Sign in to follow this  
Fiqikhayre

United States Special Representative for Somalia Ambassador James Swan arrives in Garowe Puntland

Recommended Posts

Swan oo la kulmey madaxda Puntland(Cod & Sawiro)

 

19 Nov 19, 2011

 

GAROWEONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socday Maraykanka uuna hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Somalia Ambassador James Swan.

 

Kulanka dhexmarey Puntland iyo Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxda dawalda uu kamid yahay kuxigeenka madaxweynaha Puntland Gen,Cabdi samad Cali Shire,wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa,wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr,Cabdi qaadir Cabdi Xaashi iyo xubno kale oo katirsan dawladda.

 

Markii uu soo dhamaadey kulankii labada dhinac ayaa hadana wafdigan waxa uu la kulmey ganacsatada Puntland oo ay kawada hadleen horumarka iyo sare u qaadida ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay(Private Sector),waxana gabagabdii qabteen shir saxaafadeed ku saabsan arimihi ay kawada hadleen.

 

Madaxweyanaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Faroole oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ay maamul ahaan ku faraxsanyihiin booqashadan oo noqonaysaa tii ugu horeysey uu Puntland ku yimaado ergeygu isaga iyo xubnaha la socda.

 

‘’Puntland waa gobol ka tirsan Somalia,waa mandaqad weyn ,hawlo badan oo ku saabsan amniga iyo horumakra oo wax laga qabtay ayaa jira,wafdgana waxa uu jaanis u helay in uu la kulmo xukuumada iyo ganacsatada,wixii dhibaato ah oo jira,iyo horumarka la gaarey iyo weliba amniga siduu yahay ayaa la isla arkey waan la isku waafaqey,waxaan rajaynayanaa in ay nagu soo labatan markale’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

 

James Swan oo la wareegey hadalka ayaa sheegay in uu mamulka Puntland uu Dr,Farole kow ka yahay uga mahadcelinayo qaabka ay ugu soo dhaweeyeen Puntland.

 

Waxaa uu sheegay in booqashadiisu qayb ka tahay siyaasada bartamihii sanadkan Maraykanku ku dhawaaqey (Dual Track Policy in Somalia) oo ah mid si toos ah dawlada Maraykanku u la shaqeynayaan maamul goboleedyada ka jira dalka.

 

Qaabka loo hirgelinayo qorshe hawleedkii Muqdisho dhinacyada Somalidu ku wada galeen(Road Map) bishi September ayaa ku jirta waxyaabaha labada dhinaci ay ka wada hadleen.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay isla meel dhigeen Puntland kana wadahadleen tageerida mashaariicda bini’aadanimo iyo tan horumarineed ee Puntland,ladagaalanka burcad badeeda iyo wadashqaynta Puntland iyo Maraykanka.

 

Waa safarkii ugu horeeyey tan iyo markii lamagacaabey Danjire Swan uu ku yimaado gudaha Somalia dhamaadkii bisha Auguost 2011,waxana ku weheliyey saraakiil ka socday safaarada Maraykanka ee Nairobi iyo hayada USAID,waxana isla maanta dib uu ugu laabtey Nairobi oo markii hore ka soo kicitimey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: U.S. Special Envoy to Somalia Visits Puntland.

 

Sat, 19 Nov 2011

 

PRESS RELEASE

19 November 2011

 

A delegation led by U.S. Special Representative to Somalia, H.E. Ambassador James C. Swan, arrived Saturday in Garowe, capital of Puntland State of Somalia.

 

Ambassador Swan, who was accompanied by U.S. Embassy and USAID officials, was welcomed at Garowe airport by Puntland Education Minister Hon. Abdi Farah Saeed (Juha), State Minister for International Cooperation Hon. Abdulkadir Abdi Hashi, and presidential staff.

 

The U.S. Ambassador’s delegation was ushered to the Puntland State House in Garowe, where Ambassador Swan held discussions with Government officials led by the President, H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole), and Vice President H.E. Abdisamad Ali Shire.

 

Points of discussion included: implementation of the Roadmap and advancing the Somali peace process; the role and contribution of IGAD and the African Union to help stabilize Somalia; the anti-piracy campaign; the U.S. Dual-Track policy for Somalia; and U.S. support for humanitarian and development programs in Puntland State of Somalia.

 

Ambassador Swan’s delegation held a meeting with representatives from the Puntland business community, including representatives from livestock, telecom, energy, banking, healthcare, and hospitality sectors.

 

It was Ambassador Swan’s first visit to Somalia’s Puntland State since his appointment as U.S. Special Representative to Somalia in August, 2011.

 

President Farole and Ambassador Swan held a joint press conference at the State House before the Ambassador’s delegation flew back to Nairobi.

 

Communications Office

The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

E-mail: info@puntland-gov.net

Web: www.puntland-gov.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo soo gaaray Garowe, shirarna la yeeshay madaxda Puntland.

 

Sat, 19 Nov 2011

 

zFarooleSwan1l.jpg

 

WAR SAXAAFADEED

19 Nofembar 2011

 

Garowe, Nov, 19 - Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Dowladda USA Danjire James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

 

Danjire Swan oo ay safarkaan ku wehliyeen sarakiil ka tirsan Safaarada USA ee dalka Kenya iyo sarakiisha Hey’adda USAID ayaa waxaa madaarka Garowe kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta Dowladda Puntland oo ay horkacayeen Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa iyo Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Cabdulqadir Cabdi Xaashi.

 

Wafdiga Safiirka USA ayaa loo soo galbiyey Madaxtooyadda Dowladda Puntland, halkaasoo uu Danjire Swan wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Faroole iyo Madaxweyne-ku-xiggeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire.

 

Arrimihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa: hirgalinta heshiiskii “Roadmap” iyo horumarinta nabadeynta Somalia; doorka iyo waxqabadka IGAD iyo Midowga Afrika (African Union) kaga aadan xasilinta Somalia; arrimaha ladagaalanka burcad-badeedka; siyaasadda Dowladda USA ee “Dual Track policy”; iyo taageerida mashaariicda bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda USA ka taageerto Puntland

 

Wafdigii Danjire Swan ayaa la kulmay Ganacsatada Puntland kana socday shirkadaha ku howlan qeybaha ganacsiga sida dhoofinta xoolaha, telefanada (telcom), tamarta (energy), xawaaladaha, caafimaadka, iyo adeega bulshada.

 

Waa safarkii ugu horeeyey uu gudaha Somalia kusoo gaaro Danjire Swan tan iyo markii loo magacaabay Wakiilka gaarka ah ee arrimaha Somalia,bishii Agosto 2011.

 

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha USA ayaa shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay gudaha Madaxtooyadda kadibna Wafdigii Danjiraha ayaa dib ugu duulay magaalada Nairobi.

 

 

Ministry of Information, Telecommunication, Culture and Heritage

Government of Puntland State of Somalia

E-mail: puntland.info@gmail.com

Web: http://www.puntland-gov.net

Office: +252 90 577220

Share this post


Link to post
Share on other sites

Press-conference1.jpg

 

press-conference2.jpg

 

President Faroole:

 

‘’Puntland waa gobol ka tirsan Somalia,waa mandaqad weyn ,hawlo badan oo ku saabsan amniga iyo horumakra oo wax laga qabtay ayaa jira,wafdgana waxa uu jaanis u helay in uu la kulmo xukuumada iyo ganacsatada,wixii dhibaato ah oo jira,iyo horumarka la gaarey iyo weliba amniga siduu yahay ayaa la isla arkey waan la isku waafaqey,waxaan rajaynayanaa in ay nagu soo labatan markale’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland."

Share this post


Link to post
Share on other sites

press-conference3.jpg

 

John Swan US Representative to Somalia on his first trip to Puntland and Somalia after he was nominated in August talked about many things in his briefing to the Press.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He met with the Puntland Business Community Energy, Telecommunication, Banking, Health Service, Hospitality Sector and Livestock merchants. The meeting was held behind closed doors.

 

Puntland-business-community.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this