Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Diaspora Vs Locals: Hilarious Stories

Recommended Posts

Wuxuu yidhi "biyo dhaxan ii keen". Markaasuu kii dukaanka joogayna isaga oo yaaban yidhi "maxay - waar naga tag".

 

Wuxuu ku celiayay "I mean biyo dhaxan". Bal wakaase adiguba fahan ...........

 

 

A Direct translation of "Cold Water" ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

A Diaspora boy tired to buy a drink from this shop with a fridge- a local relative of his saw him and told him to buy from inadheerkii opposite who didn’t have a fridge. He got a sprite and it was so hot it burnt his throat. The Diaspora in his broken Somali said- haadan fahmey qabil wa kulel!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geeridii Baaqatay

 

Wuxuu in badan ku maqnaa qurbaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka. Waa nin aan da’diisu sidaa u waynayn oo la odhan karo wuxuu inyar uun dhaafay soddon jirkii laakiinse weli wakhti baa uga hadhsan inuu madaxa ka gooyo afartanka oo markaa dhanka kele uga saari lahayd xadkii dhalinyaronimada ee uu ku soo noolaa intii uu qaan gaadhay. Inkasta oo ay sidaa tahay haddana weli guur iskumuu dayin oo marna waxbarasho ayuu ku jiray marna wuxuu la daalaa dhacayay sidii uu u *****li lahaa nolosha waddamada galbeedka.

 

Hadda ayaa dalka ugu horraysa oo sidii isagoo yar looga kexeeyay weli cag muu soo dhigin. Dhowr goor oo uu niyadda ku qabtayna hawlo kele ayuunbaa ku soo baxay oo ay noqotay inuu safarkiisan dib u dhigo. Wuxuu ku naalloon jiray inuu maruun dalka yimaado oo weliba uu aad ugu hanweynaa inuu hablaha dalka jooga ka guursado.

 

Muddadii koobnayd ee uu joogay wuxuu ogaaday inaanuu afsoomaaligiisu ahayn kii uu dadka ku dhex geli lahaa oo marka uu afka kala qaadaba waxa lagula degdegi jiray su’aal ah “Xaged ka timid?”. Wuxuu khaatiyaan iska taagay dadka oo markiiba si sahlan looga soo dhex sooco ha noqoto hadalkiisa, socodkiisa amaba lebbiskiisa e.

 

Gadiid laakiin marna kamuu niyad jabin inuu dadkiisa dhex galo oo uu ka barto waxyaalo badan oo uu qurbaha ku la’aa. Wuxu ahaa nin furfuran oo dad la socod leh isla markaana aad ugu xidhan asxaabtiisa ay halkan isku barteen oo markaa weliba ay kafta wadaag lahaayeen.

 

Gadiid waxay is barteen inan ka mid ah hablaha reer Hargeysa oo aanay hore isu aqoon laakiin intii uu joogay uu ka dhex bartay asxaabtiisa oo ay iyadana markaa asxaab sii ahaayeen. Xidhiidhkaasi muu noqon mid aqoon guud ku kooban ee wuxuu isu beddelay mid intaa ka sii durugsan oo waxaabay noqdeen inay sheeko dhex marto oo markaa labadooduba ay galaan xaalad ay isu diyaariyaan guur iyo dhisme guri ay labadoodu nolosha ku wadaagaan.

 

Inkasta oo ay sidaa tahay hadana weli way isku cusub yihiin oo waxay go’aansadeen inay helaan wakhti intaa ka badan oo ay si fiican isu bartaan. Gadiid isagu aad buu arrinkaa ugu faraxsanaa waxaanuu ku fekerayayba abaabulka arooska, halka ay ku noolaan doonaan iyo carruurta ay isu dhali doonaan haddii Ilaahay u qaddaro. Wuxuu ka soo daalay noloshii dheerayd eedhalinyaranimada ee uu ku soo qaatay dalalka galbeedka oo ilowsiinba gaadhay dhismaha guri reer uu isagu leeyahay. Hadana kama murugaysna oo wakhti qof dhalinyaro ahi qaadan lahaa kii ugu fiicnaa buu soo qaatay haddana wuxu isu diyaarinayaa inuu waayeelka ku biiro oo uu reerkiisa dhaqdo.

 

Dhanka kele, Xaawa ayaa ah inan dhalinyaro ah oo da’deedu ay imika uun 20 sannadood dhaaftay. Weli waxay ku jirtaa noloshii dhalinyaranimada waxaanay mar walba ku hammidaa sidii ay nasiib ugu heli lahayd inay maruun dhoofto oo ay ku biirto dunida qurba-joogga oo wax badan ay dhegaheedu maqlaan. Xaawa ma jecla inay tahriibto oo nolosheeda ay khatar geliso laakiin sidii kele ee dhoof ugu hagaagi lahaaba waxay diyaar u tahay inay falowgeeda qabato. Barashada ay Gadiid is barteen waxay u ahayd fursad ay marka laga tago guurka is lahayd waxay kuu sahlaysaa inaad dhoofto. Inkasta oo ay Gadiid wada socdaan imika hadana waxay dareensan tahay inaanay si dhab ah u aqoon isaga oo aanay xataa hubin inay dhab ka tahay inuu guur diyaar u yahay iyo in kele.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Gadiid la soo hadlay Xaawa isagoo u sheegaya inuu rabo inay caawa is arkaan oo soo wada casheeyaan. Laakiin Xaawi waxay u sheegtay in oday Awoow u ahi uu galabta dhintay oo ay geerida tegeyso sidaas darteedna aanay awoodi Karin inay is arkaan laakiin mar kele ay ka dhigan karaan.

 

Gadiid oo ka naxay warka geerida ayaa degdeg ugu tacsiyeeyay una sheegay inuu ka xun yahay geerida dhacday. Wuxuu weliba rabay inuu isna tago oo soo tacsiyeeyo hadana wuxuu xasuustay inaanuu jawaab u haynin su’aalaha ay reerku waydiin doonaan ee ah “kumaad ahayd?” iyo kuwa la halmaala. Waxa uu xasuustay in dhaqan ahaan aanuu odhan Karin “Heblaayo ayaanu is naqaanaa” oo taasi ay ku keeni karto in gacantaba la saaro. Xaawa lafteedu taas ayay ogayd oo waxa ay u ahayd fursad ay markaa ballantaa dib ugu dhigto iyadoo aan wax dheeraad ah laga sii waydiin.

 

Sidii baa lagu kala tegey oo uu Gadiidna danihiisa kele iska raacday. Wuxuu la ballamay koox ka mid ah asxaabtiisa oo markaa ay ku ballameen inay wada qaxweeyaan inta fiidka oo halkii yarayd ee ay bunka ka wada cabbi jireen isugu yimaadaan.

 

Gadiid isaga oo markaa suuqa dhex maraya oo ballanta asxaabtiisa ku soo socda ayaa waxa si kediso ah weliba meel aanuu filanayn kaga hor timid Xaawa oo si aad u wanaagsan u lebbisan. Wuxuu markiiba isha la raacay dirica xariirta ah ee dhalaalku ka muuqdo, dahabla ku taxan gacmaheeda iyo weliba cadarka aadka u udgoon ee ka soo uraya. Wuxuu markiiba iska dhaadhiciyay in geerida aan sidan loogu lebbisan laakiin hadana wax tafaasiil ah wuu u waayay xaaladda noocan ah. Wuxuuse aad ugu kalsoonaa Xaawa oo markaa uu u arkayay inay tahay mustaqbalkiisii uu ku xisaabtamayay.

 

Xaawa lafteedu way ku soo naxday oo may filayn inay Gadiid iska hor imanayaan. Iyada lafteedu dhowr candhuufood bay dib u liqday intii salaanta gargariirka ah la is waydaarsanayay waxaanay ogaatay in arrini jiq ku tahay.

 

Gadiid ayaa waydiiyay “Walaal maxaa dhacay miyaanad geeridii tegin?”

 

Xaawa ayaa inta ay hareeraha jalleecday qoortana dhinac u yara jebisay waxay ugu jawaabtay “Walaal geeridii way baaqatay oo waa berri baa la yidhi”

 

Gadiid oo marka horeba afsoomaaliga dhib ku qabay ayaa hadana fahmi waayay geerida baaqatay ee berry u dhacday. Waayahay inta uu yidhi buu iska dhaqaaqay oo isagoo ordaya oo dawakhsan asxaabtiisii uu la ballansanaa dhex tegey oo isagoon salaamin uu waydiiyay:

 

“Maxaa looga jeedaa geeridii baa baaqatay?” :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

the diaspora vs local dichotomy is distorting the reality. we're all somalilanders and thats whats important. some diaspora folk think they are 'better' than people who they've aptly given the name 'local'. this is just offensive. i can tell you from my interactions with both outsiders and people in somalilander, that i've had a better time with reer somalilanders as opposed to these rude, offensive, culturally insensitive, western-rejects qurjo-joog animals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

*Ibtisam;753205 wrote:
A Diaspora boy tired to buy a drink from this shop with a fridge- a local relative of his saw him and told him to buy from inadheerkii opposite who didn’t have a fridge. He got a sprite and it was so hot it burnt his throat. The Diaspora in his broken Somali said- haadan fahmey qabil wa kulel!

honestly! this seems a tad bit too good to be true. i doubt this even happened.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jb,

 

you know me.... i came with an open mind, that's why i'm sometimes easily disappointed. i'd like to think that i have certain affinity with somaliland and its people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;753202 wrote:
Wuxuu yidhi
"biyo dhaxan ii keen"
. Markaasuu kii dukaanka joogayna isaga oo yaaban yidhi "maxay - waar naga tag".

 

Wuxuu ku celiayay "I mean
biyo dhaxan
". Bal wakaase adiguba fahan ...........

 

 

A Direct translation of "Cold Water" ,,,,
:D

sounds made up

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Laakin COLD=Qabow

 

 

COLD water= Biyo Qaboow, Ma COLD dhaxan keliya buu haystey?

 

Qabow baa jira

Dhaxan baa jirta

 

 

agree,Waa made up!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this