Sign in to follow this  
SayidSomal

Obituary: Sh. Ahmed Haji Abdirahman

Recommended Posts

dr_ahmed.jpg

 

Waxaa xalay Masjidka ugu weyn magaalada Boosaaso ee Al-Rowda ka dhacay kulan diimeed ay qaar kamid ah Culimada ugu waaweyn Puntland kasoo qayb galeen kaas oo ahaa mid lagu soo qaaday arimo dhowr ah islamarkaana lagaga sheekeynayey Taariikh nololeedka Caalimkii Soomaaliyeed ee galbaday Eebe ha u raxmadee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

 

Kulankaas oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u tira badan ayaa waxaa culimadii ka hadlay kamid ahaa:

 

Sheekh Daahir Aw-Cabdi.

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

iyo Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

 

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Sheekh Daahir Aw-Cabdiw oo kamid ah Culimaa’uddiinka ugu waaweyn gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland oo ay isaga Marxuum Axmed Cabdiraxmaan aad isugu dhowaayeen, saaxiibo isjecel oo in mudo ah soo wada socdeyna ay ahaayeen.

 

Sheekhu wuxuu si faah faahsan uga waramay taariikh nololeedka Dr. Axmed Cabdiraxmaan intii uu ka yaqaaney, Waxbarashadiisa, Kartidiisa, Qoyskiisa, isagoo sheegay inuu ahaa shakhsi caqli badan, fikirdheer, dulqaad iyo deeqsinimana caan ku ah.

 

Sheekh Daahir Aw-Cabdi wuxuu sidoo kale soo bandhigay Shahaadooyinkii Jaamacadeed ee Marxuum Axmed Xaaji isagoo dhinaca kale ka waramay sida uu tacliinta heerka sare uga gaarey islamarkaana xusay in sheekhu uu mar walba geli jirey kaalinta 1-aad.

 

Hadalka Sheekh Daahir oo ahaa mid aad u dheer ayuu sidoo kale kusoo qaaday sababihii ka danbeeyey dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan isagoo banaanka soo dhigay xogo badan oo ku saabsan cida dilka sheekha ka danbeysey sidoo kalena cadeeyey in ay jireen dhowr mar oo isaga iyo marxuumka geeriyoodeyba si daran loogu soo hanjabey loona sheegay in la dili doono.

 

...................................................................................................................................................................................................

 

Waxaa isna kulankaas ka hadlay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka warbixiyey intii uu ka yaqaaney taariikh nololeedka alle ha u naxariistee Dr. Axmed oo uu tilmaamay inuu ahaa Daaci wakhtigiisa in badan oo kamid ah ku bixiyey sidii uu diinta Islaamka u fidin lahaa umadda Soomaaliyeedna wax badan baray.

 

Sheekh Cabdiqaadir oo arimo badan soo hadal qaaday ayaa tilmaamay dilka Sheekha ay ka danbeeyeen Al-shabaab, sababta ay u beegsadeena ay tahay maadaama Sheekhu uu ku jirey Culimo kasoo horjeedsaday fikradaha iyo Siyaasada Al-shabaab, kuwaas oo sheegay in tahay mid aan sharciga Islaamka waafaqsanayn.

 

Wuxuuna sidoo kale xusay in ay jireen marar badan oo loogu hanjabey in la dili doono hadii aanay joojin xiriirka kala dhexeeya dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo xukuumada Puntland, iyo weliba arin walba oo amaanka iyo horumarka bulshada la xiriirta, ayna jireen marar badan oo ay shabaabku isku dayeen in ay tashkiiliyaan si ay uga dhaa dhiciyaan in ay dhinacooda kusoo biiraan waa sida uu Sheekhu hadalka u dhigaye.

 

Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax wuxuu sidoo kale sheegay in isagu uu ku jiro liiska Culimada ay Shabaabku qorsheeyeen in ay dilaan isagoo taas ka shidaal qaadanayana uu ehelkiisa u dar daarmay, da’diisa oo 70jir ahna xiligan uusan geerida ka cabsi qabin, lagana yaabo in hadii gacan ka xaq darani ay disho uu ilaahey sidaas Shahaado ku siiyo.

 

Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu umadda reer Puntland gaar ahaan dadka degmada Boosaaso ku nool ugu baaqay in ay meel ugasoo wada jeestaan Al-shabaab , wuxuuna si gaar ah fariin ugu diray dhalinyarada oo uu ku dhiirigeliyey in ay gacan weyn ka qaataan sidii dadka Shabaabka xiriirka la leh loo heli lahaa, isagoo docda kale ugu baaqay dhalinyarada kale ee Shabaabka ka tirsan in ay ka waantoobaan falalka ay ku jiraan oo uu Sheekhu xusay in ay cadaab iyo caro alle u horseedayaan.

 

....................................................................................................................................................................................................

 

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah Culimada waaweyn ee Puntland ayaa isna ka hadlay kulankii xalay Masjidka weyn ee Al-Rowda ka dhacay wuxuuna Sheekhu si kulul u canbaareeyey dadkii dilka Dr. Axmed ka danbeeyey oo uu xusay in qaarkood ay gurigiisa Bariiska ka cuni jireen, wuxuuna intaas raaciyey in sheekhu todbaadkii ugu danbeeyey noloshiisa uu dareemayey Khatar aad u xoogan iyo handaad badan oo lagu hayey aawadeed haseyeeshee isagu uu qariyey arintaas Geesinimo ku jirtey aawadeed balse qaar eheladiisa kamid ahi ay geeridiisii kadib arintaas shaaca ka qaadeen.

 

Wuxuu kaloo sheekhu soo hadal qaaday in masiibo weyni ay soo socoto maadaama si xaq darro ah oo bareera loo diley Caalim Ahluddiin ahaa masaalixda bulshadana ka shaqeyn jirey, wuxuuna ilaah uga baryey dadkii dilka sheekha soo maleegey iyo kuwii fuliyeyba in uu Caalamad deg deg ah ka muujiyo iyadoo xiligaas kelmadda ” Aamiin” ay ugu jawaab celiyeen boqolaal qof oo Masjidka Al-Rowda xiligaas ku sugnaa iyo boqolaal kun oo kale oo Idaacadaha maxalliga ah si toos ah uga dhegeysanayey.

 

Sheekha oo hadaladiisu u muuqanayeen kuwo ay qiiro xoog lihi ka muuqato wuxuu cadeeyey in dilka Dr. Axmed ay ka danbeeyeen dad horay abaal weyn loogu galay haseyeeshee iyagu taas bedelkeeda ku abaal gudey in ay dhafoorka ka toogtaan hal doorkii ummadda ahaana Aabe Soomaaliyeed oo ay adag tahay in booskii uu mujtamaca Soomaaliyeed ugu jirey la helo qof si fudud ku buuxiya.

 

Intaas kadib Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur wuxuu akhriyey baaq ay Culimada Puntland kasoo saaren dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo daraad oo ay taariikhdu ku beegneyd 5/11/2011 la toogtey xilli uu kasoo baxayey Masjidka (Xasan Bin Cali) oo ku dhow gurigiisa ku yaal xaafada Biyo-Kulule ee magaalada Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

First of all Alla ha u naxariisto Marxuumka, sabar iyo iimaan Alle haka siiyo ehelkiisa iyo umada uu macalimka iyo caalimka u aha.

 

But one thing really bothers me about this whole situation - Why if the government, relatives and other well meaning people who knew about this threat to the good sheikhs life did not take measures to protect him by providing bodyguards and such? More importantly, will these people now provide security to the rest of the Culimas?

Share this post


Link to post
Share on other sites

How about some others who knew about the threat took the chance and killed him so that they will not be noticed ???

 

Allah ha u naxariisto sheekha ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekha Allah ha u naxariisto. Culimmadu waa birgaydo, nimankan afka duuban si kaskastoow ugu soo hanjabaan, marna qof Sheikh ahi waardiye isma ag dhigayo. Qofka leh Iimaanka wanaagsan, mowdka kama baqo. Allah janadii ha geeyo Sheikh Axmad Xaaji Cabdiraxman.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheelle.T;763742 wrote:
Sheekha Allah ha u naxariisto. Culimmadu waa birgaydo, nimankan afka duuban si kaskastoow ugu soo hanjabaan, marna qof Sheikh ahi waardiye isma ag dhigayo. Qofka leh Iimaanka wanaagsan, mowdka kama baqo. Allah janadii ha geeyo Sheikh Axmad Xaaji Cabdiraxman.

Gheelle, you are in agreement with my mother here. But I am of the opinion that when the lives of our scholars are threatened we should be able to protect them. If that means sending out bodyguards with them so be it - Haddii toodu gasho, then wax laga qabon karo ma jidha but at least the security will be able to exchange fire with these evil people and kill or apprehend some of them, instead of them get away with it at least in this world, since they won't be able to get away with it in the next world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;763713 wrote:
How about some others who knew about the threat took the chance and killed him so that they will not be noticed ???

 

Allah ha u naxariisto sheekha ...

I don't follow you logic here saxiib, care to explain further?

 

Indeed Allah ha u naxariisto sheekha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juxa;763723 wrote:
allaha unaxariisto sheikha, it is truely sad culimada inla laayo

Indeed it is a sad day markii culimada la calamadaysto - Alle ha inaga badbaadiyo balaayodaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Showqi;763755 wrote:
illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo sheekha. Eheladisii iyo asxaabtiisiina samir iyo iimaan.

Aamin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sayid, xattaa haddii ay culimmadu ogalaadaan in la wardiyeeyo, u malayn maayo in maamulku dhaqaalo u hayo howshaas. MPs iyo government official-ka iyagu iskood iska socdo ama qorta wax waardiyeeya, kuwaas ayay u samayn lahaayeen. To flash these marauding masked men out, there need to be collective efforts from both the public(shacab iyo ganacsatada) and the admin. Inta far isku fiiq fiiq meesha ka jirto, sidaas aa loo laynaa culimmada iyo indheer garadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Sayid*Somal;763747 wrote:
I don't follow you logic here saxiib, care to explain further?

 

Indeed Allah ha u naxariisto sheekha.

I understood JB's logic, and I reckon it could be quite possible, you have to think outside the box, imagine this sheikh received alleged threat from Alshabaab? and some people people knew this ( he told his family, friends, Puntland government etc) but someone knowing this, used as opportunity, and eliminated him, knowing that they will not be the suspect.

 

I don't know who killed this well respected Sheikh, but I tell you one thing, I don't buy blanket blame, that Alshabaab is doing all the killings in Puntland.

 

Why would Puntland government, preempt the forensic findings, and announce Shabaab was behind this within hours of the killings, before conducting and completing the investigation, and finding who the real criminals are? very unprofessional.

 

Shiikhu qabiilkee ka soo jeeday? hoosta la isku gelin meesha..

 

Eebe ha u naxariisto Shiikha, Kuwi dilayna ha fadeexayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sayid*Somal;763747 wrote:
I don't follow you logic here saxiib, care to explain further?

 

Indeed Allah ha u naxariisto sheekha.

Here is the logic:

 

- You receive a death threat from Yuhuudda

- You informed your family, friends and government about this.

- ONLF came to know about this threat and because you used to speak against them found this an opportunity to eliminate you

- Boom,,,, they sent someone. He shoots you in the head and disappears.

- Because people knew that threat, they will not notice the third party here and start hunting down Yuhuuda.

 

 

Got me now ??? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this