Sign in to follow this  
xiinfaniin

Ceelcade of Gedo Decimated by Unknown Foreign Fighter Jets

Recommended Posts

Faahfaahin ku saabsan duqeyn shalay ka dhacday Gobolka Gedo oo ay ku dhinteen dad Barakacayaal ah

 

Sabti, Saturday, December 03, 2011 (HOL) - Diyaarado Nooca dagaalka oo aan la aqoon cida rasmiga ah ee iska leh ayaa shalay gelinkii danbe duqeymo ba’an ka geystay deegaan lagu magacaabo Ceelcade e oo katirsan gobolka Gedo.

 

Diyaaradaha oo noocoodu dadka deeganka ay ku sheegeen"Miig", ayaa la sheegay in ay dhowr gantaal la beegsadeen xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah, halkaasina ay waxyeello ba’an kasoo gaartay dad ku noolaa xeradaasi.

 

Nabadoon Max’ed Axmed Faarax oo kamid ah waxgaradka deeganka Ceelcade ayaa HOL u xaqiijiyay dhimashada Sedex qof oo rayid ah iyo dhaawaca sagaal kale kuwaa oo uu sheegay in xilligii ay duqeynta dhaceysay ay ku sugnaayeen gudaha mid kamid ah xerooyinka barakacayaasha ee ku yaal deegaanka Ceelcade.

 

“Waxaa isbitalka la geeyay oo aan indhaheyga ku arkay 9 qof oo 6 kamid ah ay ahaayeen carruur, kuwaa oo dhaawacoodu halisyahay,” ayuu yiri Nabadoon Maxed Farax.

 

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay deegaanka Ceelcade ayay dadka deegaanku noo xaqiijyeen in dhibaatadu ay aad u badantahay, iyadoona shacabka ku dhaqan deegaanka ay lasoo darastay cabsi, waxaana ay sidoo kale sheegeen in dad badan ay guryahoodii ka barakaceen kuwaa oo duurka u kala yaacay ilaa iyo imikana aan la garaneyn halka ay beegsadeen.

 

Diyaaradaha wax duqeeyay ayaa loo maleynayaa in ay leedahay dowladda Kenya, Waxaana gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Max’ed Cabdi Kaliil uu xusay in Duqeyntii shalay lala beegsaday saldhigyo ay lahaayeen xoogaga Alshabaab, oo uu sheegay in ay ku dhex dhuuntaan shacabka.

 

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay aad uga xunyihiin qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray shacabka, waxaana uu ugu baaqay dadka shacabka ah in ay isaga fogaadaan goobaha ay ku suganyihiin dagaalyahannada xoogaga Alshabaab.

 

Ma ahan markii ugu horeeyso oo duqeyn lala beegsado goob ay ku suganyihiin dad barakacayaal ah, hore ayay duqeyn tan lamid ah diyaarado ay leedahay dowladda Kenya uga geysteen degmada Jilib ee gobolka J/hoose, iydoona ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad baracayaal ah oo ku sugnaa xeradaasi.

 

Waxgaradka iyo aqoonyahannada kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyntii shalay ka dhacday gobolkaasi ee ay ku waxyeeloobeen dadka rayidka ah, Waxaana ay sheegeen in gobolka ay kajirto dhibaato nololeed islamarkaasina ay tahay arrin laga naxo iyo la duqeeyo dad barakacayaal ah oo markii hore dhibaato abaareed qabay.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Waryaa Xiin maxaa Gedo lagaa siyaa horta?

 

BTW - this story keeps changing, hadana waxaa lasheegaya it was un-man drone......

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Gedo soo meeshaydii maaha awoowe :D?

 

Ninyahow, forum kaan belo dhan baa timaada oo waa dhab, laakini dhawr aan caqligooda ku qoslaa jira.

 

This story is changing indeed. But one thing that does not change is the fact these bombardments did not and will not bring stability to Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

These drone attacks have been with Somalia the past two years. The US government has already been forced to go public. It did not start with this instance, nor even with the Kenyan incursion, nor did anyone stipulate it will bring peace to Somalia.

 

However drone attacks, while existing in Somalia the past two years, have never targeted Puntland, nor Somaliland, nor areas outside of Shabab control.It has never targeted Caabudwaaq for instance, while Ceel-buur environs have seen an onslaught in the same region. Whether it is Ethiopia and yesterday, Kenya and now, or someone else and tomorrow it is clear Al Shabaab is not the future and there is a direct correlation between their existence and the happenings of such things as highlighted in this article.

 

Save your disingenuous tears. If you want the same for Ceel-cadde, you would wish for it what Garowe has; peace, security, freedom from an internationally designated terrorist organization which brings it with international invasion and even drone attacks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
yahya007   

the us is trying and testing it's weopons in Somalia. we should stand up bfor our land and stop stretching our legs wide open for other countries to rape our country. the project Alshabab has a co relation with the un manned drones. are they dealing with human beings or Animals ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabal, adeer whether Alshabaab is the future or not is beside the point. Fallaari gil-gilasho kaagama harto, as soon as Kenyans invaded the country you were quick to talk confidently about a looming success in routing out Alshabaab movement as if what Kenyans did is any different than what Ethiopians did in 2006/7.

 

As for your habit to envy and at times show peculiar hate toward all things Garowe, there is nothing xiinfaniin or anyone else can do about that. But I must note that Garowe too has felt the indignity of Somalia's lack of central government, that is why its people are loudly yearning for the return of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabbat the truth is MR will never be back to Villa Somalia or even as PM untill they make an STATE inside Somalia

call it Jubbaland Quulle state whatever but to happen that :D;):D:D waxaan maqley adeer Barre il uu ku beeley xabsigii Doolow loooooooooool

 

 

 

 

This time Ceyr cant help themselves let alone to help you...........................kax kax kax kax kax

 

 

 

 

 

ppl used to tell Azanians are terrorists onlf bla bla bla but today they know how to play the game bring the neghbours

in order to gain ground its called siyaasad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Jiiroow - horta Allaha ku caafiyo kowdheh - Qabiil is a disease tan kale, I am new to this forum, but Is there an Admin or such Qabiil-naming hate filled vitriol is an accepted norm in this forum?

 

Reer puntland waxaan kula yaabay juniors faan la soo baray badanaa :D - Junior Jiiroowoow u forgetting there has never been a Villa Somalia since 1991 :D - its now Villa Ugandan/Ethiopian/AU and Villa marcineries

Don't let incompetent TFG President and PM portfolio’s cloud your Qabiil-filled judgment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qabiilka lama diidana yuunisow hadaad agtiisa qoryaha ka jajabsato, wiilkana carabkaa ka boobaye ha dacweyn laga yaabee inaad asagii u dacwootaye, tan kale gedo affrikaankii xagee ka joogaa duqaynta cirka mooyee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

gooni;763823 wrote:
Qabiilka lama diidana yuunisow hadaad agtiisa qoryaha ka jajabsato, wiilkana carabkaa ka boobaye ha dacweyn laga yaabee inaad asagii u dacwootaye, tan kale gedo affrikaankii xagee ka joogaa duqaynta cirka mooyee?

Gooniyoow - Wiilka amaad u dacwootay aa? sxb Conspiracy halkaas gaarsan kaa diiday..;)..waaba rageedi haduu isagii self censorship isku sameeyay -:)

 

Lakiin Jiiroow dacwee igama ahayne wax tus baan laa.. ee waa runtaa qabiil Somali baan u nahay, dhibna ma aha in dabka lagu kulaaxo. dhibku waa qaabiilaysiga garabka og -:) taas baan ka soo noqon la' nahay.

 

qarniyadii hore Ninkii colaad abuur & Gardaro u istaago - ninkiisaa qaban jiray. waa siduu sameeyay Ismaaciil Mire markuu qabtay cali dhuux oo la qoys ahaa - ogana digay fidmo & colaad abuurka qabiil:

 

Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay

Dambaaburadaad ololisiyo, dirirta guusheeda ...

Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey

Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne

Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluhuye

Allay lehe denbaab lama hadlee, kulama doonayne

 

Gedo waxaa igu dambaysay Bil & bar ka hor- baardhere oon tagay kuuwii afka duubnaa oo magalada ganacsigeeda

hoos u dhigay baa joogay. Ilaa hada waan maqlaa Kenya yaa Gedo u socoto, laakin wax tagay lama sheegin other then

ethiopia faragalinteeda oy somali oo dhan ay ku hayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Yes sadly this is true - Today late in the afternoon in Baardheere time one man and two of his boys were hit by kenyan air missile killing the man and injuring this boys. Another suspected target was the main bridge that connects the city, lucky the missile missed and hit the edge of the bridge. This was the third such strike in Gedo in recent days. These air strikes started last week when two nomadic camel herders where hit killing them both. Few days later it was the town of Ceel Cade, killing 2 additional civilians and injuring 13.

 

This is indeed not a campaign to root out Al-shabaab nor it’s a collateral damage of air assault intended for extremist group. It’s part of new direct onslaught of indiscriminate targeting civilian strategy in Gedo by Kenyan air force and US Drones.

 

How else can you explain this when Kenya's incursion into Somalia is now well into its second month. And its most important front the road to Kismaayo has became a stalemate, first their 2000 invading force was hampered by the first hint of moisture and rain, their trucks and other equipment stuck in the mud. Then as fighting started Kenyans were and still adjusting Shabaab tactics of middling into the civilians near Badade, a mere 30km from the Kenyan border, yet a new strategy of civilian Air bombardments are underway in Gedo none of them hitting shabaab fighters or their camps.

 

Allaha u naxariisto Dadka xad darada lagu laynayo...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto aamiin

 

The only outcome thus far form Kenya's invasion is the momentum it created for alshabaab fighters . Alshabaab is emboldened. They are scoring victories against AMISOM in Mogadishu now where they vacated a month ago

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

waan gartay awoowe wixii dhintay allaha u naxariisto

waxaa igu maqala in kenyaatigu ka baqeen dhiiqada roobka,marka ciidanka loo soo diray koonfurta ma reer faarax macalinbaa?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this