Sign in to follow this  
Liibaan

Awdal State Iyo SNM State Maxey Isku Hayaan Gardarada Yaa Wada?

Recommended Posts

Liibaan   

Awdalstate iyo SNM state maxey isku hayaan gardarada yaa wada?

 

http://awdalstate.com/?p=7027

 

 

Marka hore sallaanbaan ugoo gudbinayaa guud ahaan Soomaalida meelkastooy joogaan. Sallaanta ka dib waxan ka wada war heynaa xaaladaha dadka Awdalstate ku sugan yihiin gaar ahaan kuwo ku nool degaanada Awdal, Sallal iyo Gabiley. Aduunyadu waxey isku haysataa gardaro door iyo gardaro doon dhexdooda ah taasoo inta badan ku qotonta degaano, siyaasad iyo anigaa amiir kuu ah. Dhinaca kalena leeyahey May, anigaa nafteyda iyo degaankeyga utaliya. Mid kale oo kayrkey ahna udaba fadhiisani maayo waayo maanta wax Soomaalidu wada leedahey ama ka dhexeeyaa meeshan mayaaliin. Kii kuraafaad iyo faan ku noolaana Runtii waxey tidhi waykan.

Dadku yiri Idaa aanse waxkuu gaara rabin iney kaa qaataan, inad ka dhago adegtaa waa balaayo uyeedh wallaal Awdalstate dhaladey oo dhaqaaqey danihiina ku toosa. Dulmiga, Gumeysiga, Cabudhistuna maaha mid waara laakiin dhibaato kuu wadin inad dhexda karaac usu soo gabataana waa raqiisnimo. Ciidamaan haysanaabey SNM ku faantaa hadii taasi xaqa hor joogsan karto maxaa wadamadii Carabta hogaaniyayaashoodii masiirka dadka ka hor yimid wax ugu tari waayeen. Ciidamadu waa shaqaale loo adeegsado badilida dadkooda markaa hadii ay jiraan niman ka tiran oo Awdalka Soo jeedaa ha iska diiwaan galiyaan maamul goboleedka Awdalstate oo noqon doona mid uga mishaar, sharaf iyo degaanba wanaagsan. Waxase la ogyahey in poqolkiiba shan inka yari yihiin kuwo ka soo jeeda Awdalstate ileyn meeshu waa meel cunsuriyad lagu dhaqaayee.

Hadaba inagoo aragney sida xaal maanta yahey waxey dadku isweydiin karaan su’aal ah Awdalstate iyo SNM State oo labaduba sharci ahaan kawada tirsan Soomaaliya waxey isku hayaan? dabcan si loo fahmo su’aashan waxa haboon in bal dib loogu noqdo taariikhda lagu dhisey labadan maamul ee Awdalstate, SNM State iyo ujeedooyinka ka danbeeyey. Aanku horeynee SNM State waxa lagu dhisey cadho beeleed ka curtey macaaradad salka ku heysey hogaan lawada lahaa oo qaloocdey Soomaalina udahmeyd.

 

 

 

SNM waxa lagu dhisey hayb iyo isir nacey ku aadan guud ahaan Soomaalida. Inkastoonan shaqsiyan aaminsaney in beelaha Hargisa iyo Burco dhamaantood wada SNM yihiin, hadana mar hadii aaney dadkoodan dad kale xaqooda ku mabey iyagoo adeeganaya waanu soo halganey, mujaahid iwm waabey isku milmeen. Nin waalan tolkii iyo intuu ka dhashaa dhaqan ahaan qaladkiisa dad ka qaban jiren. Mujaahidna laguma noqdo caruurta Awdal iyo dariskooda ay agoomeeyeen. Maaha inda’yarta la majara habaabiyo ee SNM waa mujrimiin ninka kolba magacyo ugu yeedhanayaa ujeedaduu doono ha ka lahaadee waa yeelkii.

 

Cabdirahman A. Faarax mooyee yaa la soo biyo cabey snm? Siiroo, waxwalba qadarkey ku dheceen mana odhan karno maxaan sidaa iyo sidaa loo yeeli waayey laakiin maanta waa in loo digaayoo dariiqooda la tusaa. Xaqee lagu arkey nin dadkiisii gumaadey oo halkii uu cafis weydiisan lahaa dib isku xasuusiya oo yiraa Alla Weyka isagoon Cidi Odhan Alla Ku Aawey.SNM waxey ka duushey dulmarinta beeshooda oo ay u arkeen in beel kale oo Soomaaliyeed duluntey runtuna aheyd dad tiro yar oo kursiga jeclaa sameeyeen. Lama odhan karo beel ahaan way kuwada qanacsanaayeen gooni isku taage beeshooda waayo shaqsiyaad aaney ucuntaminbaa jirey. Laakiin waxa la odhan karaa waxeyka sinaayeen in dhamaantood ay taageeraan siidii beeshoodu beelaha kale ee Soomaaliyeed korka laga saari lahaa xagsiyaasadeed iyo dhaqaale.

 

Waxey ku doodeen in dadkooda la gumaadey oo habeenkii lala bixi jirey hasayeeshee waxey maanta sameynayaan tii ay beenta caalamka kaga iibin jireen. Taasna waxa cadey unoqoneysa sida aaney uga geywaydey Hooya Soomaaliyeed ee Boorama ku nool taasina waxey timidey markii ay ka soo hoydeen dhalin yaradii. Inkastooy maalmo ku soo caana maaleen arimo kuraafaad ah sida inigaa dhisey, kuwii odhan jirey Snm State waa lama taabtaan waxa maanta Awdalstate kusoo booqatey runtii oon biyo ismarin oo dadkii lahaa dalkaa badankoodii garteen masuubada dadkooda lala maaqan yahey. Ragii Aamusnaa ee Awdalstate iyo dumarkoodiina hada khiyaaligii iyo ceeryaantiibey ka tooseen. Maadaama aaney Awdal Awdalstate rabin SNM isla markaana ka mid ahey beesha SNM waxey markaa noqotey in gardaro wado jabhada SNM iyo wixii taageeraa.

 

Awdalstate dadkaa dhaliyey markey arkeen baahidooda. Awdalstate inbadan waxey ku dadaashey iney wanaag iyo nabad uhorseedo dadka degaanada Woqooyiga Soomaaliya gaar ahaan kuwo Awdal, Sallal iyo Gabiley hadana nabadaas weysii xoojindoontaa. Waxase jira arimo murgey, gumeysi cadeyseya, gardaro aan geedna loogu soo gaban iney wado jabhada SNM sidaa daraadeen waxa daruuri noqotey in la heley maalta dariiqii saxda ee dadka Awdalstate dhamaantood si xor ah oo xallaala kula noolaadaan lahaayeen wallaalahooda kale ee Soomaaliyeed hadey noqoto shacbiga inta ka daacada ah oo dhan marka lagu daro degaanada Hargisa.

Runi waa isma qarisee Awdalstate waa mid hanan doonta dhamaan degaanada dadkeeda hadii Ilaahey yiraahdo sababtoo ah Awdalstate iyadaa duulaan dadkeeda lagu yahey danise kama heysto Awdalstate ka talinta degaano kale sida Hargisa. Waana mid cadaaladi daadihineyso oo dulmi iyo cadaaladi ceelkama wada cabaan. Reer Awdaloow waa inaan ku tala galnee dhimasho xaqa hadii dhulkeena, maamulkeena iyo dadkeena faraha laga qaadin Soomaaliduna waxey ku maahmaahda fadhi iyo fuud yicimeed la isla waa.

 

Waayo inaad naftaada difaacdaa adigoon iska ilaalinaaya dhagarta qofka muslimka ah gaar ahaan Soomaalida. Markaas isku soo wada duuboo Awdalstate waa mid rabta iney dadkeeda ka saarto gumeysiga iyo cunsuriyada la dhaxley SNM iskugu yeedho Somaliland.

 

Waxey ku doodey SNM in dadkeeda la gumaadey, diyaarado lagu garaacey go’aanka ay qaadateyna maaha gooni iskutaag ee waa dadka kale isku kortaag, taalo lagu baabiiyo taariikhda Awdalstate ee Iskaa wax uqabso lagu dhiso, jidgooyadii waxashnimada laheyn iyo damaca deegaanka dadka Awdal waxey marag ka yihiin in Awdalstate ku khasbaan doonto waxkasta oo lagaga hortagaayo dabinada SNM umaleegeyso Awdalstate. Reer Awdaloow sir yeesha oo waxbaan dhibaatey yaan la badin waan isdifaaci baa ka haboon marka ayka fursan weydo mooyee waa talo bixin.

Shaqsiyan waxa SNM maanta ka xunbaa la odhan karaa nimankan tirada yar ee markii Taalooyin SNM qalbigooda laga taagey damacsan iney dadkooda korkooda taalooyin jahliya ka taagaan. Waa laga soo gudbey shaqsiyaad istusa SNM dhexdoodana ku tartama ee yiraa anigaa dadku itaageeraan iwm. Dadka Awdalstate wuu dhaqaaqey, isku tasashuu udhaqaaqey, tashaduu udhaaqaaqey hadana loo daliyuu ka dhaqaaqey. Hadii aaney SNM ku naaxin masaakiinta Awdal cunida Cashuurtooda iyo macaawimooyinka hay’adaha maanta Awdalstate dadkeeda go’aankooda lagama daba qaylsheen. Awdalstate iyo SNM State xalkoodu waa labo isbarbar yaala oo ka wada mid ah Soomaaliya.

Axmad M.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Jacaylbaro;761624 wrote:
Bacaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaac

The onomatopoeic phrase certainly fits the mentality of the people living in your secessionist region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilahay ha u gargaaro cidii xaqdoon ah Haddii Awdal laga gardaranyahay oo xaqdaro lagu hayo guul ha siiyo. Haddii ku dayasho koonfureed iyo xaasidnimo ay ku socotana Alle ha kala mid dhigo kuwa ay ku dayanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What I find funny is the same people who style themselves as defenders of Somali unity make it their business to try and course disharmony between people living in peace with eachother. This notion of wrapping yourself with the flag and pitching to southerners that you somehow love all Somalis will look hollow after its tested and it becomes quite clear that the truth is your using nationalism to to further your vulgar tribal ambitions. Sxb, wake up. The residents of Xamar are not that gullible and your Halle berry like cry of we are all brothers, is just that. An Oscar winning performance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

 

Caleemosaarkii AWDAL STATE

 

 

Awdal-State1.jpg

Borame, Awdal Sate, Somalia

awdal-flag.jpg

Borame, Awdal Sate, Somalia

borama.jpg

Borame, Awdal Sate, Somalia

fp4178.jpg

Borame, Awdal Sate, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this