Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Boosaaso tribal chief arrives in Hargeysa and compares faroole to Gadafi

Recommended Posts

Waxaan U Imid Somaliland Siddii Beelahayaga Xuduuda Cidhifka Bari Ay Dalkan Wax Ula Qabsan Lahaayeen, Dhaawacyada La Keenay Hargeysana Waa Dadkayagii Ku Soo Dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacayo”

Suldaan C/casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud

Hargeysa, November 28, 2011 (Haatuf) - Suldaanka beelaha xuduudaha Cidhifka bari ee Somaliland Suldaan C/casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud, ahaana afhayeenka nabadoonada maamul goboleedka Puntland oo dhawaan caasimada Hargeysa soo gaadhay ayaa sheegay inuu uga soo digo rogtay Isirkii dhalasho ee ka dhexeeyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, isla markaana tilmaamay in aanay shaqayn doonin Isirka dhalasho oo uu ku beerlaxawsado maamulka Faroole beelaha dega cidhifka bari ee Somaliland.

Suldaan Afguduud ayaa Faroole ku tilmaamay inuu leeyahay habdhaqanadii kalidii taliyihii Liibiya ee Qadaafi ee shacabku khaarajiyeen.

Suldaan Cabdicasiis ayaa sidoo kale xukuumada iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyay dadka ku dhaawacmay dagaaladii ciidanka Puntland iyo maleeshiyada beesha Leel-kase ku dhex maray magaalada Gaalkacayo ee Somalia, oo qaar ka mid ah Caasimada Hargeysa la keenay Sabtidii todobaadkan halka qaar kalena maanta la keenayo.

Suldaan Afguduud waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf ugu xogwaramay Hargeysa, ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya dadka ka soo jeeda beesha Goldogob dhaawacyadooda la keenay Hargeysa oo lagu dawanayo mid ka mid ah Cusbitaalada ayaa waxa uu yidhi “Afar qof oo ka soo jeeda beesha Goldogob oo ku dhaawacmay dagaalkii u dambeeyay ee ciidanka Faroole iyo beesha laale kase ku dhex maray Gaalkacayo, oo loo qaaday markii magaalada Muqdisho ee Somalia, balse waxba lagaga qaban kari waayay, waxa kale oo iyagana dhaawacyadooda maanta la keenayaa afar qof oo kale oo iyaguna ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii ciidanka faroole ku qaaday xaafada garsoor ee beeshani dagto, sidaa darteed waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xukuumada iyo shacbiga dalkani kaalinta Bani’aadanimo ee ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka calaadeed ku haystaan Somalia, dadka dhaawacyadooda maanta la keenayo Hargeysana masuuliyiinta hay’adaha amaanka Somaliland waanu ku wargalinay, halkana waxa dagan ehliyadoodii oo ku sugan”

Suldaanka oo aanu waydiinay ujeedooyinka socdaalkiisa Somaliland uu ku yimid iyo hawlaha uu la xidhiidho, waxa uu yidhi “Safarkayga Hargeysi waxa uu ku yimid wada hadal na dhex maray wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo ku saabsan in la gaadho deegaanda cidhifka bari ee xuduudaha Somaliland ee beesha aan suldaanka u ahay ay dagto iyo sidii wada hadal ay kaga qaybgalaan xukuumada Somaliland loola furi lahaa, ayna uga soo guuri lahayn, Isirnimo iyo hayb wadaaguna soo guuri lahayn wax la qabsiga qaranimada Somaliland oo ah dal iyo dad xuduudaha Somaliland naga dhexeeyaan, maamulka faroolena xuduudahooga ku eekaadaan, sidaa darteed Isirnimadii haybeed shaqayn wayday, waxaanay beelahayaga ku jira xuduuda Somaliland diyaar u yihiin in la dardar galiyo wax wada qabsiga bulshada Somaliland ee ku abtirsata xuduuduhii 1960-kii, waxaanu safarkaygu ka mid yahay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u fidiyay beelahayaga bariga Somaliland”

Suldaan C/casiis Afguduud oo aanu su’aalnay maadaama ay isku beel ka soo jeedaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxyaalaha xilligan keenay inuu Somaliland ugu soo dogo rogto, waxa uu yidhi “Faroole waa shakhsi macangag ah, waxaanu ku kala fogaanay kali talisnimada uu wax ku wado waxaanu noqday Faroole Qadaafiga Puntland,sidaa darteed shaqayn mayso isir haybeed oo nin dan lihi ku shaqaysto, dawlada Itoobiyana waxaanu u balanqaadaynaa inaan cid cadow ahi uga soo talaabin xuduudaha cidhifka bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Faroole has what it takes to be worse than Gaddafi. The man is shameless and greedy. Nepotism and naricissim defines him. He must be stopped.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abtigiis;761753 wrote:
Faroole has what it takes to be worse than Gaddafi. The man is shameless and greedy. Nepotism and naricissim defines him. He must be stopped.

Leave Faroole alone. He's a pragmatist who's taking Puntland back to its natural borders. You get my drift...

Share this post


Link to post
Share on other sites

The secessionists have a tendency to seek attention and have been dying for Faroole's attention which he never offered and never cared, that's why they are all pissed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

Maybe you could enlighten us Oodweyne and give a list of that arms length crimes he has committed or are you as deluded as your friend Abtigiis.

 

What is this fascinations with Puntland & Farole, isn't there other more important issues you could be discussing about your beloved Somaliland, I am sure there are more domestic topics you could critique that could better your country and it's people. Less looking over the fence and more cleaning of your backyard perhaps?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Mintid Farayar;761755 wrote:
Leave Faroole alone. He's a pragmatist who's taking Puntland back to its natural borders. You get my drift...

loool@pl natural borders.Classic

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mintid Farayar;761755 wrote:
Leave Faroole alone. He's a pragmatist who's taking Puntland back to its natural borders. You get my drift...

 

Abdul;762166 wrote:
loool@pl natural borders.Classic

 

I'm glad you're amused, Abdul. In reality, though, these natural borders will make Puntland more viable. The elites of Puntland started out claiming and exerting some control over territories as far south as Kismayo in the early '90s. Little by little, the impossibility of holding on to these territories has been demonstrated by one contraction after another contraction. Faroole is a pragmatist who quickly realized this in the 'Sool/Las Anod' issue and seems to be now pondering the practicality of managing Northern Galkacayo from as far away as Garowe. Hence, his calls for an AMISOM presence to police the town (realizing it's beyond the capabilities of his administrations).

 

The man, if anything, is a hard-nosed realist who's realized the cards he's been dealt!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this