Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Galmudug president caalin opposes the new cabinet of cabdi cawar

Recommended Posts

Caalim oo kasoo horjeestay Golaha Wasiirada cusub ee DKMG

 

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamulka goboleedka Galmudug State ayaa kasoo horjeestay magacaabista Golaha Wasiirada cusub oo uu kusoo dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya.

 

*

 

Max’ed Axmed Caalim Madxweynaha Maamulka Galmudug oo shirjaraa’id ku qabtay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug ayaa waxaa uu si cad uga soo horjeestay Golaha Wasiirada cusub oo uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu hareermaray heshiiskii lagu gaaray Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda.

 

*

 

Calim ayaa waxaa uu tilmaamay in heshiiskii Magaalada Kampala uu dhigayay in la tashiyo lala sameeyo Maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya hase ahaatee waxaa uu hoosta ka xariiqay in arintaasi uu san samaynin Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali sidaasi daraadeedna uusan Maamulkiisa aqoonsaneyn Golaha Wasiirada Cusub.

 

*

 

Waa Maamulkii ugu horeeyay oo shaaca ka qaaday in uu kasoo horjeestay Golaha Wasiirada cusub oo uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIR

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Words of a wise man

----------------

Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud ayaa ugu baaqay Xildhibaanada iyo shaqsiyaadka safafka ugu jiray maalmahan inay helaan Xilal, inay samraan, isagoo ka dalbaday inay ku qancaan shaqsiyaadka loo soo xulay Golaha Wasiirada cusub oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad karti iyo aqoon lagu soo xulay.

Mowliid Macaan ayaa sheegay inuu isaga ka mid ahaa Shaqsiyaadka aadka u daneynayay inay iska arkaan Golaha Wasiirada, hadana dadaal ugu jiray, waxaana uu xusay in taasi ay u suura geli weyday, iskana waayo inuu ka dhex muuqdo.

 

"Waxaan leeyahay Xildhibaanada iyo Beelaha hadii aanay qanacsaneyn haku qanceen Golaha Wasiirada, aniga waxaa ka mid ahaa shaqsiyaadka Garabaatiga u soo xirtay ee rabay inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada" ayuu yiri Mowliid Macaan.

 

 

Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Some get happy and others unhappy.. That is the life.. Move on people and let us support this gov to stand on its own feet and worry about the rest for a later day..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;735778 wrote:
And?

Thats about it i think awoow weynu iska sugi inta kale if they have something against the new cabinet but the rest seem happy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;735788 wrote:
Thats about it i think awoow weynu iska sugi inta kale if they have something against the new cabinet but the rest seem happy

Inta kale xagey ka iman ama aad adigu ka sugi? ma Hawdka mise NFD?

4.5 ayaa wasiirada lagu qaybsadey, kii qeyliyana ha qeyliyo wuu aamusi doonaa after 1 hour.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this