Sign in to follow this  
ANWAR

Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere

Recommended Posts

Jacpher   

The Zack;726156 wrote:
Do these guys capture one roadblock every other week and make it a headline? It sounds like they are crawling from Somalia to the Makka lol. Tan iyo intuu Farmaajo yimid.. they were on "the move" and yet Al-shabaab controls great deal of Mogadishu and majority of the south.

:D :D

 

Another four more inches. So big deal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska AMISOM oo war saxaafadeed buuxa ka soo saaray dagaalada, sheegeyna in Boondheere xaqiijiyeen

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa looga hadlay dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, iyagoo ku xaqiijiyay in si buuxda ula wareegeen degmada Boondheere.

 

Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in degmo muhiim aheyd ay kula wareegeen, kaidb howl gal si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii shalay weerar ku qaadeen Xarakada Al-Shabaab.

 

AMISOM ayaa sheegtay in labo maalmood ka hor ay xaqiijiyeen degmada Hodan, oo Ciidamada Brundi ay ka wadaan dagaalka, kadib markii ay ka nadiifiyeen Kooxaha ka soo horjeeda dhanka koofureed ee Wadada Wadnaha.

 

Sidoo kale degmada Boondheere oo ilaa 1-KM u jirtay Xarunta Madaxtooyada ayay ku sheegeen in guud ahaan ka saareen Shabaab, gaar ahaan howl galkaas oo ay ka qeyb galeen Ciidamada ka socda Uganda.

 

"Kooxaha Xagjiriinta, waxaa hada ka saarnay degmada iyo dhismayaal muhiim ahaa, sida Wasaaradii Arrimaha Gudaha Safaaradii Talyaaniga, Safaaradii Suuriya, Xaruntii Idaacada Somaliweyn, Isgoyska Maana-Booliyo"ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AMISOM.

 

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Meydka nin looga shakiyay inuu ahaa dagaalyahan ajnabi u dhashay Pakistan ayaa la sheegay inuu yaalo agagaarka degmada Shibis oo deris la ah Boondheere, halkaasoo la tilmaamay inay u sii carareen Shabaab iyo waqooyiga Jidka Wadnaha.

 

Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in Xag-jiriinta ay hada maamulaan oo kaliya degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dayniile, balse degmooyinka Shibis iyo C/casiis ay isku heystaan.

 

Taliyaha Howl gelinta Ciidamada Uganda Colonel Paul Lokech ayaa sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ay sii wadaan howl galada maalin walba si ay u xaqiijiyaan ammaanka

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Remember gobolka banaadir is the heart of SOMALIA

SOMALIA HANOOLAATO

SOMALIA HANOOLAATO

SOMALIA HANOOLAATO

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ The TFG controlls: Boondheere,Shingaani,xamar jabjab,Waaberi, Dharkeynley,Wadajir,H/wadaag, almost degmadda hodan oo dhan (except Blacksea & Baar Ubax) and Xamarweyne. Shared districts: Wardhiigleey,c/casiis,Shibis and Dayniile. Shabaab controlls: Kaaraan,Huriwaa,Yaaqshiid

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaca Muqdisho, Mogadishu, Mogadiscio, waligay dhagtaas uun baan ka maqlaa, iyo xaafadaha ay ka kooban tahay.

Haddii Somalia ay ka dhalato dawlad, dawlad awood leh, oo amnigeeda la isku hallayn karo, waxaan jeclaan lahaa, inaan mar uun, soo arko Xamar. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this