Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Xarkada Al-Shabaab oo ciidamdeedii kala baxday magaalada Muqdishu

Recommended Posts

Somalina   

Xasan Dahir oo qiray in khilaafaad uu u dhaxeeyo Saraakiisha Al-Shabaab

 

 

Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka dhawaajiyay inuu jiro khilaaf ka dhex taagan Saraakiisha Al-Shabaab, kaasoo uu ku tilmaamay in dhowr arrimood markii hore la isku qabtay.

 

Hadal uu siiyay Warbaahinta oo u muuqatay in Xasan Dahir ku muujinayo khilaafka taagnaa ayaa marka hore soo qaatay in la isku qabtay in Ciidamada Al-Shabaab laga saaro aagaga oo aanay difaac gelin, bedelka arrintaas loo bedelo sida dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo la mid ah sida kuwa Afganistan.

 

"Asalka dagaalka waa Guirela nuuca ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo la mid ah sida Afganistan, ma ahan inaan difaac galno, waayo ma heysano Taangiyeyaal, sidoo kale qorshaha naga waa inaan cadawgaas naafeyno"ayuu yiri Xasan Dahir Aweys oo tibaaxay in horay isaga u soo jeediyay dalabkaas.

 

Xasan Dahir ayaa sidoo kale sheegay in maadaama aysan laheyn iyaga Taangiyo aanay munaasab aheyn inay is-hortaagaan, waxaana uu sheegay in nuuca haatan ay dajiyeen tahay mid lagu xanuujinayo sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrinta kale ee khilaafka uu ahaa xuskii degmada Afgooye loogu sameeyay bishii May geeridii Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, taasoo buu xusay in ragg ka tirsan Shabaab ay diidanaayeen.

 

Xasan Dahir ayaa waxaa uu qiray in aanay Warbaahinta isku Riddi doonin ama isku weydaarsan doonin hadalo iska soo horjeeda, waxaa uu tibaaxay inay hadafkooda yahay inay wax ku saxaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu kaloo sheegay in Muqdisho aanay ka wada bixin, oo qorshaha yahay in lagu sugnaado si loo wajaho Cadawga, dagaalana lagu qaado waqti kasta, waxaana uu sheegay in sababaha ay u doorteen dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah aanay ujeedka aheyn Ciidan yari soo wajahday.

 

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli Shabaab khilaaf xoogan oo wajiyo badnaa uu ragaadinayay mudooyinkii u dambeeyay, iyo in aysan xilligan si toos ah ugu babac dhigi karin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii goobo hor leh laga bixiyay, waxaa kaloo dib u dhaca Shabaab lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dhaqaalo yari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Meel fiican ayey mareysoo burburka AS.

 

Xasan Dahir ayaa waxaa uu qiray
in aanay Warbaahinta isku Riddi doonin ama isku weydaarsan doonin hadalo iska soo horjeeda, waxaa uu tibaaxay inay hadafkooda yahay inay wax ku saxaan
sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa ku xigey

 

===========

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa beeniyay in khilaaf uu u dhaxeeyo Al-Shabaab, kadib markii ay soo baxeen in Xarakadu xilligan khilaaf wajiyo badan leh uu u dhaxeeyo.

 

Isagoo wareysi gaar ah siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay Sheekh Cali Dheere in wararkaas uu yahay mid been abuur Baro-bagaando ah, waxaana uu sheegay in cidii sheegtay looga baahan yahay inay cadeeyn soo bandhigto.

 

Cali Maxamuud Raage ayaa soo hadal qaaday sababihii ay u baneeyeen difaacyada, waxaa uu sheegay in dagaalka uu taatiko badan yahay, isla markaana uu muddo dheer soo socday.

 

"Dagaalka muddo dheer ayuu soo socday, is bedelo ayuu soo maray, markii u horeysay Hogaamiye kooxeedyo ayaa lala galay waa laga adkaatay, Dowladii Itoobiya ayaa laga guuleystay, hada waxaa soo haray kuwa sheegta AMISOM iyo qolada Muratdiinta"ayuu yiri Cali Dheere.

 

Waxaa uu sheegay in dagaalka hada ay ku soo biireen cadaw cusub oo uu sheegay in maalmihii u dambeeyay lagu arkayay safka hore inay ka dagaalamaan Ciidamo Mareykan iyo Faransiis ah.

 

"Waxaa soo galay dagaalka cadaw cusub, oo Ciidamo Mareykanka iyo Faransiis ah, kuwaas safka hore ayay ka dagaalamaan, iyagaa qirtay oo jaraa'idyadooda ku soo bandhigay, mar kasta oo cadaw cusub uu soo galo safka dagaalka waxay tahay in qidadii iyo qorshihii wax laga bedelo"ayuu yiri Cali Dheere oo tilmaamay in aan la arkin Ciidamo iyo gaadiid ka baxay Al-Shabaab oo aaday Gobolada sida uu yiri.

 

Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalka uu hada laba lixaadsaday, isagoo ka dhawaajiyay markii ay bedeleen qorshihii dagaalka ay qaadeen 26-jeer dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana uu xusay in taas ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.

 

Waxaa uu sheegay in lixdan in ka badan oo Askarta AMISOM ku dileen, halka dhankooda cel celis ahaan 3 ama 2 askari aanay dhameyn qasaaraha soo gaaray sida uu yiri.

 

Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalka uu noocyo badan yahay, waxaa uu cadeeyay in Maamulka dagaalka ay iyaga leeyihiin, waqtigii la rabo la qaadayo lagana soo baxayo, iyadoo aan difaac la laheyn.

 

Mar wax laga weydiiyay hadii ay ka baxeen dhismayaashii degmada C/casiis iyo Boondheere inay isku difaaci karaan Huriwaa iyo Gubta ayuu sheegay in meel kasta uu dagaalka ka furan yahay, aanay jirin meel ay ka baxeen, isagoo soo qaatay in xataa ay ku sugan yihiin Xamar weyne iyo Xamar Jajab oo ah aagag ay ka taliso Dowladda sida uu yiri.

 

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay mar hadii laga qabsaday Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad in dhaqaalo daro awgeed u faarujiyeen magaalada ayuu ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin, isla markaana dhaqaalo daro ugu bixin, waxaana uu ka dhawaajiyay in xilligii ay joogeen Ciidamadii Itoobiya oo meelo badan ay heysatay Dowladda ay hada iyaga ka xoog iyo farsamo badan yihiin.

 

Waxaa uu tilmaamay in aanu jiri khilaaf ka dhaxeeya, waxaa uu cadeeyay inay yihiin Musliimiin, Ahlu diin iyo ahlu kitaab ah, isla markaana ay leeyihiin hadii is qabsadaan meel ay u laabtaan sida uu hadalka u dhigay.

 

"Khilaaf nagama dhaxeeyo Al-Shabaab cadawgooda waa mid, waxaan leeyahay cidii warkaas sheegta ha soo cadeyso"ayuu yiri Cali Dheere.

 

Hadalka Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya xilli Hogaamiyihii hore Xisbul Islaam oo haatan ka tirsan Saraakiisha Shabaab uu ka dhawaajiyay inuu jiro khilaaf xoogan oo ka dhex taagan Hogaanka Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: - Ciidamada dowladda soomaaliya oo wehliya ciidanka Amisom ayaa saaka u tallaabay xaafado hor leh oo ka mid ah degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile, xilli maalmihii u dambeeyay ay si tartiib tartiib u buuxinayeen goobihii ay faarujiyeen Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.

 

Saaka ayaa ciidamada dowladda ay ka bilaabeen xaafado ku dhow dhow Isgoyska Fagax iyo Hotelkii Lafweyn inay isku fidiyaan, iyagoo baaritaano ka sameynayay meelaha qaar oo ay miinooyin ka saarayaan, guri gurina u galaya.

 

 

 

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in maanta ay saldhig kaga sameystaan Isgoyska Fagax, isla markaana ay sii tagaan ilaa Warshadii hore ee Baastada.

 

Sidoo kale waxay Saraakiisha sheegeen inay xaqiijiyeen ammaanka deegaanada Waqooyiga Muqdisho oo gacan ku heyntooda si rasmi ula wareegeen.

 

Dhinaca kale Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa isku sii fidinaya Xaafadaha Gubta iyo Ciise Cabdi ee degmada Dayniile, kadib markii maalin ka hor ay fariisimo ka kala sameysteen xaafado dhanka waqooyi ka xiga wadada warshadaha.

 

Si kastaba ha ahaatee isku dayada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa ah mid ay kaga gol leeyihiin inay ku buuxiyaan goobihii ay baneeyeen Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa wali isku fidinaya goobo hor leh oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kadib markii ay saaka ku jermaadeen aagag cusub oo aanay horay u joogin, iyadoo iska caabin kala kulamayaan dhalinyaro hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda ayaa gaaray Isgoyska Fagax, Hotelkii Kaah ilaa Hotelka Ramadaan, waxaana hada iska hor imaad uu ka socdaa nawaaxiga Shineemo Puntland ee jidka aada Ex Koontarool Balcad.

 

Ciidamada Dowladda ayaa labo jiho ugu kala socda xaafadaha degmada Yaaqshiid, waxaana ay ka soo kala dhaqaaqeen dhinaca Xaafadaha ee aada Arjantiin iyo dhanka wadada laamiga ee Hotelka Lafweyn, oo ay ka soo dhaqaaqeen Xaafada SII SII.

 

Taangiyada ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan Isgoyska Fagax, iyadoo daaraha ku yaala Isgoyska ay koreen Ciidamada.

 

Koox Wariyeyaal ah oo la geeyay goobihii Ciidamada qabsadeen ayaa soo sheegaya in markii ay gaareen Hotelka ramadaan uu halkaas is qabsaday rasaas iyo madaafiic, kadib markii si lama filaan ah xaafadaha uga soo baxeen dhalinyaro hubeysan.

 

Mid ka mid ah Wariyeyaashii tagay goobahaas ayaa sheegay inay soo mareen Isgoyska Fagax, Hotelkii Lafweyn, Hotelkii Kaah, Hotelkii Ramadaan iyo Hotel Garguurte, aagagaas ayaa waxaa isku fidinayay Ciidamada Dowladda.

 

Qaraxyo ayaa la maqlayay iyo madaafiic ku dhacayay goobo fog fog, waxaana dagaalka hada saameyntiisa ay u muuqataa mid gaareysa xaafadaha degmada Huriwaa oo Ciidamada Dowladda ay sii siqayaan.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOm iyo kuwa Dowladda ay qorsheynayaan inay fariisimo ka sameystaan Warshadii Baastada iyo Xeradii Xeyle Bariise.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this