Sign in to follow this  
Coofle

Old Classic Somali Jokes.

Recommended Posts

Coofle   

Thread-kan Waxaan ku soo qori doonaa Kaftanada iyo walxihii ay ku qoslin jireen kuna maadoon jireen soomalidii hore.

Ciroolayda Groupkan ayaa aad ula dhici....Dhalinyaraduna ha faaiidaysteen

 

======Fujaan dheehu ka daatiyo====

 

Nin ayaa maalin dad beer u falayay,markaa ayaa waxaa loo keenaya falaas shaah ku jiro lkn nasiib darro waligii falaas shaah kama cabin,markaa si uu u furo ayuu garan waayay markaa ayuu kala jabiyay tixda tan ayaanu ka tirshay

*Fujaan dheehu ka daatiyo

*Faras'laan ku cabaaye

*Ma anaa nin falaasa.

 

=======Markuu helo====

 

Nin ayaa wadaadadii hore mid kamida tix yar u tiriyay,waxa uu yidhi:

................... ............ ...................

markuu kildhi helo kidkidshow

marka kale kuudad xumoow

markuu axan helo ku ordow

marka kale aayar socdow

markuu xeedho helo xamdiyow

marka kale xaaska jarow

 

=========Labo Gabdhood====

 

Laba gabdhood oo midna guri joog tahay(A) midna geela raacdo(B) ayaa markay guriga iskugu yimaadaan xintami jiray

 

A:naa dabka naga qafuuf;

B:naa adiguna qafuuf;

A:coonyahay la nacay

B:ma adaan la nicin.

A:timo gucusalay.

B: ma adaa girdhaleh?

A:geel xero ka didis

B:ma adaa ku celin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D

 

Mine would be best appreciated with a Mudugh regional accent,

 

Nin baa magalaada muqdishu xiligii isticmaarkii caafimaad u yimi. Wuxuu isla doontay dhaqtar talyaani ah iyo tarjumaan, markii dhaqtarkii loo geeyey, ayaa waxaa dhexmaray doodda soo socotta;

 

Dhaqtarkii: sidee lagu hayyaa

Ninkii: Meel ii fayoobiba ma jirto

Dhaqtarkii: Ii faah-faahi

Ninkii: Habbeenkii labo indhood isuma geeyo, labada dhegood waa iqam, dhiiggu waa i rooraa, indhuhu waa i madoobaadaan, lafaha dhuuxaa lay shubaa, dhabarka waran baa la iga taagaa, madaxana hadda warkiisaba daa

 

Dhaqtarkii: (asagoo yaaban) weligaa hore ma u xanuunsatay?

Ninkii: wallaahi wax nin weyn loo sheego horey iiguma dhicin

Dhaqtarkii: mayee taariikhdaadaan ku darayaa , oo way i caawinaysaa ee ii sheeg haba yaraatee

Ninkii: horta wax nin weyn loo sheego iguma dhicin, laakiinse hadday kaa caawinayso inaad cudurka i haya ogaatid, 1) marbaa mid anoo sii jeeda surgooyo xun igu gaaday, 2) maalinna anoo maqaayad shaah fadhiya baa mid xumi oo reer hebel ahi toorrey sadex gees ah wadnaha hoostiisa igala helay, 2) mar taa kasii horreysayna anoo ceel shubaya baa makaabku ii siibtay oo madax-madax ugu dhacay ceelkii, 4) anoo yarna waabaa ratti qooqani igu tuntay oo dhabarka iiga dur-duriyey, 5) habeenna anoo guuro ah oo geel naga baxsaday raacdadii ku jooga baa abeeso canqawga agtiisa iga rudday...

 

Dhaqtarkii: (asagoo labada dhaban haysta) ninyahow inaad waa hore dhimatay ahayd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

xiinfaniin;765554 wrote:
1) marbaa mid anoo sii jeeda surgooyo xun igu gaaday, 2) maalinna anoo maqaayad shaah fadhiya baa mid xumi oo reer hebel ahi toorrey sadex gees ah wadnaha hoostiisa igala helay, 2) mar taa kasii horreysayna anoo ceel shubaya baa makaabku ii siibtay oo madax-madax ugu dhacay ceelkii, 4) anoo yarna waabaa ratti qooqani igu tuntay oo dhabarka iiga dur-duriyey, 5) habeenna anoo guuro ah oo geel naga baxsaday raacdadii ku jooga baa abeeso canqawga agtiisa iga rudday...

 

Dhaqtarkii:
(asagoo labada dhaban haysta) ninyahow inaad waa hore dhimatay ahayd

:D:D:D,,,,,,,,,,,,,,, Thanks Xiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this