Sign in to follow this  
ANWAR

Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere

Recommended Posts

ANWAR   

aroortii ayaa ciidanka XDS oo ay taageerayaan ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afirca waxa ay howlgal qorsheysnaa ku qaadaan aagaga ballaaraan oo ku yaal dhegmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

 

Howlgalka oo saacado kooban socday ayaa ciidamada waxa u suurta gashay in ay si fudud ula wareegaan fariisimo ay kooxda shabaab ku sugneyd.

 

Goobahaas waxaa ka mid ah xarunta degmada Boondheere Taliska booliiska degmada iyo dugsiga Mujamac Umul Quraa, halkaas oo ay ka kala ceyriyeen kooxihii ku sugnaa.

 

Ciidamadu waxa ay billaabeen in ay goobo hor ku sii sikadaan oo ay gaaraan isgooysada Afarta jirdiino, Maanabooliyo iyo xaafado kala duwan.

 

Si howlagalaas aan wax badan uga ogaano ayaa koox Wariyayaal ah oo ka socda heyadaha warbaahinta dalka waxa ay kormeer ku tageen goobihii la qabsaday

 

Waxa aan meel aan sidaas uga fogeyn isgooyska Afarta Jirdiino aan ku aragnay ciidan diifaac uga jiray halkaas oo ay ku soo bandhigeen qalab Mileteri oo ay ka qabsadeen kooxda Shabaab , waxaana saxaafadda la hadlay General Gacma dulle oo ka mid ah saraakiisha dagaalka hoggaaminaysay.

 

Muuqaalka goobaha lagala wareegay kooxda maleeshiyada Shabaab ayaa ahaa goobo dagaalku si aad ah u burburiyay, waxana bur bur baaxad leh uu soo gaaray dhismayaasha dadka shacabku lahaayeen.

 

Dad weyne aad u badan oo muddo ka maqnaa guryahooda ayaa billaabay in ay guryahooda dib ugu soo labataan si ay dhirta uga guraan.

 

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka gobolka Banaadir , gudoomiyaha degmada Boondheere iyo gudoomiyaha degmada Wardhiigleey oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta degmada Boondheere oo godad aad u waaweyn kooxdu ka qodday ayaa ka waramay guulaha la gaaray

 

Mid ka mid ah kooxda Shabaab oo ka mid ahaa meyaddkii ay kooxdu ka carareen ayaan ku aragnay bannaanka hore ee iskuulka Mujamac Umul Quraa.

 

Intaa kadib ayaa waxaan gaarnay xarunta Wasaaradda arimaha gudaha oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda hase ahaatee ka hor inta aanan gudaha u gelin xarunta wasaaradda naloo soo bandhigay meydadka mid ah ka mid ah ajaanibta soo duulayaasha ah.

 

Abaan duulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Kariin Yuusuf dhega badan oo saxafadda kula hadlay gudaha wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa dagaalkii maanta ku tilmaamay mid laga gaaray ujeedadii loo qaaday.

 

Khawaarijta ayaa haatan banneynaya aagagii ay difaaca kaga jireen kadib markii ay ciidamada XDS ay kaga itaal roonaadeen dagaallada.

DSC02006-466x350.jpg

DSC02000-466x350.jpg

DSC01980-466x350.jpg

DSC01984-466x350.jpg

DSC01958-466x350.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska Ciidamada Milateriga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalo saaka ay kula wareegeen fariisimo muhiim ahaa oo ku yaala deegaanada Waqooyiga Muqdisho, iyagoo ka dhawaajiyay in dagaalada ay sii soconayaan ilaa Muqdisho laga saaro Xarakada Al-Shabaab.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in Ciidamada ay saaka qaadeen howl gal ballaaran, isagoo u mahad celiyay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 

"Ilaah baa mahad is ka leh, waxaan u mahad celineynaa Ciidamada AMISOM oo kaalin ka qaatay howl galkan, waxay saaka Ciidamada xooga dalka ay la wareegeen baro ama rugo muhiim ahaa oo ay ka mid tahay Arrimaha Gudaha, Safaaradii Talyaaniga, agagaarka Johon Carlo, Maana Booliyo, Afarta Jardiino, ilaa Siinaay"ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka C/kariin Dhega-Badan.

 

Sidoo kale Dhega-Badan ayaa u mahad celiyay saraakiisha Ciidamada Dowladda ee dagaalka waqooyiga Muqdisho saaka lagu qaaday hogaamineysay, waxaana uu ka dhawaajiyay in dagaalada ay sii socon doonaan.

 

Dhinaca kale Xaafadaha degmada Boondheere ayaa waxaa ka muuqanayay raadadka ay ku reebeen dagaalada, iyo fadhiisimo dhufeysyo ahaa, oo dhulka hoostiis ay ka qodeen Al-Shabaab, iyadoo la arkayay dadweyne fara badan oo ku qul qulayay, kuwaasoo calanka Soomaaliya watay.

 

Meelo ay ka mid tahay Xarunta degmada Boondheere ayaa waxaa gaaray dadweyne fara badan waxaana dadkaas uu dareenkooda ahaa mid kacsanaa, iyagoo Ciidamada Dowladda u geynayay sahay isugu jirtay raashin fudud iyo biyo, waxaana dadkaas u badnaayeen dadweynihii ka qaxay xaafadaha degmada Boondheere oo haatan Ciidamada si buuxda u qabsadeen.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalkii saaka ka dhacay deegaanada waqooyi ayaa waxaa uu horu dhac u yahay qorshe ay Dowladda KMG ku dooneyso inay kula wareegto deegaanadaas, halkaas oo bartamihii sanadkii 2009-kii ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab, markii guluf xoogan ay ku soo qaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa saaka horumar ka sameeyay dagaalo ay ku qaadeen aagaga Waqooyi, iyagoo kula wareegay fariisimo istiraatiiji ah, halkaas oo horay ugu sugnaayeen Xarakada Alshabaab.

 

Sida ay sheegayaan wararka Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa gaaray Xaafadaha Shibis iyo Boondheere oo dagaal kulul saaka ka dhaceen, iyadoo haatan dagaalo goos goos ah ay socdaan.

 

Madaafiicda BM-ka oo laga tuurayay Dekeda Muqdisho ayaa ku dhacayay goobo fog fog, oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana dagaalka uu markan uu si rasmi ugu dhowaaday Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq Bacaad, inkastoo bilihii la soo dhaafay uu dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid yaraa.

 

Ciidamada Dowladda ayaa wali isku ballaarinaya Jidka Wadnaha, iyadoo haatan qabsaday inta u dhaxeysa Isgoyska Afarta Jardiino iyo Isgoyska Jubba, oo Hotelkii Jubba ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

 

Istiraatiijiyada dagaal ayaa ah mid u muuqata qorshe ay ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan Wadada Wadnaha, iyagoo doonaya inay isku xiraan wadadaas halbowlaha u ah qeybo badan oo degmooyinka Muqdisho ka mid ah ee Waqooyi iyo Koofur.

 

Meelaha Ciidamada joogaan ayaa waxaa ka mid ah Hotelkii Rooyal oo u dhow Isgoyska Afarta Jardiino, iyo Tabeelaha Jaceylka, waxaana wali Ciidamada aysan gudaha u gelin degmada Shibis, iyadoo halkaas wali rasaas ay kaga soo dhaceyso.

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale dhanka degmada C/casiis wali u tallaabin, waxaa kaloo Ciidamada ay hada abaabul ka wadaan halka la yiraahdo KM0 ama nawaaxiga Baar Fiat oo ay doonayaan inay uga sii gudbaan xarumo kale oo ay ka mid yihiin Xaruntii Gaadiidka Booliska, Gurigii Habar Khadiiji ilaa Hotelkii Global.

 

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan oo aagaga dagaal ee deegaanada waqooyi ku sugan ayaa sheegay in Ciidamada xooga dalka uu horumarkooda yahay mid is-daba joog ah, isla markaana ay wali wadaan qorshayaal kale.

 

Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa laga sii deynayaa heeso wadani oo guubaabo iyo dhiira gelin isugu jirta, waxaana Idaacada qudheeda ay ku jirtaa xaalad

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Do these guys capture one roadblock every other week and make it a headline? It sounds like they are crawling from Somalia to the Makka lol. Tan iyo intuu Farmaajo yimid.. they were on "the move" and yet Al-shabaab controls great deal of Mogadishu and majority of the south.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack markaad degmooyinka iyo xaafadaha Xamar baratid ayaan wada hadli doona kahor dood ba inooma furna deegaano dhan nin roadblocks ku tilmaamaya tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Dude! I don't need to be familiar with Xamar xaafad by xaafad and I have no intentions of doing so. the place is freaking one city! And how long was this TFG 2.0 in power again?

 

I didn't write this.. it is in their headlines:

 

Ciidamada Dowladda ayaa qabsaday
Isgoysyada
Siinaay,

Keyword: ISGOYSKA LOL

 

Let me know markey xamar oo dhan qabsadaan...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

Ciidamada Dowladda ayaa qabsaday Isgoysyada Siinaay, Afarta Jardiino, Maana-Booliyo ilaa Jubba

Adeer waa arki doonta maalmaha so socda shabaab is weak maanta, shacabka soomaliyeed ayaa taagersan Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

THESE ARE UGANDA/BRUNDI FORCES. EVERYONE IS REPORTING THESE ARE AFRICAN UNION FORCES. STOP USING THE TERM CIIDAMADA XOOGGA DALKA.

 

Washingtopost.com

 

African Union reports progress against militants in Somali capital, taking 2 new districts

 

MOGADISHU, Somalia — The African Union force in the Somalia capital says progress is being made against militants in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

THESE ARE UGANDA/BRUNDI FORCES. EVERYONE IS REPORTING THESE ARE AFRICAN UNION FORCES. STOP USING THE TERM CIIDAMADA XOOGGA DALKA.

 

Washingtopost.com

 

African Union reports progress against militants in Somali capital, taking 2 new districts

 

MOGADISHU, Somalia — The African Union force in the Somalia capital says progress is being made against militants in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

hiloowle, kaalintooda ma diidani, laakiin kaalintoodu waa bakayle iyo maroodi (AU = MAROODI) marka lays barbardhigo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this