Sign in to follow this  
Fiqikhayre

65 Apprentices/craftsmen complete 4 month Vocational Skills Training in Puntland

Recommended Posts

65-arday oo tababar farsamada gacanta ah Garoowe loogu soo xiray

 

Waxaa maanta tababar muddo 3-bilood ah soo socdey Dugsiga farsamada gacanta ee Garoowe (GVTC) loogu soo xiray 65-arday kuwaas oo kasoo laabtay falalka Burcad badeednimada oo ay horay ugu howlanaayeen waxayna intii uu tababarkaasi soconayey barteen xirfadaha farsamooyinka gacanta oo kala duwan.

 

Dhalintan tababarka loo soo xiray oo ka kala yimid magaalooyinka Bosaaso, Garoowe, Ayal , Bendar Bayla iyo Xafuun ayaa noqonaya dufcaddii 4-aad ee loosoo gaba gabeeyo tababar noocan oo kale ah waxaana sidoo kale tababar muddo 4-bilood ah socon doona loo furay arday kale.

 

Munaasabad ardayda tababarka dhamaysatay shahadooyin lagu gudoon siinayey kuwa cusubna loogu furayey oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirudowlaha maamul wanaaga , Wasiir ku xigeenka cadaaladda , Agaasimaha waaxda tababarada ee Wasaarada waxbarashada , Duqa degmada Garoowe iyo Madax kale oo ka socdey Hay’adaha NCA oo iyadu fulinta Barnaamijkan gacan weyn ka geysatay.

 

Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay Cismaan Guureeye Kaarshe oo ah maamulaha dugsiga farsamada gacanta ee Garoowe wuxuuna sheegay in ardaydan maanta tababarka loo soo xiray ay yihiin dufcadii 4-aad ee ay tababar noocan oo kale ah siiyaan ,wuxuuna tilmaamay in xiligan ay yihiin kuwo leh xirfad ay ku shaqaystaan islamarkaana ay noloshooda ku horumarin karaan.

 

Madaxa Hay’adda NCA ee Puntland Yuusuf Cabdiqaadir oo isna Munaasabadii ardaydaasi tababarka loogu soo xirayey ka hadlay ayaa sheegay in ardaydani ay yihiiin kuwo si fiican uga faa’iideystey fursadii waxbarasho ee ay heleen , wuxuuna ku booriyey ardayda cusub ee maanta tababarka loo furay in iyaguna ay sidaas si lamid ah uga faa’iideystaan.

 

Agaasimaha waaxda tababarada ee Wasaarada waxbarashada oo isna madasha xafladu ka dhacaysey hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in wasaarada waxbarashadu ay qayb weyn ka qaadatay sidii Barnaamijkani uu u fili lahaa iyadoo ku deeqday manhajka iyo goobta wax lagu baranayo oo ah mid si aad ah u qalabaysan.

 

Sidoo kale Mas’uuliyiintii xaflada ardaydaas 65-ka ah tababrka loogu soo xirayey ka hadlay waxaa kamid ahaa Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Maxamuud Siciid wuxuuna Hay’adda Barnaamijkan gacanta ku haysa ugu baaqay in maadaama ardayda tababarkan ka faa’iideystey ay wiilala u badan yihiin ay tahay in Hay’addu dhanka gabdhahana ay ilgaar ah ku eegto maadaama ay gabdhuhu yihiin qayb muhiim ah oo bulshada ka tirsan.

 

Ugu danbayntii wasiirka maamul wanaaga oo isagu ardaydii tababarka farsamada gacantu usoo gaba gaboobay Shahaadooyinkoodii gudoonsiiyey ayaa ku tilmaamay in Barnaamijkani uu yahay mid wax ku ool ah kaas bulshaduna wax badan ka ay ka faa’iideysan doonto wuxuuna ugu baaqay dhalinyaradii tababarkaas loosoo xiray inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoontii ay barteen dadkooda iyo dalkoodana ay si xilkasnimo leh ugu adeegaan.

 

Si kastaba ha ahaatee waa dufcadii 4-aad oo dhalinyaro ah kuwaas oo tababar farsamada gacanta ah loogu soo xiro dugsiga farsamada gacanta ee Garoowe halkaas oo dhaqan celin loogu sameeyey dhalinyaro tira badan oo kasoo laabtay howlgalada Burcad badeeda oo ay horay ugu lug lahaayeen.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Horseed – Media

 

Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

This hands-on training is what will make a tangible difference, arguably more so than "university degrees". The nation needs technical programs like this to get the ball rolling in recovery.

 

Thanks for the update.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this