Sign in to follow this  
Caano_Geel

Poem to Siad Barre

Recommended Posts

Allow Siyaad uga warama caawa waxataagan

Allow yaa wax lama caasiyee, Caadka uga qaada

Allow yaa cibaarada jirtiyo muuja cidhif-keeda

Cashadii wedkii ku cuskadaa Cawda loo jaraye

 

Nimankii SNM ee uu carqaladeeyay

Ee uu codkoodaba ka dhigay, ciyaw dhawaaqaaya

Inay gobolo soo xooriyeen Caawa ya u tabiya

 

Waqooyi inuu dabadaa xornimo qaatay, oo xawaareeyay

Oo cirkaa sare u baxay, calana uu yeeshay,

Madaxweynayaal daacadana, dimiqraadi lagu doortay

Oo shacabkii damaashaaday, daasadana wada qaatay.

 

Ciidamadaadii Xamar, sidii bay hadhuudh - Ugu casheeyaane

Canjeerada kolay tahay ma jirto – Calaf ay quutaane

Wax cadabiya mooyiye – Ma arag ruux ka caafiya’e

Cutubyada waxa hagga – Ninkii caarifee adag’e

Indha-cadde inuu taliye yahay – Caawa yaa u tebiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Stop ka dhilleysiga dadyowga kale waxa ay qoreen then making it your own stuff by editing and abusing the original text which is owned by HAATUF, and it looks like this, check more on here: Source, July 29, 2003

 

By the way, it is not a poem, it is pure jacburis of ila-qosol prepapred by Radio Maqalloocshe

 

 

Allow yaa Cigaal uga warama

Caawa waxa taagan,

Allow yaa wax lama caasiyee

Caadka uga qaada,

Allow yaa cibaarrada jirtiyo

Muuja curufkeeda,

Waa tuu ciyaal iyo ka dhigay

Caamadoo kala’e,

Caynkay wakiilladu faleen

Yaa warka cajiima,

Curadkuu ka tegay yow bandhiga

Ceebo waxa haysta,

Cabanaan daraadeed inuu

Ciil la ladi waayay,

Oo uu catow xaalku yahay

Caawa yaa u tebiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

not Cool MSB Wu dhintay whats the point of inad u gabaydid its not like wu ka so jawaabi kara kuwa Cigaal u gabyaya ka sii daran war dunidan wala rogaya umadan sidan halo dhamo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^Nuune, Caadi ma tihis. Google uu daalinyaa ninkan u sheeg. Hadhow dhowr text oo isku eg way ku adkaaneysaa Odayga Google ah in uu kala doorto.

XX, Wadaadkii Siirood sidaad ual xeratay waad is badashay adeer. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this