Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Puntland captures Saraakiil from Somaliland in between Taleex and Laascaanood.

Recommended Posts

Maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe ku soo bandhigay maxaabiis isugu jiray Saraakiil iyo Ciidan ka tirsanaa Maamulka Somaliland, kadib markii weerar ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen, oo mareysay inta u dhaxeysa Taleex iyo Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Col. Cumar C/llaahi Faraweyne ayaa sheegay in howl gal ay sameeyeen Ciidankooda ay saaka aroortii ku soo qabteen 19-maxbuus oo isugu jira saraakiil iyo Ciidamo, waxaana uu tilmaamay in shan ka mid ah ay dhaawac yihiin, waxaana lala soo bandhigay Gaadiid ay wateen oo lahaa Sumada Somaliland.

 

Mar wax laga weydiiyay hadii howl galkan qasaare ka soo gaaray ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda aanu wax ka soo gaarin, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sool ee Somaliland uu weerarkaas ku dhintay.

 

Weerarkan ayaa Ciidamada Puntland ay jidka ugu galeen ilaa shan gaadiid oo ay ku socdeen Xildhibaan ka tirsan Somaliland, Saraakiil Ciidan iyo Ciidamo, waxaana Xildhibaanka uu ka badbaaday weerarkaas.

 

Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf ayaa ku eedeeyay Puntland in weerarkaas ay ka dambeeyeen kooxo ka tirsan Madaxtooyada Garowe, waxaana uu sheegay in weerarka lagu qaaday xilli Kolonyo la socdeen.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Somaliland ay deegaanadooda ku soo duuleen, isla markaana dagaal uu dhex maray.

 

Arrintan ayaa waxay keeneysaa xiisad hor leh oo labada dhinac ka sii dhex qaraxda, xilli horay ugu dagaalameen Gobolka Sool, deegaano ka tirsan oo ay Labada Maamul kala sheeganayaan.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka Somaliland iyo Puntland oo ku aadan falkii maanta ka dhacay deegaanka Taleex.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerarkii Ciidamada Puntland maanta ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Somaliland oo marayay inta u dhaxeysa deegaanka Taleex iyo Laascaanood.

 

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali oo ka badbaaday weerarkaas ayaa BBC-da u sheegay in iyaga oo iska socda jidka loogu galay meel la yiraahdo Carool, isagoo sheegay in koox ka soo jeeda Puntland gaar ahaan kuwa Madaxtooyada ay jidka u galeen.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in Wafdiga uu isaga hogaaminayay ay ku socdeen 6-baabuur oo isugu jira kuwo Ciidanka lahaa iyo Rayid, waxaana uu sheegay in Gudoomiyaha Waxbarada Taleex Maxamed Aadan Cartan uu ku dhintay weerarkaas.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ilaa afar ruux oo mid sarkaal uu yahay dhaawacooda ay halis yihiin, isagoo sheegay in gaadiidka la qabsaday ay gaarayaan shan.

 

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa sheegay in dagaal uu ka dhacay deegaanka Taleex, isla markaana halkaas uu abaabul ka socday, waxaa uu sheegay in kuwa dhaawaca ah la dhigay Isbitaalka, halka kuwa kale Xabsiga loo taxaabay.

 

Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku haya ilaa 19-ruux oo ay ku jiraan Ragg Saraakiil ah oo Maamulka Somaliland ah ka mid ah, kuwaasoo ay ku jiraan Mas'uuliyiinta Gobolka Sool.

 

Xiisad ka dhalatay falkii Ciidamada Puntland ku weerareen Kolonyada ay la socdeen Mas'uuliyiinta Puntland ayaa aad looga dareemay deegaanada ay isku hayeen iyo goobaha ay isku hor fadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo inay tani horseedo dagaal mar kale dib uga dhex qarxa labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaabiis 19 gaaraya oo isugu jirta saraakiil ciidan, askar, gudoomiye maxkamad iyo kuwo gobolka Sool oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa saakay la keenay magaalada Garoowe, xarunta maamulka Puntland.

 

Ciidamada Puntland ayaa sida la sheegay weerar ku qaaday saakay aroor kolonyo gaadiid oo ay saarnaayeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland kuwaas oo ku soo jeeday degmada Taleex.

 

Baxaabiistan ayaa waxaa ugu cad-cad taliyah aaga ciidanka Gobalka sool ee maamulka Somalialand, Gudoomiyah Maxakamdda ee Gobalka Sool, Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool iyo Gudoomiyaha Waxbarshda gobolka Sool.

 

Xildhibaan Saleebaan Cali Koor oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland, kana mid ahaa wafdigan lagu weeraray Taleex ee ka badbaaday gacanta ciidamada Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in ay ku wajahnaayeen dhulka uu ku dhashay ee Taleex halkaas oo uu maamul Somaliland ayidsan ka hirgalin rabay.

 

Puntland ayaa shankeeda sheegtay in weerar lagu soo qaaday, islamarkaana lagu soo xad-gudbay xuduudeeda.

 

Maamulada Puntland iyo Somaliland ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay maamulada dhisteen waxaa u dhexeeyay muran xagga xuduuda ah, waxaana dhowr jeer dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland ayaa waxay ka hadashay dagaalo kooban oo saakay dhex maray Somaliland iyo Puntland, iyadoo ay Somaliland shaaca ka qaaday in Puntland ay dishay masuuliyiin sare.

 

Xildhibaan Saleemaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somaliland oo warbaahinta la-hadlay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, xilli ay marayeen deegaan Caroole oo u dhaxeeya Laascaanood iyo Taleex, inay weeraro qorsheysan ku soo qaadeen Ciidamadda Puntland, oo uu hogaaminaayay buu yiri Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Maxamed Faroole.

 

Ujeedka socdaalkoodu ayaa wuxuu ku qeexay in uu booqasho uu ugu socday degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo uu sheegay in uu deegaan ahaan uu ka soo jeeda, isla-markaana wuxuu sheegay in dagaalada ay Puntland ku soo qaaday, inay ku dishay dad badan.

 

Dadka ay Puntland dishay ayaa wuxuu ku sheegay inay u badnaayeen masuuliyiinta sar sare ee Gobolka Sool ee Xukuumadda Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in Puntland ay maanta si weyn ugu soo gar-darootay Somaliland.

 

Mar uu ka hadlaayay masuuliyiinta ay Puntland dishay ayaa waxaa ka mid ahaa buu yiri walaalkey, oo ku jiray Golaha Guurtida ee Somaliland, isla-markaana sida uu hadalka u dhigay dagaalada lagu soo qaaday ay ahaayeen, kuwo si weyn looga soo shaqeeyay.

 

“Inta aan ka baxnay Laascaanood, Puntland iyo Taleex waxaa jiray Triangle lagu hagaayay socdaalkeyna, waxaana taasi lacago xoog leh ku bixiyay niman ka tirsan kooxo siyaasiyiin ah” ayuu yiri Xildhibaan Saleemaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somaliland oo maanta ka badbaaday weeraro ay Puntland ku soo qaaday.

 

Sidoo kale majirto wax hanjabaado kulul oo maanta ka soo yeertay dhinaca Somaliland, waxayna weerarka maanta Puntland qaaday, ay keeni kareysaa in si caro leh ay uga jawaabto Somaliland.

 

Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Saleemaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somaliland ayaa wuxuu ka mid yahay, afarta xubnood ee ka soo jeeda degmada Taleex ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo culus ayaa waxay saakay ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Gobolka Sool, iyadoo uu u dhaxeeyay Ciidamadda Somaliland iyo Puntland, waxayna dagaaladu ay geysteen khasaarooyin iskugu jira dhaawacyo iyo burbur hantiyadeed.

 

Dagaalada ayaa waxay ka dhaceen degmada Taleex ee Gobolka Sool, isla-markaana dagaalada ayaa yimid sida la-sheegay, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa laamiga dheer ee Taleex ay dagaalo la-galleen ciidamo taabacsan Puntland.

 

Labada dhinac ayaa waxay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, kuwaa oo si weyn looga maqlaayay degmada Taleex ee Gobolka Sool, isla-markaana waxaa la-sheegay in dagaalada ay ku gacan sareysay Maamulka Puntland, inkastoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland.

 

Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Faroole oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa wuxuu guulo balaaran oo ka sheegtay, dagaalo ay maanta la-galleen Somaliland.

 

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 19 nin oo ka tirsan Somaliland, isla-markaana wuxuu sheegay in ragga ay gacanta ku soo dhigeen ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo Somaliland ka tirsan, isagoo meesha ka saaray in dagaaladu ay geysteen wax khasaaro dhimasho ah.

 

“Ragga aanu soo qabanay waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamadda Gobolka Sool ee Somaliland Maxamed Shire Maxamed Dhoodi, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool Salaad Cumar, Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Sool iyo qaar ka mid ah ciidamadooda” ayuu yiri

Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Faroole.

 

Wuxuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen afar ka mid ah gawaarida Maamulka Gobolka Sool ee Xukuumadda Somaliland, isagoo intaasi ku daray in mid ka mid ah gawaarida uu rogmaday.

 

Sidoo kale Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Faroole ayaa wuxuu meesha uu ka saaray in dagaaladu ay ka soo gaareen wax khasaaro ah, haba-yaraatee.

 

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland, oo ku aadan dagaalo culus oo ay maanta ciidamadoodu la-gallaan Maamul Goboleedka Puntland oo uu hogaamiyo C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gacanta ku-dhigay wafti uu watay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ah xildhibaan katirsan maamulka Somaliland, ayna kamid ahaayeen gudoomiyaha maxkamadda degmadda laascaanood Salaad Cabdi, Gudoomiyaha waxbarashadda gobolka sool Maxamed Aadan Cartan, Taliyaha ciidanka somaliland ee degmadda taleex Faarax dhoodi shire, kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Siciid Sanqad, xildhibaanka ayaa la xaqiijiyay inuu ka baxsady halkaas ilaa xiligan aan la ogayn halkuu ku sugan yahay isagoo ka mid ahaa wafti maamulka somaliland u soo diray gobolka sool oo maalmahanba ku sugnaa magaalada laascaanood

wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ayaa xaqiijinaya in masuuliyiintan ka tirsan maamulka somaliland iyo koox la socotay ay ciidamo ka tirsan puntland gacanta u galeen laguna hayo magaalada garoowe

Xildhibaankan iyo kooxda la qabtay ayaa ka soo jeeda deegaan ahaan degmada taleex kuwaasoo waday qorshayaalay ku doonayaan in maamulka somaliland la gaadhsiiyo deegaankaas , dadka deegaanka taleex ayaa inta badan taageero xoogan siiya maamulka puntland iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay halkaasi gaadheen wafti culus oo ka tirsan maamulka puntland.

Madaxweyne ku xigeenka puntland cabdi samad cali shire oo isna ka soo jeeda deegaanka taleex ayaa awood siinaya sidii deegaankaas oo loogu arkin cid maamul kale sheegata waxaansen ilaa la ogayn halka lala aaday kooxda uu watay xildhibaankan ka tirsan somaliland ee ka soo jeeda deegaankaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay inta badan masuuliyintii iyo saraakiishii ciidanka Somaliland u qaabilsanaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka dib markii iska horimaad kooban uu ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool barqanimadii maanta.

 

Arintan ayaa timid ka dib markii ciidamo taabacsan maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen masuuliyiintan ka tirsan maamaulka Somaliland oo socdaal ay dadka ku wacyi gelinayaan ku marayey degmada Taleex, waxaana halkaas israsaaseyn kooban ay ku dhexmartay ilaalada masuuliyiinta Soomaaliland iyo ciidamada maamulka Puntland ee weerarka soo qaaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

 

Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay masuuliyiinta iyo saraakiisha Somaliland ee magaalada Laascaano ka dib markii iska horimaadkii halkaas ka dhacay ay kaga taga roonaadeen ilaaladii ay wateen masuuliyiinta gacanta lagu dhigay oo maanta la keenay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana ka mid ah taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool iyo gudoomiyihii maxkamada gobolkaasi.

 

Afhayeen u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool ay qasaare xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada maamulka Somaliland, gacantana ku soo dhigeen masuuliyin iyo saraakil ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ee gobolka Sool, kuwasooo la soo gaarsiiyey ayuu yiri magaalada Garowe, iyadoo uusan jirin war arintaas ku saabsan oo ka soo baxay maamulka Somaliland.

 

Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaaan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa weli laga dareemayaa deegaanka Taleex ee gobolka Sool, iyadoo dagaalkii saaka halkaas ku dhexmaray labada dhinac uu sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca todobada kale oo u badan dhinacyadii dagaalamay, waxaana warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan cida gacanta ku heysa degmada Taleex oo labada maamul mudooyinkan ay ku loolamayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Some Uncles of A_Khadar of the garaad clan who were part of Somaliland got kidnapped. They will be released soon they will be fine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arbaco, Ogoosto 10, 2011 (HOL) – Dagaal saacado kooban socday ayaa saaka aroornimadii dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo saraakiil ka soo jeedda Somaliland ,kuwaasi oo booqasho ku soo gaari lahaa degmada Taleex ee gobolka Sool ,iyadoo dagaalkaasi uu ahaa mid gaystay khasaarooyin kala duwan.

 

"Waxaa gacanta lagu soo dhigay 19-ruux oo Somaliland ah, kuwaasoo shan kamid ah ay dhaawac yihiin, waxaana hadda lagu dabiibayaa cisbitalka wayn ee magaalada Garowe "ayuu yiri taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland oo maanta Arbaco ah la hadlay warbaahinta.

 

Dadkii maxaabiis ahaanta looga soo qabtay Somaliland waxaa kamid ahaa taliyihii gobolka Sool ee Somaliland Col. Dhoodi, guddoomiyihii maxkamada gobolka Sool Salaad Cawar, xeer ilaaliyihii gobolka Sool Saciid Cabdi Cali (Saciid sandaqad), guddoomiyihii waxbarashadda Gobolka Sool Maxamed Cali Cartan iyo qaar kamid ah ciidankii la socday sida maamulka uu sheegay.

 

Sidoo kale taliyaha ciidanka madaxtooyada ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ciidamadooda ka soo gaaray dagaalkii labada dhinac dhex-maray ,isagoo sheegay in cadow ay ka difaacayeen deegaanadooda,isla markaana si wanaagsan ay ula dhaqmi doonaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan.

 

"Puntland waxa ay diyaar u tahay in ay difaacdo dadkeeda mana aqbalayso xad gudub caynkan oo kale ah "ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan ,isagoo xusay in ciidamo ka tirsan dowladda ay ilaalo ka qaban doonaan degmada Taleex oo ah halka uu dagaalku ka dhacay.

 

Dagaalkan ayaa laga cabsi qabaa in uu keeno khilaaf hor leh oo dhexmara labada maamul oo horay uu uga dhex-jiray muran ku salaysan dhinaca xuduudaha ,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Puntland ay maxkamad soo taagi doonto maxaabiista ay gacanta ku hayso.

 

"Waxaa na soo weeraray ciidamo ka tirsan kuwa madaxtooyada Puntland annaga oo marayna halka lagu magacaabo Caroole ,waxaana la ii sheegay in uu geeriyooday gudoomiyihii waxbarashada ee degmada Taleex iyo mid kamid ah ciidankeeni " ayuu yiri xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali oo la hadlay BBC-da

 

Masuuliyiinta gacanta lagu soo dhigay ee Somaliland ayaa la sheegay inay degmada Taleex ku imaan lahaayeen booqasho kormeer ah ,iyadoo asbuucii hore ay halkaasi tageen madax ka tirsan Puntland oo uu horkacayay wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;740056 wrote:
Some Uncles of A_Khadar of the garaad clan who were part of Somaliland got kidnapped. They will be released soon they will be fine.

oh Thats why XX uu post gareyn waaye :P

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Allaha u sahlo reer sool cida dhimatay ama dhawaacmayna waxaan filayaa inay dadkoodii yihiin, raggii miinada xidhayna waa madax qaran darin cas baa dhulka loo goglay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Saalax;740056 wrote:
Some Uncles of A_Khadar of the garaad clan who were part of Somaliland got kidnapped. They will be released soon they will be fine.

They are indeed my uncleses and Garaad Clan but what happened to the project you said it's not based on clan rather it's a nation..lol.. Ooops that was XX not you. You always believe the project is all about your ONLY qabil agenda and the rest of employees from other clans are not part of.. Allow ceeb astur..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this