erayo soo dhoweyn ah oo ay kamid ahaayeen: ” Soo dhowaada, Jaalayaaloow Soo dhowaada”

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa loo sii gelbiyey dhinaca madaxtooyada, mana jiro wax hadal ah oo ay mas’uuliyiintaasi jeediyeen kadib markii ay aqlka madaxtooyda gaareen , waxaase la filayaa saacadaha soo socda inay Shir jaraa’id qabtaan.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

 

Horseed Media

 

Boosaaso

 

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-231.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-232.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-234.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-242.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-243.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-252.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-256.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-230.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-236.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-249.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wefdigiisa oo degmada Carmo si diiran loogu soo dhoweeyey [sawiro]

 

Dadweynaha iyo maamulka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa maanta si diiran usoo dhoweeyey wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo uu ku jiro Ra’iisul wasaaraha DKG ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali.

 

Munaasabad soo dhoweyn ah oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee kulliyada tababarka Booliska ee Carmo iyadoo halkaas Madaxweyne Faroole iyo Ra’iisul wasaaruhuba ay hadalo ka jeediyeen.

 

Madaxweyne Faroole oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey bulshada degen degmada Carmo iyo maamulkeedaba isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida qiimaha badan ee ay usoo dhoweeyeen.

 

Prof Cabdiweli oo isna intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay in sanadkii 2000 oo ahayd markii ugu danbeysey gobolka Carmo ay ahayd tuulo yar , hadase uu aad ula yaabay sida ay mudada kooban ugu dhisantay islamarkaana ay u noqotay mid kamid ah degmooyinka gobolka Bari ugu waaweyn.

 

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in loo baahan yahay degmooyinka kale inay iyaguna dhinaca horumarka degmada Carmo kaga daydaan, wuxuu sidoo kale ku booriyey bulshada degmada Carmo ku dhaqan inay howsha halkaas kasii wadaan.

 

Intii ay wefdigaasi ay Carmo ku sugnaayeen waxay booqdeen dhamaan qaybaha ay kooban tahay kulliyada tababarka ciidamada Booliska ee degmada Carmo iyagoo sidoo kale warbixino ku saabsan howsha kulliyada ka dhegeystey qaar kamid ah Saraakiisha xeradaas maamula.

 

Ma ahan markii ugu horeysey oo wefdi ka socda DKG ah ee Soomaaliya ay degmada Carmo iyo guud ahaan gobolka Bari booqasho ku yimaadaan haseyeeshee waxaa isna dhowr sano kahor sidan oo kale kulliyada ciidamada ee Carmo usoo booqday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

Horseed Media

Boosaaso

 

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-053.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-055.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-064.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-078.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-095.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-116.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-119.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-120.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-127.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-156.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Boys Security is Tight

 

Ammaanka magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda ku dhow ee laamigu dhex maro oo aad loo adkeeyey [sawiro]

 

Updated:- 1 hour ago| 1 Commnets

 

Ammaanka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada dalka ayaa aad loo adkeeyey iyadoo meel walba maanta lagu arki karey ciidamo badan oo ammaanka si xoogan u sugayey.

 

Wadooyinka waaweyn ee magaalada dhex mara iyo luuqyada yar yar waxaa ilaalo ka hayey ciidamo isugu jirey Boolis iyo Daraawiish waxaana intii ay wefdiga madaxweynuhu horkacayaa magaalada soo gelayeen la joojiyey isu socodka gaadiidka ee wadooyinka waaweyn.

 

Sidoo kale dhulka buuraleyda ah ee ku yaala inta u dhexesa Boosaaso iyo tuulada Kala-bayr oo iyadu qiyaastii 60km dhinaca koonfureed kaga beegan ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo tira badan oo qaarkood ay wateen gaadiidka dagaalka.

 

Buuraha korkooda, Jeexyada Jidka laamiga ah ku dhow, iyo weliba wadooyinka jid-cadeyaasha ah ee Laamiga ka leexda ayaa iyaguna ahaa kuwo lagu arki karey askar labo labo u wada socda oo ilaalo ka hayey.

 

Waxaana sidoo kale soo gelbinta wefdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland qayb lixaad leh ka qaatay ciidamada Mariiniska ah ee loo tababaray ilaalada badaha Puntland.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysey oo ciidamo intaas tiro le’eg lagu arko magaalada Boosaaso iyo weliba wadada Laamiga ah ee soo gasha arintaas oo lagu micneeyey inay qayb ka tahay ka hortagga qaraxyo lala eegto wefdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo iyagu galabta magaalada Boosaaso soo gaarey.

 

Horseed Media

 

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-010.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-012.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-013.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-090.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-105.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-110.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-208.jpg

]Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-209.jpg

Wefdiga-Raiisul-wasaaraha-210.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

You know what always strikes me? Is how our people do anything for the sake of LEADER. I mean this love and support could vanish in blink of eye IF Faroole chooses to dismiss the road map. What will they do markaa? NOTHING. The something happens everywhere. Look at Western Somalia, the Pro-government/Ethiopia mobilizes the people when ever necessary. Tarzan of South Somalia did the same thing in Farmaajo days. Aidid and Ali used to do. Also not forget the Borama flag wavers. Even the Kenyans have managed to do so now Kismao.

 

If you are standing up, do it for cause and be genuine.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

^^

So you do not think getting rid of 4.5 is genuine? It doesn't matter what the true agenda is, it is a cause everyone supports.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dr_Osman;768076 wrote:
Hilarious there is no comments it appears people are owned

You have yet to produce C/Weli walking in the streets of Boosaaso. Pics of Carmo and bunch of Saracen puppets aint doing the PM justice.

 

I will give it one more day for the pics. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalina;768110 wrote:
You have yet to produce C/Weli walking in the streets of Boosaaso. Pics of Carmo and bunch of Saracen puppets aint doing the PM justice.

 

I will give it one more day for the pics.
:D

There U GO

1693.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji Xunjuf;768081 wrote:
Whats the point of him touring Bosaaso should he not be in Mogadisho and taking care of things?

What's the point of a leader touring other cities in his country lol.

 

I know the pictures hurt xaaji, particularly the fact that the President and PM are able to travel such far distances within Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well there are times to travel and times to be effective Abdi weli has been traveling the Middle east doing nothing giving interviews to aljaazera making a fool out of him self.He's the TFG prime Minister he needs to do his work correctly and be in the Capital and work closely with the security forces and mps and establish law and order his aim is to defeat Alshabaab in southern Somalia, not to travel around In Bosaaso doing what exactly? taking pictures with the governor of Garowe Mr Faroole hellow time is ticking the TFG mandate ends in 2012 august.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this