Sign in to follow this  
Somalina

Lean on Mogadisho when you need to eat to survive

Recommended Posts

Somalina   

Wafdi ka socda Ururka Bisha Cas Iiraan oo Muqdisho soo gaaray iyo Shixnad gar gaar tii ugu ballaarneyd

bishacas-iraan_6.jpg

bishacas-iraan_5.jpg

Wafdi ka socda Ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyeen Mas'uuliyiin ka tirsan Ururka Bisha Cas Soomaaliya.

Xubnaha Wafdigan oo ka kooban afar xubnood ayaa u yimid Magaalada Muqdisho si ay u qiimeeyaan heerka xaaladaha bani'aadanimo ee macluusha ka jirta Soomaaliya, kadib markii kumanaan qoys oo Abaaraha ka soo barakacay soo gaareen Magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Axmed Cadale oo ah Isku duwaha Hey'adda Bisha Cas Soomaaliya oo ka hadlay kadib kulan ay la qaateen Wafdiga ka socda Ururka Bisha Cas Soomaaliya ayaa sheegay in Wafdigan ay maanta soo gaareen Muqdisho, isla markaana u yimaadeen sidii ay u qiimeyn iyo indha indheyn ugu sameyn lahaayeen Xaaladaha bani'aadanimo.

 

"Wafdigan waxay maanta yimaadeen Muqdisho, waxaa daba socota Diyaarad shixnad gar gaar tii ugu ballaarneyd sida oo berri Muqdisho ku soo fool leh, waxay u yimaadaan inay qiimeeyaan xaalada oo ay indha indheeyaan sida dadka Soomaaliyed ugu baahan yihiin gar gaar"ayuu yiri Maxamed Axmed Cadale.

 

Isku duwaha Hey'adda Bisha Cas ayaa sidoo kale tilmaamay in shixnad diyaarad sida tii ugu ballaarneyd ay ka soo dagi doonto magaalada Muqdisho maalinta berri, isagoo tibaaxay in shixnada ay gaareyso ilaa 50-Tan, waxaana uu intaa raaciyay in si toos ah ay Diyaarada uga soo duuli doonto Garoonka diyaaradaha Tehran ee Caasimada Iiraan, isla markaana soo gaari doonto Magaalada Muqdisho.

 

"Shirxnada Diyaarada sida waa 50-Tan, waana midii ugu ballaarneyd ee hal mar diyaarad keenta, diyaarad yar yar ayaa keeni jiray shixnada, laakiin diyaaradan waa ballaaran tahay"ayuu yiri Mr Maxamed Axmed Cadale.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan ay door wanaagsan ka ciyaari jireen marka dib loo raaco taariikhda hadii ay dhacdo aafo, isagoo sheegay in mar walba xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn la leeyihiin Ururka Bisha Cas Soomaaliya.

 

Wafdigan ka socda Ururka Bisha Cas ee Dowladda Islaamiga Iiraan ayaa qeyb ka ah wafuuda ballaaran ee ka socda Dowladaha Islaamka ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyed, ee gar gaarka soo gaarsiinaya, iyadoo haatan dalka ku sugan yihiin Ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta, Hey'ado kala duwan oo ka socda Kuwiet iyo Qadar oo gar gaar shixnad dhowaan ka soo dajiyay Magaalada Muqdisho.

 

Qaramada Midoobeya ayaa sheegay in 3.6-milyan oo ruux ay saameeyeen abaarta Soomaaliya ee ku dhifatay Goboalda Koofurta Soomaaliya, iyadoo xusay in 29-kun caruur ay todobaadkiida u dhimanayaan shan caruur ah nafaqo daro iyo macluul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

UAE mobile clinic cures 750 displaced Somalis

EmiratesNewsAgency.jpg

 

Sunday, August 07, 2011

 

 

UAE mobile clinic has provided medical and health services to approximately 750 patients in the camp of "hamar Jab Jab" for displaced Somalis on the second day of its inauguration in the capital, Mogadishu.

 

The clinic has seen a high demand of patients who are facing many health problems as a result of acute malnutrition and the spread of some diseases.

 

UAE mobile clinic contributes through the departments of gynecology and internal medicine to provide the best medical services for the displaced to detect all cases that are suffering from physical and mental conditions.

 

The health authorities and the Somali people have lauded UAE for running mobile clinic between the camps of displaced people.

 

Gynecology Specialist and a member of the medical team Dr. Fatima Hassan Siyad said that most of the women brought to hospital on the second day were suffering from severe "Anemia" and diseases of the bladder and urinary tract infections as well as respiratory diseases while most of the children are suffering from malnutrition, fever and diarrhea.

 

Moreover, she praised the role of the UAE humanitarian relief team efforts in unifying a number of Somali doctors and medical staff under the umbrella of the UAE and in the framework of a human volunteer to meet the call of duty to the victims of this tragic disaster.

 

Humaid Rashid Al Shamsi, Head of the UAE relief team of drought victims in Somalia said that such initiatives reflect the vision of the wise leadership of the country in protecting human dignity and alleviating of disasters and crises, stressing that the team is moving now on the Somali arena and in accordance with the directives of the wise leadership and the follow-up of H.H. Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan, Ruler's Representative in the Western Region, Chairman of the Red Crescent Authority (RCA).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jaamacadda Muqdisho oo gargaar kala duwan siisay 500-qoys oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha

 

JAAMACADDA3.jpg

JAAMACADDA2.jpg

Talaado, Ogoosto 09, 2011 (HOL) Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdish ayaa maanta oo Talaado ah gargaar kala duwan u qaybisay 500-qoys oo ka mid ah dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

 

Gargaarkan oo isugu jiray caano, daawo, dhar iyo timir ayaa waxaa loo qaybiyay dad ku jira kaam ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gargaarkan ayaa qayb ka noqonaya gargaarro uu guddigan u horay uga qaybiyay kaamam ku yaalla Muqdisho.

 

Madaxa guddiga gurmadka Jaamacadda Muqdisho ahna diiwaan hayaha jaamacadd Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo warbaahinta la hadlay markii bixinta deeqda ay dhammaatay ayaa sheegay in gargaarkan uu yahay mid ay iska soo ururiyeen ardayda jaamacadda, macallimiinta, maamulka iyo saaxiibbada jaamacadda Muqdisho.

 

"Kaalmadan waa mid ka duwan kaalmooyinkii aanu horay u bixin jirnay. Waayo waa gargaar ay iska soo ururiyeen maamulka, macallimiinta, saaxiibbada iyo ardayda jaamacadda Muqdisho, runtiina waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday," ayuu yiri Dr. Liibaan.

 

"Gargaarka waxaa ku jiray caano aan ugu talogalay in lagu soo celiyo nafaqada caruurta iyo hooyada nuujinaysa, waxayna ahaayeen caano nafaqeysan," ayuu ku daray hadalkiis Dr. Liibaan oo sharraxayay noocyada kaalmada ay bixiyeen.

JAAMACADDA6.jpg

JAAMACADDA8.jpg

JAAMACADDA14.jpg

JAAMACADDA12.jpg

Dhinaca kale, madaxa guddigu wuxuu sheegay in dawada ay qaybiyeen ay ugu talogaleen in lagula dagaallamo cudurrada faafa, isagoo sidoo kale sheegay in dharka ay ugu talogaleen in dadka barakacayaasha ay xirtaan maadaama aysan haysan dhar wanaagsan.

 

Qoysaskii gargaarka loo qaybiyay ayaa waxay u mahadceliyeen maamulka, ardayda iyo macallimiinta jaamacadda Muqdisho, iyagoo sheegay in gargaarka loo qaybiyay uu yahay mid lagu soo beegay xilli ay u baahnaayeen.

 

Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay bishii July ee aynu soo dhaafnay ayaa dhowr jeer oo hore kaalmooyin ka bixiyay kaamam ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan dad kasoo barakacay abaaraha dalka ku dhuftay.

 

Jaamacadda Muqdisho ayaa horay uga qaybqaadatay gargaarro lagu badbaadiyay dadka Soomaaliyeed, waxaana tusaale u noqon kara biyo-baxadii 2006 ka dhacday gobollada Koonfurta Soomaaliya. Iyadoo jaamacaddu ay u mahadcelisay dhammaan jaaliyadihii Soomaaliyeed ee ka qaybqaatay kaalmeynta dadka Soomaaliyeed.

JAAMACADDA10.jpg

JAAMACADDA15.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Diyaarado siday gargaar ka yimid Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

 

 

Shan diyaaradood oo sidday gargaar loogu talagalay dadka tabaaleysan kana timid dalka Turkiga ayaa shalay iyo maanta soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa barqanimadii maanta ka soo degay laba diyaardood oo sidday gargaar bani’aadanimo oo ay soo dhiibtay Hey’adda bisha cas ee dalka Turkiga halka maalintii shalayna ay garoonka ka soo degeen Sadex diyaaradood oo ka timid dalka Turkiga, kuwaas oo qeyb ka ah raashin gargaar ah oo gaaraya ilaa Shan Boqol oo kun oo Tan oo dowladda Turkigu diyaarado ku keeneeyso Muqdisho.

 

Kamaalu diin oo ah madaxa wafdiga ka socday dalka Turkiga ayaa Radio Muqdisho u sheegay in 15 ka bishan Dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono Markab sida raashin dhan Shan Kun oo Tan oo ay soo dirtay Hey’adda Bisha cas ee Turkiga kaas oo loogu talagalay in lagu gargaaro dadka barakacayaasha ah ee tabaaleysan.

 

Raashinkan ay dowladda Turkigu ku keeneeyso hawada iyo Badda ayaa si toos ah loogu wareejinaya Dowladda KMG ah si ay ugu qeybiso dadka dhibaateeysan, waxaana arintani qeyb ka tahay gurmadka loogu jiro badbaadinta dadka ku ceyrtoobay abaarta daran ee ka taagan dalkeenna.

diyaaradda-oo-calaamada-turkigu-ay-ka-mu

xubno-katirsan-hayadda-bisha-cas-ee-Turk

Shixnad-gar-gaar-ah.jpg

Qaybkale-oo-gargaarka-ka-mid-ah-oo-gaadi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

somalina thanks for the update. Masha Allah at least siba si baay dhaantaa . Wadamada ka damqaday dhibka dadka soomaaliyeed waa mahadsan yihiin. well done.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ismahaan- you are welcome walaashiis.

----------------

 

Wafdi ka socda Turkiga oo horu dhac u ah booqashada Ra'iisul Wasaaraha Turkiga oo maanta Muqdisho soo gaaray

 

Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo horu dhac u ah booqasho la filayo in dhowaan uu dalka Soomaaliya ku yimaado Ra'iisul Wasaaraha Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo wafdigan lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde International Air Port.

DSC082541.jpg

DSC08241.jpg

DSC08253.jpg

 

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana xubnaha soo dhoweeyay ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud.

 

Wafdiga ka socda dalka Turkiga ayaa waxaa hogaaminayay Madaxa Maareynta Musiibooyinka deg dega ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Cusmaan Nuur Bashkhaat, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo gaaro Muqdisho.

 

Mas'uulkan ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan howlaha gar gaarka bani'aadanimada, waxaana uu ka dhawaajiyay in maalinta berri uu ku soo xeran doono Dekeda Muqdisho Markab shixnad gar gaar sida oo ilaa 5-kun Tan ah, waxaana uu intaa raaciyay inay jiraan diyaarado kale oo imaan doona.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in wafdigan ay horu dhac u yihiin wafdi ballaaran oo Dowladda Turkiga ka socda, waxaana uu sheegay inay soo dhoweynayaan kaalmeynta dadka dhibaateysan ee abaaraha.

 

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in isaga iyo qoyskiisa ay Soomaaliya imaan doonaan, si ay u soo eegaan xaalada Soomaaliya iyo abaarta xoogan ee ka jirta dalka, isagoo ku baaqay in loo gurmado Soomaalida dhibaateysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhaqaatiir ka socday dalka Sucuudiga oo howlo daweyn ah ka bilaabay Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho

 

Axad, Ogoosto 14, 2011 (HOL) – Dhaqaatiir u dhashay dalka Sucuudiga ayaa ka billaabay maanta howlo caafimaad oo isugu jira qaliinno iyo daweyn lacag la'aan ah isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan caruur xaaladooda wax looga qaban waayay dalka.

 

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, Dr C/risaaq Cali Xasan ayaa sheegay in xaalada isbitaalku ay tahay mid aad u liidata, isagoo sheegay in haddii aan wax laga qaban xaaladan ay kasii dari karto.

 

"Xaaladda isbitaalka waa mid aad u xun dhowr jeer ayaan ugu baaqnay dowladda inay wax ka qabato, balse dowladdu ma ahan mid doonaysa inay wax ka qabato," ayuu yiri Dr. C/risaaq Xasan oo warbaahinta la hadlay.

 

Madaxa dhaqaatiirta ajnabiga ah ee howlaha caafimaad ka bilaabay Muqdsiho oo lagu magacaabo Dr. C/xakiin Khadaan ayaa sheegay inay Soomaaliya u yimaadeen inay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan.

 

"Waxaan nahay dhaqaatiir ka socda hay'adda isku xirka islaamka muslimiinta dunida, waxaan halkan u joognaa inaan daweyn lacag la'aan ah iyo qaliinno u sameyno walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan," ayuu yiri Dr. Khadaan.

 

Dhaqtarkan wuxuu sheegay inay wadayaan howlahan inta ay daweynayaan dadka ku jira isbitaalka oo qaybo kala duwan isugu jira, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Soomaaliya.

 

Isbitaalka Banaadir ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir ka socda dalka Jarmalka, kuwaas oo iyaguna sheegay inay caawinayaan dadka dhibaateysan ee ku jira isbitaalka Banaadir oo u badan caruur la il-daran cudurka shuban biyoodka.

muuqaalka-xubnaha-wafdiga-sacuudiga-ka-s

Wafdi-Dhaqaatiir-ah-oo-ka-socday-Saudi-A

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

May God reward them for their good deeds.

-----------

 

UAE sends Mogadishu 40 tonnes of aid

 

Aug 14, 2011

 

DUBAI // A convoy carrying 40 tonnes of aid was dispatched to refugee camps near Mogadishu yesterday by the UAE Red Crescent Authority (RCA).

 

The aid package, containing enough food to feed 1,000 families for one month, was sent by members of the RCA on the ground in Somalia.

"In the coming weeks, the RCA will continue to dispatch daily aid convoys to other camps," according to a statement issued by state news agency, Wam.

 

So far, the UAE's mission in the country has reached 10 camps around Mogadishu, the statement said.

 

The RCA has to date contributed Dh4 million in relief efforts since the first UAE delegation to Somalia left in July.

 

Dr Saleh Al Taee, the secretary general adviser to the RCA, said last Wednesday that a further shipment of 400 tonnes of aid would be dispatched to Somalia within the next 10 days.

 

He urged residents to donate money, food, clothes and medicines to the charity before the ship sets sail.

 

Somalia has been devastated by the worst drought in the region in decades which has been made worse by the presence of militant groups in the area, who have been blamed for aid camp shootings.

 

Tens of thousands have set up makeshift camps around Mogadishu.

 

From Wednesday, Abu Dhabi TV will host a 90-minute fund-raising telethon, Suqyahum, which translates as "quenching their thirst".

 

The Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation sent 20 tonnes of food, and The Mohammed Bin Rashid Al Maktoum Humanitarian and Charity Establishment last week bought 960 tonnes of food from Addis Ababa to distribute in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Jabuuti ayaa iminka booqanaya Xerada Barakacayaasha Badbaado

 

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saacado ka hor ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa iminka booqanaya Xerada barakacayaasha Badbaado, halkaasoo Dowladda KMG ay dib u dejin ugu sameysay kumanaan qoys oo ka soo barakacay abaaraha ku dhiftay Gobolada dalka

 

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Madaxweynaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada.

 

Ammaanka oo ah mid si aad ah loo adkeeyay ayaa waxaa wadooyinka qaar lagu arkayay dadweyne fara badan oo caleemo qoyan u ruxayay Madaxweynaha Jabuuti oo booqashadii u horeysay ku yimaaday Soomaaliya tan iyo markii uu qabtay xukunka madaxtinimada dalka Jabuuti sanadii 2000.

 

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, halkaasoo ay ku jiraan caruur fara badan oo nafaqo iyo macluul ay heyso.

 

Kolonyada lagu sido Madaxweynaha Jabuuti oo ah kuwo qafilan ee aan xabuduhu karin ayaa loo gelbiyay dhanka Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu goor dhow saxaafada kula hadli doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Turkish PM visits Somali camps

 

August 19, 2011

 

Erdogan told a Somali woman who lost her child that a field hospital would be established in the region soon.

 

Turkish Prime Minister Tayyip Erdogan visited Somalia's capital Mogadishu on Friday to draw international attention to the famine sweeping across the Horn of Africa nation, threatening to kill hundreds of thousands of children

Erdogan, accompanied by his family and five cabinet ministers, has in the past days appealed for more food aid for the drought-hit nation and lashed out at wealthy Western nations for not doing more.

erdo-somali4.jpg

davut-somali.jpg

erdo-somali5.jpg

Somalia's President Sheikh Sharif Ahmed welcomed Erdogan at the airport with a warm embrace, before Turkey's premier, dressed in a sharp, crisp suit and his wife in haute-couture Islamic dress drove through the city's rubbish-strewn streets.

At one dusty, windswept refugee settlement, Erdogan crouched inside the tent of Bashir and Fatima, a young couple mourning the loss of two of their four children who died after trekking 90 km (55 miles) to Mogadishu.

Erdogan's wife Emine handed out chocolates and sweets.

 

The Organisation of the Islamic Cooperation (OIC) countries pledged on Wednesday $350 million in aid to fight the famine which has left 3.7 million Somalis at risk of dying of hunger.

Erdogan has said he hoped the OIC's efforts would jolt the consciences of those ignoring the unravelling humanitarian emergency.

A pious Muslim, he has called the disaster a "litmus test" for all humanity.

 

http://www.worldbulletin.net/?aType=haber&ArticleID=77717

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Turkish aid ship departs for Somalia

 

Donations made under a campaign launched by Turkish Red Crescent for drought and famine-hit Africa exceeded 46 million Turkish Lira.

 

A Turkish aid ship departed from Istanbul for Somalia on Friday.

The ship, coordinated by Turkish Prime Ministry Disaster & Emergency Management Directorate (AFAD), carries the assistance of Turkish Religious Affairs Department and Turkish Red Crescent.

 

The ship, "Burak A", carries foodstuffs, health equipment, tents, blankets as well as eight fully equipped ambulances, six generators, four land vehicles, a personnel minibus and a forklift.

 

Meanwhile, donations made under a campaign launched by Turkish Red Crescent (Kizilay) for drought and famine-hit Africa exceeded 46 million Turkish Lira.

 

Donations have come through SMS, internet, bank accounts and Red Crescent's Call Center.

The aid campaign began in an attempt to help famine stricken Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this