Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Conflict and war expected to occur at any time, Silayno does not rule us Garaad C/llaahi Cali Ciid

Recommended Posts

Puntland oo Heegan Sare Gelisay Ciidamada Daraawiishta iyo Siilaanyo oo ku Wajahan Gobolka Sanaag

 

Hubka-oo-maraya-640x480.jpg

 

Badhan ( DHM-News ):- Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland ayaa heegan galiyey Ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolkaasi ku dhaqan taasi oo looga soo horjeedo booqasho la sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu tegi doono qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo kamid ah gobolada ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Puntland Maxamuud Siciid Nuur Dabayl ayaa u dheegay DHM Radio in Ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag heegan sare la geliyey isla markaana ay diyaar u yihiin ka hortagga Siilaanyo ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dhanka magaalada Bossaso ay kasoo gaareen Ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil dhanka Meleteriga khibrad u leh kuwaasi oo Ciidamada gobolka Sanaag ee daraawiishta Puntland abaabuli doona.

 

Warar kale oo naga soo gaaraaya magaalada Garoowe ayaa sheegaaya in Ciidamo ku jiray xerada Ciidamada 54-aad ee magaalada Garoowe loo qaaday dhanka gobolka Sanaag kuwaasi oo qayb ka noqon doona Ciidamada ay Puntland ugu talagashay in ay ku dfaacato gobolka Sanaag

Sidoo kale Ciidamo kamid ahaa kuwii ka qayb qaatay dagaalkii ka dhacay Buurolayda Galgala ayaa wararku sheegaayaan in laga qaaday deegaanka Kalabayr oo Bossaso 60-km u jira kuwaasi oo la geeyey deegaano hoosyimaada degmada Badhan oo dhanka Puntland u ah xarunta gobolka Sanaag.

 

Difaaca ugu horeeya ee Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in uu ka xiran yahay deegaana Yube oo dhanka Ceerigaabo kaga aadan magaalada Badhan.

 

Madaxweynaha Somaliland oo dhowaan booqday magaalada Laascaano oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland hase yeeshee iminka gacanta ugu jirta Somaliland ayaa waxa uu shaaciyey in u tegi doono gobolka Sanaag taasina waxay keentay in Puntland samayso abaabul dagaal.

Puntland iyo Somaliland ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2002-dii isku hayey lahaanshaha gobolada Sool iyo Sanaag waxaana labada dhinac ku dhexmaray dagaallo geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

 

Ku Xidhnow Dhacdooyinka.com Mar Walba Si Aad Ugala Socoto Wararkii Ugu Dambeeyey ee Soomaaliya iyo Xaaladaha Kala Duwan ee Dalka kadhaca.

 

Jaamac Joofane

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka gobolka Sanaag oo heegan geliyey Ciidamada Daraawiishta

 

October 11, 2011

 

Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland ayaa heegan geliyey Ciidamada Daraawiishta ku sugan aaga xuduuda Puntland iyo Somalialnd.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa maanta u ambabaxay dhinaca degaanka Yube ee ka shisheysa degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag halkaas oo la sheegay inuu kusoo fool leeyahay Madaxweyne Siilaanyo.

 

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in ay heegan geliyeen Ciidamada difaaca kaga jira halkaas hadii uu isku deyo in Madaxweyne Siilaanyo soo galodegaanadaas oo uu tilmaamay in ay ka tirsanyihin Puntland.

 

Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl) ayaa digniin culus u direy wefdiga Somaliland in ay soo fara geliyaan ama soo galaan degaanada ay ka taliso Puntland taas oo uu sheegay in cawaaqib xumo ay kala kulmi karaan.

 

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaaya in Madaxweyne Siilaanyo uu doonayo in uu soo gaaro degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

 

Bosaso Press

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Puntland oo ciidamo soo Dhoobay Gobalka sanaag iyo Siilaanyo oo ku sugan Gobalkaasi.

 

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxa la soo dhoobay deegaano hoostago Gobalka sanaag oo maalmihii las oo dhaafay ay ka taagneyd xiisado dagaal oo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo Puntland.

 

Masuuliyiinta maamulka Puntland ee Gobalka Sanaag ayaa maanta dhankooda waxay ka hadleen arimaha imaanshiyihii Madaxweynaha MaamulkaSomaliland oo tagay Gobalka.

 

Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo ah Gudoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in marnaba aysan qaadan doonin in ciidamada iyo madaxweynaha Maamulka Somaliland aysan usoo gudbin degmoyinka uu ka dhawaajiyay oo ku yaala Bariga Sanaag waxaana ka mid ah degmooyinkaasi Dhahar, Laasqoray iyo Badhan.

 

Sido kale Dabeyl ayaa sheegay inay aad u adkeeyay amaanka goobaha uu ka dhaawiyay isagoo sheegay in ciidamo ay soo dhoobeen deeganadaay ka shaki qabaan inuu soo gaaro maamulka Somaliland waxana tasi ay ak dhigan tahay in mamaulka Puntland uu dagaal u diyaar garoobay.

 

Ciidamo dhowr ah oo ku sugan deegaanada Bariga Sanaag ayaa la soo sheegaya in heegan buuxa la geliya si ay usugan amaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dawlada Puntland oo dhaqdhaqaaq kabilaabey deegaano katirsan gobolka Sanaag kadib markii ay soo gaareen deegaano katirsan gobolkaasi wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo.

 

Oct 11th, 2011

 

gu.jpg

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee dawlada Puntland Maxamuud Siciid Nuur Dabeyl oo lahadley warqabadka warbaahinta Puntland Reports ayaa si kulul uga hadlay booqasho uu madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Sanaag.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag waxa kaloo sikulul uu uga hadley fara gellinta uu maamulka Somaliland uu ku hayo deegaanada ay ka aramiso dawlada Puntland ee gobolka sanaag, waxaana uu gudoomiyaha uu hadalkiisa kudaray in wafdigan uu hogaaminayaao madaxweyne Siilaanyo qaarkood ay isu diyaarinayaan in ay yimaadaan Degmooyiinka Dhahar, Laasqoray iyo Badhan. ee Sanaag bari oo ay maamusho dawlada Puntland Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in amaanka ay aad u adkeeyeen.

 

Gudoomiyuhu wuxuu u digay dad uu sheegay inay been u soo sheegeen Axmed Siilaanyo oo ay ku yiraahdeen “Somaliland baa laga taageersan yahay Sanaag” sida buu yiri taasoo ah arin xaqiiqada ka fog.

 

Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Bariga Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ee halkaa ku sugan maanta heegan la galiyey ka dib markii wafdigii madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay xalay ku soo hoydeen magaalada Ceergaabo oo ah xarunta gobolka.

 

Siilaayo ayaa shalay khudbad ka jeediyey degmada Ceelafweyn, isagoo dadweynaha gobolka Sanaag ku tilmaamay kuwii ugu horeeyey ee wax ka dhisay maamulka Somaliland.

 

Xiisadan ka taagan gobolka Sanaag ayaa sii xoogeysatay ka dib markii maanta ay soo bexeen warar sheegaya in wafdiga Axmed Siilaanyo ay tegi doonaan degmooyinka Dhahar iyo Laasqoray.

 

Madaxtooyada Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay toddobaadkan ku cambaareysay booqashadii Siilaanyo iyo wafdigiisu ku tageen Laascaanood iyo jiida Tukaraq oo ciidamada Puntland difaac kaga jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Issimo kasoo jeeda Somaliland oo Cambaareyey Safarka Madaxweyne Siilaanyo ee gobolada Sool iyo Sanaag

 

October 11, 2011

 

Issimo kasoo jeeda maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa cambaareyey safarka uu maalmahaan ku marayay qaar kamid ah degaanada gobolada Sool iyo Sanaag Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

Suldaan Caydaruus Saalax Ibraahim (Dhegoweyne) oo Afhayeen u ah 14-Issimo kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco kuna sugnaa waayadan magaalada Garoowe ayaa safarka Siilaanyo ku tilmaamay mid colaad ka abuuraysa gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland iskuna haysta magaalada Laascaanood.

 

Waxaa uu sidoo kale cambaareyey Safarka Siilaanyo uu shalay ku gaarey magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag taasna uu ku tilmaamay mid colaad ka dhex qarxin karta labo beelood oo mudooyinkaan isku hor fadhiyey halkaas kana soo kala jeeda Galbeedka iyo Bariga Ceerigaabo.

 

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay Siyaasiyinta kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ee hadba ku biiraya labada maamul ee Puntland iyo Somaliland,wuxuuna ugu baaqay in ay hal dhinac ku adkeystaan.

 

Waa markii u horeysay Issimo kasoo jeeda maamulka Somaliland ay cambaareyn ujeediyaan Madaxweynaha Somaliland ee la xirrirta safarka uu maalmahaan ku marayay gobolada lagu murasanyahay ee Sool iyo Sanaag.

 

Bosaso Press

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somaliland delegation intended to take part in the Consultative meeting to be held in Garoowe capital of Puntland lead by Suldaan Caydaruus Saalax Dhegaweyne condemned Silanyo's visit to Sool and Sanaag as an provocation and aggression towards Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Garowe adminstration should worry about how to keep the peace in regions under their control (Garowe, Bosaso, parts of Galckay). Not Sool and Sanaag which are part of Somaliland.

di-4QO3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

laakin....

 

War is not necessary. We all are fed up with that.

 

This matter could be resolved by one phone call.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this