Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Haweenka hurdada badan

Recommended Posts

316547_150320321728645_100002520352556_2

 

Haweenka Hurdada Badan Furiin Ayey Kasbadaan

 

Haweenka kuwooda hurdada badan waa kuwa ugu furiinka badan, inkastoo haweenku simneen hadana Alle dabeecadaha muusan ka dhigin kuwa ay ka wada simanyihiin dhamaantood waxaa la xaqiijiyey daraasad dhawaanahan lasameeyey in haweenka hurdada badan ka kasbasha fududyihiin furiinka kuwa kale.

 

Daarasad gaaban oo lasameeyey ayaa lagu ogaaday in haweenka lasoo furo ubadan yihiin kuwa waqtiyada qaar iska hurda daraasadan oo xaqiijisay arinkan ayaa ka hadashay in hurdada badan ay dhaafineyso waxyaabo muhiim u ahaa dhisnaanta gurigaaa.

 

Subaxdii oo hurdada lagu daahaa waxay sababtaa in haweeneydu ka caajisto abaabulka agabka guriga sida quraacda iyo kala hagaajinta guriga waxayna ugu danbeyn sababsataa in muran badan ka dhasho hurdadaas dabadeedna lagu kala boodo gurigaas.

 

Waa talo cajiib ah, dumaroow iska yareeya hurdada badan waxay sababi kartaa in aqalkiinu si sahal ah ku burburo waana daaqad dhaxani kaasoo gali karto hadii aadan ka taxadarin.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't know what cilmibaaris 'daraasad' ah ay isticmaaleen, but I remembered sheeko ka dhacday xaafadda South C ee Nayroobi.

 

Nin Soomaali ah iska ladnaa dhaqaale ahaan ayaa wuxuu deganaa xaafadaas aan kor ku sheegay, with his xaas iyo caruurtiisa. Also house help la joogtay oo Oromo ahayd. Every morning it was the maid who woke up first, ciyaalka quraac u diyaariso, u labistana, iskoolna u diyaariso. Then quraacda ayee u sii diyaarisaa xaajiga intuu sii qabeysanaayo, markuu soo labistana quraacdoo miiska saaran ayuu arkaa. Waxee also ogaatay quraacda uu jecelyahay. Nooca uu kala jecelyahay hadba maalin walba u sameyn jirtay. Qado wey ugu dari lahaydee laakiin qado uma imaan jirin guriga shaqadiisa Islii ahayd uu dukaamo waa weyn kulahaa.

 

If you are wondering, aawey xaaskii. Well, she is in her dreamy hurdo, kama qasna subax walba. Sidii saan loo ahaa, waxaa la ogaaday lee suddenly ninkii oo mehersaday gabadhii booyaasta la joogtay. Ha mehersadee ma xumee, wuxuuba dajiye another house kasoo horjeeda their old house xaaskii kale degantahay, a whole estate for herself. Islaantii kale yaa celinaayo hee, qaracan sida la sheegay. Sida la sheegay wey burisay but markii dambe soo ceshatay.

 

I just remembered dhacdadaan aan Nayroobi ku maqlay markaa aqriye maqaalka kor ku xusan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sounds like one of those filmsy legends used to scare wives. Are you enjoying your life? Are you sleeping well? Are you actually happy? Well, don't be, because your husband will likely abscond with the maid! Waa inaad habeen iyo maalin u shaqeysaa oo dabo socotaa, otherwise....

 

Boo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

LOL @boo!

 

Isn't the purpose of booyaaso to help around the house, so that Xaajiyada can get her beauty rest? Booyaaso does not equal to naag karti leh ama gaari (not baabuur yaah) ah...They get paid to do just things as cook, clean, and look after the kids!

 

Koley I can't access the link, ee mala sheegay daraasata yaa suubiyay? Meeqa qoys ayaa laga soo qaaday? Imisa ayey socotay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Anigu waxaan shaahid u ahaa oon joogey dhacdadan,

 

Labadan is qabtey ayaa labaduba waxey aroos ahaayeen laba todobaad, markey qadha iska sureyn labadaa todobaad oo qumaati la isku rifey ayaa ninka waxa uu la yaabey cuntada mar kasta diyaarka ah ee miiska iyo meel walba taala marka uu guriga joogo, shaahii waa diyaar, bariis, aargoosato, yaanyo, mushaari, cambuulo, kuunto, maharago, misir, bariis, wax aan diyaar aheyn ma jiro, mana uusan arkin naagtoo wali jikada wax ku karineyso, waa mida ku abuurtey mucjisada inuu u kuur galo xaaskiisa oo cunta karineyso ma uusan arag labadaa todobaad.

 

illeen naagtaneeyto, makhaayadaneeyto ka soo horjeedo guriga oo uu lahaa adeerkeed ayba cuntadoo bisil ka soo daldashaa markuu maqanyahey ninka oo shaqada jiro, hal maalin uu iska dhigey wax shaqa aadayo markaasuu makhaayadii laftirkeedi niman qayilaayo iskala joogey maalintii oo dhan, naagta dad bey dhihi jirtey cuntada ka soo qaada makhaayada oo guriga keena, ayada ma aysan aadi jirin,

 

ninkii baa wuxuu arkaa un gurigii oo ilma yar yar sii galayaan oo wadaan saxamo afka bac uga wada juffan oo ayyi nooc cunta ah, ninkii baa qado soo doonanin, quraacdiina ka kallahey oo wey qallashey halkaas bey dharaarantahey, cashadii buu ka daahey oo maghrib baa la dhaafey oo cisho ayaa la joogaa, makhaayadii buu wali ku jiraa oo qayilaad buuba iskala cammirtey nimankii,

 

markey yaabtey bey mobilkiisa wacdey ay is celin weydey, xagee ku maqantahey xabiibi bey tiri gaajaad u bakhtidee maanta, markaa suu yiri, xabiibtii gaaja uma bakhtinee meeshaad cuntada ka soo qaadi jirtey unbaan ka cunteenayey maantoo dhan, intii oo kale unbaan cunayaa eed isiin jirtey wax dhiba ma jiraan.

 

naagtii naxdin buu wallicii yaraa ee hayey labadaa week dib ugu noqdey,

 

 

________________________________________________________

 

Saddex bey naagtu igu lagadey:

 

1- Kabaha oo saan ahaa

2- Dhulka oo sibidh ahaa

3- iyo naagta oo sinsaariyada(qonofka) aad u taqiiney

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kool_Kat;761057 wrote:
Marka waxaa ii sheegtan nimanka hurdadabadna maxaa laga yiri?

Good point I would like to know that too. Let them also talk about the men.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

nuune;761054 wrote:
ayaa ninka waxa uu la yaabey cuntada mar kasta diyaarka ah ee miiska iyo meel walba taala marka uu guriga joogo, shaahii waa diyaar, bariis, aargoosato, yaanyo, mushaari, cambuulo, kuunto, maharago, misir, bariis, wax aan diyaar aheyn ma jiro, mana uusan arkin naagtoo wali jikada wax ku karineyso, waa mida ku abuurtey mucjisada inuu u kuur galo xaaskiisa oo cunta karineyso ma uusan arag labadaa todobaad.

Nuune, I was thinking gabadha in uu Jinni u adeegaayo. Lakiin si fiican baad noogu caga wareejisay markaat tidhi raashinka makhaayada ayey ka soo dal dashaa..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Val, haa huuno, waa khassab iney gacmaheeda ku kariso, laakin anigu ma cuneen hadey gacmaheeda ku kariso iyo haddii kaleba, waayo maba cuno wax gacmaha lagu kariyo walaa guri walaa makhaayad, maba xasuusto goor iigu danbeesay cunto la walaaqey, waaba u xiiseybo.

 

 

Showqi, lolz, biibitadaas ayaan ka shaaheenayey markuu ninkaas undercoverka ku jirey, tubaakana waa ii taqsiineyd at da same time

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi;761098 wrote:
Nuune, I was thinking gabadha in uu Jinni u adeegaayo. Lakiin si fiican baad noogu caga wareejisay markaat tidhi raashinka makhaayada ayey ka soo dal dashaa..
:D

Anigaba jiniyadiisa jacburiska in uu soo wado sugaaye. Sheekooyinka Nuunka boolalka ka jilicsan badankooda, laakiin waa macquul haddii boolalkaas la dhuujiyo. 058.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

.....fildaradiisa indhaha ka da'datay, daraasada halagu laabto, the woman is not sleeping, she is actually hiding

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this