Sign in to follow this  
caydarus

Al--Shabaab.. We Owe Our Allegiance To Al-Zawahiri

Recommended Posts

to begin with, this is not your own, it appeared in a news outlet, and that is a foregn idealogy. hadii adiga dooda waday ad war kasoo xiganeesa ila kale, maxad qof kale kasheegi?

 

In the past, some of these militias who currently call themselves Alshabaab raped Somali women and girls, looted businesses, and murdered countless innocent people in the name of defending not Islam or Somalia but the interest of their tribes

what on earth you blindly copy paste. dhibka somalida heesto waa kan camal.

sxb daacayad waxba tarimeeso, ee daacadnima ayaa loo baahanyahay. horaa looyidhi, ''gaalka dil gartiisana sii''

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

genius pauper.;729693 wrote:
to begin with, this is not your own, it appeared in a news outlet, and that is a foregn idealogy. hadii adiga dooda waday ad war kasoo xiganeesa ila kale, maxad qof kale kasheegi?

 

 

(1) I didn't extract any information from any as u think, so you know where i pirated this news from kindly give the links. somalis are known for abusive language .

 

 

 

 

what on earth you blindly copy paste. dhibka somalida heesto waa kan camal.

sxb daacayad waxba tarimeeso, ee daacadnima ayaa loo baahanyahay. horaa looyidhi, ''gaalka dil gartiisana sii''

(2) layaab malaha qofku waxa uu yahay ayuu dadka dhanna u maleeyaa, your idea is reflect on you. don't hesitate to call me again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

genius pauper, sxb anigaba xuman maqabi hada linkiga ad isiisayna horey maba u aqoonin run ahantii, shabaabna bilash kuma haysto ee waa wax ay kasbadeen, iyo dambiyo ay kagaleen diinta islamka iyo dadka soomaliyeed, marka aad rabto in ad sharci wax kumaamushana sharcigu wado iyo qaynuun laraaco ayuu leeyahay. The sharia has guidlines set in place for when its to be used, groupkan aad difacayso ee al-shabaab lalee yahay are ignorant and bloodthirsty and killing innocent somalis for nothing like young girls, who were refused to marry them. al-khawarij (al-shabaab) dibada ayaa laga bixiyaa taageeradooda, iyo dhaqalahooda intaba these people are being paid by foreigners to destabilse somalia, including you, dadka mesha kujirana ha ogaadaan in atahay army chair jihadist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

up to this end, we are melting down into misinterpretation and more confusion.

fiqhul xiwaar wax ladhoho ayaa jiro. been abuuradna mabanaano. my points were clear, lakiin hadeey kula dhaafi weysay inaan army chair jihadist ahay, so be it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

My points are also clear sxb what am simply saying is that those foreign elements within al-shabaab are the real obstacle to stability in Somalia. And you know foreign ideology will never suit somali interest. I ask them to leave our country our people alone. Somalis can solve their problems by themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

abu-robow-mansur-300x208.jpg

 

 

 

al-shabaab fiiri gafuur duuba yaasha sxb they don't value human rights they don't have any regard to our people they don't diffirentiate ciyaalka, odayaasha, haweenka, culumada and the rest of the people. waxaasi madiinbaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabab badanaa wexey ku marmarsiyoodaan Amison ha baxdo , lakin sidee lagu aamini karaa hadalkooda , Amisom wexey iclaamisay in 3 bilood gudahooda wadanka isaga bexeyso hadii nabad la helo , alshabab na waxey rabaan in Amisom baxdo inta hartayna eey kala ceyriyaan taasina wax ka dhageysanaya malahan .

soomalida alshabab ku jirtana dhibka ma ahan ,hadey alshabab burburto nin walba cidiisa ayaa difaaceysa cali dheere cidiisa ayuu galayaa abuu mansuur beydhabo ayuu kasoo jeedsanaa lakin ninka ka yimid USA(alamriki) , Philipin iyo ajnabiga kale halkuu aadayaa intuusa ka baxayaa sow meesha laguma qabanayo , meeshaa weeye mesha eey xaajada ka qurunsantahay . anaguse ma qof muslim ah badbaadintiisa ayaa nooga fiican badbaadinta malaayiin muslimiin ah . yaanse hormarinaa ma boqolaal muslim ah mise malaayiin muslin jawaabta waa dhankiina.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaalka genius pauper.su'aalo aad u qiima badan baad keentay meesha runtii, laakiin sidii doodaha noocan oo kale ah lagu bartay jawaabo ama kuwo faa'iido leh lagama helo.

 

 

people have only only alligations, wax taabasho leh lama hayo. Koox necayb uun weeye, wheathe its shabaab, the TFG ama kuwo sadexaad.

 

 

Miskiin macruuf waxaad soo qortay runtii maahaa waxyaabo soomaaliya nabad u keenaya, or at least maaha qodobo muhiim ah.

 

For example, waxaad soo qortay "Waa inay iska dhaafaan shisheeyaha meelaha kale laga soo buriye"! If this is the problem, than surely the TFG and the whole Dawlad, are the biggest problem. Ayagaa ka ajaanib badan. The only difference is Shabaab(if they do) hosts muslim, and dawladda gaalo.

 

Shabaab waxaax ku haysaa some silly things runtii, like "Calanka ha dhaafeen", war calan maxaa naga galay, dadkii iyo wadankiiba way sii dhamaanayaan e. Qofka muslimka ah haduu run ka hadlo calan iyo maro meel laga taagay muhiimad malaha. Nabigu(salallahu alayhi wasalam) calan madow, cad, iyo cagaar ah buu qaadan jiray ay shahaadadu ku qornayd. Hadaynu asaga ku dayano ma dhibaataa jirta?

 

Lakiin dhib ba maleh, calankeena soomaaliyeed dhib kama jiro INsha Allah, but the thing is, is that a really big issue??? Anigu waxaan u arkaa arin aad u yar, hadii la garab dhigo waxyaalaha kalee wadanka ka qariban.

 

 

Waa inay ka cararin dhaqankeena iyo hiddaheena wanaagsan, iyagoo ka doorbiday inay walbana ku badalaan dhaqamo shisheeye that had nothing to do with diinteena suuban.

Bal tusaale naga sii, Jzk khair.

 

Caydarus, seriosly, bal dooda si quman u soo gal. INtaas sawir meesha dhigtid, and than wrote,

 

al-shabaab fiiri gafuur duuba yaasha sxb they don't value human rights they don't have any regard to our people they don't diffirentiate ciyaalka, odayaasha, haweenka, culumada and the rest of the people. waxaasi madiinbaa?

I'm I suppose to see all that from the picture?

 

 

@Nabad daydaye

 

Walaal nabad dadaye, in AMISON ay dhahdo "3month haday nabad dhacdo waanu bixi" marka horeba sidee ugu ogalaanay anagoo musliin ah? Ma sidii caruurta xanaanada la geeyo bay na xukumaan?

 

Qof kastoo soomaali ah, oo shacab ah inuu gaal wadankiisa 1daqiiqo sii joogo, ma ogala.

Mida labaad, inay 3bilood ku baxayaan yaa inoo sheegay? MIyeynu rumaysan hadalkooda? Akhi Gaaladaan inay soomaali ka baxaan the next few years ha ku tala galin, waa been, xumaan uun bay nala rabaan.

 

And again, 3month baanu ku bixi, anigu shakhsiyan waanba ka xanaaqi lahaa hadalkaas, haduu peace dhaco, iyo haduusan dhicin soomaali baa u gaar ah taladooda.

 

Mida sadexaad, maxaad leedahay ninka Ameerica ka yimid, dartiis bay soomaaliya u fadhiisan la'dahay? And becouse shabaab are hosting him, the whole nation is in great danger? Akhi taasii xoogaa waa ka badbadis, Al-Amriiki quwad intaas le'eg maba laha, waa askari uun, ama general haduu ugu bato.'

 

 

Last but not least, genius pauper, sxb hadaad dood dadka qaar la gashid, wax badan doodu ma soconayso, isla markaba "Shabaab baad tahay" baa lagugu shaabadayn. Waana dood xumadda dadka qaar. Qofkastaaa xalka soomaaliya meeshuu ku jira uun buu ka doodaa.

Like the opinion of some people counts more than the rest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaal miskiin anoo kuu ixtiraamaya fikirkaada lakin waxaan filayaa in dhabta saas ka duwan tahay ,Amisom waa gaalo kuuma diidani , dan nooma wadana waa macquul laakin waxaa dhab ah iney kaa celineyso inaad disho walaalkaa dowlada ku jira , mida kale in gaalo wadanka soo gasho maxaa keenay ma dowladaa iska rabto mise lafaheeda ayeey ku badbaadinee . example hadii walaalkaa uu rabo inuu ku dilo dhiigaadana baneysanayo xalkalana aadan heynin inuu kula hadlana uu rabin miyaadan qof ku taageerto raadsaneynin , ninkii shalay idili rabay hada iska *** qofka ku ilaalinayo sideen ku aaminaa waa aan ku dilee garabkaada baneey .

taas fikir makula tahay . in soomaaliya la badbaadiyo hadaad rabto maad wada hadalka aqbashid yaakuu diidan inaad la hadsho walaalkaa ( lakin waan ka xumahay walaaltinimaba alshabab ma ogola murtad ayeyba ku shabadeeyeen) , sidee loola dhaqmayaa dadkaas .

Share this post


Link to post
Share on other sites

rasuulkeena muxamed (Pbuh) wuxuu heshiis la galay yuhuud ,marka arinta taagan waxaa la rabaa in lagu xaliyo sida ku haboon , hadii Amisom oo joogto TFG lala hadlo ma danbibaa ii sheeg .

calanka waa shicaar tusayo qofka aad tahay , alshabab waxa eey calanka u qaateen ma rasuulka ku dayashaa un ,rasuulka kan sucuudigaba noociisa wuu qaatay laakin waa cadeyn iney ka tirsan yihin al-qaeda oo dunida gaalada iyo muslimkaba kasoo horjeedan , anaga basicgii baan la'nahay ,miyaanan noolaan karin anagoo Alqaeda taageerin ,in la taageerana ma waajib baa . hadad qalbigaada ka taageereyso adey kuu taalaa lakin in faraha laga qaado hadii wadan ku badbaadayo maxey u diidayaan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabad_dadaye, akhi Masha Allah, sida ixtiraamka leh aad u soo jawaabtid runtii waa si ku dayasho mudan. Allahna khayr ha kaa siiyo.

 

Hadaan u soo noqdo jawaabtaada wax yar baan ka odhan lahaa:

 

Amisom waa gaalo kuuma diidani , dan nooma wadana waa macquul laakin waxaa dhab ah iney kaa celineyso inaad disho walaalkaa dowlada ku jira ,

Sax walaal, Amisom inay gaalo tahay Alxamdulillah iskuma haysano. Laakiin walaal anigu ma aaminsani, inay AMISOM u joogto wadanka si ay u difaacdo Baarlamaanka, iyo Shariif.

 

Walaal taariikhda hadaynu wax yar dib ugu noqono, shalay markii maxaakiimtu jirtay Shariif amiirka ummadda buu ahaa, wadankoo dhana(ama ugu yaraan Muqdisho) wixii nabad ka jiray waa la ogaa. Shariif dadkuu shalay la safanaa, oo uu Jihaadka la waday, haduu maanta booskii Cabdullahi yuusuf fadhiistay miyeynan ahayn isku meel.

 

Tusaale: Shalay markii Maxaakiimta la taageerayey, oo Cabdullahi yuusuf la habaarayey, maxaa loo odhan waayey "Cabdullahi yuusuf wuxuu xabashida u keenay si uu isu difaaco, Maxaakiimtaa dilaysa" iwm?

 

Lama odhan, waayo markaa dadka waxaa u cadayd in aynan Itoobiyaanku dano soomaali ama dano baarlamaan meesha u joogin. Dano gaar ah bay u joogeen.

 

Laakiin maanta isla gaalkii shalay joogay markii gaal kale lagu badalay, wadanka qaarkiisna ay Itoobiyaan soo galaan, oo yara duqeeyaan, doodu waxay maraysaa "mayee waxay u joogaan kaliya Shabaab baa dadka laynaya hadii kale"!

 

Mida labaad, marka ugu horaysuu Shariif maxaakiimta daba maray, soo khiyaano uu ka galay ummadda muslimiinta ah maynan ahayn? Hadii aynu dhahno Maxaakiimtu dawlad bay ahaayeen, maxaa asaga kaliya ka saxay, oo dadkii safka kula jiray ee uu qaar soo tababaray maanta ka dhigay "khawaarij"?

 

 

Shabaab qalado badan inay galaan, run ahaantii waa arin suurta gal ah, waan arin u baahan maantoo dhan in laga waaniyo, lagana hadlo. Sh. Shible oo ka mid ah culimadda soomaalida baa la waydiiyey maalin uu darsi akhrinayey yaa daran "Dawladda mise Shabaab", markaasuu ku jawaabay "Horta waa la kala daran yahay, anigu shakhsiyan waxaan aaminsanahay Xukuumaddu inay kafarah tahay, qof qof uma gaalaysiin, laakiin xukuumada si caam ah"! Wuxuuna ku dhisay gaalo soo kaxaysi iwm. Sidoo kale Sh. Umal, Sh. Abyad fakarkiisu waa sidaas, anaana shakhsiyan arintan u waydiiyey.

 

 

Ayadoo arintu sidaas tahay, markay culimaddu ka hadlaan "Qaladadka Shabaab" dadka qaar baa u maleeyaa in ay ka wadaan "dawladdu/TFGwaa dawlad fiican"! Akhi arintaan culimadda soomaalidee waawayn qof aaminsan kuma jiro. Kuli in ay dawladuu big time qaldantahay bay aaminsanyihiin.

 

Tusaale: Sh. Abyad baad darsi maalin ku sheegay, waxay culimaddu markasta "shabaabka uga hadlaan", asaguna sheekhu wuu ka hadlaa. Wuxuu ku jawaabay "waxaa looga hadlaa, ayaga wali rajaanu ka qabnaa, laakiin wax rajaba laga qabin oo gaalo dabada ku wata, wakhti laguma isticmaalo"! Kuwaan dambe dawladuu uga jeeday.

 

Markaa akhil karim, anigu shakhsiyan kolay intaan culimadda soomaalida waraystay Shabaabka fakarka ay ka qabaan, iyo fakarka ay dadku u maleeyaan isku mid maaha. Shabaabku inay qaldamaan taas iskuma diidanin, laakiin in TFG laga dhigo awliyo is difaacaya taas waa fahan qalad ah xagayga akhil karim.

 

taariikhduna way na tusi doontaa, Shariif iyo Baarlamaankiisu meeshay ku dambeeyaan, iyo umadda soomaaliyeed meeshay u hagaan. Hadeer intii la arkay wax horu mar ah ma wadaan, maalinba wadan shisheeye ah in lagu shiro uun baa ka soo hadhay, Mahiga iyo Melez sidii xajka oo kale lagu dawaafo.

Waxaas run ahaantii Cizi iyo Sharaf maaha.

Farmaajo oo aan anigu shakhsiyan taageeriin, walaahay waxaa ka muuqatid inuu yahay qof wadani ah at least, oo dadkiisa u danaynaya, and what happens? Waaba la saaray.

 

Waana saas, qof akhyaar ah, ama wadani ah meel laga rabo maaha. Calooshood u shaqaystayaal uun baa clubka loo ogalyahay.

 

 

AMISOM inay wadankeena joogaan, oo sidii caruur oo kale noo dhahaan "nadaamka wadanka baanu habayn" baab qalad kiisa ugu wayn ah.

Anigu intaan shacabka soomaalida arkay, AMISOM iyo gaalo kale shay kama rabaan. Inyarna kama rabaan, wadankooda inay ka baxaan bay rabaan, Shabaabkuna sidoo kale.

 

Haday AMISOM baxdo, gaaladuna wadanka ka faaruqdoo, talada soomaalida ku soo noqoto dadka wadanka iska lahee muslimiinta ah. Walaahay waan hubaa Shabaab maynan ka soo horjeesan lahayn. Maalin kasta idaacadaha labo shay bay ku soo celceliyaan "AMISOM inay baxdo, iyo in dadka gaalada keenay ay yihiin Gaalo!! Mas'alada labaad ee ah, gaalnimada taasi waa sidaas garan kartid mas'alo diin ah, oo u baahan niqaash.

 

 

Mida ugu dambaysa, arinta ku saabsan "dhiig banaysi"! HAdii cadaalad aynu u hadalno, Shabaabku maxay baarlamaanka kaga soo horjeedaan? Ma inay baarlamaakna ku jiraan baa? Ma inay Qabiil gaar ah yihiin baa? Ma inay Lacag ka rabaan baa?

Hadii aynu si cadaalad ah u hadalno oo Shabaab ku xukuno waxay afkooda ka dhahaan, sababtu waa "In ay dawladdu gaalo wadanka keentay"! Intaynan gaalada wadanka keenina qof ay dhiigiisa banaysteen muusan jirin. May Shariif dhiigiisa banaystaan markuu Maxaakiimta la ahaa, haday shariif shakhsiyan iska rabaan?

 

Markaa haidi la rabo in Shabaab laga raayo, cudurdaarka meesha yaala ha laga qaado, that is "Gaalada wadanka ha laga saaro", hogaanka wadankana ha loo dhiibo dad u qalma cilmiyan, siday diintu na fartayna qof aynu doorano, Shareecadana wadanka ha lagu maamulo.

INtaas hadii la qabto, waana in diintu na farayso, danta soomaaliduna ku jirta, markaa qofkii intaas ka hor imaada, si wada jir ah baa "yur" lagu odhan lahaa.

 

Laakiin intay wuxu siday hada yihiin isku qasan yihiin oo dawladuna leedahay "Shabaab baanu u taag la'nahay"

Shabaabkuna leeyihiin "Gaalada wadanka ha laga saaro,", ma sugayo xal joogta ah.

 

Arinta Al qaida, iyo wixii la mid ah, anigu qof muslim ah baan ahay, Al qaida waxaan ku arkaa uun CNN iyo BBC kuwaasna war kama qaato, been abuurkooda waawayn baan ogahay. Haday qaateen Calan uu nabigu qaadan jira, anigu niyadooda waxa ku jira ma ogi, laakiin waxaan ogahay uun inuu yahay Calankii nabiga(salallahu alayhi wasalam)

 

Qaacidaduna waxay ahayd: "Nahnu nahkum bithowaahir, walLaahu yahkum bis-saraa'ir"

 

Marka thaahirka uun baan xukumi, intuu war cad aan ka helayana "stand by" baan ku jiri Insha Allah.

 

Cafwan waan kugu dheereeyey qoraalka e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mida labaad, marka ugu horaysuu Shariif maxaakiimta daba maray, soo khiyaano uu ka galay ummadda muslimiinta ah maynan ahayn? Hadii aynu dhahno Maxaakiimtu dawlad bay ahaayeen, maxaa asaga kaliya ka saxay, oo dadkii safka kula jiray ee uu qaar soo tababaray maanta ka dhigay "khawaarij"?

sheekh sharif bixitaankii uu ku aaday asmara fikirkeyga ilama qaldano maxaa yeelay wexey keentay in uu bixitaanka xabashada uu fududeeyay , dagaalba ha jiree lakin waqti dheer ayey qadan lahayd hadaan dhahno dagaal ayaan ku saareynaa waa taad ogeydeen in kaaraha xabashida uu magaalada wareegayay wax istaajiyana la waayay. mida kale mujaahidiintii shalay ma aqaano waxa loogu koobayo alshabab , sh shariif iyo intii ugu waaweyneyd maxaakimta wexey ku jiraan dowlada 250 pm ee sharif uu ku soo daray wexey ahaayeen dadkii taageersanaa ee lacag ama af ku dagaali jiray.

mas'alada culimada aniga ma maqal shibile ama umal oo dowladan sharif gaaleysiinaya , waxa eey dhahaan waa inuusan meesha jihaad ka jirin ,axkaamta diintana eeysan cid walba sidey rabto utadhbiiqin karin iyo in arintu fitna tahay maadaama labada dhinacba eey musllimiin yihiin .

farqiga u dhaxeeya ethiopia iyo Amisom waa in kuwan danbe eeysan kusoo galin wadanka qaab dagaal iyo aargudsi sidii xabashida ,wexey u yimaadeen amni sugid goobo kooban oo wadanka ka tirsan lakin xabashida wexey dagaal joogta ah ku heysay shacab ka oo marwalba eey wadooyinka ku laaynjirtay (waxaan ka wadaa inta aanan hubeysneyn ) .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haday AMISOM baxdo, gaaladuna wadanka ka faaruqdoo, talada soomaalida ku soo noqoto dadka wadanka iska lahee muslimiinta ah. Walaahay waan hubaa Shabaab maynan ka soo horjeesan lahayn. Maalin kasta idaacadaha labo shay bay ku soo celceliyaan "AMISOM inay baxdo, iyo in dadka gaalada keenay ay yihiin Gaalo!

walaal jawaabteeda horaan kuu siiyay kor ayaan kusoo xusay , shacabka wexey rabaan hadii labaxayo in shabab iyo amisom dhamaan eey faraha ka qaadaan .

Alshababna ma ahan urur soomaliyeed oo xuriyada wadanka u dagaalamaya waa urur caalami ah oo rabo fikirkiisa inuu meel maro xitaa hadey shacabkoo dhan kasoo horjeestaan sidaan ayeey u dagaalamayaan , mathalan maghribal carabi shacabka aljeeriya wey kasoo horjeedaan Alqaeda iyo fikirkeeda lakin dhag jalaq uma siiyaan oo qaraxyada ayey wadaan kumana xirno in ajnabi uu kuu joogo iyo in kale ,alshabab waxey rabaan iney dagaalamaan ilaa eey ayaga usoo haraan meesha , ahlu sunna gaalnimey ku xukmeen , TFG iyo wexey isku fikir yihiina gaalnimey ku xukmeen inta kalana yaan war laga dhageysan bey dheheen .

hadaba sidee loola tacaamulaa dadkan .

culimada muslimiinta dunidana fikirkan inu qaldan yahay ayeey isku raaceen xitaa kuwa soomaaliya waad aragtay ineey sh shibile iyo umal marwalba aflagaadeyaan , hey'atu culamaa ul muslimiin eey ka diideen naseexada wax walbooy suubiyaana uwexey u arkaan tawaabitka diinta iney tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

rasuulkeena muxamed (Pbuh) wuxuu heshiis la galay yuhuud ,marka arinta taagan waxaa la rabaa in lagu xaliyo sida ku haboon , hadii Amisom oo joogto TFG lala hadlo ma danbibaa ii sheeg .

walaal iiga jawaab su'aashan .

caqliyan keebaa fudud ooy dadka u arkaan xalka ugu dhaw ma in lawada hadlo oo la heshiiyo kadibna meesha laga saaro ,mise in dagaalka sii socdo ilaa Amisom xoog looga saaro ? waxaan filayaa mida fudud iney cadda hay hadii umadan muslimka loo daneeynayo .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this