Sign in to follow this  
A_Khadar

Shiikh Shariif Oo iibsaday Diyaarad u Gaara-(Private Jet)-

Recommended Posts

A_Khadar   

Muqdisho,(lasanod Online)- Sida lagu daabacay wargeys kasoo baxa dalka Maraykanka, waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif..

 

 

oo inta badan u yahay madaxweyne aad u safra isla markaana uu socdaalkiisu badan yahay sidaa daraadeedna uu iibsaday Diyaarad gaar ah.

 

Tamashlaynta Madaxwaynaha Somaaliya Sheekh Shariif oo u iibsaday diyaarad aan la shaacin Qiimaha la soo siiyay, ayay dad badan oo u dhuun daloola arrimaha siyaasada ee Somaliya ku macneeyeen siyaabo badan.

 

Qaar ayaa ku sheegay inay tahay mid macno daro ah, halka qaarna yidhaahdeen waxa ay tahay mid fududaynaysa howlaha uu qaranka u hayo iyo in uu meel walba ku gaadho saacado kooban halkii uu kolba sugi lahaa diyaarad meel kale looga soo kireeyo. taasina ay baday madaxweynaha in uu lumiyo fursado badan iyo inuu ka qayb geli kari waayo shirar wax badan usoo kordhin kara umadda Somaliyeed.

 

Shirkada KLM waxa ay sanadihii 2009 iyo 2010 Kira ahaan uga qaadatay Madaxweyne Shariif oo Keliya Lacag kor u dhaafaysa 3-Milyan oo Doolar oo Socdaalkii Madaxweynaha oo kaliya ku baxday.

 

Ma cadda Qiimaha rasmiga ah ee diyaaradaasi lagu soo iibiyay, haddana waxaa iska muuqata in madaxweynuhu uu socdaal iyo tamashleyn isaga jiro halka kumanaan qof oo Soomaaliya ay macluul, gaajo iyo qaxaatinimo ay ku hayso.

 

Madaxweynaha ayaa diyaaraddan waxa uu ka bixiyay qiimo aad u farabadan, taasi oo uu ugu tallo galay inuu ku aado safarada iyo socdaalada iyo Tamshalyinta joogtada ah ee uu madaxweynuhu bil walba ubaxo.

 

Sida lagu daabacay wargeys kasoo baxa dalka Mareekanka ayaa waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Shariif oo inta badan u muuqanaya madaxweyne aad u safra, isla markaana uu socdaalkiisu badan yahay uu iibsaday Diyaarad gaar ah oo mar waliba garoonka u taagan, kadib markii ay dhibaato ku noqotay inuu mar walkba diyaaradda uu ku safrayo uu ka dalbado dalalka Itoobiya iyo Kenya.

 

Waxaana shacabka Somaliyeed isweydiinayaan waxa keenay in uu Mdaxweyne Shariif iibsado diyaarad uu mar walba raaco iyada oo la ogyahay abaarta, dhibaatada iyo macaluusha ka taagan dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Oba.. I don't know and that is what I see online..

Here is another website reporting the same info..

 

Somalina what is funny about lasanod online?

 

Xog culus:Madaxweyne Shariif oo Safaradiisa u iibsaday Diyaarad Nuuca ugu danbeeysay”Sawiro”

Madaxweynaha ayaa diyaaraddan waxa uu ka bixiyay qiimo aad u farabadan taasi oo uu ugu tallo galay inuu ku aado safarada iyo socdaalada joogtada ah ee uu madaxweynuhu bilwaliba aaday. Sida lagu daabacay wargeys kasoo baxa dalka Mareekanka ayaa waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan oo inta badan u muuqanaya madaxweyne aad u safra isla markaana uu socdaalkiisu badan yahay uu iibsaday Diyaarad gaar ah oo mar waliba garoonka u taagan, kadib markii ay dhibaato ku noqotay inuu mar walkba diyaaradda uu ku safrayo uu ka dalbado dalalka Itoobiya iyo Kenya. Diyaaraddan oo Magaca Soomaaliya lagu buufiyay Todobaad ka hor ayaa socdaalkii ugu horaysay gashay waxaana ay u duushay Magaalada Muqdisho iyada oo Madaxweynaha ay gaysay dalka Jabuuti,Addis Ababa iyo Magaalada Khartuum Ee Dalka Suudan. Mid ka mida Wasiiradii Xukumada Farmaajo oo Magaciisa qariyay ayaa wargeyska u xaqiijiyay Diyaarada uu Iibsaday Madaxweynaha waxana ay u diiwaan gashantahay diyaaradan Shirkada duulimaadka Caalamiga ah samayso Ee KLM. Shirkada KLM waxa ay sanadihii 2009 iyo 2010 Kira ahaan uga qaadatay Madaxweyne Shariif oo Kaliya Lacag kor u dhaafaysa 3-Milyan oo Doolar oo Socdaalkii Madaxweynaha oo kaliya ku baxday taasi oo ka dhigan Qiimaha Saddex Diyaarad oo toos u shaqeysa 5-tii sano ay ku soo xareenkarto waana Faa’iidadii ugu badneed ee laga helay Madaxweynaha waxaana taasi sii dheer in Shariif Xasan uu xiriir iyo Kira diyaaradeed uu ka isticmaali isla shirkadaasi. Waxaa haatan xogta soo gaartay Website-ka Badweyn.com ku cad in Diyuuradaasi yar laga Iibsaday Shirkadaasi waxaana ay gacanta u gashay oo Milkiyad gaar ah u noqotay Madaxweyne Shariif Safraaye wallow ay shaqaala ahaan hada ka shaqeeyaan Wiil Soomaali ah oo Madaxweynaha Ilma adeera yihiin iyo Saddex qof oo Kenyan ah. Ma cadda Qiimaha rasmiga ah ee diyaaradaasi laga soo bixiyay walow si aada ay warbaahintu ugu daba jirto iney ogaato Qiimaha rasmiga ah ee Diyaaradaasi lagu soo iibiyay, haddana waxaa iska muuqata in madaxweynuhu uu socdaal iyo tamashleyn isaga jiro halka kumanaan qof oo Soomaaliya ay macluul, gaajo iyo qaxaatinimo ay ku hayso. Cabdulaahi Cabdi Xaashi cabdulaahi_heeb@hotmail.com Muqdisho-Somalia

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Shariif Safraaye oo Diyaarad uu ku safro Iibsaday (Xog dhab ah iyo Cadeyn)

Dagaal News:- Sida Warbaahinta Dagaal.com ay xog hoose ku heshay Madaxweyne Shariif Safraaye ayaa Shirkada KLM ka iibsaday Diyaarad nuuca raaxada ah taasi oo uu ku safrayo xilli walba oo uu socdaal u baahdo.

 

Diyuradan oo Magaca Soomaaliya lagu buufiyay Todobaad ka hor ayaa socdaalkii ugu horaysay gashay waxaana ay u duushay Magaalada Muqdisho iyada oo Madaxweynaha ay gaysay dalka Jabuuti,Addis Ababa iyo Magaalada Khartuum Ee Dalka Suudan.

 

Mid ka mida Wasiiradii Xukumada Farmaajo oo Magaciisa qariyay ayaa Dagaal.com u xaqiijiyay Diyaarada uu Iibsaday Madaxweynaha waxana ay u diiwaan gashantahay diyaaradan Shirkada duulimaadka Caalamiga ah samayso Ee KLM.

 

Shirkada KLM waxa ay sanadihii 2009 iyo 2010 Kira ahaan uga qaadatay Madaxweyne Shariif oo Kaliya Lacag kor u dhaafaysa 3-Milyan oo Doolar oo Socdaalkii Madaxweynaha oo kaliya ku baxday taasi oo ka dhigan Qiimaha Saddex Diyaarad oo toos u shaqeysa 5-tii sano ay ku soo xareenkarto waana Faa’iidadii ugu badneed ee laga helay Madaxweynaha waxaana taasi sii dheer in Shariif Xasan uu xiriir iyo Kira diyaaradeed uu ka isticmaali isla shirkadaasi.

 

Waxaa haatan xogta soo gaartay DAGAAL.COM ku cad in Diyuuradaasi yar laga Iibsaday Shirkadaasi waxaana ay gacanta u gashay oo Milkiyad gaar ah u noqotay Madaxweyne Shariif Safraaye wallow ay shaqaala ahaan hada ka shaqeeyaan Wiil Soomaali ah oo Madaxweynaha Ilma adeera yihiin iyo Saddex qof oo Kenyan ah.

 

Weli waxa aan raad raac ku haynaa Qiimaha rasmiga ah ee Diyuuradaasi yar uu ka bixiyay Madaxweyne Safraaye balse waxaa cad in Diyaaradaasi lagu kala baxay oo gacanta Shariif Safraaye ay hada soo gashay Magac ahbaana Somalia lagu buufiyay Wallow Safarada gaarka ah ee Shariif ay *****li doonto.

 

Dagaal.com ayaa kuu soo bandhigaya Muuqaalka Diyuurada Shariif Safraaye uu Iibsaday (DAAWO):-

 

Pics

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XOG HOOSE: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Safarada Diyaarad u iibsaday

6th August 2011 · 0 Comments

 

Galgalanews:- Madaxweynaha ayaa diyaaraddan waxa uu ka bixiyay qiimo aad u farabadan taasi oo uu ugu tallo galay inuu ku aado safarada iyo socdaalada joogtada ah ee uu madaxweynuhu bilwaliba aaday.

 

Sida lagu daabacay website-yo farabadan oo ay Soomaalidu akhrisato waxaa soo baxay in madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed si ay uga caawiso safarada goor walba uu madaxweynuhu isaga kala goosho dalalka caalamka.

 

Diyaaraddan oo aanan la ogeyn qiimaha rasmiga ah ee uu madaxweynuhu kala soo baxay ayaa lagu buufiyay astaanta qaranka iyo calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna diyaaradan gacan ka geysan doontaa safarada joogtada ah ee uu FAAHFAAHINTA WARKA

 

galgalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

A Khadar, no offense but aren't you doing exactly what you accuse XX?

 

Dagaal waa laguu yaqaan waxay qoraan, Las Anod Online waxay qoraan miyeey waayeen this time?

Inta kalena aad soo list gareysey waa copy and paste shabakado.

 

Do you have a reliable source?

Share this post


Link to post
Share on other sites

diyaaradan waa uu soo ijaartay madaxweynaha Somalia sh shariif. si ay ugu safraan madaxda dalka, maaha sh shariif kaliya ee waxaa ka mid ah raiisal wasaaraha iyo madax kale. companyga ama shirkada laga soo ijraaray saldhigeedu waa Nairobi kenya. laakiin waxaan qabaa waa qalad in lacagtii loogu tala galay shacabka somaliyeed ee macluusha heeysato lagu qasaariyo diyaarad raacoow iyo diyaarad soo ijaarasho.

diyaarada%20qaaska%20ee%20madaxweyne%20s

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Somalina;741143 wrote:
A Khadar, no offense but aren't you doing exactly what you accuse XX?

 

Dagaal waa laguu yaqaan waxay qoraan, Las Anod Online waxay qoraan miyeey waayeen this time?

Inta kalena aad soo list gareysey waa copy and paste shabakado.

 

Do you have a reliable source?

What I accused to XX and what I posted is totally different.. I don't google bad news about Mogadishu, p/l or s/l or in this case sh. Shirif every morning and post here. If you're saying this news is not reliable or untrue and las-anod online or any other site shouldn't write an unreliable and untrue news is a different and reasonable argument. And simply you can say, it's not true or reliable news. But accusing me that I do what XX does, it is a bad call abaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Iga raali ahow brother haddii aan ku offend gareeyey, adiga iyo XX waad kala fog tihiin runtii, tusaale inaan u soo qaato mey ahayn. My bad.

 

Wixii la soo qoraba la iskama rumeysto (kuligeen waan galney badaas at one time or another :) ), ka fiirso intaadan falin ayaan kuu soo jeedinaayaa keliya, kana fogow Dagaal at all costs. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

It's because cousin Zubeyra is no where to be found. Jabkii AS ayaa xanuun weyn u keeney odey Xanjo. Plus Geele Mogadisho ka soo degey was just too painful for him to watch. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this