Sign in to follow this  
Maaddeey

Kenyan jets bombard Hosingow town, 12 dead, 27 injured!

Recommended Posts

Maaddeey   

In kabadan 12 ruux ayaa Shahiiday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kadib diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Kirishtaanka Kenya ay galabta duqeyn xoogan ka geysteen gobolka Jubbada Hoose.

 

Deegaanka Hosingo oo qiyaastii 160 km u jira magaalada Kismaayo ayaa waxaa duqeymo xoogan ka geystay diyaaraha dagaalka ee Kenya, iyadoona ay ku waxyeeloobeen dad badan oo rayid ah.

 

Wararka ka imaanaya deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan inay adag tahay qaar ka tirsan Xaaladda Caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay duqeynta, waxaana gurmad u fidiyay Ciidamada Xisbada ee deegaankaasi ku sugan.

 

Dhinaca kalena Waaliga Jubbooyinka Sheekh Abuubakar Cali Aadan ayaa ka hadlay duqeyntaasi Washaxnimada ah, wuxuuna tilmaamay in Kenya aan looga hari doonin duqeymaha ay ku Xasuuqeyso Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee aan waxba galabsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Diyaarado dagaal oo duqeyn qasaaro sababtay ka gaystay J/hoose

 

Howsingoow: (Sh. M. Network) In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay duqeymo diyaarado dagaal ay ka gaysteen mid ka mid ah deegaanada hoostaga gobolka Jubada hoose.

 

 

 

Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Howsingoow oo 160 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in galabta ay duqeeyeen deegaankaasi diyaarado dagaal.

 

 

 

Mid ka mid ah Odayaasha deegaanka oo Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ilaa 3 diyaaradood oo miig ah ay duqeeyeen 3- guri oo uu sheegay in ay daganayeen dad shacab ah, isagoo sheegay in ay duqeeynta ku geeriyoodeen 11 ruux 22 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo tibaaxay in ay ahaayeen dad shacab ah.

 

 

 

 

 

Sidoo kale Oday dhaqameedkaasi ayaa waxa uu sheegay in dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ay u badnaayeen haween iyo caruur, waxaana uu sheegay in ay ku mashquulsan yihiin badbaadinta dadka dhaawacmay oo uu sheegay in aysan heysan Xarumo caafimaad.

 

 

 

Warar dheeraad ah oo Shabelle heshay ayaa waxa ay sheegayaan in duqeynta uu ku dhaawacmay Gudoomiyaha deegaanka Howsingoow ee Al Shabaab Saacid C/laahi, iyadoo dadka dhintay la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa ciidamada Al Shabaab.

 

 

 

Ma jiro cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaani diyaaradeed, hase ahaatee waxa ay dhacdadaani kusoo aadeysaa xili duqeymo Kenya ay ka gaysatay magaalada Jilib ee gobolka Jubada hoose ay ku geeriyoodeen dad shacab ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

 

Shabelle Media Network © 2011 All rights reser

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shabab-held Somali village hit by air strikes

At least a dozen civilians reportedly killed when al-Shabab-occupied town of Hosungow is struck by unidentified planes.

 

A warplane bombed a Somali village held by al-Shabab fighters near the border with Kenya on Tuesday, killing several civilians, a Somali military official said.

 

It was not immediately possible to identify who carried out the attack in the village of Hosungow, which is near the area of Dhobley - itself under the control of Somali government and Kenyan troops, as well as a militia allied to Somalia's government.

In-depth coverage of the regional political crisis

 

But neighbouring Kenya, which sent troops across the border into Somalia to crush the al-Qaeda-linked al-Shabab fighters, has intensified air strikes in recent weeks since the ground and air offensive began in October.

 

"The jet first dropped bombs on the outskirts of the village ... but then returned in the afternoon, dropping bombs in the village's centre. Parts of the village, especially shops, are now burning," Mohamed Gelle, a Hosungow resident, told the Reuters news agency.

 

Another resident, Bakar Hussein, described a similar sequence of events, saying a jet first bombed the outskirts then later returned to strike the village centre.

 

The residents gave different numbers for those dead, saying between 12 and 14 civilians had been killed.

 

"Casualties were taken to their homes since there are no hospitals," Hussein said.

 

Targeting fighters

 

A Kenyan military spokesman was not immediately available for comment.

 

Mahmud Farah, the spokesman for Somalia's government forces in Dhobley confirmed an air strike took place not far from the fighter-controlled Hosungow.

 

"The target was a military base and training camp for al-Shabab. We do not know the loss but there was big damage," Farah said.

 

Sheikh Abdiasis Abu Musab, an al-Shabab spokesman, said a jet had targeted the group in the village. He denied suffering any casualties but said nine civilians had been killed.

 

Kenyan troops crossed into Somalia in October after a wave of kidnappings and cross-border raids it blamed on the rebels, who control large swathes of southern and central Somalia.

 

Its forces initially advanced smoothly on militant towns in Somalia's southern border regions but have since become bogged down by heavy rains and a lack of clear strategy.

 

The fighters have adopted a strategy of melting into the population from where they can launch hit-and-run attacks on Kenyans, rather than confront the army head on.

 

Kenya wants its forces in Somalia to be integrated into the African Union's AMISOM force that has peacekeepers in Mogadishu.

 

On Tuesday, the first of a 900-strong Djiboutian force arrived to augment the African peacekeeping force.

Source:

Agencies

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inkastoo duqeymaha lagu aslalay Deegaanka Hooshingow ee Gobolka Jubbada Hoose ay khasaarooyin xoogan ka soo gaareyn dad rayid ah, ayaa waxaa hadana dhinaca kale ay khasaarooyin ka soo gaareyn rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

 

Laba diyuuradood oo nooca miigag ah ay lee-dahay Dowladda Kenya, ayaa waxay abaarihii 5-tii galabnimo ee shalay ay duqeymo xoogan ka geysteen Deegaanka Hooshingow, oo ay ka arrimiso Xarakada Al Shabaab.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay xaqiijiyeen in Gudoomiyihii Deegaanka Hooshingow ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Saciid C/Laahi uu ku dhintay, duqeymihii xooganaa ee shalay galab lagu asqeeyay Deegaanka Hooshingow.

 

Sheekh Saciid C/Laahi ayaa waxaa la-sheegay in isaga iyo rag kale oo ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa guri ku yaalla Deegaanka Hooshingow, in lala hellay gantaal ay soo tuurtay mid ka mid ah diyuuradihii shalay duqeymaha fulliyay.

 

Afhayeenka Guud ee Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay dilleen in ka badan 15 ruux oo Shabaab ka tirsan.

 

Ragga ay dilleen ayaa wuxuu qeexay inay isagu jireyn Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, isagoo xusay in ragga ay dilleen dilleen uu ku jiray Gudoomiyihii Deegaanka Hooshingow ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Saciid C/Laahi.

 

Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday inay dad masaakiin ah ku dilleen Deegaanka Hooshingow, marka laga reebo khasaaraha soo gaaray Xoogaga Shabaab, hase ahaatee wuxuu ku nuux-nuux-saday inay jab xoogan u geysteen Xoogaga Shabaab.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta Dowladda Kenya ay ku eedeysay inay xasuuqday dad masaakiin ah, isla-markaana waxay ku hanjabeen in Dowladda Kenya ay u geysan doonaan jab xoogan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

inaaalilaahi wa inaalilaahi rajicuun allah ha u naxaristo shacabka gacanta ka xaqdaran eeh shisheeye kuwi Qafuurka waweyna ey dileen. Jihaadku hada deer wa banaanyahay wa xaq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this