Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president ahmed siilaanyo visits awdal gabiley regions

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Markii Ugu Horaysay Muddadii Sanadka Ahayd Ee Uu Xilka Hayey U Socdaali Doona Boorama Iyo Ujeedooyinka Uu Salka Ku Hayo Safarkiisu

 

Madaxweynuhu Waxa Uu Ka Qayb Gali Doonaa Munaasibada Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Camuud, Kulanona Uu La Yeelan Doono Odayaasha Iyo Waxgaradka Awdal

 

Hargeysa, July 28, 2011 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta socdaal ugu kicitimo magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorama oo ay ugu dambaysay xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ujeedooyinka safarkiisa uu ku tagi doono Boorama ayaa la sheegay inuu ka qayb gali doono xaflad qalin jabin ah oo loo samayn doono Arday dhamaysatay waxbarashada Jaamacada Camuud ee gobolka Awdal, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu kulano la qaadan doonaa Madxdhaqameedyada iyo waxgaradka gobolka Awdal oo la filayo inay ka wada hadlaan xaalada guud ee wakhtigan xaadirka ah dalku marayo iyo guud ahaanba duruufaha kala duwan ee dalka ku gedaaman, inkastoo xiligii xukuumadda Siilaanyo oo hadda Gu’ jirsatay ay bilawgeedii ay talada dalka la wareegeen ay deegaanadaasi Awdal ay kala horyimaadeen dareeno saluug leh oo ku wajahan Dhinaca Saami qaybsiga xukuumadda iyo Mansabyada ay heleen.

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hogaamin doono ee socdaalka ugu bixi doona Boorama ayaa la sheegay inuu soo noqodkiisa ku hakan doono magaalada Gabilay, halkaas oo ay sidoo kale kulamo kula yeelan doonaan saraakiisha dawladda ee gobolka iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka ee deegaankaasi ka hor inta aanu ku soo* noqon caasimada dalka ee Hargeysa.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisani uu noqonayaa gobolkii labaad ee uu muddadaa sanadka ah ee uu xilka hayey ku tago, kaas oo hore socdaalo ugu tagay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Barbara, Awdalna ay noqon doonto gobolkii labaad ee uuu booqdo, inkasta oo Madaxweyne ilaa iyo hadda aanu socdaal ugu kicitimin gobolka uu ka soo jeedo ee Togdheer muddadaa sanadka ah ee uu xilka hayey, iyadoo ay ugu dambaysay xiligii uu ololah eeh doorashada lugu jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

War Degdega: Silaanyo Oo Boorama soo gaadhey Waxana lagu so dhawayey Mudaharad Halku dhagiisu ahaa Dooni mayno Somaliland.

 

Boorama:- (Camuudnews) Waxa Maanta soo gaadhey madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) tani waxay noqonaysaa safarkii igu horeyey ee uu ku yimaado Borama tani intuu noqday madaxwaynaha Somaliland, hadaba wuxu ku soo beegbay xili ay jawiga iyo cadhada reer Awdal badan tahay waxanana lagaga hor yimid Mudaharaadyo, Waxay mudaharaadyadu khaasatan uga socdaan xaafada xalane siiba xaafada loo yaqaan gaamurlaha , sida warar lagu kalsoonyahay sheegayaan dadweynaha xaafadaasi waxay la soo baxeen calanka Awdal State xalkaas oo ay leeyihiin Dooni mayno Silaanyo Doono Mayno Somaliland , ku noqo Hargaysa is***qland dooni mayno, Awdal state ha noolaato, Hadaba saacadan soo socda kala soco Wixii warar ee soo kodha Shabakada caalimiga ah ee Camuudnews oo dhex dhexaada ,

 

 

http://camuudnews.com/?p=16916

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo oo Sii Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Boorame

 

July 27th, 2011 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta socdaal shaqo ku tagay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal. Waxaana duleedka degmada Dilla si diiran ugu soo dhaweeyay Boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiinta Maamulka gobolka Awdal.

 

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo waxa socdaalkiisan Magaalada Boorame ku weheliya Marwada koowaad Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaanada Goleyaasha Baarlamaanka (Guutida iyo Wakiiladda).

 

Madaxwweynuhu waxa uu magaalada Boorame saaka kaga qeyb galay xaflad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen 192 arday oo wax ka bartay Jaamacadda Cammuud ee Magaalada Boorame, kuwaasi oo ka baxay lix kuliyadood oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, dawooyinka, Beeraha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Xisaabaadka.

 

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb galka xafladan ay ku qalin jabinayeen ardayda ku dhow 200 ee arday, waxaanu ardaydaasi ugu baaqay inay dalkooda u shaqeeyaan oo ay aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka qalin jabiyay Dugsigii sare ee Camuud, waxaanu maamulka Jaamacada ku ammaanay horumarka ay ka sameysay jaamacaddu dhinaca waxbarashada dalka, waxaanu balan qaaday in xukuumaddiisu ay dhiiri gelinayso tayaynta waxbarashada sare.

 

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed, oo ka waramay sooyaalkii waxbarasho ee jaamacadaasi. Guddoomiyuhu waxa uu uga mahad celiyay Madaxweynaha ka qeyb galka xafladan.ugu dambayn waxa Madaxweynuhu shahaadooyin gudoon siiyay Ardyadaasi.

 

Dhinaca kale, Maamulka Jamaacada Camuud ayaa weftiga madaxweynaha qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Rays ee magaalada Boorame.

 

Sidoo kale, Weftiga Madaxweynuhu waxay Huteelka Rays kula kulmeen waxgaradka gobolka Awdal waxaana la sheegay inay ka wada hadleen ilaalinta nabadda iyo sidii meel looga soo wada jeedi lahaa wada jirka ummadda reer Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo galabta ayuu ka soo ambo baxay magaalada Boorame waxaanu dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweynaha Gabilay oo Taageeradooda xukuumada sanad jirka ah ku muujiyay soo dhawaynta Madaxweynaha

 

July 27th, 2011

 

Gabilay (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gabilay ee xarunta Gobolkaasi.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxaan si aan kala hadh lahayn ugu soo dhaweeyay magaalada Gabilay Kumanaan qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolkaasi waxaanu lugeeyay magaalada dhexdeeda masaafo ku dhow 1 Km iyo badh waxaanu socodkiisa ka soo bilaabay kaantaroolka galbeed ee magaaladda iyo illaa guriga Martida oo weftigiisii ku dageen.

 

Dadweynaha magaalada Gabilay waxay taagnaayeen jidka hareerihiisa waxaanay u gacan haadinayeen weftiga Madaxweynaha iyagoo taageerada ay u hayaan xukuumadda sanad jirka ah ku muujiyay sida aan kala hadhka lahayn ee ay u qaabileen madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu Magaalada Gabilay isla galabtaba la kulmay Waxgaradka gobolka Gabilay iyo maamulka gobolka iyo ka degmadda.

 

Madaxweynahaha Somaliland waxa lagu wadaa inuu maalinta bari xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay magaalada Gabilay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful your counting flags today instead of your usual sad attempt at counting Silanyo's bodyguards...

You should have been involved in the election campaign, with your fetish/hobbie for counting and Silanyo's landslide election victory, you would have been in paradise...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this