Sign in to follow this  
Maaddeey

Breaking news: Sh. Shariif Vs Shariif Xasan

Recommended Posts

Maaddeey   

Deg Deg: Warar horu dhac ah oo laga helayo Heshiiska Labada Shariif ay ku gaareen Magaalada Kampala

 

War naga soo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa sheegaya in heshiis horu dhac ah laga gaaray khilaafka labada Shariif iyadoo lagu heshiiyey awood qeybsi xukuumad cusub ah.

 

Warar ay shabakada Jowhar.com xafiiskeeda magaalada Nairobi ka heshay xubno wargal ah oo ka tirsan wafdiyada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in Labada mas’uul lagu qanciyey in labadaba loogu daro sanad kadibna Dowlad cusub iyo Baarlamaan cusub la soo dhiso.

 

Madaxweynaha Ugnada iyo Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo u kala dabqaadayey labada mas’uul maalmihi u dambeeyey ayaa ugu dambeyn ku qanciyey labadooduba iney tanaasulaan laakin Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu keenay dhowr shuruud oo ay ka mid tahay in la soo dhiso xukuumad wadaag ah oo isaga la siiyo 5-wasiir.

 

Warka ayaa intaa raacinay in Madaxweynaha uu aqbalay go’aankaas inakstoo ay wali socdaan la tashiyo hoose iyo kulamo ayna ka socdaan guriga Madaxweyne Museveni.

 

Shariif Xasan ayaa ku tilmaamay xukuumada Farmaajo mid hal dhinac ah oo aysan aheyn mid isu dheelitirin xaga wax qeybsiga isbaheysiyada dalka ka jira ee dhinaca siyaasada , waxaana uu ku eedeyey in markii madaxweynaha iyo isaga is qabteen uu si toos ah Ra'iisul wasaaraha ula jirsaday madaxweynaha isaga iyo golihiisa wasiirada.

 

R/wasaare Farmaajo ayaa maanta shir jaraa'id ku sheegay in gudoomiyaha barlamaanka uu doonayo awood qeybsi in la galiyo xukuumadiisa taas oo muujineysa in gorgortan lagu galayo golihiisa wasiirada.

 

Caawa ayaa lagu filayaa in kulanka kala baxa lagu soo afjaro khilaafla Labada Shariif, isla markaana lagu shaaciyo waxyaabihii lagu heshiiyay, kadib kulamadii lagu jactaday ee Kampala ka socday tan iyo jimcihii markii uu dhamaaday shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga

 

Wixi soo kordhaa nala soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Waxaa si deg-dega loogu yeeray Farmaajo!, waxa dhex-dhexaadinaya Moseveni & Mahiga. Shariif Xasan wuxuu soo istaagay in Dawladda xubno muhim ah laga siiyo, waana taa sababta farmaajo loogu yeeray....'Intaas waa warka kampala ka soo yeeray'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

0434 baan edit gareeye adigana 0435 baad wax isoo qortey marka maxaad ka hadleysey?

 

anyway Shekh Sherif iyo Farmaajo ayaa la qaata waaba hadiiba ay TFG noqoto laakin Elaayga cafish warlord iyo wasakh buu dabada ku wataa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Jiiroow Bakaal;726878 wrote:
0434 baan edit gareeye adigana 0435 baad wax isoo qortey marka maxaad ka hadleysey?

 

anyway Shekh Sherif iyo Farmaajo ayaa la qaata waaba hadiiba ay TFG noqoto laakin
Elaayga
cafish warlord iyo wasakh buu dabada ku wataa

thats what I'm talking about!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

@Che: I'm good bro. How are you?

 

Maaddeey: Musuri sana Mzee, A anta bikhayr yaa shaykhanaa? :D (what happened to that green grin emoticon?)

 

I'm liking the new layout, although they changed my username without telling me. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this