Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Africa Oil says secures rig for Puntland drilling (Everything in Place for Historic October Drill)

Recommended Posts

Is the stock momentum priced? Are any of you dudes investing? If you predict something to come out of this, put your money on it, always think of getting paid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkadda Africa Oil oo sheegtay in horumar laga gaaray shidaal soo saarka Puntland.

Thu, 18 Aug 2011 13:42:57 -0400 pm -04:00 -14400

--------------------------------------------------------------------------------

Australia, Aug 18 - War-saxaafadeed ay soo saartay shirkada Africa Oil oo Qandaraas shidaal soo saar ah kula Jirtay dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay hormumar ka sameeyeen heshiisyadii dhinacyada shidaal soo saarka, waxaana Africa oil tilmaantay in sida heshiisku dhigayo shidaal lagasoo saarayo Puntland mustaqbalka dhow.

 

Shirkadda Red Emperor Resources (RMP) oo shariik la ah Africa Oil ayaa iyaduna sheegtay in ay heshiish aad muhiim u ah la saxiixdeen shirkadda Sakson Drilling and Oil Services, iyadoo shirkaddaasi bixindoonto illaa 1,500 ( kun iyo shan boqol) oo ah qalabka horse-power loo yaqaan, oo ah qalabka Riigagga shidaal soo saarista .

 

Hawlaha la xiriira shidaal qodista oo ah qaybta saddexaad ee Qanadaraska ayaa waxaa loo baahanayaa in la helo shaqaale iyo qalab ku haboon si loo bilaabo hawlaha qodista ceelka koowaad oo sida lagu raja weynyahay qabsoomidoona qaybta dambe ee sannadkaan aan ku jirno.

 

Meelaha ugu muhiimsan ee shidaalka lagasoo saarayo ayaa la filayaa in uu ku jiro shidaal dhan 900 Million oo birmiil.

 

Ceelka koowaad ee rajada laga qabo ayaa ah shabeel-1 oo la filayo in rajada shidaalka ku jira uu noqdo 300 Million oo birmiil.

 

Shirkada Red Emperor ayaa la sheegaya in ay u furantahay in ay ka qaybqaadato shidaal soo saarka ceelka Labaad oo isagana hawshiisa la bilaabidoono xilli dhow.

 

Dawlada Puntland iyo dadka deegaanka ee Dharoor ayaa xaqiijiyey in ay gacansiinayaan oo taageerayaan hawlaha mashruucan shidaalka lagu soo saarayo, si hawluhu u hirgalaan si nabadi ku jirto oo degdeg ah.

 

Agaasimaha fulineed ee shirkadda shidaalka ee Red Emperor Greg Bandy ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin hawlahan.

 

"waxaan ku faraxsanahay in shirkadda aan hawsha wada fulineyno ay heshiish la saxiixato shirkad dhinaca Riigagga ah oo ay qandaraaskaasi gasho iyo kuwa la xiriira, marka aad ayaan ugu raja wanaagsanahay shidal qodista ee ceelasha koowaad ee Puntland mudmo 20 sano ah" ayuu yiri agaasimaha fulineed ee shirkada shidaalka ee Red Emperor Greg Bandy.

 

Waxaa isi soo taraya raja-wanaag laga muujinayo in shidaal soo saarista Puntland noqoto mid si deg-deg ah u hirgasha, tallaabadaasi oo noqondoonto mid taariikhi ah oo ay ku intifaacidoonaan dadka reer Puntland.

 

Dawlada Puntland ayaan iyadu wax war ah kasoo saarin hawlaha shidaal soo saarka ee Puntland, iyadoo dad badan u dhega-taagayaan waxa ku geedaaman ama dahsoon shidaal soo saarka Puntland.

 

Xukuumadii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa heshiisyada shidaal soo saarka ee Puntland ee Dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal gashay, iyadoo la aaminsanyahay in xukuumadda talada dalka haysa ee Madaxweyne C/raxmaan Sheikh Maxamed ay dib u habayn ku samaysay heshiisyadaasi.

 

Haddii riyada shidaal soo saarka dawladda iyo dadka Puntland ee ay in badan kusoo taamayeen rumowdo waxaa ay Puntland noqoneysaa meeshii ugu horreysa oo dhul Soomaaliyeed ah oo shidaal lagasoo saaro.

 

Dawlada federaalka ah ee Somalia ayaa horay ugasoo horjeensatay shidaal soo saarka Puntland, iyadoo Somaliland-na ay ku dooday dhulka shidaalka laga soo saarayo ee Puntland qaarkood ay qayb ka yihiin Somaliland taas oo walaac ku abuurtay shirkadaha.

 

Cabdirashiid Muuse

Radio Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
yahya007   

good news. once this is done, other somalis will learn that place like kismayo , and xamar have oil deposits and peace will prevail. puntland should lead by example.

Share this post


Link to post
Share on other sites
kajdes   

I am hearing the rig should arrive in Bassaso sometime this week before being transported to the drill site.

Can anyone here keep tabs on whether or not it has arrived?

 

Still expecting the drill bit to hit the ground late December or first week of January.

 

Thanks, Kajdes

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this