Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fist fight breaks out again in the TFG Parliament +PICS

Recommended Posts

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo mar kale ku dagaalamay Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho

 

Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku dagaalamay gudaha xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaddib markii ay halkaas isugu tageen xildhibaannadii xilka ka qaaday afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwa weli rumeysan inuu guddoomiyaha baarlamaanka yahay.

 

Gacan ka hadalka ayaa billowday markii ay xildhibaannadii taageersanaa afhayeenka baarlamaanka ay kasoo horjeesteen magacaabista guddiga qabanqaabiya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo khasaare geystay.

 

Xildhibaannada ayaa waxay isku garaaceen makarefoonnada xarunta taallay, kuraasta iyo miisaska, waxaana la arkay dhowr xildhibaan oo dhiig uu ka da'ayo oo laga saarayo xarunta golaha shacabka, kaddib markii ay nabro kaga dhaceen madaxa.

 

Iskahorimaadka kaddib ayaa waxaa halkaas kulankoodii ku qabsaday xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan, kuwaasoo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka iyo Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen shir guddomiye.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo hadlay ayaa sheegay inuu howsha shir guddoominta kala wareegay xildhibaan Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen xildhibaanada shir guddoon markii xilka laga qaaday guddoomiyihii baarlamaanka iyo ku xigeenkiisii koowaad.

 

"Kulanka waxaa soo xaadiray 290-xildhibaan, waxaana u codeeyay inaan guddi doorasho soo magacaabi karo 287-xubnood saddexda kalena way ka aamuseen," ayuu yiri xildhibaan Axmed Casoowe oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabayo guddi doorasho.

 

Xildhibaannada baarlamaanka oo markii hore loo diiday inay ku shiraan xarunta golaha shacabka ayaa go'aan ku gaaray inay jiiraan ciidamadii ilaalada ka hayay xaruntaas oo isugu jiray kuwa AMISOM iyo booliiska DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana mudanayaashaas horkacayay xildhibaanno ay ka mid yihiin: Muuse Suudi Yalaxoow iyo Cismaan Xasan Cali (Caato).

 

Gacan ka hadalka ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo dhexmara xildhibaannada taageersan guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa kasoo horjeeda, iyadoo aysan jirin cid dhexgashay gacan ka hadalka dhexmaray xildibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

 

Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen todobaadkan in dib loo bilaabo kulammada baarlamaanka lana dhowro axiga KMG ah iyo heshiiskii Kampala, iyagoo shaki geliyay xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this