Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan government supports the new Azania state

Recommended Posts

Dawlada Kenya Oo Taageertay Maamul Goboleed Cusub Oo Laga Dhisay Gobolada Xuduuda La Leh Dalkeeda Ee Soomaaliya.

 

Nairobi(Ramaas) July. 9, 2011-Dawladda Kenya ayaa martigelisay kulan lagu dhameystirayo maamul goboleedka Azaaniya, kaasoo shalay si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana kulankaas ka qaybgalay waxgarad, culummo iyo siyaasiyiin ka socda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Maamulkan waxa dhistay beelaha haybta la wadaaga beesha deegaanka Gaaris waxaana furitaankii shirkaas ka hadlay wasiirka horumarinta gobolada Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Faay oo xusay isagoo ku hadlaya afka dowladda Kenya in sababta ay u maalgeliyeen kulankan ay tahay si ay nabad uga dhalato gobolada Soomaaliya ee ku yaala xuduudda ay Kenya la wadaagto Soomaailya.

 

"Haddii aan nahay madaxda dowladda Kenya ee asalkoodu Soomaalida yahay, waxaan rumeysannahay in danta dowladeennu ay muqadas tahay, sidoo kalena ay gobollada dariskeenna ah nabad noqdaan, sababta aan shirkan u marti-gelinnayna waa in nabad laga dhigo gobollada Koonfureed ee Soomaaliya," ayuu yiri Maxamed Faay.

 

Sidoo kale, kulanka waxaa ka hadlay madaxweynaha maamul Azaaniya Maxamed Cabdi Xaaji Gaandi ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay in ay marka hore saddexda gobol ee uu ka kooban yahay maamulkaan laga saaro Al-shabaab, markaas kaddibna la sameeyo maamul loo dhan yahay oo aan ku dhisnayn qabiil.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay filim ka hadlaya qaabka loo dhisayo maamul goboleedka Azaaniya taasoo uu sharxayay Mr. Gaandi, waxaana ka mid ahaa qodobbada filimka looga hadlay sida lagu soo xulnayo xildhibaannada, degmooyinka ay ka imaanayaa iyo dhameystirka xubnaha maamulka.

 

Ugu dambeyn, Prof. Gaandi waxa uu sheegay in diyaar u yahay wixii talo iyo tusaale ah ee ku saabsan qaab dhismeedka maamulka Azaaniya oo u dhageysanayo fikir kasta oo ka yimaada shacabka ku nool gobolada uu maamulkan matalayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Faafan;732886 wrote:
^ GALTI
:D

That I am. LOL.. You are just not aware that my nick name is Wiil Waamo AKA Wiil Waamo LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this