Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG Prime minister Faarmaajo not resigning

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo beeniyay in uu is casilayo

 

 

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Somaaliya ayaa sheegay in uusaan casilayo wax kama jiraana ku tilmaamay in wararka sheegaya in uu xilkiisa ka dagayo.

 

 

 

Kadib markii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG C/kariin Xasan Jaamac uu shaaciyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu aqbalay in uu is casilo kadib kulamo Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda uu kula qaatay Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga iyo Madaxweynaha dalka Uganda ayaa war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaraha waxaa lagu beeniyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu iska casilayo xilka Ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya.

 

 

 

Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo Shabelle la hadlay isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in been abuur iyo waxkama jiraan ay yihiin in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu go’aansaday in uu iska casilo xilka Ra’iisul wasaarenimo.

 

 

 

“Anigoo ku hadlaya Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaan cadaynayaa in Ra’iisul wasaaraha uusan go’aansan in uu is casilo, Xilka Ra’iisul wasaaraha waxa magacaabay Madaxweynaha, barlamankana wuu ansixiyay, waxaana xilka ka qaadi kara barlamanka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaruhuna isma casilin shaqada Xafiiskuna way socotaa” sidaasi waxaa yiri Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

 

 

 

Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaraha Xukuumadda waxaa uu sheegay in beesha Caalamka aan go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya islamarkaana go’aanku ay leeyihiin barlamanka KMG ah oo matalaya shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

“ Hadii Ra’iisul wasaaraha shaqada uu wadayo iyo hadii uu ka tagayo waxaa go’aanka iska leh shacabka Soomaaliyeed iyo barlamanka oo shacabkiisa matala, go’aanka malahan Madaxweynaha Uganda, Mahiga malaha, Madaxweynaha gaar u malahan, gudoomiyahana barlamankana malahan” sidaasi waxa yiir Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD.

 

 

 

Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa uu wax laga xumaado oo mid lagu fududay ku tilmaamay hadal warbaahinta uu kasii daayay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda kaasi oo sheegay in Ra’iisul wasaraha uu aqbalay in xilka uu iska casilo kadib wada hadalo uu la qaatay Madaxweynaha dowladdda Soomaaliya.

 

 

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu aqbalay in uu is casilo kadib markii Madaxweynaha uu soo jeediyay in uu tanaasulo oo uu is casilo si loo xaliyo khilaafka Madaxda dowladda.

 

 

 

 

 

Warkaani kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo lagu beeniyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu xilka iska casilayo ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda ay sheegeen in xilka uu ka dagayo Ra’iisul wasaare Farmaajo kadib kulan Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda ay ku yeesheen Madaxda dowladda oo ay wehliyaan Madaxweynaha Uganda iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana arintaani ay cirka isku sii shareeraysaa khilaafka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya taasi oo iminka maraysa meeshii ugu xumeyd .

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

they signed a deal on his face. he will go. amisom will not gaurd anyone who rejects musaveni orders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

wrote:
Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo beeniyay in uu is casilayo

Hadii ay been tahay. Wasiirka Warfaafinta xaguu ka keenay warkan? Maxaase ku kalifay in uu ku dhawaaqo war aan dowlada ka soo bixin?

 

Xaaji Xunjuf;727407 wrote:
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu aqbalay in uu is casilo kadib markii Madaxweynaha uu soo jeediyay in uu tanaasulo oo uu is casilo si loo xaliyo khilaafka Madaxda dowladda.

Armuu Wasiirka Warfaafintu saxsanyahay oo ay arintu u socotaa sidii Sharmarke ku dhacday oo kale. Ilayn Sharmarkeba markii la yidhi wuu is casilayaa, waa kii yidhi waxba kama jiraan arintaas oo anigu is casili maayo. Kama danbeyntiina waa kii is casilay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Mooge;727411 wrote:
they signed a deal on his face. he will go. amisom will not gaurd anyone who rejects musaveni orders.

No, they can sign the deal all they want but the Prime Minister has the power to implement it and he knows the only way he can be forced out is a no confidence vote in parliament. While GaroweOnline was writing he has resigned, I wrote this yesterday while the deliberations were taking place;

 

Gabbal;727146 wrote:
Farmaajo has concluded his meeting with Sheikh Sharif and has told him three things:

 

1. He is not resigning.

2. He is not turning over a single post in the cabinet to Sharif Hassan, let alone 9 out of 18 as Speaker requested.

3. He will use his premier powers enshrined in the charter as head of government to go ahead with elections than agree to a single demand of the Speaker's.

 

I would also add, that Galgala's "saacadaha soo socdo xilka laga qaado" is a testament to the ignorance of the writers there. The prime minister can only be dismissed by the president in the event he loses a confidence vote in Parliament. The Prime Minister has entrenched powers given to him by the TFG Charter and if Sheikh Sharif does not come back from being blackmailed by the Speaker, I have been told by close associates of his that Farmaajo will go ahead with using those powers, much as Nuur Cadde did against Abdullahi Yusuf, to force an election and have all three be removed from power.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Degel   

Farmaajo is standing up for the sovereignty of Somalia. Mahiga and Musaveni can't force Somali leaders to go!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Only the parliament can get rid of Farmaajo (Sharciyan) the accord signed in uganda is unlawful if the Parliament rejects it it but then again a snake is the parliament speaker. Faarmaajo was the best thing happened to Somalia in two decades he was honest with a group of technocrats he really wanted to make the TFG an independent entity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamelia   

It won't be long before some people start slagging farmaajo off. It's good to see Somalis united like this, but for how long.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this