Sign in to follow this  
Fiqikhayre

United States Special Representative for Somalia Ambassador James Swan arrives in Garowe Puntland

Recommended Posts

James Swan oo Garowe booqasho ku yimi

 

19 Nov 19, 2011

 

Ergayga gaarka ee Maraykanka u qaabilsan Somalia ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo xubno ka socda xafiiskiisa.

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland Dr,Cabdi Faarax Juxa,wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdi qaadir Cali Xaashi iyo masuuliyin katirsan madaxtoyada ayaa kusoo dhaweeyey wafidgan garoonka.

 

Waxana intaasi kadib loosoo galbieyey dhanka aqalka madaxtoyada Puntland ee Garowe halkaasi oo kulamo kula qaadanayo madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo kuxigeenka madaxweynaha Gen,Cabdi samad Cali Shire.

 

Madaxda Puntland iyo masuuliyiinta kasocota Maraykanka ayaa marka uu soo dhamaado kulankoodu la filayaa in ay si wadajir ah saxaafada kula hadlaan madaxtoyada Garowe.

 

Akhritayaasha Garowe Online waxaan ka balanqaadaynaa in dhowaan faahfaahinta warkaasi aad ka daalacandoontaan halkan iyo weliba waxyaabaha Kasoo baxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE : Ergayga Dawlada Maraynkanka (USA) u qaabilan arimaaha Soomaaliya oo soo gaaray Garoowe

 

November 19, 2011

 

Garoowe:-Egayga Dawladda Maraykanka (USA) u qaabilsan arimaha Soomaaliya James C. Swan ayaa maanta soo gaaray Caasumadda Puntland ee Garoowe wuxuuna durbadiiba Madaxtooyada Puntland ku qaabilay madaxda sarsare ee Puntland iyo Ganacsato wuxuuna kala hadlay mashaariichorumarineed ee ay Shirkaddo Maraykan ah ka fulinayaan Puntland.

 

Kulanka madaxtooyadda kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Mr, James wuxuuna sheegay in uu Puntland uu u yimid si ay uga fuliyaan mashaariic wax ku ool ah sanadka 2012 oo ay ka mid yihiin waddooyin kuwaas oo uu sheegay in ay fulinayaan shirkaddo Maraykan ah.

 

Puntlandpost oo garoonka diaaradaha ee Conoco ku booqatay Ergayga Dawladda USA u qabilsan arimaha Somalia

 

Faafaahinta warkan iyo sawiro gadaal ayaan ka soo daabacaynaa Insha’allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Initial reports say that the United States Ambassador came to Puntland to commence major projects for the coming year 2012 mainly the building of roads which will be undertaken by US firms/companies as agreed in the Kampala Accord.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergeyga Mareykanka ee Somalia iyo Madaxweyne Faroole oo Garoowe ku kulmay

 

November 19, 2011

 

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo xubno ka socday qarmadada Midoway kuwaas oo maanta ka soo degay Garoonka diyarahada Conoco ee Magalada Garowe halkas oo ay ku soo dhaweyeen Xubno ka tirsanaa Golaha Xukumada Puntland kadibna loo soo galbiyay Xarunta Madaxtoyada oo uu kulan albabadu u xirnayeen la qaatay Madaxda Puntland.

 

Inkastoo markii kulankaasi uu u soo dhamaday uu si wada jira u la hadlay Warbaahinta Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Egrayga Gaarka ah ee Arimaha somaliya Maraykanka u qabilsan James Swan.

 

Madaxwynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxauud Faroole oo ku hormaray fahfahinta kulanka labada dhinac ayaa ugu horayn uga mahad celiyay imatinka Ergaygaan tan iyo markii la soo magacabay bishii ogos ee sanadkaan iyo waxyabaha ay ka wada hadleen.

James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qabilsan Arrimaha Somaliya oo isna hadlay ayaa dhiniciisa shegay ay tahay markii ugu horaysay uu yimaado Puntland isla markaasna kulamada uu la qaatay madaxda Puntland ay yihiin kuwa isku soo dhawaynaya Somaliya iyo Maraykanka,

 

Waxa uu intaasi Raaciyay Ergeygu in uu qayb ka yahay Socdalkaani hirgalintii qodobadii ka soo baxay shirki Kampala.

 

Inta shirku socday waxaa sidoo kale qayb ka aha Ganacsatada iyo ururadda Bulshada kuwaas oo fikiro ka dhiibanayey wada hadalka albabadu u xirnayeen, waxana uu isla maanta dib ugu noqday Ergaygaani iyo xubnihii la socday Magalada Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey

 

Waxaa magaalada Garoowe maanta soo gaarey wefdi ka socda dalka Maraykanka oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee dowalda Maraykanka u qaabisalan arimaha Soomaaliya.

 

James C. Swan iyo wefdigiisa oo Garoonka diyaaradaha si diiran loogu soo dhoweeyey ayaa intii ay Garoowe ku sugnaayeen kulamo gooni gooni ah la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada Puntland, Golaha wasiirada, xubno ka socdey Ganacsatada, iyo qaybo kale oo bulshada ka tisan.

 

Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi [Libaax Joorre] oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey ujeedada ka danbeysa booqashada ay wefdigan Maraykanka ahi magaalada Garoowe ku soo gaareen iyo waxyaabihii kasoo baxay kulamadii ay Mas’uuliyiinta dowlada la qaateen.

 

Wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay dowlada Maraykanku deegaanada Puntland uga hirgelin lahay mashaariic horu marineed oo dhowr ah gaar ahaa horumarinta degmooyinka ku yaal dhulka fog fog ee ku teedsan xeebaha Puntland.

 

Afhayeenka Dowlada ayaa sido kale sheegay in Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya uu ka dhawaajiyey inMashaariicdaas ay fulin doonaan labo Hay’adood oo fadhigoodu uu dalka Maraykanka yahay.

 

Waa markii ugu horeysey oo James.C.Swan uu dalka Soomaaliya soo gaaro tan iyo intii loo magacaabay xilka uu hada hayo , waxayna Puntland noqonaysaa meeshii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado intii uu noqday Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good for Puntland. Faroole, unlike the previous Puntland rulers, seems intent on developing the region rather than simply focused on using it as a launching pad for a seat to Mogadishu. What say you, Ngonge? That's if the Puntland press depiction of the talking points is accurate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya oo Garoowe tegay

 

DSC07796-300x168.jpg

 

Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo ergayga mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan / RBK

 

Ergayga dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa duhurnimadii maanta Gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

 

Wafdiga oo ay garoonka ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland ayaa loo kexeeyay xarunta madaxtooyada maamulka, halkaasi oo ay kulan albaabada loo xiray kula qaateen madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

 

Madaxweyne Faroole iyo James Swan ayaa kulankooda kaddib shir jaraa’id oo ay qabteen kaga warbixiyay waxyaabihii uu ku saabsanaa kulankooda.

 

Cabdiraxmaan Faroole oo hadalka ku hormaray ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay wafdiga ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan booqashadooda Puntland, isagoo xusay in ay kala hadleen arrimaha amniga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

James Swan oo isna saxaafadda uga warbixiyay kulanka iyo booqashadiisa Garoowe ayaa sheegay inuu halkaasi u tagay sidii Puntland uu kala hadli lahaa hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee Muqdisho.

 

Waa socdaalkii ugu horreeyay ee James Swan uu ku tago magaalada Garoowe tan iyo markii loo soo magacaabay ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya bishii August ee sanadkan.

 

Sawirrada daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this