Sign in to follow this  
xiinfaniin

Colka waraf ma lagu dayay ?

Recommended Posts

Colka waraf ma lagu dayay ? Dr.Sheikh Bashiir Axmed Salaad

 

 

Dunidu waa imtixaan, sidaas ayaana ilaahay ugu talagay, waxa la isku imtixaana way tiro badan yihiin, waana kala jaad, ummadana waxaa ugu imtixaan badan kuwa ugu wanaagsan oo ugu fadliga badan.

 

Arinkaan waa waxa sababta u ah cadowga tirada badan oo maanta ay la hardamayso ummadda muslimka ah oo la oran karo: maanta meel u badqabta ma jirto, laakiin waxaa la hubaa in guusha ay leeyihiin muslimiintu, lagana rabo in ay la yimaadaan asbaabtii ay ku mudan lahaayeen yabooha Ilaahay, ugana bixi lahaayeen musiibada haysata, waayo, horaa loo yiri: fadhi iyo fuud yicib laysku waa, waxaa kaloo la yiri: xaglo laaban xoolo Kuma yimaadaan.

 

Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin ummadda muslinka ah oo imtixaanan, waxaana ku habsaday cadow soojireen ah,oo ugu soo gambaday kuwo ayaga ka mid ah,caalamkana ka helay taageero kala nooc ah, ayna ugu yar tahay in loogu roonaaday aamus.

 

Musiibadaan waa wax weyn ,waxayse kasii daraysaa haddii uu naga lumo habsami-u-fakarka loo baahan yahay xaaladahaan oo kale, si dhibaatada looga baxo.

 

Waqtiyada dhibaatada, maskaxdu si fiican uma shaqayso, taladuna iskuma toosto, dadka intooda roon, waxay aad ugu howshoodaan sidii dhibka looga bixi lahaa, waxaana laga yaabaa in ay ku soo koobaan wax yar oo ku salaysan aragti gaaban oo ay ka tan badisay musiibada taagan, ayadoo aan si fiican loogu daadagin waxa taagan, haba sheegin, in dib loo jalleeco wixii la soo maray, ama la odoroso mustaqbalka dhow ama dheer.

 

Imtixaanka musiibadu, ma aha ,oo kaliya in la kala ogaado qofka sabraya iyo qofka aan sabreen, ama kan ka baxaya iyo kan aan ka baxayn, balse waxaa ka mid ah in la tijaabiyo habka looga baxayo dhibaatada, sida xalka loo raadinayo, iyo wadada loo marayo, ma si shareecada waafaqsan baa, mase waa si kale?, waayo, waxaa jira dad shareecada ku dhaqma waqtiga caadiga ah, kana taga waqtiga dhibku jiro, ama si khaldan u isticmaala shareecada: la jiifiyaana banaan .

 

Mar haddii muslim la yahay, gaar ahaan lays xejinayo wadada salafka, waa in shareecada loo daayo in ay kala saarto sax iyo khaladka, laguna dheehin dareenkeena ama danteena, aadna looga taxadaro is-dhex-galka arimahaan oo badan, waqtiyada cilmigu yaraado, jahligu bato, fitnaduna aloosan tahay.

 

Dadka qaar ayaa u malaynaya hanuunku inuu yahay,oo kaliya in la sameeyo waxay ku amartay shareecado, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah: in loo sameeyo sidii ay kuu amartay ,waxaa kale oo ay u malaynayaan in baadidu ay ku kooban tahay dambiyda caanka ah, ayagoo ilowsan qeybta kale oo ah dambiyda diinta u eg.

 

Haddii dib loo eego taariikhda ummadihii naga horreeyay oo baadiyoobay, waxaa arkaysaa qaar laga raacay diintii oo ay ka tageen, waana yahuudda, iyo kuwo laga raacay camal-fal badan oo aan cilmi ku dhisnayn, waana kirishtaanka, oo u malayn jiray in wax kasta oo nafta dhibaa ay cibaado yihiin, Ilaahayna uu rabo .

 

Nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waa uu nooga digay wadada yahuudda iyo midda kirishtaanka, waayo waxay keenaysaa carada ilaahay iyo in laga baadiyoobo wadada toosan, sida ku cad tafsiirka suurat-ul-faatixah.

 

Runtii, waxaa jira dad jecel in ay cibaadadooda shakhsiga ah u fiiriyaan sunnada iyo wadadii salafka, wixii ay ka shakiyaana waydiinaya culimada, laakiin si aan ka-fiirsi badan lahayn ugu dhaqaaqaya cibaadooyinka khuseeya ummadda oo dhan, ayaga oo aan u fiirin sunnada ama siirada nabiga, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, Nabigu, sallallaahu calayhi wasallama, wuxuu la yimid shareeco dhammyastiran, waana uu ka howl galay dhammaan nolosha qaybaheeda kala du’wan, waana in looga daydaa waxa uu sameeyay iyo sida uu u sameeyay.

 

Ku-dayashada nabiga ,naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waxaa moodaa in lagu soo koobay qaybo ka mid ah diinta ,sida caqiidada iyo cibaadada, lana ilowsan yahay qayba kale oo muhiim ah, sida: habka ummad loo soo saaro, oo wax looga badalo iyo habka loo maamulo loolanka lugula jiro cadowga.

 

Labadaan masalo, ahmiyad gaar ah ayay noo leeyihiin, waayo, ummaddu waxay u baahan tahay soo-noolayn, kadib markay ka fogaatay diinta, caqiida ahaan iyo camal ahaan, taas oo dhaxal siisay nuxur la’aan iyo daad-xoor nimo baahsan, waana waxa keenay in cadowgu ka il-helo, kana guulaysto.

 

Ummaddu way jirran tahay, waxaana haya cudurka la yiraa(iimaan yaraan) waana cudurka dhalay dhammaan dhibaatooyinka aan ka cabanayno oo aan kala gaari la’nahay; sidaas awgeed, shaqada asaasiga ah waa la-tacaalidda cudurkaas si ummaddu u soo noolaato, ka dibna ay gudato xilalka badan oo sugaya, kana baxdo dulliga saaran.

 

Dad badan ayaa ku indha-sarcaada astaamaha ka muuqda bukaanka, kuna qalbi-fuqa taaha ka baxaya, kana il-duufa xaqiiqada jirta, una maleeya in wax kasta lagu daaweeyo asprin iyo kaar-jabiye, ayadoo loo baahan yahay qalliin halis ah.

 

Ummadda oo aan soo noolaan wax hagaagaya ma laha, kooxo yar yarna ummadda kaalinteeda ma gali karaan, xilkeedana lama wareegi karaan, haddii koox yar oo xul ah wax gaar ah la siinayo, ummadda la’aanteed, waxaa la siin lahaa nabi Muuse iyo nabi Haaruun,naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaatee, laakiin taasi ma dhicin , waxayna la duruuf ahaayeen dadkooda ilaa Rabbi oofsaday, waayo ummad la’aan ayaa haysatay, markiise ummaddu is-badashay oo xilkeeda garatay, way guulaysatay, inkasta oo uu hogaaminayay Nabi aan la darajo ahayn nabi Muuse, balse ahaa ardaygiisii la oran jiray Yuushac ibnu Nuun (calayhimissalaam), markawaxa la fiirinayaa waa ummadda ,ee ma aha qof ama koox; sidaas darteed, ha loo soo jeesto sidii loo daaweyn lahaa, loona noolayn lahaa ummadda, hana la ogaado in ay tahay howsha lama huraanka ah oo aan laga boodi Karin, oo yaan wax weyn la moodin la iskuna iloobin howlaha xanuun bi-inta iyo (kaalmaatiga).

 

Xanuun-bi’inta qudhigeedu waxay u baahan tahay cilmi iyo in la qiyaaso awooda jirku u leeyahay daawada iyo waxyaalaha ka dhalan kara, waayo, kufkufku waa batay, ummaduna xaq bay u leedahay in ay la xisaabtanto dadkii galiyay isku-dhacyadii badnaa ee aan waxba lagu dheefin, ayna u yaabka badneyd dhacdadii Nahr-ul-baarid iyo masjidkii casaa, iyo kuwa la midka ah.

 

Marka,colka maa lagu dayo: in ummadda la tacbo, oo la tashiilo dhiigeeda iyo dhaqaalaheeda,oo looga turo talaxumada soo noqnoqotay?.

 

Jahligu waa ceeb, waxaana ka mid ah adoo jaahil ka ah naftaada iyo cadawgaaga, kaana lunto qiyaastu, kuna kadsooma xamaasad aan xoog iyo xiilad midna lahayn, waana soo dhadhaminay mireheeda, marka colka maa lagu dayo: in laga faa’iidaysto taariikhda, lana fahmo cadowga, lana ogaado in Soomaaliya aysan lahayn buuraha Afgaanistaan oo kale, Pakistaana la daris ahayn, Bushtuuna daganayn, iyo in wax loo dirsado dadka cilmigeeda leh, ummaddana ay ka fariistaan kuwa fashilkooda la soo taabtay.

 

Waxaa la yiraa; caqligu ma aha midka mushkiladda looga baxo,ee waa midka looga hortago . Runtii waxaa moodaa in dadaal badan aan lagu bixin sidii dhibka la isaga ilaalin lahaa, oo uusan u dhaceen, balse, lagu kacay waxyaalo culayska kordhiya, cadawgana marmarsiyo siiya, isku-dhacana soo dadajiya, taasoo khilaafsan siirada iyo sunnada nabiga (sallallaahu calayhi wasallam), kana hor imaanaysa sida kownka ilaahay ugu talagalay, oo ah: in ay wax kasta tabartooda tillaabsadaan, geeluna uu laba jir soo wada maro. Marka maa colka lagu dayo in la yar yaraysto ka-hortagiisa, lana joojiyo cadowga caalamiga ah oo la kicinayo, ka dibna caruurta laga horgaynayo.

 

Ujeedooyinka shareecada waxaa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo riixo dhanka badbaadada, lagana ilaaliyo in ay shaydaan iyo gaalo maciin bidaan, lana badiyo fursadaha ay ku ilaashan karaan xoogaaga ay ka fahamsan yihiin diinta, waayo, maslaxadda diinta, dacwada, dadka iyo dalku kuma jirto in cadowga loo sameeyo taageerayaal. Marka, colka maa lagu dayo in dadka laga soo reebo oo aan loo tuurin, lana joojiyo quusashada iyo gaalaysiinta layska gamayo, lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn, mase waxaa lagu tillaabsaday diintii ciriiriga ahayd oo booska looga waayay Cumar ibni khaddaab, Cusmaan ibni Cafaan iyo Cali ibni abii daalib, mase xumida u baahan in la cirib tiro ayaa ku soo hartay masaajidda iyo hareerahooda. waxaa xusid mudan oraahdii culimada: qof laga shakisan yahay islaam-nimo waa loo sugi karaa, laakiin loogama saari karo.

 

Waxaa jira jaah wareer badan, iyo su’aalo isasootaraya oo oranaya: maxaa socda? Yaase wada? waayo wadanku wuxuu noqday bahalo-galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan, si sumcadda looga dilo islaamka, marka, colka maa lagu dayo in wixii lillaahi wataa dhan isu raacaan, bareerahoodana dhiibtaan, waxa ay mas’uulka ka yihiina caddaystaan, wax aan ceeb lahayna ay ku midoobaan, si wixii laqdaba wada loo arko, waayo, Jihaadku ma galo xatooyo, xalaalna barqaa la qashaa.

 

Muslimiintu waxay ku guulaystaan raaligalinta Ilaahay, waxayna ku xiran tahay ayadoo la raaco shareecadiisa, taasna waxaa xaqeeda leh oo xadidi kara culimada, marka, maa colka lagu dayo in Ilaahay loo soo noqdo, wax kastana lagu jaangooyo shareecada, ayadoo looga dambaynayo culimada, lana joojinayo gacan-dhaafka, si looga badbaado wadada uu tilmaamayo xadiiska oranaya: haddii arinka loo dhiibo dad aan mudnayn, saacaaddii qiyaame sug.

 

W/Q:

Sheikh. Bashiir Axmed Salaad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ujeedooyinka shareecada waxaa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo riixo dhanka badbaadada, lagana ilaaliyo in ay shaydaan iyo gaalo maciin bidaan, lana badiyo fursadaha ay ku ilaashan karaan xoogaaga ay ka fahamsan yihiin diinta, waayo, maslaxadda diinta, dacwada, dadka iyo dalku kuma jirto in cadowga loo sameeyo taageerayaal. Marka, colka maa lagu dayo in dadka laga soo reebo oo aan loo tuurin, lana joojiyo quusashada iyo gaalaysiinta layska gamayo, lana ogaado in aan guul lagu gaarayn gumaadka dad muslimiin ah, qof masjid ka soo baxay oo gaal ahna waa wax kafiirsi u baahan, oo tilmaamaya inuu jiro is-maan-dhaaf weyn, mase waxaa lagu tillaabsaday diintii ciriiriga ahayd oo booska looga waayay Cumar ibni khaddaab, Cusmaan ibni Cafaan iyo Cali ibni abii daalib, mase xumida u baahan in la cirib tiro ayaa ku soo hartay masaajidda iyo hareerahooda. waxaa xusid mudan oraahdii culimada: qof laga shakisan yahay islaam-nimo waa loo sugi karaa, laakiin loogama saari karo.

 

Nur, libaax alamtara soo dhaaf! This is by far the most civil indictment of the current tiih & jahawareer! Sh. Bashiir chooses pious substance over slogans. He strikes a note of caution in the trend of radicalism that seems to be sweeping across our land as reaction to the injustices and atrocities sponsored by the west. This is timely. For it become quite handy to silence dissenting voices in the name of jihad and liberation.

 

Please read it, and share your thoughts on this. As much as you try yaa Sheekh Nur, you cant really abstain from commenting on the current goings. It’s about time you throw your two cents in the discussion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

 

 

Walaal Xiin

 

Alxamdulillah, wa salla Allah calaa sayidinaa Muxammad, wa calaa aalih wa saxbih wa man tabicahum bi ixsaanin ilaa yowmil qiyaamah.

 

 

Allaha kaa abaal mariyo, abaal wanaagsan, qoraalkan qiimaha badan ee Sheeikh Bashir aad noo soo gudbisay. Allaha ka aqbalo Sheikh Bashir waanadiisa, miisaanka xasanaatkiisana ha ku culeysiyo maalin uusan qiimo laheyn waxaanan xaq aheyn, ( Wal Waznu yowma idinil Xaq) , Allaha annana naga yeelo kuwa maqla waanada, dabadeedna raaca inteeda wanaagsan. Amin.

 

 

Walaal, Qoraalkan Sheikh Bashir waxaan ka fahmay waxaan ku soo koobayaa intan soo socota:

 

1. Dhibaatada ina soo food saarty ummad ahaan, si gaar aahaanna, ummadda Somaliyeed.

 

 

2. Weynaanta awoodda, iyo badnaanta tirada cadowga ummadda usoo dhacay oo dhex taagan.

 

 

3. Somali noqotay shisheeye kalkaal, u gargaareysa cadowgeeda, tuseysa cadwoga ummadda Somaliyeed boogisheeda, loona adeegsanayo sidii ummadda loo hoos keeni lahaa maamulka cadowga.

 

4. Is caabbinta dhallin yarada oo aan fiiro dheer laheyn, oo u aragta jahaadka oo qudha in lagu gaadhi karo danaha ummadda oo ah in la xaqiijiyo diinta Allah lana raaco shareecadiisa.

 

 

5. In aan loo baahneyn caqli mushkiladda looga baxo oo qudha, hase yeeshee loo baahan yahay caqli looga hor tago.

 

 

6. Markii labo kooxood oo ummaddeena Somalida ah ay is qabato, in aan la kooxna badin, iney gaalo gargaar ka doonaan, oo la heshiiyo , maxaa yeelay Ujeeddada Shareecadu waa in la badbaadiyo ummadda.

 

7. In loo baahan yaha caqlaaniyad, ah in taarikhda laga faaideysto, oon lagi dhicin qaladkii kuwii hore ku dheceen, oo ay u keentay jaahilnimo awooddooda, iyo tan cadowgooda.

 

 

8. In waddankeena uu ka duwan yahay waddamada kale dhinaca topologiga, taaso ka dhigaysa kuwa cadowgooda aan ka qarsoomin.

 

 

9. In kooxda jinsigeenna ah oo cadowgu uu kensaday, oo nagu dhex nool aan la gaaleysiinin, oon la leynin, gaar ahaan haddey masaajidkeenna nagula tukadeen, oon la ugaadhsan.

 

 

10. Waddankii wuxuu noqday bahllo galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan si sumcadda looga dilo Islamka, hadaba, inta Lillaahiga ahi may dhinac isu raacdo, so inta kale u muuqdaan?

 

 

Jawaab:

 

 

Bismillaahi, wa bihi nastaciin.

 

Walaal, Xiin, Mushkilad markey dhacdo wexey leedahay hab looga baxo, cidhidhi walbana waxaa ka dambeeya faraj, dhacdo walbana waxey ku saleysan tahay murti iyo duruus, dadka qaarkoodna ka faaideystaan.

 

Markey mushkilad na soo foodsaarto, si looga baxao waxaa loo baahan yahay manhajiyad ( Process), oo dhowr tallabo ka sameysan:

 

1. In marka hore mushkiladda taagan la caddeeyo ( Defined).

 

Tallabadan waa tii aragtida ummadda lagu kulminayay, haddaanan ummadda isku aragti ahayn, isku meel u ma soconayaan. Haddaaney ummaddu isku meel u soconin, isku dariiq ma raaceyso, haadeyn ummaddu isku dariiq marinna, wexey ku kula biirayaan ummadaha kale.

 

Sidaa darteedna, qof waliba oo Somali ah wuxuu walaal la noqonayaa qofkuu aragtidiisa ku qanacsanyahay, haba noqdaanee Axmaarada iyo Ameerikaanka, ama Taalibaanka. Haddii la waayo hal aragti oo qudha, isku meel lagama soo wada jeedsan doono, haddaan isku meel laga soo wada jeedsanna, waxaa lumaya midnimadii ummadda.

 

Qodobkaas kowaad, waa meesha lagu kala baxayo, ee qolo walba ah sababta ay qolo walba u yeelaneyso mushkilad ka duwan qolada kale.

 

Qolada dooratay iney Allah diintiisa ku hoos nooladaan, waxaa ay u arkaan mushkiladda ugu weyn ee ummadda heysata in ay tahay in bilowga nabad waarta, horumar dhaqaaleed, iyo kheyr oo dhan u ka bilaabmayo in marka hore lagu hoos noolaado shareecadana Islaamka, la iskuna xukumo Kitaabka Allah iyo Sunnada Carfoon ee Rasuulkiisa, una arkaan qofkii labadaas tiir oo waaweyn diida oon raalli ku aheyn in la wada raaco inuusan Muslim ahayn xataa hadduu sheegto oo uu masjidka dadka kula tukado. Hadduusan Muslim ahaynna, wexey arkaan in qofkaas aan wax lawada qaybsan karin.

 

Dhallin yaradaasi Wexey doorbideen geeri daacadda Allah dartii, intey ku noolaan lahaayeen nolol caasinnimo Allah iyo dullinimada in ay hoos imaadaan addoon la addoonsaday.

 

Qolada kale, oo nacay wuxuu Allah soo dajiyay, jeclaaday in cilmaaniyadda lagu hoos noolaado si loo dar yeelo waddamada gaalada aha, lana qaato nadaamka Dimoqraadiyada ah, wexey arkeen in Mushkiladda ummaddeena ay tahay iney dib u socoto, iney u baahan tahay horumar dhaqaaleed, waddanka oo la dhiso, dadkii oo la dajiyo, baansiinka oo la qodo, si sharkadaha maraykanka aha ay lacag badan waddanka u keenaan, taasna in lagu gaari karo oo qudha in nadaamka caalamiga ah, Qurummada Midoobay, iyo Isticmaarka Axmaarada in lala shaqeeyo.

 

Aragtida guud ee mushkiladda waxaa ka gabyay Sayyid Muxammad Cabdalle Xassan:

 

Dariiqeygii sow taan ka dhigay diinta Nabi raacee

Dannigeygii sow taan is iri aakiraa darane

Doqonta iyo (cilmaaniyiintaa) is yiri kani damiinoowyee.

 

Wuxuu kaloo Sayyid ku gabyay:

 

Naakhuudayaal iyo kufraad Nabiyo mooddeenee,

Nacalluhu kuwuu fuulay baad nacam tiraahdeenee

Naagow tihiin gaaladii nalashka weeyneydee

Nasab hadaad tihiin gaaladaad nici laheydeenee.

 

 

Annagoo tix raaceyaa qoraalka Sheikh Bashir iyo kala qeexiidda aragtida labada kooxood oo ku dagaallamaya waddankeenna iyo into wareersan oo u dhaxeys, bal aan qodobbada uu Sheikha ka hadlay aan ku fiirinno aragtida aan ka hadlay.

 

 

1. Dhibaatada ina soo food saarty ummad ahaan, si gaar aahaanna, ummadda Somaliyeed.

 

 

Allah wuxuu leeyahay, " Wixii musiibo ah oo idinku dhaca wexey ka mid yihiin waxaad gacmihiinna ku galabsateen, qaar badanna waa la idinka cafiyay"

 

2. Weynaanta awoodda, iyo badnaanta tirada cadowga ummadda usoo dhacay oo dhex taagan.

 

 

Allah wuxuu leeyahy: " Hana is liidina, hana calool xumaanina, saa idinkaa gacan sarreeya haddaad muminiin tihiinee"

 

 

3. Somali noqotay shisheeye kalkaal, u gargaareysa cadowgeeda, tuseysa cadwoga boogaha ummadda si uu jarjaro, una kala qaybiyo, islamarkaasna loo adeegsanayo sidii ummadda sandulle loo hoos keeni lahaa maamul cadow.

 

Allah wuxuu leeyahay " Allah aragtidiisa, Uunka ( Dawaab)waxaa ugu shar badan kuwa dhagaha la' (oon xaqa maqlin), indhaha la' (xaqa arkin), oo bukm ah ( kheyr sheegin), kuwaa aan wax fahmin"

 

 

4. Is caabbinta dhallin yarada oo aan fiiro dheer laheyn, oo u aragta jahaadka oo qudha in lagu gaadhi karo danaha ummadda oo ah in la xaqiijiyo diinta Allah lana raaco shareecadiisa.

 

 

Allah wuxuu leeyahay: " Qofkii naarta laga weeciyo, oo jannada la galiyo ayaa guuleystay, (guushii runta aheyd), saa nolosha dunidana ma aha waxaan aheyn raaxo gaaban oo dadka dageysa (sireysa)"

 

5. In aan loo baahneyn caqli mushkiladda looga baxo oo qudha, hase yeeshee sidaasoo kale loo baahan yahay caqli looga hor tago.

 

 

Wa xaqiiqo arrinkaas. Waxaa loo baahan yahy Caqli ku hubeysneyn cabsi Allah, kitaabkiisa iyo Sunnada carfoon ee Rasuulkiisa SAWS. Allah wuxuu leeyahay " Wat Taquu Allah, wa yucallimukum Allah"

 

 

6. Markii labo kooxood oo ummaddeena Somalida ah ay is qabato, in aan kooxna la badin, iney gaalo gargaar ka doonaan, oo la heshiiyo, maxaa yeelay Ujeeddada Shareecadu waa in la badbaadiyo ummadda.

 

 

Ujeeddooyinka Shareecada wey kala hoorreyaan, waxaa ugu muhimsan tan ugu horreysa oo ah in la xafido Diinta iyo Shareecada:

 

1. Dhowridda Diinta ( Haddii Diin/Shareeco la waayo, wax la ilaaliyo ma harin, " Wal Fitnatu ashaddu minal qatl"

 

2. Dhowridda Nafta ( waa in loo dhowraa qasadka hore, oo ah cibaadada Allah oo kaliya)

 

3. Dhowridda Caqliga ( Waa in laga dowraa qamrada iyo jaadka, iyo wax walboo caqliga kharribaya si Allah qofku u caabudo)

 

4. Dhowridda Dhallaanka ( waa in loo dhowraa, in ay camiraan dunida Allahna ku caabudaan)

 

5. Dhowridda Hantida ( laga dhowro xaaraanta, loo dhowro in lagu nafaqeeyo kheyrka, masaakiinta, iyo mashaariicda dadka anfacaya)

 

 

7. In loo baahan yaha caqlaaniyad, ah in taarikhda laga faaideysto, oon lagi dhicin qaladkii kuwii hore ku dheceen, oo ay u keentay jaahilnimo awooddooda, iyo tan cadowgooda.

 

 

Allah wuxuu leeyahay " A tawaasow bih, bal hum qowmun taaaghuun" gaaladu ma isu dardaarmeen sidii diintaan ay ula dagaallami lahaayeen? sunanka Allah isma baddalayaan, ha noqoto dhinaca gaalada ama dhinaca Muslimiinta, ilaa saacaddu istaagto, waa la is hor taagnaan siduu Suubbanihii sheegay in ay mar walba jiri doonto xeyn ka mid ah ummaddiisa oo u taagnaan doonta xaqa, oo aan marna ayan niyad jabi karin kuwa aan kaalmeynin, ama kuwa la dagaalamaya, ilaa qiyaamaha istaago"

 

 

8. In waddankeena uu ka duwan yahay waddamada kale dhinaca topologiga, taaso ka dhigaysa kuwa cadowgooda aan ka qarsoomin.

 

Ninbaa nin wuxuu ku handaday, "Cirkaan kugu soo dumin!", ninkii kale wuxuu ku jawaabay, "Meeshaad ka gashaan ka galayaa". Wax la hoos galo waxaa ugu xoog badan Allah, meel lagu dhuuntana waxaa u qaawan guriga caarada, qofkaan Allah ku gaashaaman, siuu rabo xoog ha u yeesho, waa qof hoos galay guriga caarada.

 

 

9. In kooxda jinsigeenna ah oo cadowgu uu kensaday, oo nagu dhex nool aan la gaaleysiinin, oon la leynin, gaar ahaan haddey masaajidkeenna nagula tukadeen, oon la ugaadhsan.

 

 

Waxaa is weydiin leh, qofkii diida sharciga Allah in ummadda lagu xukumo ma Muslim baa? Dabadeed, hadduu qofkaas u gargaaro cadowga dad iyo duunyo laayey, haweenkennii kufsaday, waddankeenni qabsaday, qofkaas salaadda uu tukado ma ku soo dareysaa diinta? bal arrintaas culimadeenna sharafta leh hala weydiiyo fatwo.

 

10. Waddankii wuxuu noqday bahllo galeen ay gacmo badan ka adeeganayaan si sumcadda looga dilo Islamka, hadaba, inta Lillaahiga ahi may dhinac isu raacdo, so inta kale u muuqdaan?

 

 

Allah wuxuu leeyahay" Allah ma aheyn mid ku daafa dadka xaalkaad ku sugan tihiin( isku qasnaasho) ilaa aad kala soocantaan oo kiinna khabiithka ah( danta cadowga ka shaqeeynaya) uu ku soocmo kan wanaagsan ( Shareecada Allah iyo xoreynta waddanka raadinaya)

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

JZK Kheyr Nuurow,

 

Waan aqriyey qoraalkaaga. Aad baan kuu fahmay. Waxaad ku nuux-nuuxsatay iyo sida wax kuugu muuqdaan nathiriyya cusub maaha! Waxaadse ogaattaa Allah wuxuu leeyahay baaxad iyo xikmad ka ballaaran tan yarta ah een ku fekeraynu anagu. Ma aha (subxaanahu cazza wajalla) mid sideenoo kale u caraysan. Allah wuxuu naga rabaa inaan nafteenna u hiilinno. Oo anagu is badbaadinno! Waxaa fiqhul waaqica aad ugu boodsan kolba aniga aragtidayda in maanta ummad 18 yrs dhimmanaysay cadowga loo sii nugleeyyo. Anigu waxaan aad ugu bogsanahay fikirka Sheekh Bashir Salaad. Aakhirka waxaan aaminsanahay inay taa tageyso. Cunfiga iyo tadarrufku inkastoo lagu ciil baxo haddana xikmad ummad lagu hoggaamiyyo malaha. Waa hooyada fashilka marka qofku diido inuu waaqaca la falgalo, wax ka baarandego, tixgeliyyo taariikhda dalku soo maray dhowr iyo tobonkii sano ee lasoo dhaafay. Qolodii dalka qasaysay intii dagaalka sokkeeye socday in lala ficiltamaa waa talo, waxaase ka habboon in makriga shisheeyaha si qorshaysan looga badbaado ummadana looga samata bixiyyo.

 

Intaas markaan eegay, mawqifkayguna kaa yahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in Sh. Bashiir uu maanta ku dhiiradday inuu taxliil taa ku salaysan uu amaama jamaahiir soo dhigo.

 

Mar haddaad ka doodaysid in dadka masaajidyada ku jiraa islaanimadooda yaa Nur aad baa fahamkeennu ukal duwanyahay! Anigu ummadan umad fitno ku dhacday oo badbaado u baahan baan u arkaa. Kifaaxa keliyya ee maanta horyaalla waa in la middeeyo oo laga gudbiyyo qabyaalada iyo jahliga haysta. Wasiilada keliyya ee ii muuqattaana waa in loo dhimriyyo oo loo tanaazulo, la wacyi geliyyo cadowgooda runta ah loo sheego, lana tilmaamo waddo suurtagal ah oo ay kusoo kaban karaan.

 

Soomalidu inay is disho wax cusub maaha. Waxaa cusub in colaaduudu gaarto in shisheeyye ka faaideysto ilaa xadka uu maanta ka faaideystay.

 

Ma la isku deyey, waa su'aasha Sh. Bashiire, in colaada soomalida dhextaalla la daweeyyyo si shisheeyahay meesha looga saaro?

 

Jawaabtu waa mayya. Waana qayb ka mid ah azmadda ummadda haysatta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Oodo dhacmeed siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa ayey tiraahdaa soomaalidu. Xaalad nabadeed in la abuuro cadowgana meesha laga saaro ayey dantu ku jirtaa hadda.

 

Hadhow inaga ayaa isu soo hari. Soomaalinimadeenna iyo diinteenna ku dhaqankeeduna way inoo soo xasili.

 

fekerka colka waraf ma lagu dayay anigu waan raacsanahay.

 

The Awakeener2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Xiin.

 

Waxaad qortay:

 

Waan aqriyey qoraalkaaga. Aad baan kuu fahmay. Waxaad ku nuux-nuuxsatay iyo sida wax kuugu muuqdaan nathiriyya cusub maaha! Waxaadse ogaattaa Allah wuxuu leeyahay baaxad iyo xikmad ka ballaaran tan yarta ah een ku fekeraynu anagu."

 

Jawaab:

 

Walaal, ma moogi xikmadda Allah iyo naxariistiisa baallaran, xisaabta aakhiro, waa mid Allah u taalla, tan adduunkana waxaa naloo soo dajiyey Kitaab iyo sunnadii Rasuulkeenna oo haddan raacno aannaan lumeyn. Waxaa habboon inaan taladeenna ku dhisno muraadka Allah, oo ah in diinta la oogo oon aan lagu kala tagin ( an aqiimuu addeena walaa tatafarraquu fiih, kabura calal mushrikiina maa tadcuuhum ileyh!)

 

 

Waxaad qortay:

 

Ma aha (subxaanahu cazza wajalla) mid sideenoo kale u caraysan. ""

 

 

Jawaab.

 

Walaal, hadaalkaas waa ila qaldan yahay, Allah wuu xanaaqaa markii awliyadiisa la cadaadiyo, weerarna wuu u ballan qaaday, waxaa laga soo wariyey, suubbanihii inu yidhi, " man caadaa lii waliyan faqad aadantuhu bil xarb" , waxaa kaloo la soo wariyey in nin caalima ahaa loo cadaabay inuusan wajigiisu uusan u kaduudin cadho oo u cadhooday Allah dartii, oo malaaaigta la amray in caalimkaas ay ka bilaabaan cadaabta. Waxaa kaloo la soo wariyey in iimaanku inuusan dhameyn haddan Allah dartii loo nicin cadowga Allah SWT. Xikmadda ugu sarreysa, waa cabsida Allah " Raasul xikmah, makhafatullah.

 

 

Waxaad Qortay:

 

Allah wuxuu naga rabaa inaan nafteenna u hiilinno. Oo anagu is badbaadinno!"

 

 

Jawaab:

 

 

Waa runtaa, Allah wuxuu yidhi, " naftiinna iyo ehelkiinna naar ka badbaadiya, oo shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxda" Badbaadada runta ah waa tan laga badbaado naarta, maxaa yeelay asxaabul ukhduud wexey ka doorteen in dab adduun ay galaan, intey tii aakhiro gali lahaayeen.

 

 

Waxaad qortay:

 

 

"Waxaa fiqhul waaqica aad ugu boodsan kolba aniga aragtidayda in maanta ummad 18 yrs dhimmanaysay cadowga loo sii nugleeyyo."

 

 

Jawaab:

 

Walaal, Allah wuxuu leeyahay " Ha addeecin midaan qalbigiisa ka xidhnay xasuusteenna, oo hawadiisa racay, taladiisuna ay noqotay fara ka bax"

 

 

Waxaad qortay:

 

"Anigu waxaan aad ugu bogsanahay fikirka Sheekh Bashir Salaad. Aakhirka waxaan aaminsanahay inay taa tageyso."

 

 

Jawaab:

 

Anuguna waxaan aad ugu bogsanahay hadyigii Rasuulkeena SAWS iyo Kitaabka Allah oo na faray inaan diintiisa u hiillino, asagoo leh, " kuwii Allah rumeeyayow, haddaad Allah u hiillisaan, wuu iddiiin hiillin, dambigiinnana wuu dhaafi", in quluubta muminiinta ay ka bogsooto cadhada Allah dartiisna waa cibaado, " Wa yashfi suduura qawmin muminiin"

 

 

Waxaad qortay:

 

" Cunfiga iyo tadarrufku inkastoo lagu ciil baxo haddana xikmad ummad lagu hoggaamiyyo malaha."

 

 

Jawaab:

 

Walaal, waa runtaa, haseyeeshee Dawlad aan awood xoog ah leheyn, oon is difaaci karinna dawlad ma aha, mana dhsinaan karto.

 

 

Waxaad qortay:

 

 

" Waa hooyada fashilka marka qofku diido inuu waaqaca la falgalo, wax ka baarandego, tixgeliyyo taariikhda dalku soo maray dhowr iyo tobonkii sano ee lasoo dhaafay."

 

 

Jawaab:

 

 

Walaal, eedda ah in ummadda 18 sano laga dhex dhaliyay dagaal sokeeye, si loo kala qaybiyio, loo daciifiyo, oo markaas ay xabashidu nagu dhiirrimaato, waxaa ka dambeeyay argagixisada ka amar qaadanayay xabashida, ay qolo walba u hubeyneysay si si ay qoloda kale u lesyo. Haatan oo Allah noo gargaaray, in jeceyl adduun, iyo jagooyin, aan doorbidno, taasaa halaagga runta ah.

 

 

Waxaad qortay:

 

 

" Qolodii dalka qasaysay intii dagaalka sokkeeye socday in lala ficiltamaa waa talo, waxaase ka habboon in makriga shisheeyaha si qorshaysan looga badbaado ummadana looga samata bixiyyo."

 

 

Jawaab:

 

Walaal, makri arrinta wa soo dhaaftay, labo talo ayaa ummaddeenna hor taalla. 1. Ama annaga ayaa is leyneyna, 2. Ama ayagaa na leynaya. Ayaga waxaa u qarash yar inaan annaga is leyno, sidaan ku soconnay 18 sano oo la soo dhaafay.

 

 

Waxaad qortay:

 

" Intaas markaan eegay, mawqifkayguna kaa yahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in Sh. Bashiir uu maanta ku dhiiradday inuu taxliil taa ku salaysan uu amaama jamaahiir soo dhigo."

 

 

Jawaab:

 

Walaal, Allah wuxuu na leeyahay ".. haddaad wax isku qabsataan, (talada) u celiya Allah ( Quraanka), iyo Rasuulkiisa( Sunnada), iyo kuwa taladiinna ( kuwiinna muminiinta ah) idiin haya.

 

Sidaa darteed, waxaan anigu ku farxi lahaa, hadduu Sheikh Bashir taxlilkiisa ku dhisi laha Kitaabka Allah iyo Sunnada Rasuulkiisa, iyo Culimada diinta badankooda aragtidooda, saa ummaddu iskuma raacdo lunsanaanee.

 

 

Waxaad qortay:

 

" Mar haddaad ka doodaysid in dadka masaajidyada ku jiraa islaanimadooda yaa Nur aad baa fahamkeennu ukal duwanyahay! Anigu ummadan umad fitno ku dhacday oo badbaado u baahan baan u arkaa."

 

 

Jawaab:

 

 

Walaal, sida hadalkaaga ka muuqata, seddex ayaa midkood lagu fasiri karaa hadalkaaga, 1. In cilmi yaraan ay ku heyso, 2. Inaad qalad u bareereyso. 3. Inaan anigu qaldanahay, oon xaq kugu leeyahay inaad i saxdid, saa diintu waa naseexee.

 

Haddaad aamin san tahay in masaajid lagu tukado oo qudha ay ku ansaxeyso Islaannimadeenna, xataa hadduu qofkaas hor istaago diinta Allah iyo shareecadiisa in uunkiisa lagu xukumo, waxaan kaa codsanayaa inaad daliilkaaga sharciga ah aad noo sheegtid si aan kaaga faa'iiddeysanno, aniga iyo dhammaan inta aqrisaneysa qoraalkan, adigoo og inuu cilmigu amaano yahay, xaaraan ay tahay in cilmiga la qariyo, xataa cabsi awgeed, saa hadii kuwa cilmiga leh ay cabsadaan, goormay wax fahmi jaahiliintu?

 

 

Waxaad qortay;

 

" Kifaaxa keliyya ee maanta horyaalla waa in la middeeyo oo laga gudbiyyo qabyaalada iyo jahliga haysta."

 

 

Jawaab:

 

Qolada kaliya oo ka baxday qabyaaladda, wa qolada isku baheysatay Allah diintiisa iney u hiilliyaan, inta soo hartay, Qabyallad ka marna.

 

Waxaad qortay:

 

 

"Kifaaxa keliyya ee maanta horyaalla waa in la middeeyo oo laga gudbiyyo qabyaalada iyo jahliga haysta. Wasiilada keliyya ee ii muuqattaana waa in loo dhimriyyo oo loo tanaazulo, la wacyi geliyyo cadowgooda runta ah loo sheego, lana tilmaamo waddo suurtagal ah oo ay kusoo kaban karaan. "

 

 

Su'aal

 

Haddaan la fadhiisanno qolyihii (4.5), oon la heshiinno, sidee baan qabyaalad uga baxeynaa waligeen?

 

 

Waxaad qortay:

 

"Soomalidu inay is disho wax cusub maaha. Waxaa cusub in colaaduudu gaarto in shisheeyye ka faaideysto ilaa xadka uu maanta ka faaideystay.

Ma la isku deyey, waa su'aasha Sh. Bashiire, in colaada soomalida dhextaalla la daweeyyyo si shisheeyahay meesha looga saaro? "

 

 

Jawaab:

 

Walaal, arrintu ma taagna shisheeye iyo sokeeye, arrintu ma aha qabyaalad ama Nationalism, arrinta taagan waa diinta Allah ma ku dhaqannaa, mise waxaan daawannaa riwaayadda naloo dhigayo si inta yaroo diinta ah oon heysanno nalaga tirtiro, si cilmiyeysan.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Maca kaamili ixtiraam wa taqdiir, Nuurow waxaan isku dayayyaa inaan kula niqaasho! Wax badan baan kuu ogolahay brother ee ogow.

 

Waxaanse isku dayayaa inaan 3dex waxyaalood meel dhigno.

 

1- nooca dagaalka somaliyya ka socda, iyo cidda uu ka dhexeeyyo. Ma gaalo iyo Muslim baa diriraysaa, mise soomaalaa is dilaysa?

 

2-hadday soomaali si dileyso, waa saan qabee, sharcan wa caqlan xalkeedu waa maxay?

 

3-adday gaalo iyo Muslim tahay waxaa dirirayyaa, waaqicaa jiraa ma saamaxayyaa in dagaalka soomaali waddo, hadafkuse waa maxay?

 

 

Haddii alle idmo 3dex meel la yaqaanno baan qotominaynaa. Dood xikmad leh oo aan ku kala faa ideysanno na waan gelaynaa insha Allah.

 

ps--ii cudur daar haddii mar marka qaarkood waqtigu ii samixi waayyo inaan doodda sidaa la rabo uga qayb qaatto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hase yeeshee dhowr waxyaalood oo aad tashwiish ku furtay aan bayyaaniyo.

 

Allah waa caroodaa. Wuxuuse carooda caro u qalanta. Teennoo kale ma caroodo. Sidaan hadda u caraysannahay Allah uma caraysa. Wiilka kaniisada Kismayyo bur-buriyey ee carro darteed u bur-buriyey isaga iyo Allah isku si uma caraysna Nuurow. Fahamka noocaas ah maxaa ka qaldan yaa Nur!

 

Tan labaad sunnada rasuulka Sh. Bashir waa nin jecel. Bil xaqiiqa ah ragga aadka u yaqaannaa waxay isla qireen in ilaa intu muthakar ah iloo maantoo uu hogaamiyye diimeed yahay uu aqoonta zuhdi ku darsaday, zuhdi aan saxwadda lagu aqoon. Marka aragtida qoraalkani huwanyahay waa mid diin ku qotonta. Maaha mid rayi qayyaxan ah. Taxliilkiisu wuxuu ku dhisan yahay Kitaab ka iyo Sunnada. Aniga iyo asaguba waxaan rabnaa inaan diinta u hiilinno. Adna waxaad rabtaa inaad diinta u hiiliso. Waxaa laga yaabaa siday kuuugu muuqatto in loogu hiiliyyo inaysan isaga ugu muuqan. Farqi waa kaa. Laakiin marna maaha inuusan Kitaab iyo Sunno wax ku binayn.

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites
S.O.S   

A/C,

 

Waa sax in la midoobo sababtoo ah Allaah ayaa ina amray midnimo, noogana digay taffaaruq iyo dhibaatooyinkeeda -waayo cadowgeen waa uu inoo midaysanyahay.

 

Hase ahaatee, midnamada Alaah na amray waa tan ku salgaraysan Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa. Waxaase inoo muuqata in hal koox kaliyata ay ogoshahay midnimadaa sharciga ah. Kadib maxaa xal ah? Midnimo aan sharci ahayn?

 

Anigu waxaan qabaa in Sh. Nur uu ku saxsanyahay jawaabtuu kabixiyay qoraalka, keligiina meesha la yimid daliil cad oo la aqbali karo.

 

Shams.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Marxabban bika yaa Shamsi..

 

Pending Sh. Nurs input, following will be the parameters of our discussion...

 

 

1- nooca dagaalka somaliyya ka socda, iyo cidda uu ka dhexeeyyo. Ma gaalo iyo Muslim baa diriraysaa, mise soomaalaa is dilaysa?

 

2-hadday soomaali si dileyso, waa saan qabee, sharcan wa caqlan xalkeedu waa maxay?

 

3-hadday gaalo iyo Muslim tahay waxaa dirirayyaa, waaqicaa jiraa ma saamaxayyaa in dagaalka soomaali waddo, hadafkuse waa maxay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
S.O.S   

Very well Yaa Xiinfaniin.

 

Dhurwaa baa waxaa lawaydiiyay; "hilib ma rabtaa?" Wuxuu ku jawaabay "ma'daba ka daa!"

 

Marka saa dateed anigi maqabo in labada su'aalood ee hore jawaab-ba u' baahanyihiin. In kastoon aad u' danayn lahaa kajawaabta su'aasha 3aad, hadana marabo inaan sheekheena horboodo oo aayar baan idin daawan.

 

Waxaadse iiga sii jawaabtaa, waakan "Colka waraf ma lagu dayay?" iqoraalku labaxayee, dhagaxtuurku maxaa meesha keenay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Xiin.

 

 

Baarakallahu feek.

 

Hordhac ( Introduction to discussion)

 

Su'aalaha aad noo soo jeedisay xaqiiqa ahaan waa kuwo Allah ku waafajiyey xikmaddeeda, maxaa yeelay, jawaabaha su'aalahaas wexey nagu caawinayaan inan marka hore fahamno Mushkiladda taagan nooceeda, si markaas aan u adeegsanno daawada munaasibka ah, annagoon, ku xadgudbin ( Overdose) ama, aan ka gaabinin.

 

Haddii qof loogu yeero inuu dad is khilaafsan ama is heysta uu heshiisiiyo, waa inuu marka hore wareystaa:

 

1. " yaa is heysta"

 

2. " Maxaa la isku heystaa"

 

Labadaas suaal markii laga jawaabo, waxaa caddaanaya:

 

a. Qolooyinka is heysta, iyo kuwa daba jooga oo taageersan.( ama kuwa ayaga u taliya oy daba joogaan)

 

b. Mushkiladda intay le'egtahay.

 

c. Qaddarka Dhibka ay Mushkiladdan noo keeni karto haddaan la xallinin.

 

d. Nooca dhibka ay keeni karto. ( Diin, nafta, maalka, sii aan u kala hormarinno talooyinka)

 

e. Bandhig talooyin lagu xalliyo mushkiladda.

 

f. In la doorto talada ugu fiican, markii si qoto dheer looga fiirsaday nooca mushkiladda iyo qaddarka dhibka ay keensan karto.

 

g. Si hadaba xallinta Mushkiladda loo guda galo, waa in la helaa hal xeer ay labada qolo is heysta ay ixtiraamayaan, ooy u wada hoggansan yihiin.

 

Mushkiladda taagan maanta wexey ku saleysan tahay, in la lay'yahay hal Xeer oo darafyada is heystaa ay wada oggolyihiin iney u wada hoggansamaan.

 

Sidaa darteed Mushkiladdu wexey yeelatay gees kale, oo ah in qolooyin shisheeye ah ay dantoodii soo gashay mushkiladda ka dhex taagan Somalida, oo dhalisay kala qaybsanaanta iyo isnacidda iyo qabyaaladda. Qolyaha Shisheeye isla markaas wexey cabsi weyn ka qabaan midnimada Madax Bannaanida Somalida, sidaa darteed taladooda oo dhan wexey ku saleysan tahay iney hor istaagaan midnimmada Somalida oo ka dhalan karta iney hal Xeer isku xukumaan oo ah ISLAM.

 

 

Hadaba, Waxaa isweydiin leh:

 

1. Mushkiladda taagan, ma mid ay shisheeye abaabuleen oy dhalieeyn baa? Haddey jawaabtu haa noqoto, waa in qolyahaas xisaabta lagu daraa.

 

2. Haddey Mushkiladdu tahay mid ay dadkeenna oo xukunka isku diriraya ay dhaliyeenna, oo dabadeed , shisheeyaha ayaga meesha soo geliyeenna, ooy islamarkaas taladoodana u madax bannan yihiin, waa in qolyahaas lala xaajoodaa.

 

 

InshaAllah, waxaan si tafaq tiran u kala dhig dhigi doonnaa qodobbada dusha ku xusan maalmaha soo socda si aan aragtideenna u kulminno.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

1. " yaa is heysta"

 

Nurow, aan dhiiradee, waxa is hayyaa waa soomaali. Baabah bay iska dhigeen. Ku dhawaad 18 sano bay is dilayyeen. Welina waan isdilayyaan. Iyagay ahaayeen wixii is qaxiyey oo is bililiqaystay oo dhulkoodii bur-buriyey. Iyagay ahaayeen waxaa tafararuqa iyo bur-burka ummadnimadooda horseeday. Ilaa maantana waxaa wadaa waa iyaga. Sababta ay u dirireen welina u dirirsanyihiin maaha inay kala diin yihiin. Maaha in qaarkood gaala yahay qaarkalena muslim yihiin. Sababta ay u dirirsanyihiini waa tuhun iyo ciilqab dhexdooda yaal. Waxaa aad usii fogeeyeyna waa hoggaan xumo. Hoggaanxumo dhan walba ah!

 

Waxaan u arkaa dad muslimiin ah oo xarbul ahli dhex maray. Hadday diriraan oo weliba sida foosha xun ee ay u dirireen ay dhacday shisheeyana ka faaideystay waxaa ii muuqda in sida Sh.Bashiir ku taliyey xalka si xikmad leh lagu raadiyyo.Ujeedadu waa inay ahaattaa in dadkan la badbaadiyyo:iyagana in lakala badbaadiyyo, cadowgoodana laga badbaadiyyo. Hadda sida wax ku socdaan hadday ku socotto fitnadii qabiilka ku dhisnayd ee soomaali intaan ka reebtay xattaa kuwa diinta magaceeda ku dirirayya bay gaaraysaa. Ifafalaheedu waa muuqda haddeer. Meesha sartu ka quransantahay waa qorigan xalka la mooday ee la rabbo in soomaali lagu kala saaro.

 

Waxaa shakki lahayn in somali cadow leedahay. Ethiopia waa naga il heshay. Waxa u yeertay waa soomaali, waxay ugu yeerteenna waa soomaali kale. Xammar kaliyya ma joogto. Galkacyo laga bilaabo ilaa Berbera xiriir hoose iyo mid sare intaba waa ku leedahay. Dadka la shaqqeeyyaa gaalo maaha. Intii iyaga diinta laga saari lahaa waxaa ka habboon in waxa u geeyey meesha laga saaro. Waagii somali istiqraar iyo amni heshanna oo caddaalad aan leexsanayni dhacdo hala xisaabtamo. Laakiin maanta xisaabtan iima muuqdo. Waxaa ii muuqda waa in sidii kifaaxan looga lib gaari lahaa tanaazul ufuqiisu sarreeyo la gaaro. Oo ay waliba cidda wacyiga lehi tanaazusho.

 

Dadka dirirayya maanta qaarbaan marka halkudhegyada lagasoo tago fahamsanayn waxay u dirirayyaan iyo waddadii loo mari lahaa. Kuwaasi qabasho bay leeyihiin, taasaana taageero u ah.

 

Hadafka saxdaa waa in dawlad ka tarjunta qiyamta ummadda la helo. Haseyeeshee haddii qofkii kula murmaba aad layso oo disho, qiyamta aad hiigsanayso runtii waa ka jabayyaan. Dadka saaxadda dagaalka jooggaa waa macduuriin aniga agtayda, laakiin waxaan macduur ahayn qofka haysta jawwii uu ku fekerro oo inta garbaduub u xiray maankiisa raba inuu xaqaaiqda iyo fitnooyinka soomaali haysta kusoo koobo faragelinta Ethiopia.

 

Mid hoosta ka xarriiq, waa arrin sunnooyinka alle ka mid ah: Inta aan rabno inaan sidaan hadda nahay dawlad ku noqonno, waa adkaanaysaa inaan Ethiopia iska celinno. Waa in la beddelaa wasaailkii lagusoo fashilmay oo colka waraf lagu dayyaa...

 

edit: waataa jawaabta yaa is hayya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalkey Xiin

 

Waan maqnaa, laakin su'aalahaaga marna maankeyga ka ma maqnaan. Hadduu Eebbe idmo, si tafaq tiran baan uga hadli doonaa dhowaan

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allah yabarak fiika yaa Nur.

 

last night i was fortunate enought to listen Dr. Ahmed Xaji Craxman discuss this very issue. the lecture was titled التدرج في الدعوة!

 

Alla aqoontu fiicanaa. Haddii alle idmo Nurow waxaan isku dayyayaa in lecture kan online lagu kaydiyyo si aan uga wada faaideysanno! Insha Allah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this