Sign in to follow this  
Positive

Dood: Dhibaatada Soomaaliya oo la micneeyey.

Recommended Posts

Positive   

Waayaha adduunku qofba si ayuu ku maraa qofkastaana si u gaar ah ayuu u arkaa una micnaystaa. Marka sharaxaadahan hoos ku qorani waa kuwo shaqsi ah oo cabiraya sida aan anigu u arko dhibaatada Soomaaliya halka ay ka soo askuntay, heerarka ay soo martay iyo halka ay maanta joogto. Waxaan ugu talo galay in dhallinyaradana garaadkooda aan ku kobciyo dadka waaweyna aan ku xusuusiyo dhacdooyinkii hore iyo raad-yaalkii ka dambeeyey.

 

!) Halka ay ka soo askuntay dhibaatada soomaaliya ka taagan hadda.

A) Sannadihii 1960kii - 1969kii.

Waqtigii xornimadoonka waxaa dadka lagu hawl-gelin jiray in marka dalku xor noqdo qofkastaa halkiisa ku dhergi doono, bash-bash iyo barwaaqona la kumban doono oo dad madaxbannaan oo aayahooda ka tashada ay soomaalidu noqon doonto. Markii Xoriyaddii la qaatay 1960kii oo ay midoobeen koonfurtii iyo waqooyigii Soomaaliya arrimuhu sidii la sugayey may noqon ee waxaa dhacday in:

 

- Siyaasad ahaan culayska la saaray in shantii soomaaliyeed la xoreeyo si ay markaas u midoobaan.

 

- Dhaqaalihii dalka iyo cududii dadka loo jeediyey in la sameeyo ciidan xoog leh oo xoreeya Soomaalida la gumeysto.

 

- Waddamadii Soomaaliya gumeysan jiray laga fogaaday oo la samaystay saaxiibo kale oo ka caawiyey Soomaaliya ciidan xoog leh inay dhisato.

 

- Waddamadii deriska ahaa colaad joogto ah oo toos ah iyo mid dadbanba lala galay.

 

- Dalkii hub ka soo buuxamay dadkiina diyaargarow iyo tababar dagaal ay galeen.

 

Waxaa timi markaas in:

 

- Bulshadii oo awalba dhaqan u lahayd ay u sii xuubsiibatay mid dagaalyahano ah oo dagaalka taqaan.

 

- Ay bulshadu sii baratay in is-maandhaafka lagu xaliyo dirir iyo dagaal.

 

- Hub badan oo casri ah sida loo isticmaalo ay dad aad u tiro badani barteen.

 

- Waddamadii dalka maal-gashan lahaa oo Reer Galbeeku ugu horeeyey ay kiishkii xirteen, soomaaliyana ku qoreen dal aan saaxiib ahayn.

 

- Beerihii iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee waddanku ay dayacmeen oo laga jeestay halkaasna barwaaqadii la wada sugayey iyo ballan-qaadkii xoriyadda ka hor uu meesha ka baxay.

 

- Dhaqaale darrada dhacday keentay in qabyaaladii sii xoogaysatay oo loo kala dhareeyey iyadoo faramayooyin qolo-qolo la isticmaalayo jagooyinkii koobnaa ee dawladda iyo meelihii kale ee wax laga xag-xagan karay.

 

Soo koobo hoggaamadii soo maray dalka ee waqtigaas oo dadkooda taageero ka haystaa waxay go'aansadeen in shantii soomaaliyeed la xoreeyo si ay markaas u midoobaan. Go'aankaasi wuxuu keenay in afka la saaray waddo dhaqaale darro dalka wehel u noqotay dadkuna dagaal u jihaysteen.

Dhammaadkii lixdameeyadii iyadoo meel loo socdo la garan la’yahay oo dilkii iyo dagaaladii qabiilka ku salaysnaa bateen ayaa 21kii oktober 1969kii af-gembi aan dhiig ku daadan ciidamadii qalabka siday ay xukunkii kula wareegeen. Taasi waxay nayaayiro iyo dhiig cusub gelisay higsigii sii liicayey ee dadka waxayna ku abuurtay qalbigooda farxad iyo rajo cusub.

 

( Qayb dambe sug)

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warsamow (Positive), bal giraanta butili ...

 

Weli waa qabyo ee markaad dhammaystirtid, baan wax kaa oran doonaa aragtidaada ku saabsan halka salka u ah dhibaatada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Xiin waa raggeedii! Boowe soo dhowow koley badi madaxa ayaad u ruxi doontaa faaladayda haddiise ay dhacdo in aad meelo igu diido inoo soo gudbi aragtidaada. Ha sugin inaan dhammaystiro taxanahan ee dhextaal geli meeshii aad is tiraahdo waa loo baahan yahay.

.

B) Dhammaadkii 1969 - bilowgii 1978dii.

 

Sannadahaas waxaynu u bixin karnaa xilligii hirgalka kacaanka waana waqti wejiyo badan leh oo la isku khilaafi karo laakiin ninkii joogay uun baa ka taariikhayn kara. Anigoo soo koobay sidan soo socota ayaan u werin lahaa.

 

Markii Ciidamadu la wareegeen xukunkii waxay isla markiiba magcaabeen Gole Sare oo Kacaan oo ka koobnaa 25 xubnood oo Ciidamada Qalabka Sida saraakiishooda sare laga soo xulay laguna sheegay inay hoggaaminayeen kacaankii dhashay. Iyagoo kaashanaya aqoonyahano kale oo shacab ah oo xilkas iyo aqoon lagu soo xulay ayey xukuumad dhiseen si wanaagsanna u bilaabeen xilgudasho loo bogay.

 

Xil-gudashadaas wanaagsan oo socotay muddo ku kooban shan sano waxay markii dambe isu beddeshay gaabis taas oo keentay in Golihii Sare ee Kacaanka iyo dawladdii ay u digo rogteen Xisbigii Kacaanka Hantiwadaagga Soomaaliyeed Sannadkii 1976dii. Waqtigaas ka hor hawlihii ammaanta lahaa ee ay Golihii Sare ee Kacaanku qabteen waxaa ka mid ahaa: qoristii af-soomaaliga, gurmadkii iyo dib-u-dejintii dadkii ay aafaysay abaartii dabo-dheer, Ololihii Reer Miyiga ee qorista iyo akhriska Af-soomaaliga, bacaad-celintii Shalambood, mashaariic badan oo iskaa-wax-u-qabso lagu dhisay, mashaariic beeraha ah oo uu ka mid ah karaash-boragaraamkii, aasaaskii iyo hirgelintii xarumo agoonta lagu hayo iyo kuwo kale oo badan.

 

Xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha markaan eegno Golihii Sare ee Kacaanku dariiqii xukumadihii hore ee dagaalka iyo dhaqaale darrada bulshada ku jihaynayey ayey cusboonaysiiyeen talaabooyinka ay qaadeenna waxaa ka mid ahaa in:

 

- La laalay dastuurkii dalku lahaa.

 

- Ay ayideen in gobolada soomaaliyeed ee isticmaarka ku hoos jira la xoreeyo.

 

- lagu dhawaaqay in qabyaaladda la cirib tiro si qaranimada loo xoojiyo.

 

 

Siyaasadahan waxaa ka dhashay in:

 

- Madaxdii dawladdii xukunka laga tuuray la xiray.

 

- Xisbiyadii siyaasadda la mamnuucay.

 

- Lagu dhowaaday siyaasad ahaan dalka Masar oo markii horeba saaxiib dhow ahaa iyo sidoo kale dalal kale oo dalkii Midow Soveit-ka saaxiib la ahaa.

 

- Dalkii Midowga Soviet-ka heshiis saaxiibtinimo lala saxeexday sannadkii 1974tii.

 

- qabyaaladdii lagu aasay garoonkii kubadda cagta ee Konis Stadium.

 

Markii heshiiskaa saaxiibtinimo Soomaaliya la saxeexatay Ruushka waxay waddamada Reer Galbeedku ku dhaqaaqeen inay dhammaan caawinooyinkii ay Soomaaliya siin jireen joojiyeen. Taasi waxay sababtay in wax kastaa ciriiri galeen oo tusaale cuntada saf loo galay dawladuna xadiday cuntada qofku ama qoysku iibsan karey. Dhibtaas nololeed iyadoo dadka iyo dalka ku habsatay ayaa waxaa ku soo biirtay abaartii dabo-dheer taasoo gobolo badan ku riiqday dad iyo duunyo.

 

Culayskaas dhaqaale la'aantu wuxuu dawladdii ku khasbay inay ogolaato in dadku dalka ka dhoofi karaan oo ay dibadda u shaqo tegi karaan taas oo wax weyn ka beddeshay dhaqaalihii dalka kadib markii ay kumanaan Soomaali ahi u dhoofeen shaqona ka heleen waddamada carabta gaar ahaan dalalka khaliijka. Waxaa mudan inaynu xusno in dhallinyaro badan oo soomaaliyeed oo dhoofay ay waxbarasho ka heleen jaamicadihii dalalkii ay tageen gaar ahaan Dalka Sucuudiga oo ay galeen jaamicadaha laga barto diinta halkaas oo ay ku soo qaateen aqoon diimeed oo u janjeerta dhinaca madhabta hanbaliga oo aan hore Soomaaliya sidaas looga aqoon cilmi ahaan. Niman badan oo wata magac Salafi ah ayaa dalka ku soo noqday iyagoo u heelan inay dadka gaarsiiyaan aqoontii ay soo qaateen.

 

Dhallintaas iyo taariikhda Soomaaliya kaalinta ay ka galeen ama kaga jiraan hadda dib baynu ka soo sheegi doonaa.

 

(Qormo dambe sug)

 

Toosiye2.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Dawladdii Kacaanku gacan bir ah ayey dalka ku qabatay waana waqtigii uu Alle ha naxariistee Faarax Galooley lahaa," afkaaga hayso ama Afweyne raac ama Afgooye aad". Qofkii hadal dawladda ka soo horjeeda yiraahda xabsiga ayaa hoy u noqday!

 

Kala dambayn rasmi ah ayaa dalka ka hirgashay, dadkii dalka u dhoofay ayaa lacag ku soo shubay, ruushka ayaa xagga miisaaniyadda ka kaabay dawladdii, qabyaaladdiina way diciiftay.! Laakiin wacdaro way dambeeyaan!

 

Waxaa dhacday in:

 

- Golihii Sare ee Kacaanka khilaafkoodu batay marka ay shirarka isugu iyimaadaan oo wada shaqayntoodii xumaatay marba markii ka dambaysay.

 

- Dawladdii Ruushka oo dawlad ahaan aad laysugu dhowaaday ay dalka soo gelisay khubaro badan oo u yimi inay xagga ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan khubaradaas oo ay ku jireen kuwo dalka ka caawinayey xagga jaangooyada dhaqaalaha, siyaasadda iwm. Raad dhinacyo badan saameeyey ayeyna khubaradaasi ku yeesheen dalka iyo siyaasaddiisa.

 

- Soomaaliya si rasmi ah ugu janjeersatay nidaamkii Hawl iyo Hantiwadaagga oo Ruushku dabada ka riixayey taas oo gaar ahaan abuurtay is-maandhaaf iyo khilaaf aan marnaba damin oo dhexmaray wadaadada iyo dawladda; khilaafkaasu wuxuu keenay wadaado ka carooday sharci ay dawladdu soo saartay oo ay u arkeen inuu ka soo horjeeday diinta Islaam in inta la soo qabtay oo deg-deg maxkamad loo saaray si aan raali laga noqon loo laayey sannadkii 1975tii.

-

- Ciidankii ugu xoogga badnaa ee Afrikada Saharaha ka hoosaysa ay Soomaaliya samaysatay iyadoo kaashanaysa Ruushka iyo waddamadii ay bah-wadaagta ahaayeen.

 

- Halgankii xoreynta gobolada Soomaaliyeed ee gacanta gumeystaha ku jirey la sii xoojiyey oo jabhado hubaysan oo dagaalama si hagar la'aan ah loo taageeray.

 

Arrimahan kor ku qoran oo dhan markii dambe waxay isugu soo biyo shubteen in:

 

- Bartamahii sannadkii 1976dii la aasaasay xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

 

- In la kala diray Golihii Sare ee Kacaanka xubnihiisiina ay ku biireen Xisbiga.

 

Labadaas talaabo ee is-barkanaa waxay bilow u noqdeen qaran burburka maanta taagan waayo siyaasadaha xisbiga lagu qotomiyey ayaa waxaa ka mid ahaa in:

 

- Nidaamka Hantiwadaagga ah ee dalku qaatay lagu saleeyo duruufaha u gaarka ah soomaalida.

 

- boqol qof oo aqoon-yahanno ah uu ka mudan yahay kana wanaagsan yahay hal qof oo kacaan ah.

 

Qodobka hore wuxuu keenay in qabyaaladdii Garoonka Kubadda Cagta lagu aasay godkii dharaar cad laga soo faagay; qodobka labaadna wuxuu keenay in dadkii aqoon-yahannada ahaa ee dalka iyo culimadii oo xiriir hagaagsan aan awelba lala lahayn geed la iskaga xiray oo ay beddeleen lagana talo qaatay odayaal dhaqameed iyo wax-ma-garato kale oo lagu xulanayey daacadnimo ama qabiil.

 

 

Maalintaas xisbigaas khayrka qabay la furay waxaa buur dheer ka soo dhacday qarannimadii Soomaaliyeed oo gashay markii dambe god madow oo qarmuun oo ilaa hadda laga baadi goobayo. Qabyaaladdii boorka laga jafay ayaa markaas noqotay sababtii kowaad ee keenta in qarankii Soomaaliyeed sidii tusbax la furay kala daato.

Maalintaas wixii ka dambeeyey waxaa soo xoogaysanayey qabyaaladda, qarankuna marba markii ka dambaysay wuu sii diciifayey.

 

( Sug qormo dambe )

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Inaan soo koobo qoraaladan ayey ila noqotay marka qaybtan ayaan ku soo gunaanadayaa taxanaha. Waxyaabo iftiimin dheeraad ah u baahan hadday jiraan waxaynu ku lafo-guri karnaa dood.

 

Nin ayaa god bahal galay markuu ka soo baxay godkii isagoo qarmuun ka urayo gacmahana saxaro ku leh ee la weydiiyey waxa ku dhacay ayuu ku jawaabay " xoor baa igu dhuusay".

 

Ma fahmin inuu dembi iska leexin ku hadlay madaama dhibtu ku timi markuu godka ikhtiyaarkiisa ku galay. Tani waxay ina xasuusinaysaa siday maanta Soomaali badan uga qarsoon tahay inay wixii dhacay iyo dhibta hadda socotaba iyagu sabab u yihiin xalkeedana iyaga laga sugayo.

 

Dhibaatada taagani waxay ka imaanaysaa Soomaaliya oo aan lahayn dawlad dhexe oo dadku doortay oo dalka oo dhan xukunta. Dhibta ugu weyn ee la rabo in la daweeyo waa taas waana halka ugu horaysa ee xalal kale oo waxtar u ah dadka iyo dalka laga unki karo cadowyada badan ee ummaddu leedahayna laga badbaadin karo. Dawlad dhexe la'aan waa col iyo abaar, waa omos oo waa biyo la'aan, waa aabbo iyo hooyo la'aan; waa aqal la'aan, ilmo iyo ehel la'aan. Waa argagax iyo oohin oo waa illin aqoon la'aan!

 

Haddaba intaan dawada arrintaas la is-weydiin waxaa loo baahan yahay in la lafo-guro sababta markii hore keentay in dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburto; markii dambena ay u adkaatay in dib loo soo celiyo. Buug dhan ayaa laga qori karaa oo halkan kuma soo koobi karo laakiin aan iftiimiyo lix qodob oo aan laf-dhabar u arko.

 

Waxay burburtay dawladdii dhexe isla markaasna hadda adkaynaysa in dib loo soo celiyo markay:

 

1. Dawladihii isaga dambeeyey xukunka dalka, laga soo bilaabo maalintii xoriyadda la qaatay, raaceen siyaasad ku jihaysnayd in la xoreeyo gobolada soomaaliyeed ee la gumeysto iyadoo xoog la isticmaalayo haddii loo baahdo.

 

2. Dawladdii dhexe ee ugu dambaysay ku adkaysatay inay xukunka keli ku ahaato gaar ahaan markii lagu hungoobay isku da'gii la rabay in lagu xoreeyo gobolada Soomaali Galbeed sannadihii 1977 - 1978dii.

 

3. Jabhado qabiil ku dhisan oo aan qorshe qaran lahayn dawladdii dhexe ku kaceen markay rideenna ku guul-darraystay inay dawlad qaran dib u soo celiyaan.

 

4. Kuwo diinta lagu tuhmayey oo la sugayey inay naxariista iyo nicmada Alle dadka ku wacdiyaan ay iyagii qori qaateen oo dagaal iyo damac siyaasadeed ku mashquuleen.

 

5. Qabyaaladdu ka sare martay masiirkii qaranka, badi wax-garadkii dalka, baayac mushtarkii, jaamicigii, shiikhii iyo shariifkii, dantii guud ka guureen oo mid qabiil u degel rogteen!

 

6.Soomaalidu weyday saaxiibo lama huraan ah ( Strategic friends ) oo u soo gurmada maanta oo ay walaal kala haga u baahan yihiin.

 

Intaas Soomaalidu kharibtay waxaa dheer oo aan la inkiri karin inay jiraan quwado shiheeye oo iyaguna xaggooda ka shaqaynaya inay danahooda ka fushadaan waddanka kuwaas oo kala daadinta ummadda ku hawlan.

 

Waxaas oo cadow ah midnimo iyo is-cafis ayaa lagu xalin karaa! Waxaa looga bixi karaa dhibtaas in Soomaalidu iyagoo aan cidna ku halayn ay dib u dhistaan dawlad dhexe oo ay raali ka wada yihiin.

 

Sidee ayaa taas lagu gaarayaa ?

 

Put the gun down and talk! (qoriga dhiga oo wada hadla ). Hadday Soomaalidu sidaas yeelaan in qalbigooda Eebbe u qaado oo muraadkooda oo san ay helaan ayaa suurto-gal ah.

 

Dhammaad

 

Garoonkii waa kaas ee maxay idinla tahay?

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Positive,

 

good read analysis. Here are some additional points.

 

Pre 1960

 

-Somalia adopted(copied) a westernized governing model that was centrally organised and top-down which did not take in to account the existing local forms of governing, rule of law, consultation, handling disputes, diversity of the country nor the clan system.

 

-Somali pan-nationalism. Bringing all Somali speaking people under one form of governance or country proved to be difficult and created animosity with our neighbours as you wrote. That form of Somali nationalism hasnt worked to overcome those diffrences . Because it was based on uniting territories and political power, and politics and land is something Somali’s rarely agree on, let alone share it. While nationalism should have been based on that what all Somali's share and not on a political objective. Once this political objective was unattainable, Somali Nationalism as we knew failed to hold the people together.

 

 

1960-1969

The adopted system, laws, governing model was alien and unfamiliar to most people(except for a small doreign educated elite in Mogadishu). This created disenfrachisement between central leadership and local popuplation and regions needs and expectations from the beginning. Proof of it was for example the referendum for the new constitution in 1961, some regions voted against it and many(supporters and opponents)didnt even know what was written in the consitution.

 

-Because the system did not take in to account the diversity(cq clans) of the country and dit not give it a place or hold account with it while at the time some indiviual used the clan card to get the right jobs or get things done, majority of folks felt that clannism was used and that only "some" clans profited from the system. Created more distance and disenfrachisement between populations and its elite.

 

-All this created that system became very unpopular and broad silent(support) for the coup in 1969.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this