Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al shabaab catches one of the new ministers?

Recommended Posts

Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee uu xalay soo magacaabay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay gacanta ku dhigtay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caaqil, xilli ay ka soo baxday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan halka uu Shabaab la-aaday.

 

Kadib markii ay soo shaac baxday in Caasho Cismaan Caaqil ay ka mid tahay Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay Xarakada Al Shabaab ay bilowday inay ugaarsato.

 

Ciidamo u daacad ah Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la-tilmaamay inay maanta gaariga kala daggeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caqiil, xilli ay ka soo baxeysay degmada Balcad, kuna soo sii jeeday magaaladda Muqdisho.

 

Inkastoo aysan wax war ah ka soo bixin dhinaca Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa hadana jira warar sheegaaya, in Xarakada Al Shabaab ay gacanta ku dhigtay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caaqil.

 

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsatay inay ka hadasho qaabka lagu xiray Caasha Cismaan Caaqil, hadana waxaa jira warar sheegaaya inay qeyb ka tahay dagaalada ay Al Shabaab kala horjeedo Xukuumadda Soomaaliya.

 

Si kastaba ha-ahaatee Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caaqil ayaa waxay deegaan ahaan ay ka soo jeedaa Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar iska soo daba dhacayay ilaa duhurnimadii maanta, qaar ka mid ah Warbaahintana ay si kala duwan uga hadleen oo ahaa in Al-Shabaab ay qabsadeen ama afduubteen Wasiiradii Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee xalay xilkaas loo magacaabay Marwo Caasho Cismaan Caqiil ayaa wararka soo gaaraya Shabakada Jowhar.com yihiin kuwo arrimahaas ka duwan.

 

Warar isku dhow oo aanu heleyno ayaa sheegaya in Marwo Caasho Cismaan Caqiil xilka loo magacaabay ka war heshay saaka, isla markaana ay horay ugu diiday soo jeedin iyo dalab ku aadanaa in xilkaas loo magacaabay oo shaqsiyaad kala duwan ay u wadeen.

 

Hase ahaatee Marwo Caasho oo mudooyinkan ku sugneyd degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa saaka tagtay Saldhiga degmada ee ay gacanta ku heyso Al-Shabaab, iyadoo ku wargelisay in aysan xilkaas ka war heyn, wax shaqo ahna ku laheyn.

 

Qaar ka mid ah Ehelada Marwo Caasho oo ay la xiriirtay Shabakada Jowhar.com ayaa beeniyay in la afduubtay amaba iyadoo gaari u soo saarneyd Magaalada Muqdisho ay qabsadeen Shabaab, waxayna sheegeen in Shabaabka xataa aanay ka war heyn xilka loo magacaabay iyo shaqsiyadeedaba.

 

Marwo Caasho ayaa markii ay tagtay Saldhiga degmada Balcad ay ku ogeysiisay in xilkaas aanay iyadu raali ka aheyn, isla markaana magaceeda kaliya ka maqashay Warbaahinta.

 

Intaas kadib ayaa la sheegay in Ciidankii Shabaab ee ku sugnaa Saldhiga ay u sheegeen in Saldhiga ku sii negaato tan iyo inta laga baarayo arrinta.

 

Qoysaska Haweeneydan haatan gacanta ugu jirta Shabaab ayaa lama filaan ku noqotay xilka Dowladda ay u magacowday, iyagoo tilmaamay in aanay horay lagu soo wargelin ama lala socodsiin, waxaana ay sheegeen in aanay xilligan diyaar u aheyn inay ka mid ahaadaan siyaasada dalka.

 

Waxaa ay rajo ka muujiyeen in la sii deyn doono oo aanay wax dambi ah aanay gelin sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelada Marwo Caasho.

 

Caasho Cismaan Caqiil oo uu dhalay Gudoomiyihii hore degmada Jowhar Cismaan Caqiil ayaa ka mid aheyd xubnaha Golaha wasiirada loo magacaabay, waxaana ay tahay gabar aqoonyahanad ah oo baratay Cilmiga dhaqaalaha, isla markaana ka baxday Jaamacadii Lafoole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaaji Xunjuf;735476 wrote:
Looooooooool tani waba funny. Tallow ma waxay oo dhan wu gaaloobay

Xaaji lab iyo dhadig baa isaga kaa khaldamay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

She is dead woman walking. The shabaab law auto sentences to the capital punishment to anybody that works for the TFG. I hope they let her go, we are sick of their crazy acts.

 

One would think that the pm would meet, interview, and know the location of someone before appointing them to a ministerial post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

zack loool exactly see cml dadka risk ayaaba la galinooyaa, waxaan xasuusta guddomiyaha uu magacaaban SH/dhexe saaso kale asigo jowhar joogo la magacaabay inta la xiray uu yiri aniga xil diyaar ma uu ahii kedibna waxaa la arkay asoo madaxtooyada jooga lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AS wasiiray ku dilleen Hotel-ka amnigiisa dowladu haysto, qaarna sariirtootay ugu tageen. Waxaad ka hadlaysaan bagar afgooye bus ka soo raacday. Unless she worked/was working for the TFI, AS has nothing on her. Illah ha ka bad baadiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;735487 wrote:
zack loool exactly see cml dadka risk ayaaba la galinooyaa, waxaan xasuusta guddomiyaha uu magacaaban SH/dhexe saaso kale asigo jowhar joogo la magacaabay inta la xiray uu yiri aniga xil diyaar ma uu ahii kedibna w

axaa la arkay asoo madaxtooyada jooga lol.

Lool@the dude showing up in madaxtooyada. I know right!, I have a feeling that the pm has no idea who this lady is, she was probably recommended by one of the two sharifs.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

I have the feeling the pm had no say to most of the appointments.Most likely the list was provided to him.If this is the case,then it is not a good start.They should let him do his job .

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

MOGADISHU (Xinhua) – Islamist rebels in Somalia have set free a newly appointed female cabinet minister after she was seized, a government official said Friday.

 

Asho Osman Aqiil, who was on Wednesday named as Minister for Women and Family Affairs in the new cabinet line-up of Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali's government, was kidnapped from her home by heavily armed fighters from Al Shabaab group in the rebel- controlled town of Balad, 30 km north of the Somali capital Mogadishu.

"They ( Al Shabaab commanders) let her go because she told them that she was not aware of the appointment and that she did not want to take the post," Mowlid Maane, a lawmaker who is from the same Middle Shabelle region as Aqil, told Xinhua.

Maane, who expressed surprise that Aqiil was named minister while she was still in Al Shabaab controlled area, said that she was not harmed and that she was staying at her home in the town where Islamist rebels have been in control of the past three years.

Aqiil, a mother of nine, is reported to have lived in the insurgent-run town for several years. She was travelling to Mogadishu when Islamist rebels seized her near her home.

The Islamist rebel group of Al Shabaab has not commented on the kidnapping of the Somali minister but the group is known to target senior government officials in the past.

Somali Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali on Wednesday announced his new 18-member cabinet which mostly comprise of technocrats who have not been known in Somali politics. The Somali parliament is expected to vote on the cabinet in the next few days.

The new Somali government is expected to face huge challenges as the country is suffering severe drought and famine in the south while battling Islamist insurgency.

The Somali government controls only parts of the capital while Islamist rebels run much of south and center of the war-torn country.

The government has one-year term to fulfill a number of transitional tasks including the drafting of a new constitution for the country to complete the reconciliation process.

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirrada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inaan lagala tashan magacaabiddeeda

 

Jimco, July 22, 2011 (HOL) – Wasiirrada haweenka iyo arrimaha qoyska DKMG ah ee Soomaaliya Caasho Cismaan Caqiil oo warbaahinta la hadashay iyadoo ku sugan degmada degmada Balcad ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegtay inaan xilka loo magacaabay lagala tashan.

 

Caasho Caqiil oo muddo saacado ah u xirnayd Khamiistii shalay maamulka degmada Balcad ee Xarrakada Al-shabaab, ayaa markii lasoo daayay sheegtay iyadoo ku sugan gurigeeda inaan lagala tagshan magacaabiddeeda.

 

Inkastoo Caasho aysan sheegin inay iska casishay xilka loo magacaabay, haddana waxay sheegtay inaysan diyaar u ahayn inay ku shaqeyso xil aan lagala tashan markii loo magacaabay.

 

Maamulka degmada Balcad ee Xarrakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin xarigga ay u geysteen Caasho Cismaan Caqiil oo habeen hore loo wasiirka haweenka iyo arrimaah qoyska ee DKMG ah iyadoo ku sugan degmada Balcad oo ay Xarrakatul Shabaab ka taliso. Waxaana Caasho ay ahayd haweeneydii keliya ee ku jirtay golaha wasiirrada xukuumadda cusub.

 

Waxyaabaha aadka la isku weydiinayo ayaa waxaa ka mid ah sababta xil loogu magcaabay ruux aan ku sugnayn goobaha ay dowladdu ka taliso, iyadoo DKMG ah aysan ka hadlin xariga loo geystay wasiirradan.

 

Haweeneydan ayaa waxaa ninkeedii muddo sannado ah ka hor laga afduubay duleedka Muqdisho xilli ay kusoo jeedeen Muqdisho, iyadoo illaa iyo hadda la la'yahay isaga iyo saddex qof oo ay wada-shaqeynayeen kuwaasoo ay haweeney ka mid ahayd.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this