Sign in to follow this  
Saalax

Daahir Rayaale: Somaliland Weligeed La Midoobi Mayso Somaliya

Recommended Posts

Saalax   

“Somaliland Weligeed La Midoobi Mayso Somaliya, Haddii Ay Isku Dayaan Inay Nagu Qasbaana, Waxaanu Diyaar U Nahay Dagaal Ilaa Aanu Madhano”

 

Nov 5th, 2011

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa yarkasi cad ugu sheegay mudane ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka oo lagu magacaabo Senator Feingold, inay bulshada Somaliland dagaal ka xigto midnimo dambe oo ay la galaan Somaliya.

 

 

 

Warsidaha Wikileaks ee faafiya siraha kala duwan ee ay safaaradaha Maraykanku u diraan xaruntooda Washington, ayaa dhawaan baahiyay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulan dhex maray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo Senatar Feingold oo bishii December ee sannadkii 2009 ka dhacay dalka Djibouti, markaas oo uu xildhibaanku safar ku yimid gobalka Geeska Afrika islamarkaana uu Djibouti kula kulmay hoggaamiyayaashii xilligaas ee Somaliland iyo Somaliya.

 

Sida uu wikileaks baahiyay kulamadaas oo qabsoomay 19-21 December 2009, wuxuu senatorku ugu horayn Madaxweynihii hore ka tacsiyadeeyay qaraxyadii 2008 ka dhacay Somaliland. Daahir Rayaale, wuxuu Senator Feingold u sheegay in qaar ka mid ah dadkii gaystay qaraxyadadaas Somaliland ka dhacay 29 Oktoobar ay ka soo jeedeen Somaliland, laakiin ay ku soo tababarteen dalka Somaliya. “Laakiin xag jirku waa isku mid, macno ma leh meesha ay ka soo jeedaan iyo meesha ay ka yimaadeen, dhammaantood waa isku ajande.” Ayuu Daahir Rayaale Kaahin ku yidhi Senatarka.

 

Wuxuu sheegay in inta badan ee dadka reer Somaliland ay Booliska la shaqeeyaan iyagoo siinaya xogta lagu qaban karo argagixisada. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu qaraxyadii 29 Oktoobar ku macneeyay, “Waxay noo ahaayeen baraarujin sidii Maraykanka ee September 11.”, waxaanu intaas raaciyay in qaraxyadaas ka sokow ay Somaliland ku jirtay hayaanka dawlad wanaaga tan iyo sannadkii 1991-kii.

 

Isagoo Daahir Rayaale, ka hadlaya aqoonsiga Somaliland, wuxuu sheegay in hadii ay heli lahaayeen caawimo toos ah ay awood u yeelan lahaayeen inay iska caabiyaan xag jirka. Waxaanu sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado ay door ka ciyaari karto arrimaha koonfurta iyadoo cudud ku biirin karta Djibouti iyo Itoobiya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay munaafaqnimada bulshada caalamka ee ku waajahan aqoonsiga dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya oo aan shaqayn iyo sababta ay aqoonsan waayeen Jamhuuriyadda Somaliland ee shaqaynaysa.

 

Isagoo ka hadlaya midnimadii Somaliya, wuxuu sheegay inay reer Somaliland tijaabiyeen midowga Somaliya oo ay arkeen midhihiisa, “Somaliland waxay samaysay midowgii, waanay tijaabisay mana jirto suurtogalnimo kale oo Somali weyn ahi.” Ayuu yidhi Rayaale.

 

Rayaale, wuxuu sheegay inay Somaliland ka duwantahay Somaliya, isagoo sheegay inay madaxda Somaliya isku mashquuliyaan inay arrin kasta ka yeeshaan shirweyne, “Xataa arrimaha yar yar, dhibaatadu Somaliya waxa weeye in qof kastaa uu isku dayayo inuu hoggaamiye noqdo, waxaanay aaminsanyihiin in xalku dibadda uga iman doono.

 

Wuxuu Daahir Rayale Kaahin Senator Feingold u sheegay inay Somaliland midnimo dambe ka xigto dagaal ay ku hoobato, “Somalilland weligeed la midoobi mayso Somaliya, haddii ay isku dayaan inay nagu qasbaana, waxaanu diyaar u nahay inaanu dagaalano ilaa aanu madhano.” Ayuu ku soo koobay Madaxweynihii hore doodda uu la hortagay Senator Feingold.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/qaasin Salaad lives in Qaahira. C/llaahi Yuusuf lives in Sanca. Kana, Riyaalahaan, wuxuu deganyahay miyaa another foreign city. Kii Soomaaliya hoggaamiyo rababa in uu degnaado ma rabo marka xilka ka dhamaado. Intee hoggaanimo sheeganayaan bas ayee joogayaan.

 

Aawey Geedi? Aawey Nuur Cadde? Aawey Ina C/rashiid Cali Sharmaarke? Aawey Cadde Muuse? Aawey Farmaajo? Halkood dalka ma degano. Heck, even ex-warlords qaarkood dalka ma degano, sida Qanyare, Shaatigaduud, Cali Mahdi, Max'ed Dheere. Badankood Nayroobi wada dhoobnaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

MMA, you cant compare Dahir Riyaale Kahin with those other leaders who all were selected by donors, western powers and Ethiopia

 

Dahir Riyaale Kahin goverment organised 4 fair democratic elections, implemented the rule of law and a system of governance.

 

His party has won the first local elections and the first Presidential elections. But they have lost the Parliamentary elections where the opposition won the majroty of seats in Parliament and after his party lost the 2nd Presidential elections he stepped down and transfered powers.

 

He became President through a democratic vote by the peope and he was made a citizen again throug a vote by the people.

And as a citizen he has the right to stand and go where he wants. Those other person you are mentioning dont even dare to set a foot in Somalia, being afraid to be harmed by the people they were so called leading. Because those people never choose them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Riyaale pushed back the so-called elections a couple of years and blackmailed NW Somalia regional government with the threat of Awdal breaking away. Unlike the other leaders, for the most part they left on time. Your so called elections didn't include anyone from Sool or Sanaag and some how had more candidates from the dominate family.

 

Regarding Somalia, some of the leaders that were mentioned are still in Somalia. They just lay low out of respect for the current government. Even look at former leaders like Bush, Gordon Brown any many others.

 

http://horseedmedia.net/2011/10/31/qardho-waxgaradka-beelaha-cismaan-maxamuud-iyo-cali-jibraahiil-oo-kulmay/ .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Of course Xaaji it was just a coincidence that people were running around Borama with Somalia's flag right before election time right? So it was not planned or politically motivated to send a message?

 

We know exactly who orchestrated it.

 

Come on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this