Sign in to follow this  
Saalax

War Deg Deg Ah: Man from Southern Somalia attacks innocent civilians in Burco

Recommended Posts

Burco(HWN)Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka laba kalena ay ku dhaawacmeen weerar uu so qaaday nin aan weli si rasmi ah loo caddayn xaaladiisa maskaxeed iyo ujeedkiisa

 

WAR DEGDEG AH: NIN TOOREY KU HUBAYSNAA OO QUDHA KA JARAY GABADH FAMILY GIISA AH IYO ASKARI BOOLIS AH WEERAR NA KU QAADAY SALDHIG BILEYS DHAAWACYONA U GEYSTAY ASKARTII SALDHIGAAS.

 

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka laba kalena ay ku dhaawacmeen weerar uu so qaaday nin aan weli si rasmi ah loo caddayn xaaladiisa maskaxeed iyo ujeedkiisa islamarkaasna weerar ku soo qaaday saaka saldhiga faarax oomaar ee Magaalada Burco.

 

NInkan saka soo weeraray saldhiga faarax oomaar ee magaalada Burco aya aka hor intii aanu weerarkan ku soo qaadin saldhiga qudha ka soo jaray isla markaasna soo garwacayn Gabadh la sheegay inay familygiisa ahayd.

 

Waxa uu weerarkan kaga bilaabay askarigii ugu horeeyey ee Albaabka Fadhiyey ee uu mindi la tiigsaday qudha kaga jaray kadibnna uu ka dulqaatay qorigiisii, isagoo qorigii askarigaas ku shaandheeyey askartii gudaha joogtay Baas na ku furay, waxaana rasaastaasi uu ku dhex furay danbiilahani saldhiga ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Bileyskii saldhigaasi.

 

Ninkii Falkani geystay waxaa isla goobtaas ku dhaawacay oo baas ku furay mid ka mid ah ilaalaha habeenkii Suuqa ilaaliya oo goobtaasi ka agdhowaa, balse ma jirin askari Boolis ah oo ciidaanka saldhigaas ka tirsan oo askariga dhaawac u geystay, waxaana uu waashmaankani ninkani danbiilaha ah ka toogtay Bawdada ama lugta.

 

Waxa kiiskaasi hadda gacanta ku haya ciidanka CID da iyadoo askartii dhaaawaca ahayd iyo danbiilihiiba lagu dawaynayo oo lagu hayo cisbitaalka Guud ee Burco.

 

Waxa illaa saaka Gudaha magaalada Burco dadku is weydiinayeen ninka booliska soo weeraray ee qaarna laayey qaarna dhaawacay waxa uu ahaa, halka uu ka yimi iyo sababta uu falkani u dhacay.

 

Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Togdheer Dhegacade ayaa isaguna sheegay in baadhistii falkaasi ay socoto islamarkaasna aanay weli kala caddayn waxa uu ninkani falkan u geystay iyo inu maskax ahaan u caafimaad qabo midna.

 

Ugu danbayntii falkan ayaa noqonaya falkii ugu xumaa ee soo mara Booliska Gobolka Togdheer, waxaana dadku isha ku hayaan jawaabta iyo dhawaaqa ka soo baxa Saraakiisha ciidanka Gobolka Togdheer iyo Mamulka Gobolka ee ku aaddan wax ka qabashada Arrinkan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji Xunjuf;754449 wrote:
Nin maskaxda ka bukay buu ahaa

Of course it's always the "mad man." Normal crime doesn't occur in the triangle!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

This is an on-going tribal issue that has been going on for some time. It is not a random act of a so-called mad southerner. Regardless of how the police or the regional government want to spin it, so the enclave is always seen in a peaceful light.

 

Taliyaha Booliska Tog-dheer Oo Ka Hadlay Dilal ka dhacay Magaalada Burco - July 15, 2011

 

http://www.berberanews.com/2011/07/16/taliyaha-booliska-oo-ka-hadlay-tirada-gacan-ku-dhiiglayaal-dilal-faashash-midiyo-iyo-tooray-loo-addeegsaday-oo-gobolka-togdheer-ka-dhacay/

 

Magaalaada Burco oo ay ku soo badanyaan dilka,khamriga iyo dhaawacyada toorayda lagu sameeyo - Jul 15, 2011

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=11380&Itemid=62

Share this post


Link to post
Share on other sites

This kind of Behavior is generally accepted as Normal in the Garowe Clan enclave Mad man Chasing people with Machetes that's why Thankful is saying the man was not mentally disturbed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji Xunjuf;754497 wrote:
This kind of Behavior is generally accepted as Normal in the Garowe Clan enclave Mad man Chasing people with Machetes that's why Thankful is saying the man was not mentally disturbed.

Yeah right a mad southerner right? Let just avoid the facts, which clearly show that Burco has had a rash of people killing one another with machetes in the last few months. I have shown you articles that prove this.

 

Also, the title of this article seem's to be very politicized and insulting! Southerner attack innocent people in the triangle? Give me a break!

 

Sadly this is an ongoing issue in the town.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol....waan fahmi waayey qoraalkan...nin koofur ka yimid...Mar waxaan ku fekerey ceeb ka weyn maba jirto nin tooreey wataa magaalo dhan booliskeedii iyo shacabkoodii ha ceyrsado...Haddana waxaan ogaadey inaysan habboonayn generalization-ka noocaan oo kale ah.

 

XX...waxaa ceeb ah in shakhsi caqli iyo aqoon laga filayo uu meel la soo istaago cid hebla ayaa waxaan oo kale samaysa...

Waa la is mucaaradaa, oo la is dacaayadeeyaa laakiin tanoo kale lagama fili karo dadka qaar.

 

Jacaylbaro;754456 wrote:
He was a mentally sick man ,,,,,, Allah ha u naxariisto intii ku dhimatay

Aamiin. Waa hadal wanaagsan JB.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Valenteenah.;754514 wrote:
Not everything needs to be politicised.

Seriously, simple condolence to the victims would do. Salax iyo Thankful sheeko hore ay isku heesteen bay oga dhagday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@at the title. Man from the south LOOOOOOOOOOOOOL Mayee man from the south pole. What does that have to do with this incident.

Allah Yarxam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this